SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Gudigii Farsamada oo uu horkacayo Mwangale ayaa kulamo la yeeshay mas'uuliyiinta dooxada jubba.
 
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com 

Nairobi, Kenya | Arbaca, 31 july 2002 

Wafdi Ka Kooban 12 Xubnood Oo Ka Socda 3-Da Dal Ee Safka Hore Ee Deriska La Ah Soomaliya Oo Loo Xilsaaray Qabanqaabada Shirweynaha nabadaynta Dalka Soomaliya Oo Uu Hoggaaminayo Ergayga Gaarka Ah Ee Kenya Ambassador Elijah mwangale Ayaa Shalay Booqasho Ku Tegay Magaalada Kismayo Ee Koofurta Soomaliya.

Guddoomiye Ku Xigeenka Is-Bahaysiga Dooxada Jubba Ahna Afhayeenka Dooxada Jubba Mr Cabdiraxmaan Xaaji Axmed “ “Waldiire” Oo Maanta Khadka Teleefanka kula soo xiriiray idaacada IQRA FM Ayaa Sheegay Inay Wafdigu Soo Gaarsiiyey Dhambaal Qoraal Ah Oo Uu Ka Siday Madaxweynaha Dalaka Kenya Mudane Daniel Arab Moi, Islamarkana Ay Aqbaleen Soo Jeedin La Xiriirtay Inay Ka Soo Qaybgalaan Shirka Nabadaynta Bisha September Baratamaheeda Ka Dhici Doona Dalka Kenya Oo Uu Sheegay Inay Aqbaleen.

Waldiire Waxaa kaloo Uu Xaqiijiyey In Ay Wafdigu Talo Jeedin La Xiriirta Inay Wadahadalo Kula Yeeeshaan Ururka SRRC Kulan Lagu Qabanayo Magaalada Diridhabo ee dalka Itoobiya Oo Ay Si Weyn Iyadana Uga Aqbaleen.

Warku Wuxuu Kaloo Sheegayaa In Shirkaasi Shalay Ka Qaybgaleen Guddoomiyaha Dooxada Jubba Col. Barre Aden Shire ”Hiiraale”- Yusuf Mire Seeraar, Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee Dooxada Jubba Iyo Ergooyin Ka Socda Beelaha Deegaanka Jubada hoose Qaarkood.

Dhanka Kale Waxaa Wararku Sheegayaan In Is-Bahaysiga Dooxada Jubba Ay Wafuud U Kala Dirayaan Deeganada Kala Duwan Gobolka Iyo Magalada Nairoobi, Iyagoo Iskaga Dab-Qaadaya Beealha Deegaanakaasi Oo Colaaddu U Dhaxayasay 12kii Sano Ee La Soo Dhaafay Oo Ay Donayaan Inay Qaab Midayasan Uga Qaybgalaan Kulanka Geedi Socodka

Shirkaasi Kaddib Wafdigu Waxay Ka Ambabaxeen Kismakayo 4tii Galabnimo, Iydoo Maantana Wadahadalo La Yeelanaya Masuuliyiinta Maamulka Degmada Jawhar Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

iqrafm@bidii.com

####

WARARKII HORE EE IQRA

FAAFIN: SOMALITALK.COM 


HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD