SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Jaamac Xassan Khaliif oo Isu Sharaxay madaxweynaha Soomaaliya

WQ. Maxamed Cali | somalitalk@hotmail.com  | SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA 

Jama Hassan Khalif Jama Hassan Khalif

Galabnimadii Axada ayaa kulan aad u ballaaran lagu qabtay magaalada Minneapolis, gaar ahaan Hotel Holiday inn Metrodome oo kuyaal xaafada Cedar ee Soomaalidu ugu badan yihiin, ujeedada shirkaas oo ahaa in musharax cusub oo reer Minnesota ah uu isu soo taago tartanka madaxweynaha Dal-weynaha Soomaaliya, musharaxaas oo ah Jaamac Xassan Khaliif.

Jaamac Xassan Khaliif waxa uu kulankaas kaga dhawaaqay in uu isu sharaxay madaxweynaha dal-weynaha Soomaaliya. 

Hadaba SomaliTalk oo kulanka ka qaybgalay ayaa halkan idiinku soo koobaya sidii uu shirku u dhacay.

Ugu horayn xafladii markii la furay waxaa soo dhoweyn gaaban kasoo jeediyey Maxamed Axmed Keynaan oo ah ganacsade Soomaaliyeed oo deggan Minnesota isla marahaantaana ahaa xiriiriyihii kulanka, waxana uu soo jeediyey hadal gaaban oo ah Taariikh nololeedka Jaamac Xassan Khalaif, waana kan:

  • 1963 ayuu ku dhashay baadiyaha Buuhoodle
  • 1978 ayuu quraanka ku dhameeyey magaalada Dajuuma ee gobolka Bu'aale
  • Sannad dugsiyeedkii 1979/80 ayuu dhameeyey dugsiga Dhexe
  • 1984 ayuu dhameeyey dugsigii sare ee Beeraha 
  • 1984-86 waxa uu ahaa gurmadkii lagu qoray booliiska waxana uu ka shaqaynayey dekedii Xamar
  • 1986-87 waxa uu u xerooday sarkaal xigeen booliiska 
  • 1987 waxa uu shaqo ka helay wasaaradii beeraha, taas oo ahayd takhasuskii uu kaga baxay dugsiga sare, wasaaradaas ayuuna Jaamac ka shaqaynayey ilaa uu ka dhacay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.
  • Maarso 1991 ilaa Juun 1995 Waxa uu joogey kenya
  • Juun 1995 ayuu usoo dhoofay Virginia, USA
  • Janaayo 1996 ayuu u soo guurey gobolka Minnesota, waxaana uu degaan ka samaystay magaalada Minneapolis, magaaladaan ayuuna ku guursadey sannadkii 1997, waxana uu hadda leeyahay xaas, saddex wiil iyo gabar. 
  • 1998-2000 waxa uu dhigtay  MCTC (Minneapolis Community Technical Collage) waxaana uu ka qaatay shahaadada "Associate Art" oo ah "Computer Networking"
  • 2001-2002 ayuu shahaadada Bsc ee "Information Technology -major oo ay la socoto Telecommunication management" ka qaatay ka qaatay Jaamacada la yiraahdo St. Mary's University of Minnesota.
  • 2003 waxa uu is qoray in uu diyaariyo Master oo ah Management.
  • 2000- ilaa hadda Jaamac waxa uu kamid yahay baayac mushtarka ama ganacsatada Soomaaliyeed. 

Qaar kamid ah dadweynihii kasoo qaybgalay kulanka (Sawir: SomaliTalk.com)

Markii taariikhdiisa intaas laga xusay ayaa madasha shirka markiiba lagu soo dhoweeyey musharaxa cusub ee madaxweynaha dal-weynaha Soomaaliya, mudane Jaamac Xassan Khaliif, oo durbadiiba u mahadceliyey intii soo qaban qaabisay xafladda, waxa kale oo uu bilowgii khudbadiisa u mahadceliyey mudanayaal ka mid ah madaxda Soomaaliyeed. Waxana uu yiri: Waxaan mahad ballaaran u soo jeedinayaa mudanayaal qiima weyn ku leh bushada dhexdeeda oo ay kamid yihiin C/risaaq Xaaji Xuseen, prof Axmed Ismaaciil Samatar, Shiikh C/Raxmaan Shiikh Cumar, Dr. Maxamed C/raxmaan. Waxa kale oo uu u mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed ee reer Minnesota iyo saxaafada. 

Mahadnaq ka dib waxa uu Jaamac yiri waxaan qaadayaa wado dheer oo aan rajaynayo in uu ku dhammaan doono madaxtinimada Soomaaliya. Kaddib waxa uu markiiba xusay in dhulka Soomaaliya oo ah dhul aad u quruxbadan laga soo bilaabo raas-casayr ilaa raas kambooni uu caan ku noqday meelaha ugu sahlan ee lagu gooyo nafta bini-aadamka. Carruurteenii ayaa weydey dawlad Soomaaliyeed oo damaanad qaada mustaqbalkooda nololeed, meeshii ay ka baran lahaayeen B, T, J waxay bartaan kuna takhasuseen baasuuke, barown iyo beebe-shiil oo ay adeegsanayaan gacan ku dhiiglayaal, ama dagaal ogaayaal aan lahayn mabda' sii ridan oo ay weliba ku adeeganayaan shisheeye, shisheeyahaas oo caadeystey in ay sumeeyaan khayraadkii caalamiga ahaa ee ku jirey badeheena uu Allaah subxaanuhu watacaalaa umadeena ugu deeqay kaddibna ay ka dillaaceen cuduro farabadan oo aan lagu aqoon Soomaaliya , cuduradaas oo ay ka mid yihiin cancerka iyo carruur kudhalata dhamaystir la'aan. 

Waxa kale oo uu Jaamac Xaasan Khaliif sheegay in ay Soomaaliya ka baaba'een adeegyada guud ee qofka bini aadamka ah u baahan yahay sida cuntada iyo hoyga, waxaa baaba'ay dhaqankii hufnaa ee ummada Soomaaliyeed, ee lahaa xeerkii suubanaa ee la dhawriyey. Hadda qabiil isugu faanka ayaa noqday wax caadi ah. 

Jama Hassan Khalif
Jaamac oo Khudbadiisii akhrinaya, waxaa fadhiya Galayr iyo Samatar

Jaamac Xassan Khaliif waxa uu sheegay in wadanka dibada looga saaray hantidii maguuraanka ahayd ee qaranka Soomaaliyeed. Soomaaliya waxay noqotay meel ay isugu yimaadeen kalluumaysatadii adduunku, gaar ahaan badaha Soomaaliyeed ayuu yiri. 

Kaddib waxa uu Jaamac xusay in uu tegey shirkii Soomaalida ee kafurmay Eldoret, waxaana u tegey ayuu yiri anigoo metelayey urur Soomaaliyeed oo ka dhisan Minnesota oo raadinaya qaran Soomaaliyeed, waxaan ugu tegey Eldoret ayuu yiri dad kala dhintay oo qabiil kala dhexgalay oo aad ku arkeysid qabiil qayaxan, waxaan halkaas ugu tegey dad da'doodu ka weyn tahay 60 jir iyo aqoonyahan afhayeen u ah qabiil iyo dagaal-ooge  Dadkaas oo gebi ahaan ay Soomaalidu u afduuban tahay, kuwaas oo dan gaar ah leh oo ay ka go'an tahay in aysan iyagu heshiinin, oo aan la arag qaran Soomaaliyeed oo marnaba dhasha. 

Markaan arkay in kuwa xalka laga sugayaa ay sidaas yihiin ayaan isku deyey in aan mideeyo oo la imaado fikrad ka duwan tan qabiilka iyo dagaal-oogayaasha. Waxaan sameeyey urur Soomaaliyeed. Waxaan raadiyey heshiis nabadeed oo dhexmara qabiil kasta oo Soomaaliyeed intii shirka ka joogtey. Arimahaas guulo badan ayaan ka gaarey ayuu yiri Jaamac asagoo ku daray in ay ku garab galeen in badan oo doonaya wanaaga. Waxaan talooyin farabadan siiyey xisbiyadii kala duwanaa ee shirka joogey sida madax dhaqameedkii Soomaaliyeed, dumaraka Soomaaliyeed, qabiilooyinka laftooda, bulshada caalamka. Waxaana ku guulaystey in aan aqoonsi iyo marti qaad u sameeyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo aan ku socon qabiil kuwaas oo aan haysan casumaadii laga bixinayey shirka. Waxqabadkii aanu qabanay waxaa laga ogaadey shirkii, waxaana ii caddaatay yoolkii in uu bilabmay, waxna aan qaban karo, bulshada Soomaaliyeedna wax qaban karto, laakiin ayuu yiri waa marka la helo mabaadii' inaka wada dhexeeya. 

Waxa uu hadalkiisii Jaamac Xassan Khaliif kusoo gabagabeeyey asagoo yiri "umad yahay midnimadu waa qaranimada iyo maslaxadda umadi leedahay ee carruurtiina hagelinina gumeysi ay adkaaneyso in ay ka baxaan. Waxaana jeclahay in aad ila qaybsataan dareenkaas guud, farriintaasina ay qofkasta oo Soomaali ah gasho, khaasatan haddii aan caddeeyo dad-gaar ah waa dadka da'doodu dhexdhexaadka tahay kuwaas oo aan aaminsanahay in ay yihiin dadka keliya ee qarankii Soomaaliya soo celin kara. Waxaana jeclahay in aan su'aal idinkaga tago: waa cadahay in aan qabiil isu laynay, su'aasha aan idin weydiinayaa waxay tahay qofwalow qabiilka aad ka dhalatay cidda kusiisay ee kugu khasabtay in aad qabiilkaas noqotid?


Prof. Axmed I. Samatar

Kaddib Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa madasha lagu soo dhoweeyey, waxana uu markiiba xusay in uusan shirka waxbadan kala socon oo telefoon uun loogu soo sheegay laakiin uusan la socon waxa shirkani ku saabsan yahay, waxana auu yiri waxaan isku haystaa nin shabakad kujira oo aan garanayn meel uu  ka baxsado, mowduuca laga hadlayo waxa uu u baahana yahay waqti lagu diyaariyo in la isasoo wargeliyo. mana soconeyso dan Soomaaliyeed haddii aynu ka adkaan weyney shirkan, waddan baa ladhisayaa iyo adduunyaa db loo dhisayaa waa arin been ah, wax soconeysana ma ahan ayuu yiri Profosoor Axmed I. Samatar oo kudaray Uma jeedo ninkii odagayga ahaa ee meesha ka hadlay in aan ku xumaynayo, laakiin mabda'iyan aniga sidaas ayey ila tahay, dhalanteed  weeye waxa yar ee gacanta inooku jira haddii aan laga adkaan karayn  ummad la heshiisiinayo iyo dal la dhisayo masoconeysee waqtiga hayska luminina.

Prof. Samatar waxa uu xusay in mowduuca hadda loo dhiibay oo ah "dhallinyaradu xagee ka gelikaraan siyaasadda" uu yahay mid waqti u baahan laakiin waxa uu ka hadlayaa mowduuc uu u arkay in uu kaas u dhigma ee uu soo diyaarsaday, asagoo sheegayin uu asagu yahay aqoon yahan laakiin uusan siyaasi ahayn, taas asagoo xusanayana waxa uu yiri "anigu scholar ayaan ahay ee siyaasi ma ahi". Hawsha scholarku waa in wax la soo baaro oo markaas wixii tabar loo hayo laga horgeeyo.


Qayb kamid ah dadweynaah kasoo qayb galay xafladda oo la taagan Jaamac X. Khaliif, iyo Dr. Cali Kh. Galayr

Prof. Samatar waxa uu sheegay in marka hore ay tahay in la ogaado waxa dhibaatadu tahay markaas ayaa dhallintu ka hadli karaan sidii wax loo qaban lahaa. Waxana uu xusay in dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid xallin teedu qaadanayso waqti dheer oo dheer oo jiilal ah. 

Waxa uu sheegay in ay dadkii ina dhalay ay lahaan jireen xeelad ay dhibaatada kaga hortagaan. Hadda waxaa jira dad isu urursaday koox koox sidii burcad oo kale ah oo leh dan shakhsi ah. Waxa kale oo jira dad raba in ay goboloobaan. Waxaa taas soo raacda dad raba madaxtinimo damac ah ayuu yiri Prof Samatar. Waxana uu intaas ku daray in Soomaaliya wax nidaam madaxtinimo leh waxaa Soomaaliya soo maray laba qof kuwaas oo ah Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, mana jiraan wax labadaas asluubtoodii , kartidoodii iyo awoodoodii leh oo jira ama Soomaaray, ayuu yiri asagoo ku daray waxaa ina haysata madaxtinimo la'aan, ee yaan marka la isku khaldin dadka damaca siyaasadeed hayo iyo dadka madaxda kartideeda iyo awoodeeda iyo asluubteeda leh.

Prof. Samatar waxa uu Soomaalida qurbaha jooga ku tilmaamay jaaliyad kala daadsan oo tafaraaruq ah oo samaystay ururo tiradaas ka badan. Dadka dibada jooga ayaa in badan ka liita kuwa gudaha jooga, waayo kuwaas waa ka fursado badanahay, waxana uu yiri marka la isu geeyo "waxaan haynaa caqli cayraysan". Mahayno ra'yi deggan oo bisil oo dad isu keeni kara ayuu ku daray. Waxa kale oo uu sheegay in ay jirto khasaaro taas ka weyn oo Soomaalida haysata taas oo uu yiri waxaan ka dhalanay labada xadaaradood ee maanta dunida ugu liita, kuwaas oo uu yiri waa xadaarada dadka Afrikaanka ah oo wax maanta hadal hayaa aysan jirin iyo Soomaali oo maanta dunida ugu liidata, tan labaadna waxaa weeye ayuu yiri in aan nahay dad Muslim ah oo oo mar wax ahaan jirey laakiin hadda baaba'ah, mana jiraan dad Muslim ah oo isu tegi kara oo wada hadli kara.

Waxa kale oo uu Prof. Samatar xusay in Itoobiya tahay mid fursad u heshay Soomaaliya oo ay dan u tahay kala googo'ena iyo kala jeed-jeedkeena, taas oo ay Itoobiya maanta rabo in ay Soomaaliya kadhigto KHUSHAASHA oo ay kala qaybqaybiyaan, ayuu yiri. Maxaa laga qaban karaa arintaas ayuu isweydiiyey Profosoorku, asagoo ku jawaabey taasi jaranjaro dheer ayey u baahan tahay, jaranjaraadaasi kama bilaabato kor, ee waa in aan soo degnaa oo qabanaa waxa aan qaban karo, waana in aan ogaanaa waxaan nahay iyo waxaan qaban karro. Waxaan nahay dad kala daadsan oo tafaraaruq badan, oo xasad badan oo been badan, ayuu yiri, asagoo kudaray toobad keen weeye horta tallaabada ugu horeysaa, waana in qof-kastaa toobad keenaa. Waxana uu xusay in aynaan ahayn dad leh jaaliyad, laakiin ayuu yiri aan ku dadaalo waxa afka qalaad loogu yeero Association. Asagoo taas macnaynaya waxa uu tusaale uga dhigay CAANAQUBTA oo uu yiri maalin qabow haddii ay isu soo baxaan si ay u layrsadaan marka ay isu soo dhowaadaan qodaxdooda ayaa isgaareysa oo markaas ayey kala cararayaan, marka "Association"ku waxa weeye yeynaan isu soo dhowaan yeynaana kala fogaan.  [Ha iisoo dhowaan, hana iga fogaan]. Waxana uu kusoo gabagabeyey aan ku heshiino "hana iisoo dhowaan, hana iga fogaan".


Dr. Cali Kh. Galayr

Kaddib waxaa madasha lagu soo dhoweey Dr. Cali Khaliif Galayr oo markiiba u mahadceliyey ururkii  soo qabanqaabiyey xafladda, kaas oo Jaamac Xassan Khaliif ku dhiiri geliyey in uu isu soo taago madaxweynaha Soomaaliya. Waxana uu durbadiiba yiri (Axmed) waxa uu lahaa shirka afar casha ka hor ayaan ka war helay, laakiin aniga jimcadii ayaaba la iisheegay ayuu ku adkeeyey hadalka, waxana uu ku daray asagoo yiri hadda tuhuna waa iska jiraa oo qaarbaaba u haysta ama meelahaas kaga andacoonaya in aan anigu Jaamac ku dhiiri geliyey in uu tartamo, waxana uu taas ku muujinayey in dhowaan looba sheegay shirkan. Waxana uu Jaamac ugu hambalyeeyey tallaabadan uu qaaday.

Dr. Cali Khaliif oo hadalkiisii sii wataa waxa uu yiri dadka maanta jooga ayaa mas'uuliyadda wadankeenu saaran tahay, waxan qabaa, ayuu yiri, in ay jiraan in badan-oo-badan oo Soomaali ah oo inaga saari karta dhibaatada aynu kujirno.  Qof iyo dad yar wax waa bedeli-karaan, dhibaatadana dadka waa ka saari karaa ayuu ku daray. Mar uu ka hadlayey madaxda waxa uu yiri Shakespeare ayaa wuxuu yiri dadka qaarbaa u dhasha madaxtinimada, qaarna waa u mitidaan oo waa u dhabar adaygaan oo waa noqdaan, qaarna waa ku turun-turoodan. Waxana uu markaas Cali Khaliif xusay mowduuca loo dhiibey oo ahaa shuruudaha laga rabo qofka madaxweynaha noqonaya, taas oo uu ku tilmaamay su'aal adag.


Bidix: Maxamed A. Keynaan, Jaamac X. Khaliif, Dr. Cali Kh. Galayr

Ugu horayn shuruuda madaxweynaha qofka noqonayaa waa in ay jiraan golayaal dadka u furan oo wax lagu falanqayn karo oo ra'yiga la isku weydaarsan karo ayuu yiri Dr. Galayr. Waa haddii ay jiraan maskax fiyow iyo in wax la isu sheegi karo. Meel lagu doodi karo waa in ay jiraan, waayo taasi waa inaga luntay, ayuu yiri Dr. Galayr, asagoo kudaray, Halkaas waxaa lagu baran lahaa qofkii dalka xakumi lahaa, taasina da'a shuqul kuma lahan, taasi jaamacado waaweyn iyo degree shuqul kuma lahan, Haddii aan dib u fiirino taariikhdii Soomaaliya gaar ahaan dadkii hormoodka ka ahaa halgankii dagaaladii hore ee isticmaarka lala dagaalamayey ama asxaabtii la sameeyey sida SYL (13kii leegada) iyo xisbiyadii kale, umalayn-maayo in midkoodna kasoo baxay jaamacad, una malaynmaayo in xataa dugsi sare ay kasoo baxeen.  Dadkaas waxa uu galayr ku tilmaamay kuwo is fahmey oo wax wada qorshaystay. 

Dr. Cali Khaliif Galayr waxa uu yiri bal haddii la dhaliilayo wixii hadda jirey, haddii aynu niraahno umad aan taariikh lahayn baynu nahay, markaas ma ankireyno taariikhdeena oo qura ee waxaan ankireynaa mustaqbal-keena. Waxaan qabaa in ummadeenu ay taariikh leedahay, dad fiican oo badan-oo-badan ay leedahay. Dad badan oo nadiif ah ay lahayd (Soomaaliya) oo ciidamada lahaa, oo siyaasiyiin ahaa. Hadaba bal dhallinyaradu sida uu hadda Jaamac ugu tafaxaytay ha ugu tafaxayteen oo golayaashaa iyo doodahaas ayagu haku bilaabaan, oo cidi haka kasoo baxdo. Dadkaasi markaas waxay noqon karaan dad la shirabay oo kusoo baxay golayaashaas iyo doodaas. Doodaas waa loo baahan yahay in ay ka bilaabato wadanka gudihiisa iyo dibadaiisaba.

Nasiib darro wadanka majiraan telefishano wadanka oo dhan gaara, jaraa'id ma jiraan. Waana uu baahanay golayaal.


Bidix: Shaafi, Keynaan, Jaaamac, Dr. Galayr

Dr. Galayr waxa uu yiri qofkii Soomaali ah oo isa soo taaga, oo hadda Jaamac ayaa inakala jooga, ma ahan in la isku cambaareeyo, qofka hawo siyaasadeed waa geli kartaa, madaxtinimona waa radsan karaa, laakiin waxaa ah in la weydiiyo "bal waatahaye waxbaad raadineysaa ee na qanci, oo maxaad rabtaa, sideese wax u rabtaa in aad ku gaartid". Markaas qofkii wuxuu u baahan yaha qof ay tol-siyaaso noqdaan oo ay ra'yiga isla yeeshaan,.

Dr. Cali Khaliif Galayr oo hadalkiisii sii wataa waxa uu yiri dhibaatada Soomaaliya maanta taal anigu ma qabo wax weyn oo siifog in ay u baahanatahay, waxaan qabaa in ay dhacday aamin darro la'aan farabadan, marka ay Soomaalidu isu timaado meesha ay isugu timaado marka hore la iskuma dhiirado. Waxaan markhaanti ka ahay  oo aan xusuustaa mar shir la isugu yimid (Carta) in wufuud ballaaran gobolo qaarkood ka yimid ay kuwo kale ku yiraahdeen iska-daa in aan shir la fariisanee qol ay kujiraanba ma fariisaneyno. Markii dambe waxaa dhacday kuwii ay lahaayeen qol lama geleyno in ay u codeeyeen. Afkaba aan ku dhifto ayuu yiri Galayr, waxay ahaayeen dadka reer Bay iyo bakool dadka diidey in meel Habargidir joogto aysan isasoo taagayn. Hadaba waxa ay noqotay in codkii ugu badnaa ay Habargidir siiyeen, mana aysan waalayn, lacag badana lama siin, laakiin waa ay qanciyeen, ayuu yiri. 

Dr. Galayr mar uu ka hadlayey qofka madaxweynaha noqonaya waxa uu yiri "waxaan qabaa in qofka madaxweynaha raadsanayaa horta in uu yahay qof aaminsan Soomaalnimadiisa, ruux aaminsan waxa ay ummadani ahaan jirtey, iyo waxa ay tahay iyo waxa ay noqon karto". Waa in qofkaasi ahaadaa qof wax iimaansadey. Waana in uu noqdaa qof samir leh ayuu hadalkii ku xoojiyey. Waxana ku daray in diinta Islaamka uu qofkaasi aaminsan yahay ay waxbadan ka xiri karto, halkaas marka uu ka hadlayey waxa uu yiri "Qofka Soomaaliga ah ee maanta mas'uul derejo kasta ha ahaatee doonaya waa in uu noqdo qof sabar leh oo diin qotodheer leh, isla mar-ahaantaa anigu in diinta Islaamka la siyaasadeeyo marabo, oo ayada lafteedu  noqoto xisbi is urursaday, anigu taas dood ayaan ka leeyahay, waxaanse aaminsanahay diinta Islaamka ee qofkaasi leeyahay in badan oo badan in ay qofkaasi ka xiri karto, waxay ka xiri kartaa ammaanadaasi loo dhiibey in uusan lumin, in uusan ku danaysan". Waxaan qabaa qofka Soomaaliga ah ee jagadaas rabaa in uu noqdo qof raba awood qaybsi, iyo hab dimuqraadi ah, ma ahan in aan dimoqraadiyada iska jeclahay, laakiin maanta Soomaali haddii aan awoodii la qaybin, oo aysan jirin hay'addo dastuuri ah, oo uu jiro mid wax iska xantoobsanayaa, maya taasi ma soconeyso, qof wax xantoobsada waan soo eednay, ayuu yiri. 


Dadweynaha kasoo qabalay xaflada

Marka uu halkaas marayey waxa uu Galayr xusay Aadan Cadde iyo C/risaaq X. Xuseen oo uu ladaba ammaanay oo uu sheegay weliba in uu la shaqeeyey C/risaaq X. Xuseen oo uu ku amaanay sida uu uga qayb qaatay isku darkii Soomaaliya. Waxana uu tilmaamay sida C/risaaq ugu dhiiradey midayntii Ciidamada iyo tacliinta, iyo in uu ku dhiiradey in uu maamulka xoogiisii u dhibey dadka ka yimid Woqooyiga, aqoon xagga maamulka oo ay ku fiicnaayeen awgeed ayuu yri. Waxa kale oo uu aad u ammaanay Aadan Cabdulle Cismaan oo uu ku tilmaamay nin leh xirfad gaar ah, waxana uu yiri ma ahayn nin xafiiskasta intuu waco ku yiraahda hebel ama heblaayaan kuusoo diraye baasaboorkaa u dhamee, nin qaran ayuu ahaa ayuu yiri.

Dr. Galayr waxa uu aad ugu adkeeyey in qofka mas'uulka noqonayaa uu yahay mid sharciga ama dastuurku qabanayo oo aan ka sarayn. Waxana uu aad ugu adkeeyey in qofka mas'uulka ah uu noqdo qof dulqaad badan, waayo ayuu yiri mas'uulka weeye kan loogu hor cambaaraynayo. Waxana uu xusay in ay haboon tahay in ay xadidan tahay waqtiga uu qofku madaxtinaimad ahaynayo.

Waxa uu Dr. Galayr xusay sheeko uu yiri dhawr meelood ayaan ka sheegay, waxan auu yiri: in islaan ayeeyaday ah ayaa weydey shaahii laga keeni jirey cadan kaddib markii ay isku dagaaleen Ingiriis iyo talyaani, markaas ayey islaantii weydiisey war heedhe maxaa ku dhacay shaahii, markaas ayaa la yiri Cadan ayaa laga keeni jirey oo dagaal ayaa ka socda, markaas ayey tiri war heedhe nimanku miyeysan odayaal lahayn iyagana heshiisiiya anaguna aan shaahanagii helee.

Gabagabadii, Dr. Galayr waxa uu yiri Jaamac waxa uu musharax rasmi ah ku noqon karaa marka uu taageero ka haysto meesha uu deggan yahay, ee meelkasta oo dhallinyaro Soomaaliyeed joogto Allaah ayaa internetka inoo sahleya hala gaarsiiyo. Waxana uu Dr. Cali Khaliif Galayr hadalkiisa kusoo gabagabeeyey: aan soo dhooweyno jiilka Cusub ee  uu maanta inooga yimid Jaamac (Jaamac Xassan Khaliif).


Cismaan D. Faarax

Kaddib madasha lagu soo dhoweeyey abwaan Cismaan Daahir Faarax, oo halkaas ka soo jeediyey gabay dulucdiisu ahayd qofka madaxda Soomaaliya noqondoona.

Kabbacdi waxaa markale madaxshii lagu soo dhoweeyey Jaamac Xassan Khaliif, markaas ayeyna ahayd makii ugu horeysey ee uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu isu soo sharaxay madaxweynaha Dal-weynaha Soomaaliya. 

Kabacdi su'aalo ayaa goobta laga soo jeediyey, la weydiiyey marti sharafta ka hadlay golaha. Halkaas ayaa shirkii kusoo gabagaboobey.

Bahda SomaliTalk.com oo kulan gaaban la yeeshay Jama Hassan Khalif markii uu shirku dhammaaday ka bacdi, ayaa weydiiyey in Soomaalidu ay musharaxa toos ula soo xiriirikaraan, wuxuuna durbadiiba noosheegay emailka tooska loogala xiriiri karo, halkaas oo wixii talo, tusaalayn iyo taageero ahba loogu hagaajin-karo, waana kan emailka tooska ah ee musharaxa: jamakhalif@hotmail.com


Hotelka lagu qabtay Xafladda

Waxaa qoraalka isku soo dubaridey
Maxamed Cali   
somalitalk@hotmail.com
  
SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA

Faafin: SomaliTalk | May 26, 2003 

XUQUUQ: Qofkasta iyo wargeyskasta ama website-kasta oo sii faafinaya qoraalkan fadlan ha xuso xuquuqda qoraalka in uu kasoo xigtay www.SomaliTalk.com markaas waa lasii faafin karaa, haddii la raaco shardigaas xuquuqda.

LIFAAQ: 1

Jaamac Xassan Khaliif waxaa email toos loogu diri karaa cinwaanka: jamakhalif@hotmail.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD