SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA - DADWEYNAHA

BBC-DA, SOMALITALK IYO WARAQADII CATOOSH

Siciid Cali Axmed | saidahmed@usa.net
Ottawa,Canada | July 12, 2002

Idaacada BBC-du ha cadayso mawqifkeeda ku aadan maqaalka Catoosh

Waxa aan ahay dadka Soomaaliyeed ee sida joogtada ah u akhriyay boggoga Somalitalk. Saaka markii aan furay bogga Somalitalk ayaa waxa aan ka akhriyay waraqad uu u soo diray boggan wariye ka mida wariyayaasha idaacada BBC da uga soo warama geeska Afrika.
"cidina garaadka ma haysanine, siguud iyo hadafka guumaysigaa laga hadlaayay" Xagar.Yare  
Markii hore waxa aan is idhi malaa qofka waxan soo qoray ma’aha suxufiga Soomaaliyeed ee idaacada BBC da uga soo warama Nayrobi. Waxaan se xaqiiqsaday in uu yahay isaga markii aan arkay ciwaanka e-mailkiisa oo ah ka idaacada BBC da. Inkasta oonan markii hore doonayn in aan ka qayb galo dooda mawduucan, hadana arimo muhiima oo aad moodo in ay tahay in la xuso ayaan jeclaaday in aan ku soo daro dooda mawcan

1. Ilaa iminka iima cadda wariyuhu cidda uu matalayo. Ma shakhsigiisuu matalayaa mise waxa uu matalayaa idaacada BBC da. Tani waa muhiim in la ogaado waayo haduu matalayo shakhsigiisa waa shakhsi waana in jawaaabidu ay noqotaa mid shakhsi. Hadii ay tahay aragtida uu soo qoray mid matalaysa laanta af soomaaliga ee idaacada BBC dana waxa ay cadaynaysaa mustawaha suxufiyiinta Soomaaliyeed ee isugu yimid meeshaa. Si aanay ceebtu u wada raacin suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya halkaa waa in aragtidayda madaxda laantaasi ay cadeeyaan fikrada Mr. Catoosh in ay tahay fikrada idaacada iyo in ay tahay mid u khaas ah. 

2. Qofka wariyaha ahi waa in uu noqdaa qof ka koreeya caadifada. Hadalaka ku qoran waraqada suxufugani ma ahayn mid ka koraysa caadifada . Waraqada ka xanaajisay Catoosh iyo asxaabtiisa kaleba waxa ay ahayd in si degan oo akhyaarnimo ah uu uga niqaashaan aragtiyaha ku qornaa waraqadaa. Waxa laga yaabi lahaa hadii uu ka niqashi lahaa aragtiyaha in canaanta badan ee ugu soo baxday boggan ay ka yaraan lahayd. 

3. Idaacada BBC da iyo doorka ay ka ciyaarayso burburinta iyo dhismaha ummada Soomaaliyeed aragtidu waa ay ku kala tagi kartaa. Argatida qofi hadii ay khilaafto aragtida madaxada iyo shaqaalaha BBC da ma aha taasi in loo dagaalamayo mansab iyo madaxnimo. 

"Hadii aad hadasho oo hadalkaagu uu qof cajabin waayo waxa aad moodaa hubka uu kugula dagaalamayaa in uu noqdo in uu qabiil ayaad u xanaaqsantahay kugu tuhmo." Siciid.Cali

4. Waxaan ka xumahay in qofka Soomaaliga ahi uu wax kasta maanta ku eego aragti qabiil. Hadii aad hadasho oo hadalkaagu uu qof cajabin waayo waxa aad moodaa hubka uu kugula dagaalamayaa in uu noqdo in uu qabiil ayaad u xanaaqsantahay kugu tuhmo. Qofka caadiga ah ee Soomaaliga ah maxaan la yaabaa hadii kuwoodii wararka u soo tabinayay iyo kuwoodii waxgardka ahaa ay sidaas yihiin. 

5. Waxaan aaminsanahay in idaacada BBC da dad akhyaar ah oo umadooda daacada u ah iyo qaar daacadnimadooda calaamad dulsaarantahayba ay ka shaqeeyaan. Waxaan odhan lahaa marka la naqdinayo BBC da malaa waa in arintan aan la ilaawin. Somalitalkna marka uu maqaal qoro Editorka Boggu khaasatan maqaalo ay aragtidu ku kala tagi karto waxa ay ila tahay in ay cadahay marka uu aragtidiisa matalayo iyo marka uu matalayo aragtida mamulka bogga. 

Gabagabadii waxa aan odhan lahaa maqaalka Catoosh waxa uu ahaa mid meel kaga dhacay sharaftiisa markaa ha la noqdo. Idaacada BBC duna ha cadayso mawqifkeeda ku aadan maqaalkan.

 

Siciid Cali Axmed

saidahmed@usa.net 

Ottawa,Canada

  

 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 
 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD