SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA - DADWEYNAHA
Jawaab kale: Tifaftiraha Laanta af Soomaalige ee BBC-dda & Kooxdiisa

Faysal Axmed Xasan
Qore iyo suxufi

hassan_faisal@hotmail.com 

July 12, 2002 

Waxaan ahay akhriye maalin walba akhriya Somalitalk.com. Dhab ahaantii, waa bogga ugu sareeya bogga Soomaalida ee shabakadda (Internet-ka). Qof walba rayigiisa ayeey soo dhaweeyaan. Taasina waa mid ay ku muteesteen kalsoonidda Soomaali badan oo aan anigu ka mid ahay. Waxaan leeyahay halkaas ka wada shaqadaas aad ka u saraysa.

Tan kale, waxaan akhriyey maqaal Somalitalk.com ay ka qortay Tifaftiraha Laanta af Soomaaliga ee BBC-dda, Yuusuf Garaad Cumar mar uu la hadlayey saxaafadda booqashaddiisii uu ku tagay Mpls, MN. Waxa uu ahaa maqaalkaas mid aad u sareeya, oo run ahaan aan wax badan ka bartay. Maqaal aad u wacan!


“hadal wuxuu amaan yahay inta aanad oran” GABAY  Faysal siciid

Tifaftiraha Laanta af Soomaaliga ee BBC-dda in muddo ahba waxaa ku socday dacwaddo ay ku wadeen shaqaalahiisa. Dacwadahana waxaa u sabab ahaa isaga oo shaqooyinkii ka soo baxay Laanta af Soomaaliga ee BBC-dda uu siiyey dhallinyaro aqalkiisa ku nooleed iyo kuwo ay isku qabiil yihiin. Taasina waxay u keentay Laanta af Soomaaliga sumcadxumo hor leh iyo iyadda oo noqotay xarun musuqmaasuq.

Yuusuf Garaad Cumar xor ayuu u yahay fikirkiisa iyo aragtidiisa. Laakiin, intii uu joogay Laanta af Soomalaiga waxay noqotay meel kooxeed ama qabiilo gaar ah. Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah sida ay Laanta af Soomaaliga meelo gaar ahna uga soo warranto iyaga oo isticmaalaysa been abuur, been iyo taageero gaar ah oo ay u hayaan koox gaar ahaaneed. Tusaale, sida ay u taageereen kooxda “isku magacoowday Soomaalilaand” iyo sida ay been abuurka xooga leh ay ugu sameeyaan. Sidoo kale, sida uu xiriirka gaar ah ula leeyahay kooxdda Carta iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan. Taasina waxay keentay in uu ilaawo qawaaniintii saxaafadda madax banaan, khaasatan tii BBC World Service.

Waxyaabaha lala yaabo waxaa ka mid ah isaga oo siyaasad hor leh la yimid si uu mar kale u kala qaybiyo Soomaalidda dhibaatadda wayni ku soo habsatay. Waxa uu taageeray in nin xamar jooga uu war uga soo lalliyo Laanta af Soomaaliga ee BBC-dda isaga oo ka warramaya magaaladda Baydhabo si uu ninkaasi been abuur aan sal iyo raadtoona lahayn ka sameeyo deegaankaas. Sidoo kale, wuxuu wariye kale dhigay magaaladda Hargaysa si uu u taageero siyaasadda kooxdda “Isku magacoowday Soomaaliland”. Ninkan waxa uu warar uusan war u hayn ka sheegaa dhul uusan war u hayn oo ay ka mid yihiin Sool, Sanaag iyo Hawd oo uu mar walba uu ku taageero beentaas aan sal iyo raadtooona (baartoonna) lahayn. Dhab ahaantii, Yuusuf Garaad Cumar iyo asxaabtiisu waxay moodeen in ay been dawlad ku dhisi karaan. Waxaa filayaa inuu qancay, maxaa yeelay, wakhtigii Soomaalidu wararka meel keliya ay ka helayeen waa dhamaaday.

Intii aan saxaafadda xorta ah ka shaqaynayey waxaan soo jeediyey xalal faro badan oo looga bixi karo dhibka uu Yuusuf Garaad Cumar uu ku hayo Soomaalidda dulmman. Laanta af Soomaaliga ee BBC-dda inta uu tafaftiraha Laanta af Soomalaiga ee BBC-dda iyo kooxdiisu ay joogaan dadkaasi waa dulmanaanayaan. Laakiin, waxaa aaminsanahay in la soo gaaray in la abuuro Idaacaddo la tartamma Laanta af Soomaaliga ee BBC-dda.

Intii dhibka BBC-dda la arkay guushii Soomali ay gaartay

Indheergarradka Soomaaliyeed ee ka gilgishay shaqooyinka foosha xun ee ay Laanta af Soomaaligu ay ku kacday 12-kii sanno ee la soo dhaafay. Waxaa dibadda iyo gudaha ka bilaamay Idaacaddo la tartamma oo run ahaantii ka wanaagsan Laanta af Soomaaliga ee BBC-dda. Idaacadahaas waxaa ka mid ah Radio Dalmar, Radio Sagal, Radio Scerdo International, Codka Beesha Soomaalida, iyo kuwo kale oo fara badan, kana war dheer Laanta af Soomaaliga ee BBC-dda. Wadanka gudihiisana waxaa ka abuurmay Idaacado hor leh oo barnaamijyadoodda iyagu soo saarta, kuwaasna waxaa ka mid ah Idaacadda Codka Baydhabo, Radio Banaadir, Radio Gaalkacyo, Radio Boosaaso, Radio Laascaanood iyo kuwo kale oo faro badan. Laakiin, shaqo faro badan ayaa haray oo loo baahan yahay in la qabto.

Yuusuf Garaad Cumar iyo kooxdiisunna waa ay wadayaan lugooyadda iyo burburrinta shicibka Soomaaliyeed. Waxaanse qabaa in laga guulaysan doono, maxaa yeelay, dadkii Soomaaliyeed waa ay baraarugeen, waxayna u soo jeesteen wax qabad.

Warqadda Cabdirisaaq Catoosh

Waa nasiib darro in Cabdirisaaq Catoos uu caayo wariyaha Somalitalk.com. Sidoo kalena waa wax laga walwallo aqoonta dadka u shaqeeya Laanta af Soomaaliga ee BBC-dda, taasina la yaab ma leh, maxaa yeelay, horay ayuu Yuusuf Garaad Cumar shaqo ugu diiday dadkii aqoonta u lahaa saxaafadda, af Soomaaliga iyo af Ingiriiska. Taasina waa tan maanta soo shaacbaxday. Kooxba mar ma fashillantay!

Faysal Axmed Xasan

Qore iyo suxufi

hassan_faisal@hotmail.com 

July 12, 2002

###

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

 

 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
smallpox Cali Macow Macalin waa qofkii ugu dambeeyey ee dunida laga helo oo qabay cudurka Furuqa, waxana uu ahaa nin Soomaali ah oo deganaa magaalada Marka ee dalka Soomaaliya. GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD