SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA - DADWEYNAHA
Qorax waliba subaxeede

Xagar Yare
xagar91@hotmail.com
Germany

Saakana waxuu waaga xagayga kabaryay itusay inaan dhankale u Foofiyo is hadal hayntii sadex geesoodka ahayd ee ka dhex aloosnnayd.

  • A)suxufiyiinta warbaahinta SOMALITALK.
  • B)suxufiyiinta shirkadda wararka ingiriiska.
  • C)akhristayaasha iyo dhagaystaayasha labada dhinac.

Soogalitaankaygii hore waxaa ii gacan haadisay araggtidii shirkadda wararka Qaybteeda afrikada bari Ay isku dayaysay inay ka bixiso aragti shabakadda somalitalk oo aan is tusay inay cabiraad khalddan ahayd, aanan isku qanciyay GARI ALLAY TAQAANNE KII  GURACANOOW JOOG DHEH.

ISU EEG:

GARAAD kastaa diiradiiradiisu sibay wax u shiishtaaye waxaa uun aan liqi waayay aragtidaan isbarbaryaalla.

CATOOSH:BBC- isagoo lahadlaaya editarka somalitalka.

(marka hore waxaan layaabay bogga aad ka tahay editor,ma bog lagu caytamaa?!!!!”

Waxaan isha laraacay qoraalkii laga diyaariyay kulankii garaadka ee minneapolis, minnesota, anigoo hadal qadaf ah ka dhex xulaaya,tan cayda loo qaatay waxaan ka gayn waayay.

EDITORKA SOMALITALK.!!!YUUSUF GARAADOO AAN IN MUDDO AHBA KA MAQLAYAY CODKIISA IDAACADDA CODKA GUUMAYSIGA SILLOON EE LOOGU YEERO BBC SOOMAALIGA.AYUU AHAA RUUXII MADASHADHABAR ISKA TAABASHADA LOO CAQIDAY!!!).

Halkaa hadii ay cay garaad cadde ku wajahan ka muuqato waa la iga ildheeryahay.

Siyaasad guud ee reer galbeedkase waa la weerari karaa, catoosh iyo inkalebanina damiin ka noqonkaraan!!.

Hadayse isuqaateen damiinna waa wallaalo is hafrray.

BBC-CATOOSH((waxaa wax lala yaabo ah in adigoo sheeganaaya suxufinimo hadana aad u is ticmaasho dadkii 12kii Sano baadiyaha naga soo gallay fikirkii iyo qaabkii ay ku dhaqmayeen.

XAGAR:NIMANBBAA INTAY HUNGURI BAXSHAAN HEESI DABATTAALLE OO KU HILBA QAYBSADA WAXAY HOR ALLE GAYSTEENE HADDAY GOBANIMO HODANTOHOO HIBO LAGUU SIIYAY HOH MAXAAD UTIRI WIILMARTI AH HILIB INTAAD SIISAY:iska jiroo.taasi miyaanad u arkin ku digasho umadeed,12 ka sano ka hor ee lasheegina waa qaraxii dagaalkii halaajiye ahaa,dadkuna waxay kasoo galleen magaalo madaxdii bilicda iyo haybaddu ku dheehnnayd dooni jirtaynna xoraynata lahaystayaasha iyo walaalaynta 5tii walaalaha jinku kala qoqobay.

Ee goorrmmaa ciyaal beesaanigii xamar cadde waa reer badaw cay looga dhigay?

LABADANSE WIIL yuusf garaad iyo shariif 12 kan sano xamarbay kasoowada bexeenoo haddaysanbba wada socon Laba gaari oo is daba joogay masiibada ka soo fuuleen.maxayse midnna badawnimadiisu aduun u indho tirtay,midnna dayax gacmeedka MARS dirawalintiisu maskaxdayada u quudisaa???.

Sikastaba hallaysugu duur xulee baahi daruuriya nooma hayso waqtigan dhagaysiga BBC:oo majoognno xiligii ay baarqabka ama aarka libaax ee cadkiisu bannaanka u yaal ka ahayd soomaaliya oo ay saxaafadda somaligu ku ekayd waraabinta askartii xamar iyo kacaankii ammaantu u kalida hayd ee nalahaa uun IFKA NOOJOOG EREY IIMALABEEYO WARIYE EESALAANTOOD IGU GAADHIYO SEERTA HAYGA ILLOOBIN:!!! Ee maanta waa kalaguurkii oo BBC:ayaa halkii gashay oo aan ka badan //GOD SAVE THE QUEEN //. Iyo saxaafad madax bannan oo aad kaga haqab beelaysid.xag dhaqaale, dhaqan. diin. siyaasad iyo bulshaba, sahllaysana iska war haynta ummaddan tusbaxa go,ay noqotay ee daafaha aduunka habaqleheedu baahay.

Waa tan somalitalk iyo kuwo lamida.

WAR TOLLOW COLKA JOOJA:

Eeggana ka rog oo laba saaroo waxaa ii gacan togaaleeyaay saaxiibkeen catoosh,oo leh.

WAR ARIGA SHABEELKA KA GAARA:wuxuuna ii muujiyay garcadaadi gaddiisii jab hadduu gaysto gogosha uu muttaysto garteeda imaan marrinna dawga ay yeelato.kadib markii uu E-MAIL igula soo xiriiray iina xaqiijiyay in tolka jin iyo cirfiid saan u garaacay.ee uu bakhtiga la cunay ka bari yahay.oo uuqoralkan aafeedkamadax bannaanaa.

EE BAHWAYNTA SAXAAFADDAAY//.GARANNAY OO KA GU,WAYNINEE GAAGABI SHEEKADA

YAAN JACAYLKU GUURINEE; OO GARANNAY OO KA GU,WAYNINEE GUYAAL IYO GUYAAL JOOG JOOG JACALKUNA HA GAAMURO:

Wariye xagar yare (ex radio muqdisho, radi halgan/kulmis/radi hargaysa). haatanna kusugan GERMANY

dhammaan suxufiyiinta oo aan kulli warkooda akhristayoow ISMA DHAAFNNO:

QORAARLKII HORE EE XAGAL YARE - GUJI  

Xagar Yare | xagar91@hotmail.com

July 13, 2002

###

FURUQA OO HADAL HAYNTIISU DUNIDA KUSOO LAABATAY 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD