SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA - DADWEYNAHA
Catoosh waaka xumaatay Anna waan ka xumahay

Waxaan akhriyay jawaabtii weriye Catoosh oo aan layaabay habkay u qorayd erayo iyo xikmadba.Waxaan ka xumahay sida ay saaxiibkeen Catoosh uga xumaatay.

Waxaan ku raacsanahay ninka yiri BBC-du ha caddayso mawqifkeeda ku wajahan qoraalka Catoosh. Waxaanse doonayaa inaan halkan ka caddeeyo in Soomaalidda maantu aanay ahayn tii 45 sano ka hor markaas oo la,aasaasay Laanta Afsoomaaliga. Waxaan filayaa in BBC-da laf ahaanteedu ay sidaas u fahansantahay taas oo, aan u malaynayo inay, keentay war saxaafaddeedka lala beegsaday Soomaalidda Qurbaha oo ay BBC-du wadnaha farta kaga hayso in suuqxumo wayni dhankooda ka hayso. 

Hoos udhaca xiisaha BBC-da loo hayaa waa mid dalka gudihiisa laga dareemi karo taas oo, aan umalaynayo inay, keentay barnaamijka mawjadda FM ka ee dhawaantan la bilaabay.

Haddii aad arki jirtay dad badan oo ku xoonsan makhaayadaha galabtii oo aad moodo inay Xajarul-aswadka Maka barakaysanayaan waxaad iminka dareemi kartaa in la helay baddiil faro badan oo maqal, akhris iyo muuqaalba leh. Waxaabad mooddaa in iminka Kanaalka Al-Jazeera uu #1 yahay. 

Isku soo wadda duuboo BBC dhagaysigeedu wuxuu xiiso lahaa markii Soomaalidda la burburinayay, SOOMAALIDDIINA WAA BURBURTAY.

Haddaan usoo laabto dhaliisha loosoo jeedinayo BBC-du maaha mid hadda bilaabantahay waxaase marag-madoonto ah in sanaddihii u danbeeyay si weyn oo aan horay loo arag loo dhaliilsanaa iyaddoo lagu xamanayo miisaan la,aan dhinacyo badanleh.

Way jiraan dad ujeeddo qaloocan leh oo haddii wararka maalintaasi raali galin waayaan afkoodda furta waxay doonaana ku hadla laakiin waxaan maqli jiray (Carab shuuf ku waashay waxbuu qoonsaday) taasoo aan uga jeeddo haddii BBC-du ay "maskaxda Soomaalidda quudin jirtay" maxaa isbaddalay oo "Quudiyihii" iyo " La-quudiyihii" soo kala dhexgalay??

Waxaan marlabaad codsanayaa in BBC-du ay caddayso mawqifkeeda ku wajahan qoraalka Catoosh.

WQ. ibnu  | ibnunets@netscape.net 

July 15, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cusurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD