SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

 Ololaha Ka Soo Qaybgalka Codaynta

Lix billood kahor ayaa ra'yigani si fudud ku bilaabmay- in la eego sida ay noqondoonto in la abaabbulo bulshada siday uga qaybgeli lahaayd codaynta. Shirkii ugu horeeyey waxaa isugu ka soo qaybgalay 12 qof. 8 weli waa ololynayaan. Wax barasha xoogleh aya ka soo baxday sid a tira koobkii iyo dib u habayntii degaanka iyo xaafadaha. Waraysi lala yeeshay imigrayshanka aya war bixin ku cadeeyey inta tiradda Somaalida ee dhalashadii qadatay 1995 ilaa 2001.  

Dhawr billood dabadeed xiisiha wuu soo batay warkiina waa baahay. Xafiiska loo yaqaan VOICE ee bulshada xiisa gelineysey aya xidhiidhinyey wax qabashadatan. Hada waxa u heegarT arintan 30 masuulinah, ku waas oo iskala qaybiyey kooxo siday shaqada u gutaan. Koox waxay isu xilsaartay in ay shacabweynaha ay dhiirigeliyaan sidii ay isu diiwaangelinlahayeen codaynta. Kooxina waxay qabanayeen wacyi gelin sida ay muhiim u tahay in la codeeyo. Qolakalana waxay ka shaqeynayeen saxaafada sidii loo abaarilaha radyowyada iyo telifisiyoonada. Ugudanbayn Kooxina waxay xooga saareen lakulanka mushrixiinta u cararaya Sineytka Maraykanka ee Minnesota . Waxa so baxay isbedelweyn oo aykeentay goo'aan bedelay ololihii. Goo"aankasi wuxuu noqday in doorashada dabadeed in shirar lala yeeshu musharaxa soo bax oo la xusuusiyo balanqadkiisii, halkaana ayka billabanto xiriir joogtah.  

Ololihii xawli ayeey ku dhaqaaqeen. In ka badan 45 masuliinah oo bulshada qaybeheeda ka kala timi hawsha soo galay taas oo kuu cadaynasa in iskuduubni ay timi aana lookala hadhin. Masuuliyiintasu indheergaratadahi waxay fiirinayeen fursada codaynta Noofember dabadeed. Mashruuca Tababarka Abaabulka ayaa la soo casuumay si ay tababar u siiyaan masuuliyiinta awooda, dhibaatyinka iyo qadyadaha jira. Waxaa labaray Masuuliyiinta cilmi baadhis ku salaysan arimaha bulshada khuseeya iyo xalka ku haboon. Waraysigii ba la kordiyey lala yeelenayey telifisyoonka iyo radiyowgaba. Waxaa melkasta lagu dhejiyey taswwiraha musuuliyiinta ololaha wada iyo qoraalo cadaynaya qiimaha  codaynta.  

Waxaa xiisalaha dadka albabada lagu gaaracay ee ladiiwaan geliyey. Taas oo kentay in dadka labaro haday qaataan dhalashada in ay daruuritahay codayn. Waddada waxay iyaguna balan qaadeen inay qayb libaax ka qadanayaan ololaynta iyo wacyi gelinta si loo codeeyo, wayna ku guulaysteen. Afar billod kabacdi aya aqbalaad laga helay Senatorka Paul Wellstone iyo Musharaxa Norman Colman inay qaabilaan bulshada ugu danbayn. Halkaas oo ay maalinta ay qabsadeen ay noqotay Oktoobar 19 keeda.  

Haatan iyo maantana. Abaabulkii diiwaan gelinta waxay dhalisay in boqolaal qof oo cusubi ay is diiwaan geliyeen. Masaajidada Somaalidu maamusho waxay noqdeen xaruun wacyegelineed. Isku duubni baa loo bahanyahay si ay Bulshada Somaaliyeed ay ugu muuqata dad awood iyo muruq siyaasadeed leh. Halkaa waxaa inoo cad in aynu wax ka bedeli karo aya'heena iyo falka uu udhacayo codaynta iyo qofka ku soo baxaya codayntaa. Kuwa kadanbeeyana iyganu sidoo kala wax weyn baynu ka bedeli karaynaa. Taas wa ta keentay markii ugu hurasey lab nin oo u loolamay kursiga guriga Senatka ay u soo kala dheeryaan Bulshada Soomaaliyeed.  

Haseyeeshee shaqaddaa laxaadkale waa biyo col dhaanshey haddaan la codayn Noofember 5da. Waa arin horle oo qabasho horle iyo aragti horle. Waa dabar xiraya siyaasiyiinta qowlkooda am weedhooda. Waa qorsho cusub 00 nolshaada iyo qoyskaagaba waxka bedelysa waana mid aad Xaq u leedahay.  

 Kulaabo Bogga warbixinta -GUJI.HALKAN

_________________
SCANNED: Oct 20, 2002

AFEEF: Qoraalkan waxaan kusamaynay "SCAN" waraaqihii asalka ahaa, sidaas darteed waxaa dhicikarta in qaybo higaadaha uu "SCAN-ku" fahmi waayo sidaas darteedna uu u bedelo kelmed kale.

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD