SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
MINNESOTA: Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso, Soomaaliya

Wq. Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Minneapolis, Minnesota | Jan 12, 2003

Qaybta 2aad:

 Kuxiriirsan  Qaybta 1aad 

Daawasho cajlad Jaamacadda Boosaaso

 
dhagaxdhig Dhagaxii u horeeyey ee la dhigay Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso, Soomaaliya
Biririf labaatan daqiiqo ahayd oo sambuusi iyo sabaayad iyo cabitaan yari ku dhexjireen kaddib, waxaa la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee shirka, waxaana lagu bilaabay daawasho cajlad laga soo duubay jaamacada Boosaaso [sawirada dhanka midig ee boggan ku taxana waxaan ka sawiraycajladaas], waxaa cajladaasi ku bilaabatay tusmo muujineysa dhagaxii u horeeye ee jaamacadda la dhigay oo ah kan sawirkiisu dhanka midig ee boggan ka muuqdo. Meesha dhagaxaas ladhigay waxay ahayd meel bannaan..... taas oo ku tusineysa in waxbarashadii Sare ee Soomaaliya laga soo bilaabay aasaaska hoose ayna tahay in halkaas kor looga sii wado. Dhagax dhigaasi wuxuu ahaa 23kii October 2000. waxaana markaas jaamacadda lagu bilaabay laba kulliyadood oo kala ahaa kulliyadda sharciga iyo kulliyada ganacsiga. ilaa hadda labadaas kulliyadood si habsami ah ayey u shaqeeyaan sida ku cad cajladda oo laduubay xilligaas ilaa laga soo gaarayey bishii shanaad ee 2002 oo markaas ay cajladdu muujisay qolka kaydka buugaagta ama maktabadda oo ay yaalaan buugaag gaaraya in kabadan 4000 oo kitaab [eeg buugaagtii ayjaamacadu u baahnay 2001]. 

Yuusuf Cabdicasiis oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay furitaankii Jaamacadda ee cajladda ku duuban waxa uu yiri "mashruucani waa kii ugu qiimaha badnaa, mujtamaca ayeyna u taal hirgelintiisu", waxa kale oo cajladda ku xusan in jiilka cusub ay yeeshaan ujeedo mid ah oo aan cid lagu xaglin, dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Rag badan oo ka hadlay cajladda waxyaabihii ugu badnaa ee ay xuseen wuxuu ahaa "Kalluunka" iyo ganacsiga, taas oo ay weliba in badan ku adkeeyeen in "KALLUUNKA" horumarintiisa xoogga la saaro..... Aad ayey dadkii madasha hal mar sacab iyo qosol ka wareegeen markii ay arkeen sida reer Boosaaso ama aan iraahdee intii markaas cajladda ka hadleysey ay maanka ugu hayaan kalluunka oo ah kheyraadka dabiiciga ah ee aan kaadooneyn cawska iyo in loo dhaamiyo, gu, dayr, xagaa iyo jiilaanla aad soo gurankartid, sidii loo hormarin lahaana ay tahay arin qayb weyn ka qaadan karta koboco dhaqaalada dalka. Kalluunkaas ku celcelintiisa ka dib, waxaa hadlay Injineer Axmed cismaan Barre oo ka waramay dhulka ay haysato jaamacaddu in uu dhanyahay 3800 MSQ, waa dhismaha'e, baaxada guudna waxaa lagu qiyaasay 49 hectar oo laba jibaaran, waxaana la sheegay in dhulkaas boqolkiiba shan iyo toban (15%) oo keliya ay dhisan yihiin. Waxay Jaamacada 5km koonfur kaga taal magaalada dekedda ah ee Boosaaso [eeg warbixintii Maxamed-Deeq Cabulqaadir, Bosaso, Abriil 2001] . 

October 2000 ayaa waxaa bilaabmay sannad dugsiyeedkeedii ugu horeeyey, markaas oo fasalada ardayda loogu sii dhigi jirey machadka ama iskoolka iimaamu shaafici ee magaalada Boosaaso, waxaase fasalada jaamacada oo weli markaas dhisme ku socdey lagu bilaabay in ay ardaydu wax ku bartaan sannad dugsiyeedkii kaas xigey oo bilaabmay Sebteembar 1, 2001 [Eeg warbixintii SomaliTalk.com ee 2001]. 

Waxaa cajladdu muujisay in ay dhisan yihiin 16 qol oo waaweyn, laakiinse 4 keliya wax lagu barto. Sida filimka ka muuqata Jaamaccada ma yaalaan computerro ardaydu wax ku bartaan. Kuraas fiican oo sida cajladdu sheegtay dibadda laga keenay ayaa fasaladda yaal. Aqoon isweydaarsi cilmiyeed iyo tababar oo jaamacadu ku qabatay magaalada Garoowe ee xarunta u ah dawlad goboleedka Puntland, iyo waftiyo kala duwan oo jaamacadda soo booqday ayaa si waadax ahug amuuqatey cajladda, waxaana siweyn loo muujiyey wafti ka socdey jaamaccada Camuud ee Boorame. Waxaa cajladdu in badan xustay Jaamacadda Latrobe University oo ku taal dalka Australia (Melbourne) oo ay sheegtay in xiriir is faham ah uu ka dhexeeyo ayna ka heleen mucaawino buugaag, in badan ayeyna cajladdu taas xusta. [warar xog-ogaal ah oo soo gaarey SomaliTalk ayaa tibaaxay in dabayaaqda bishan Janaayo ay Jaamacada Boosaaso imanayaan wafti kasocda Jaamacadda Latrobe ee Australia.]

Ugu dambayntii cajladdu waxay dadweynihii u soo bandhigtay sida loogu baahanyahay taageradooda, dhismihii Jaamacadda waakaas qabyada ah ee ka qayb qaata dhamays tirkeeda hadal uu dulucdiisu ahaa ayaa
bosaso Ardaygaan dhidid ayuu iska hoobinayey asagoo u fadhiya Imtixanka Jaamacada Bariga Afrika, Boosaaso
lagu soo khatimay, waxaana markii dambe lasheegay in ay cajladaasi aad u dheerayd oo lasoo gaabiyey, ayadoo dhamaystina la heli karo ama la iibsan karo. Talloyin waan idiinka baahanay, taageero dhinac kastana waa idiinka sugeynaa ayaa lagu soo xiray filimkii.

Waxaas oo dhan waxaa ka xiiso iyo qiiro badnaa markii cajladdu ka sheekaysay ardayda waxkabarta oo aad arkeysid kuwo maktabada Jaamacadda buugaag ku akhrisanaya, iyo kuwo fasal kujira iyo kuwo imtixaan u fadhiya, taas waa Imtixaanka'e ayaa weliba ahayd tii ugu qiirada badnayd kaddib markii la arkay wiil dhidid iska hoobinaya, ileyn xiligaas waxay ahayd bilihii June/July oo ah bilaha ay magaalada Boosaaso ugu kulaylka badan tahay, taas oo lagu qiyaaso in marmar uu heerkulku gaaro 40oC iyo kabadan oo uu dheeryahay hawada oo xirmeysa, waa haddii aysan soo dhicin dabaysha Maansuunka loo yaqaan, reer Bariguna u yaqaanaan FOORE ama FOORAHA. Xilligaas oo dhulkan Woqooyiga Ameerika lagayaabo in ay tahay bilaha ugu hawada fiican, ama aad heleysid qaboojiye, kaas oo aan ka muuqan cajladda ardayda Imtixaanka ku gelayey qolka aadka u kulaylka badnaa.... waxaase muuqata in kulaylkaas ay kaga cararayaan Jahliga oo ka xanuun badan kulayl kasta. Waxayna u qalmaan in si buuxda loo gacan qabto inta ay ka gaarayaan hamigooda... Waxay tani isoo xusuusineysaa daar ku taal Kismaayo, meel u dhow wadada gasha dekedda weyn oo ay wajiga hore kaga qornaanjitey "DADAALAA WAA GAARAA" waagaasna waxaa la iisheegay in sartaas uu dhisay hal nin oo lahaan jirey gaari-dameer, oo uu maalinba dhagax ku darijirey ilaa ay ka noqotay kuwa ugu quruxda badan Kismaayo.... Aad ayey kuu qiira gelineysaa markaad aragtid qof dadaalaya.....

Xog-Warran  Xaaladda Jaamacadda Bariga Afrika

cabdiweliKaddib waxaa cod-tebiyaha lagu soo dhoweeyey C/Weli C/raxmaan Geyre oo ah Hormuudka kulliyadda ganacisga ee Jaamacadda Baiga Afrika, C/Weli waxa uu shahaadada Bachelor-ka ganacsiga (labo bachelor) ka qaatay Jaamacadda Bariga Michigan (Eastern Michigan University), isla jaamacadaas ayuu ka qaatay shahaadada Master-ka.  labaatan (20) sano kaddib markii uu ku noolaa USA ayuu Janaayo 2002 dib ugu laabtay dalkii, gaar ahaan Bosaso. C/Weli waxa uu sheegay in ay muddo dheer oo u baahnayd samir ay ku qaadatay in uu dhamaystirto wax barashadiisa, muddo ka dib ayaan go'aanaday in aan Soomaaliya ku laabto ayuu yiri. C/Weli waxa uu sheegay in Prof. C/Raxmaan uu yahay madaxweynaah Jaamacadda, kuxigeenkuna uu yahay Pro. Axmed. Waxayna jaamacaddu hadda leedahay 14 macallin ayuu yiri. [ Eeg qayb kamida magacayada macalimin ee 2001/2002].

Waxaa dhismaha Jaamacadda kow ka ahaa oo hirgeliyey waa Hay'adda AL-MANHAL oo ku xirirsan dalka Kuwait ayuu yiri, kharashaka socodsiinta Jaamacadana waa lacagta adeega ah ee ay bixiyaan ardaydu taas oo ah ardaygiiba $300 sannad-dugsiyeedkii. Dhanka gudaha waxaa Jaamacadda Bosaso  xiriir la leedahay ayuu yiri Jaamacadaha Camuud, Hargeysa, iyo Mogadishu, waxana uu C/weli Jaamacadahaas ku sheegay Jaamacado walaalahana ah. Wafti ayaa sanadkii hore kategey Boosaaso oo booqday Jaamacada Xamar ayuu yiri.

Maxaa Jaamacadda loogu doortay in laga dhiso Boosaaso ayuu C/Weli yiri waxaa dhici karta in la isweydiiyo, waxana uu taas kaga jawaabey in sabatu tahay magaalada Boosaaso oo ah magaalada tiro ahaan ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee goboladaas deggan, waxaa taas dheer ayuu yiri waa magaalo laga helikaro dadyow kala duwan oo xataa qaar ka yimaadeen wadamada Tanzania, Zair (Congo), iyo wadamada deriska (sida Itoobiyaan) oo halkaas u shaqo yimaada.

Ardayda dhigta Jaamacadda kama yimadaan Bari oo keliya ee waxay ka yimaadaan gobolada Sool, Sanaag, Mudug iyo Nugaal. Muqdisho iyo Hargeysana waan ka rajayneynaa arday ayuu yiri.

C/Weli waxa uu yiri baahi ay Jaamacaddu qabto ayaa sabatay in aan safarkaas idiin soo galo oo aan idin hor nimaadno. Taageeradiina ayaana jaamacadu sugeysaa. Hadafka Jaamacada ee ugu horeeya waxa uu yahay, ayuu yiri, in ay ku talo jiraan kulliyad waxbarsho in ay furaan. Asagoo taas sii adkaynayana waxa uu yiri macalimiinta hadda 35% ayaa tababaran, 65% ee soo hartay waxay u baahanayihiin tababar. Taas ayaa ku tusineysa baahida kulliyadda waxbarasho ay leedahay.

 
bosasouniversity.com ama puntlanduniversity.com waa website-ka jaamacada ee C/weli ka sheegay madashii shirka

Waxbarashada Soomaaliya asagoo ka waramaya waxa uu C/Weli sheegay in sannadkii 1960 ay Soomaaliya lahayd 250 Iskuul, waxaana jirey ayuu yiri 12 dugsi sare oo keliya waagaas. Hadda ayuu yiri dhinaca woqooyi bari ee Soomaaliya oo keliya ayaa leh 12 dugsi sare. Asagoo guud ahaan iskuulada Soomaaliya ee maanta ka hadlayana waxa uu yiri dhanka woqooyi bari waxaa kuyaal 223 iskuul, dhanka woqooyi galbeedna 300 iskuul, halka dhanka gobolada dhexe iyo koonfur ay kuyaalaan 1105 iskuul. Sannadkii 1997 daraadad ay samaysay qaramada midoobey waxay kusheegtay in iskuulada gebi ahaan Soomaaliya ka furaa ay dhamaayeen 773, halka isla daraasad kale oo qaramada midoobey 2003 ay samaysay ay sheegtay in iskuulada Soomaaliya ay dhanyihiin 1580 iskuul. Halkaas waxa uu C/Weli ku muujiyey in kulliyada waxbarashadu ay tahay mid aad loogu baahanyahay si ay usoo saarto macallimiin intaas oo dugsi wax ka dhiga, maadaama aan macalimiintii hore wadanka joogin ama inta joogtaa aysan ku filayn in ay booskaas buuxiyaan. Waxana uu C/Weli ku baaqay in aqoon yahanadii ay dib ugu soo laabtaan dalka.

C/Weli oo ka waramayey isbedelka waxbarasho ee dalkii waxa uu yiri waagii hore iskuuladu Soomaaliya lacag la'an ayey ahaayeen, haddase waa lacag oo ardayga khidmad ayaa laga qaadayaa.. Waxana uu muujiyey in haddii lahelo taageero dibadda ah laga yaabo in taas xal loo helo ama wax laga qabto. Dadka jooga dalka Soomaaliya waxa uu yiri "dadkaas ayaa maanta abaal mudan, waayo wax weyn ayey dalkii u qabteen". Dadka qurbaha asagoo toos ula hadlayanha waxa uu yiri "dalkiinii ha hilmaaminina, dhulka aad asalka u leedihiin ha ilaawina, ka qayb qaata waxbarashada, haddii aad waxbarataan intiina halkan joogta jaaliyadda wax ayaad tareysaan, mujtamaca aad la nooshihiin wax ayaad tareysaan, adduunka oo dhan wax ayaad tareysaan, dalkiina waxbaad tareysaan. Gobolada woqooyi bari (puntland) waa idiin baahanyihiin, hadalka ficil u bedela oo wax u qabta, Soomaaliya oo idil waa idiin baahanatahay, xal waa imanayaa ee yeynaan teegeerin wax aan tacliin ahayn ayuu hadalkiisi kusoo xiray. Asagoo halkaas ku sheegay in Jaamacadu yeelatay Website u gaara oo cinwaankiisu yahay www.bosasouniversity.com  ama www.puntlanduniversity.com.

Kaddib Cabdirisaaq Lafoole oo kamid ah xiriiriya yaashii shirka ayaa akhriyey su'aalo ay dadweynuhu waraaqo kusoo qoreen oo la weydiiyey C/Weli C/raxmaan Geyre, waxaana su'alahaas ka mid ahaa:

Su'aalo: Jaamacadda Bariga Afrika ma hoos timadaa wasaarada waxbarashada ee Puntland, yaase bixiyey dhismaha Jaamacadda, xiriir ma idinka dhexeeya State of Puntland, xiriir ma la leedihiin jaamacadaha kale ee dalka, waa maxay shuruudaha Jaamacaddu, tabeelayaasha jaamacada ee ka muuqdey cajladda waxaa kuligood ku qoraa ingiriisi iyo carabi ee Afsoomaaligii ma qormi waayey, iyo Soomaalidu ma waxay ku qanceen in ay nabad la'aan kujiraan , miyeysan Jaamacaddau ka qayb qaadan nabadda?

C/Weli oo su'aalahaas ka jawaabayey waxa uu yiri: Jaamacaddu waxay ku taal gobolka Puntland (state of Puntland), waxayna hoos timaadaa wasaaradda waxbarashada ee Puntland State. Waxaana dhismaha jaamacada gacanta ugu weyn ka geystey dalka Kuwait. Xiiriir waa naga dhexeeyaa Puntland state, jaamacaduna waa qayb kamida gobolka. Xiriir waan leenahay jaamacadaha kale sida aad cajlada ku aragteen waftiga Jaamacadda Camuud nooga yimid, Jaamacada xamarna wafti ayaan u diray sanadki hore. Shuruudaha jaamacadda lagu soo galo waa in ardaygu dugsi sare ka baxay, waa in uu iska bixin karaa khidmada jaamacadda, waana in uusan muddo dheer ka maqnayn iskuul, haddii muddo hore iskuul ugu dambeysey waxaan u diyaarinay fasal (semester) aan u bixinay fasal eber (semester zero) [oo lagu soo dhisayo ardayga]. Haddii aan tacliint isu taagno, oo ciyaalka wax labaro, kuwaas waxbartay maxsuulkoodu wuxuu noqonayaa nabad. Macalimiinta jaamacaddu hadda waa 14 macallin , labo kamid ah ayaa ah Hindi. Hadda Ingiriis iyo Carabi ayaa ardayda wax lagu baraa afsoomaali hadda Jaamacadda laguma dhigo waase laga higi doonaa.

galaydhKaddib waxaa xafladda soo gabagabeeyey Dr. Cali Khaliif Galaydh, ra'iisul wasaarihii hore ee DKM, haddana ah bare-sare (professor) wax ka dhiga Jaamacada Minnesota ee shirka lagu qabtay, ugu horayntiiba waxa uu dadweynihii ku baraarujiyey in aysan siyaasad ka dhigin waxbarashada, waana in aad ogaataan ayuu yiri in siyaasadda Soomaaliya ay waqti toddobaad ah waxweyn iska bedelikaro. Waxana uu in cabbaar ah ku adkeeyey Soomaalidii madasha joogtey in aysan waxbarashada Soomaaliya ka dhigin ama dhexgelin habayaraatee wax siyaasad ah.... aad ayaana dadkii goobta fadhiyey taas ugu riyaaqeen.

Dr. Cali Khaliif oo dib ugu laabtay taariikhdii carta, waxa uu yiri anaga haddaan reer carta nahay far ayaa nagu mudneyd, taas oo ahayd in la yiri idinkaaba Puntland burburiyey, taas waxaan ka leeyahay ayuu yiri, qoraal ayaan u qoray hay'adihii taageerayey waxbarshada in ay Puntland sidoodii u siiyaan waxay u qoondeeyeen. Sidoo kale waraaqo badan ayaan u qoran hay'dda qaramada midoobey oo aan ku niri Puntland iyo Somaliland mucaawinadoodii u wada, keliya ayaan niri wixii aad siisaan nala soo socodsiiya, taas waxaan uga dan lahayn ayuu yiri, isagoo tusaalahan soo qaatay: Marti ayaa hilbo loo keenay, waa hilib kala dhiman oo ay ka maqan tahay baridii, markaas ayaa martidii is weydiiyeen sida ay reerka la martiyey u weydiin lahaayeen in cadkaasi maqan yahay, markaas ayaa mid toosh qaatay oo reerka dabkiisii agagaarkiisa ku ifiyey, markaas ayaa reerkii yiraahdeen war heedhe sidee wax u jiraan, markaas ayuu yiri waxaan raadinayey cad idinkana idinka yimid anaga aan nasoo gaarin. Marka sidaas ayaan qaramada midobey arinkaas u weydiiney, in aan ogaano waxa Soomaali magaceeda lagu bixiyey in ay soo gaareen Soomaali.

galayrSiyaasada Soomaaliya asagoo ka hadlaaya Dr. Cali Khaliif waxa uu yiri waa sidii awrkii sisinta wadey oo indhaha ka xiraa oo iska daba wareegayey ilaa indhaha laga furo. waa siyaasad kusalaysan qabiil, waxaad arkaysaa (qof)  aadan arkayn wax uu kuu sheegayo, amaba aysan jirin wax uu sheegayo, waa iska daba wareega sida awrkaas sisisnta. Waxana uu yiri intii aad qof daba joogi lahaydeen maad idinku dadaashaan oo caqligiina adeegsataan.

Waxbarshada asagoo ka hadlaya waxa uu Prof. Galaydh tusaale u soo qaatay jaamacado ka jira dunida sidii ay ku bilaabmeen, marka laga reebo ayuu yiri jaamacada Al Azhar oo dawladii markaas jirtey ay asaastay, iyo jaamacado kale oo dhawr ah, inta kale badankood Jaamacadaha maanta la yaqaan waxaa asaasay kaniisado. Haddaba ayuu yiri Jaamacadaha Soomaaliya laga bilaabay oo ay isu taageen dad soomaaliyeed hala taageero.

Jaamacada Bariga Afrika armey noqotaa meel nabadeed oo hal abuur la keeni karo ayuu yiri Prof. Galaydh oo tilmaamayey qiimaha Jaamacadu yeelankarto. Waxana uu intaas ku daray haddii Jaamacadda Boosaaso si gaar ah isugu taxalujiso Kalluunka anigu waxba kama qabo..... Cajladii ayey ahayd tii reer Boosaso ku celceliyeen Kalluunka. Waana qabaa ayuu yiri in jaamacado laga dhiso meelo badan oo Soomaaliya ah.

Carruurta Soomaaliyeed aad ayaan ugu baqayaa ayuu yiri Prof. Galaydh, carruurta yar yar ayaan u baqayaa. Tankale ayuu yiri "Haani meel uun bay ka unkantaaye armaa jaaliyadu is raacdaa"

Prof. Galaydh waxa uu markale ku celiyey in la taageero jaamacadaha Soomaaliya, waxana uu dadweynihii xusuusiyey cajladii aan daawanay [ee Jaamacadda Boosaaso] in aanaan ku arkin wax computerro ah, waxaa taasi muujineysaa baahida loo qabo computero, ayuu ku muujiyey hadalkiisa. Waxana uu guubaabiyey Jaamacadaha Soomaaliya in ay yeeshaan xiriir, in ay wixii macluumaad ah is dhaafsadaan, in muqararka qoran ee mid hayso ay kuwa kale ka qaataan, in wixii cilmi ah la isweydaarsado. Luqada Soomaaligu waa in aysan dhumin ayuu yiri Prof. Galaydh.

Ugu dambayntii Maxamed Xasan oo kamida xiriiriyayashii shirka ayaa  madashii u sheegay in mardhow shirku xirmayo wuxuuse taas ka hormariyey asagoo yiri "inta wax baranaysay iskaashada oo ka xorooba khilaafka", kolley idiinkaa ama buuxin doona ama gabi doona fursadaas ayuu ku daray., waxana uu taas ku daray in kelmed kasta oo xun loo helikaro mid wanaagsan. Waxana uu yiri Jaamacadda Boosaaso aan u ballaan qaadno in aan taageereyno, aan u ballaan qaadno in aan ku xiraano. C/Welina hanoo ballaan qaado ayuu yiri in uu midaynayo Jaamacadaha Soomaaliya. Waxana uu xusay sida loogu baahanyahay Jaamacadaha Soomaaliya oo laga dhiso meel kasta. Waxana uu sheegay in uu soo bixi doono qoraal kusaabsan Jaamacadda.

Cabdirisaaq Lafoole ayaa sheegay meesha taageerada reer Minnesota iyo Soomaalida kale ee qurbaha ay kusoo hagaajin karaan waana: 

Email: lafooleh@hotmail.com ama warsameh@tiesmn.org 
Tel: 612.532.5532 ama tel: 612. 267.3939

Sidaas ayaa shirkii kusoo gabagabooney:

 

I  I  D  H  E  H

Waxaa isku soo dubaridey:

Maxamed Cali (SomaliTalk.com Editor-in-chief)
webmaster@somalitalk.com

XUSUUS: Xuquuqda qoraalkaan waxaa leh SomaliTalk.com. Websitekasta iyowargeyskasta oo qoraalkaan dib u daabaca waxaa shardi u ah in uu qoraalkasi ahaanayo sida uu yahay isla markaana uu shardi ahaan wadanayo xuquuda qoraaga iyo websiteka www.SomaliTalk.com.

January 12, 2003

WEBSITEKA JAAMACADDA: www.bosasouniversity.com

... Warbixintii Dhollowaa ee  Jaamacada  Bariga Afrika

WEBSITE-YADA JAAMACADAHA SOOMAALIYA:
....Bosaso  
....Camuud
.....Hargeysa
.....Mogadishu
 
com

Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota.... shir.... 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SAWIRADAN WAXAAN KA QAADAY FILIMKII DADWEYNAHA LOOGU SOO BANDHIGAY HEERARKII JAAMACADDA BARIGA AFRIKA

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

 


WEBSITE-YADA JAAMACADAHA SOOMAALIYA:
....Bosaso  
....Camuud
.....Hargeysa
.....Mogadishu


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD