SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WAREYSI uu bixiyey xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) 

XIL DHIBAAN SAALAX BADBAADO ayaa si caro ku jirto Maanta u yiri “Waan Ka Baxay Golaha Baarlamaanka Maanta Laga Bilaabo Waxaanan Uga Baxay Wixii Loo Soo Doortay Oo Uu Gabay Darteed”

I  I  D  H  E  H


Horyaal Technology: wadada H/wadaag , Muqdisho, Soomaaliya - GUJI...

Waxaa inoo suura gashay inaanu wareysi layeelano mid ka mid ahaa xidhibaannada golaha shacabka oo lagu magaaco Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) oo dhowaantan shaaciyay inuu istiqaalidii xildhibaannimo uu isaga wareeginayo Gudoomiyaha Baarlamanka Cabdalla Deeroow Isaaq. Hadaba si aynu wax uga ogaan waxa ku kelifay inuuu sidaa yiraahdo Xildhibaanka oo looga bartay firfircooni iyo Karti dheer ah ayaa weydiinay:- .

Somalitalk.:- Maxaa kugu kallifay in waqti xaadirkan oo uu dalka marayo xilli kala guur ah, aad ku fekerto in aad u gudbiso istiqaaladii Baarlamanteeriyinnimo Gudoomiyaha Baarlamanka?

Saalax Badbaado: “Walaal waxa igu qasbay in waqtigan aan isaga baxo baarlamanka iyadoo shaqadii baarlamaanka oo ahayd dib uheshiisiin uu ka gaabiyay iyo wixii carta lagu soo dhisay, oo gaabis maraya sidaasa ugu weyn wax yaabihii isagaga baxay baarlamanka kmg ee laguu soo dhisay carta

Somalitalk: “maloo qaadan karaa ka bixitaankaagan baarlamaanka shirka eldoret oo aan laguugu darin raga dowladda umatali doona?

 Saalax Badbaado: “Haba yaraatee arintaasi waxba kama jiraan, waa hadal aan sal iyo raad toona lahayn, mid waa ay jirtaa in shirkaasi laga badsaday ummadda reer waqooyi arintaasina waxaa loo aaneynkaraa Yuusuf Dheeg iyo rag kale. Laakiin majirto arinkale oo aan uga baxay baarlamanka

Somalitalk: “waxaa nagu maqaala ah in badan fadhiyadii baarlamanku uu yeelanayay aad ahayd ragii sida aadka u buunbuuniyay shika Kenya marka Malaga yaa baa inaad ka qaybgashid shirkaasi?

Saalax Badbaado: “shirkaasi ma ahan shir ay Soomaali ay wadato ee waa shir wataan quwado shisheeye mar hore ayaanan fikradayda ku aadan shirkaasi bayaan uga soo saaray waa laga yaabaa inaad aqrisatay marka hadii shirkaasi loo daayo Soomaalida waxa uu noqonlahaa baan isleeyahay mid najaxa wixii shikaasi lagu soo dhisana ma noqondoonaan wax lagu wada qanacsanyahay oo waxaad arkaysaa in durbaba hogaamiyayaasha kooxaha bayaanno kala gedisan ay ka soo saareen marka shirkaasi dhaliishiisu mayara aniguse shaqsiyan kuma qanacsani. 

Somalitalk: “Iminka maxaad ku tala jirtaa oo aad qoondayneysaa?

Saalax Badbaado: “Dee muwaadin Soomaaliyeed baan ahay waxaan dhibka laqaybsanayaa dadkayga iyo dalkayga.

Somalitalk: “Mallaga yaabaa inaad hogaamiye kooxeed isu badasho sida Maxamed Dheere oo kal hore isaga baxay Golaha Shacabka Kmg? 

Saalax Badbaado: “Xaasha lilaah hogaamiye kooxeed waa wax laga naxo inuu qofku uu noqdo waana wax afka bani aadamka aan soo qabankarin sidaa darteed anugu waligay kuma taamin inaan noqdo nin dadka dhiba dadka raba inay hadda noqdaan hogaamiyaal ama ahba waxaan kula talinlahaa inay ka tanaasulaan oo waloolahooda ay ula dhaqmaan si caadi ah.

 Somalitalk : “Ugu dambayntii maxaa adiga shaqsiyan kula gudboon oo dowladii aad kabaxday iyo hagaamiyayaasha siyaasadda soomaaliya Ugu baaqi lahayd?

Saalax Badbaado: “Waxaan ugu baaqi lahaa kuwii aan kasoo tagay inay dadka sidan udhaamaan oo ay ogaadaan shaqadooda kuwa kale ee siyaasadda waxaan ugu baaqi lahaa war walaal yaalow dadka waa dhibaatoodeen waqtigana waa uu socdaa Dee isqabta oo wax is tara oo wax tara dadkiina iyo dalkiina wassalaamu calaykum waxmatulaah.

-Dhammaad-

 

CISMAAN CAATO “Shirka Kenya Waanu Ka Qaybgalaynaa Haddii Loo Daayo Talada….”

Hogaamiyaha Uruka USC/SNA Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa sheegay in ay ka qaybgalayaan shirka soomaalida lagu heshiisiinayo ee lagu wado inuu bishan shan iyo tobankeeda ka dhaco magaalada Eldoret ee dalka Kenya Hadii Soomaalida loo daayo talada isla markaana faraha kala baxaan wadamada iyagu kala taageersan kooxaha kajira Soomaaliya . 

"Shirka Kenya waan ka qaybgalaynaa haddii Soomaalida loo daayo talada shirka farahana ay kalbaxaan waddamada kala taageersan qaybaha soomaaliya" ayuu yiri Caato oo intaa ku daray in garabkooda Nakuuru aysan saluugin xubnaha loo qoondeeyay laakiinse ay ka biyo diidsanyihiin qaabka ay wax uwadaan wadamada la isku yiraahado safka hore.

Wuxuu sheegay Cismaan Caato In Shirka Eldoret haddii lagu soo dhiso loo dhanyahay isla markaana ay Soomaalida ay raalli ka yihiin aysan mucaarad ku noqodoonin.

 

cabdulaahi mire 
qadaafi114q@hotmail.com 
SomaliTalk.com | Muqdisho

Oct 12, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD