SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 Muuse suudi iyo hilowle imaan cumar oo khilaaf xoogleh soo kala dhexgalay

I  I  D  H  E  H


Horyaal Technology: wadada H/wadaag , Muqdisho, Soomaaliya - GUJI...

 Gudoomiyaha kaltanka golaha SRRCda DR. hiloowle imaam cumar iyo muuse suudi yalaxoow oo ah gudoomiyaha ururka USC-SSA ee waqooyiga muqdisho ayaa lagu warramayaa inuu khilaaf xagga qaybinta casuumadda shirka Eldored uu soo kala dhex galay.

Khilaafkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii muuse suudi uu magacaabay qaar ka mid ah ragii uga qaybgali lahaa shirkaasi oo gaarayay ilaa xubnood halka hiloowlena uu rabay in casuumadda ay gacantiisa kusoo dhacdo isla markaana isaga lagala tashto ama uu qaybiyo maadaama isagu uu yahay gudoo miyaha kaltanka golaha SRRCda taa soo iyana aan dhicin .

Si kastaba ha ahaatee, muuse ayaa sideedii xubnood uu magacabay ka sokow waxa uu intii kale usoo bandhigay hilowle si uu ula munaaqashooda waxa laga yeelayo xubnaha kale taa soo uu hilowle imaam uu ku gacanseyray una sheegay inuu ka kaaftoomay casuumad isaga loogu soo dhiibay.

Goor dhoweyto oo aan qadka taleefanka ku wareystay hilowle waxa uu yiri “Muuse suudi waxa uu ku tagri falay xubnihii loo qoondeeyay SRRC-da muqdisho” ayuu yiri hilowle imaan mumar oo in taas raaciyay in ay qaladka dhacay ay qybka leeyihiin gudiga far samada IGAD.

Wuxuu sheegay hilowle imaan cumar in asga iyo muuse suudi is ku maan dhaafeen habqeybinti ergooyinki/ Isagoo xusay in uu rajaynayo in ay casuumad gaara usoodiraan igad.

C/laahi muuse xuseen oo wada dadaal wacyigelin oo aan horey loo arag

Duqii hore ee magaalada muqdisho ee xukuumadii C/laahi muuse xuseen ayaa kawada degmada shibis ee magaalada muqdisho wacyi galin bulsho oo ay ka qaybqaateen mudadii ay socotay culuma udiinka iyo suugaan layda somaaliyeed kuwaasoo doorkooda ka muujiyay waxa ay diintu ka qabto dib uhe shiisiinta.

C/laahi muuse xuseen oo barnaamijkaan wax ku ool ka ah soo agaasimay ayaa sheegay in uu alle dartii ugalay is ku xil saarida howshaan oo uu sheegay in uu wadi doono ilaa uu ka gaaro natiijada kama dambaysta ah isagoo xusay in dhibaatada manta haysata shacabka soomaaliyeed aysal dhig utahay xaasidnimada shacabka somaaliyeed kala gaysay taasoo hadii aan daawo loo helin ay wax hagaagaya aysan jirin isagoo sheegay c/laahi muuse in xukuumadii lagu soo dhisay tuulada carta ee dalka jabuuti ay awoodeeda ku koobtay qayb yar oo muqdisho kamid ah taasoo niyad jabgalisay dadki soomaaliyeed oo u oo manaa dowladnimada waxuuna ku baaqay in wax isku quuridla aanta soomaalida haysata meesha laga bixiyo hadiilarabo in ay wax dhismaan

Mar aan wax ka waydiinay in uu kaqygalayo shirka dib u he shiisiinta soomaaliyeed waxuu yiri maka qaybgalaayo sabab too ah wax kii carta laga keeni waayay kan laga keeni mayo waxaa ka loo uu intaas raaciyay in uu soo dha waynayo hadii lagu soo dhiso dowlad soomaaliyeed shikaas.  

cabdulaahi mire 
qadaafi114q@hotmail.com 
 Muqdisho

Oct 17, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD