SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 Dhowr todobaad ka dib heysashadii ku xigeennadii RRAda magaalada baydhabo oo maanta dib loogala wareegay. 

(Warbixin faahfaahsan oo ku saabsanqaabkii loogala wareegay)

I  I  D  H  E  H


Horyaal Technology: wadada H/wadaag , Muqdisho, Soomaaliya - GUJI...

 

subaxnimadii saakay saacadu markii ay ahayd 10:000 barqanimo ayey aheyd markii taageerayaasha shaargaduud ay dagaal ka soo qaadeen meesha la yiraahdo Jameecada oo labaatan kilo mitir ujirta magaalada Buur hakaba .

dagaalkan oo aad ukululaa waxaa labada dhinacba ay isu adeegsadeen noocyada hubka kala gedisan oo geystay qasaaro naf iyo maalba leh ilaa haatan lama cayimikaro qasaarihii dhabta ahaa ee ka dhashay dagaalka balse waxaa lasoo warinayaa in dhinaca taageerayaasha shaargaduud ay uga dhinteen dagaalkaas ilaa laba qofood dhaawacuna uu intaa ka badanyahay dhinaca gudoomiye ku xugeenada RRAda ayaa iyaguna la sheegayaa in dhimashada dhinacooda ay ka badantahay tan taageerayaasha shaargaduud isla mar ahaantaana dagaalka looga qabsaday afar tikniko ah oo uu ku jiro qoriga loo yaqaano zuuga .

dagaalku waxa uu ku sii faafay tuulada la yiraahdo Maanya fuulka halkaas oo markale ay isku hardiyeen taageerayaasha labada dhinac dagaalku waxa uu kusii faafay tuulooyinka u dhaxeeya magaalooyinka Buur iyo Baydhabo taasoo ugu dambeyntii keentay inay gabi ahaanba lawareegaan taageerayaasha shaargaduud magaalooyinka Buur iyo Baydhabo .

dhinaca buur mar aan qadka taleefanka kula xiriiray agaasimaha cusbitalka Buurhakaba ninka lagu magacaabo Aweys Ciise Amiin waxa uu ii sheegay in ilaa haatan cisbitalku la soo gaarsiiyay sideed qofood oo dhaawac ah oo isugu jiray dadkii dagaalamayay iyo shacabka ah ee degan deegaanka .

dhinaca magaalada baydhabo oo aan sidoo kale aan laxiriray ayaa dadka deegaanka waxa ay ii sheegeen in haatan ay xaaladu caadi tahay isla markaana maanta dagaalkan uu uga badalnaa kuwii hore ganacsigii oo caadi ahaa iyo weliba taleefannadii oo caadi ahaa taasi oo laga dhadhansankaro in dagaal sidaasi uculus uu magaalada dhexdeeda ku dhexmarin taageerayaasha labada dhinac balse waxaa la sheegayaa in meesha dagaalka ugu badan uu ka dhacay ay ahaayeen tuulooyinka jameeco iyo maanya fuulka .

cabdulaaahi aadan cumar oo ah ninka hogaaminaya ciidamada shaargaduud oo aan ku haleeli waayay qadka taleefanka ayaa hadana waxaa ii suura gashay inaan helo mid kamid ah xoghaynta shaargaduud kaasoo lagu magacaabo cabdulaahi garas kaasoo sheegay in ku xigeennada RRAda ay ku raad joogaan, sidoo kale sheekh aadan madoobe iyo xaabsade oo aan isku dayay inaan qadka taleefanka ku helo ayaaney ii suura gelin hase ahaatee waxaa lagu soo warramayaa in ay (joogaan) tuulooyinka ku dhowdhow magaalooyinkaasi halka warrarka qaar ay sheegayaan in ay aadeen degmada diinsoor .

Saddexdii Bishan october ayay ahayd markii ay si rasmi ah ay ula wareegeen ku xigeenada RRAda gacan ku heynta gobollada baay iyo bakool 

waa c/laahi mire (qadaafi)  
qadaafi114q@hotmail.com 
 Muqdisho

Oct 19, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD