SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 Istarliin Cabdicaruush oo Galabta Lagu aasay magaalada Marka

Muqodisho | Oct 26 

I  I  D  H  E  H


Horyaal Technology: wadada H/wadaag , Muqdisho, Soomaaliya - GUJI...

Maydka istarliin cabdicaruush ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa lagu aasay magaala madaxda gobalka shabeelaha hoose ee Marka .

Aaska marxuumada ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad ufarabadnaa oo reer Marka  ah iyo mas'uuliyiin ka kala socotay madaxda urrurada bulshada, siyaasiyiin ,aqoonyahano. waxa ay dhamaan tood tiiraanyo ka mujiyeen dilka gardarrada ah ee loo geystay marxuumada waxayna ilaahay uga baryeen inuu jannadii fardowsa ahayd ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii ay geeriyootayna samir iyo iimaan uu kasiiyo.

Marxuumada ayaa galabta lagu aasay qabri udhow kii hooyadeed lagu aasay kal hore iyadoo dadweynaha reer Marka maanta ay u ahayd maali madoow, wariye halkaasi jooga oo la yiraahdo cismaan amriika oo qadka taleefanka igula soo xiriiray ayaa ii sheegay in ay istarlin ahayd gabar ay jeclaayeen dadka shabeelaha hoose gaar ahaan buu yiri reer Marka .

Mar aan wariyuhu weydiiyay waxqabadkii istarlin waxa uu tibaaxay inay ahayd gabar aqoon iyo karti uleh waxa u qabashada dadkeeda iyo dalkeeda oo ay ahayd gabar wax tarta haweenka iyo caruurta taagta daran hadii ay ahaanlahaayeen kuwa dawarsada iyo kuwa kaleba .

Wax-u-qabashada dadka danyarta ka sokow waxa ay istarliin gobalka ka dhistay dugsiyo isugu jira hoose iyo dhexeba waxa ay sanadihii ina soo dhaafay marxuumadu samaysay mashruuc ay ugu magacdartay qoriga dhig qalika qaado oo ay ku dhaqancelisay dhalinyaro gaareysa 250 qof oo ay u sameysay xirfado markaasi ay ku shaqaystaan .

Dilkii marxuumada ayaa wada saameeyay guud ahaanba dadka u olaleeya arrimaha bulshada hadii ay ahaan lahaayeen dadka shacabka (grassroots), hay'adaha udooda xuquuqda aadanaha, madaxda dalladaha hay,adaha wadaniga ah , dadweyne aad ufarabadan,

Ka sokow ururada bulshada waxaa marxuumada dilkeeda ka tiiraanyooday hogaamiyayaasha kooxaha ee ka qaybgalaya shirka eldored ee wadanka Kenya oo uu ugu soo horreeyo maxamed qanyare afrax ,cismaan xasan cali (caato), xuseen maxamed caydiid , mowliid macaani maxamuud iyo c/laahi yuusuf axmed , dhinaca TNGda xasan Abshir faarax, cabdalla deeroow isaaq,iyo cali mahdi maxamed.

Istarlin waxa ay ku dhalatay, Allah ha u naxariistee, magaalada Marka sanadku markii uu ahaa 1953 waxbarashadedii dugsiga hoose iyo dhexe waxa ay ku qaadatay magaalada Marka halka waxbarashada dugsiga sare iyo jaamacadaba ay ku dhameysatay magaalada panorama ee wadanka talyaaniga

waa c/laahi mire (qadaafi)  
qadaafi114q@hotmail.com 
 SomaliTalk.com Muqdisho

 

Wararkii ugu dambeeyey ee eldoret http://somalitalk.com/eldoret/ 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD