SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 Waasidee xaalada muqdisho?
WQ. c/laahi mire (qadaafi)  | Muqdisho | Dec 28, 2002

I  I  D  H  E  H


 - GUJI...

Muqdisho ayaa waxaa ay ku sugneed waayahaanba marxalad xun, Ayada oo ay shacabka reer muqdisho ay laqabsadeen dilka iyo dhaca ayaa waxaa ugu sii darsamay Arin aan wali horay loo arag taa soo ah xasuuqii foosha xumaa oo loogaystay 24kii bishan ardaydii dugsiga axmed guray.

Arinkaas oo run ahaantii khalkhal weyn ku dhaliyay shacabka reer muqdisho ilaa iyo hada lamagaranayo sababta ka danbaysay dilka ardaydaas.

Waxaa sidoo kale maalinimadii arbacada oo ay taariikh du ahayd 25 kii lagu weeray gurigooda laba nin oo walaalo ah, mid kamid ah ayaa waxaa uu ku jiray salaadii duhur oo uu ku tukanayay gurigooda.

Labada nin oo mid kamida ladilay midka kalena la dhaawacay, ninka ladilay oo isagu salad kujiray, halka kankalena uu soo gaaray dhaawac fudud kana baxsaday maleeshooyinkii soo weeraray arinkan ayaan shacabka reer muqdisho kusii beertay cabsi.

Waxaa sidoo kale maalinimadii shalay kaqarxay magaalada muqdisho dagaal oo ay isaga soo horjeedaan laba maleeshiyo dagaalkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo barakacba wuxuu bilowday dagaalkani saacadu markay ahayd abaarihii 12kii duhurnimo halka uu hakad galay 6dii maqribnimo waxaa ku dhintay dagaalkaas in kabadan 10 qof waxaana ku dhaawacmay in kabadan 15 ruux waxaana laga qaxay degaanadii udhawaa oo dhan, sikastaba ha ahaatee maanta ayay magaalada muqdisho waxaa laga maqlayay xabado goos goos ah.

Labada maleeshiyo ee iska soo horjeeda beelaha ay kadhasheen ayaa waxay ufadhiyeen shir looga wada hadlayo khilaafaadka labada beelood dhexyaalla waxa ayse ku baraarugeen inay arrinta ay ufadhiyaan ay tahay halbacaad lagu lisay oo dagaalna sikadisa ubilaabmay, laakiin nasiib wanaag waxay isla markiiba soo abaareen goobtii dagaalka uu kasocday iyaga oo wada jira waxa ayna ku guulaysteen inay kala dhexgalaan laba maleeshiyo ee halkaa ku dagaalamayay.

Dhinaca kale ciidamada dowlada kumeelgaarka ah ayaa ayaguna saaka soo degay goobihii dagaalku kadhacay, ciidamada DKM-ka ah ayaa iyagu ku baraaruga marwalba uu dhib dhaco kabacdi.

Dagaalkan ayaa lagu xaglinayaa inay kadanbeysay aano qabiil, qabaailadaan ayaa horey dhowr jeer ugu dagaalmay magaalada muqdisho.  

waa c/laahi mire (qadaafi)  
qadaafi114q@hotmail.com 
 Muqdisho

QORAALADII HORE EE QADAAFI, (MUQDISHO)

Oct 28, 2002

6 Qof ayaa ku dhintay Dagaalkii Isgoyska Blacksea
Dagaalkaas oo Muqdisho ka dhacay shalay, oo maanta la qaboojiyey dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaa ilmo yar... GUJI...  27/12

Xasuuqii ardayda loo gaysatay iyo dadwaynaha muqdisho oo ka xumaaday: Maalintii shaley aheyd ayaa waxaa magaalada muqdisho ka dhacay Xasuuq loo geystey ardey dhigata dugsiga sare fasalka koowaad ee AXMED GUREY ee.. IQRA...  25/12


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD