|
TAARIIKHDA MAANTA: | DAABACADA WARKA: Dec 17, 2002
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Warka Madaxdiisii.
·Ciidamada Cadawga itoobiya oo Dadbadan xabsiyda u taxaabay.
·Shir ay Jaaliyada Ogaadeenya ee Jarmalku magaalada Ludwigsburg ku qabatay.
·Markab sida Ciidamo ugaar ah ladagaalanka Argagixisad oo gaadhay Xeebta
Jabuuti.
·Ciidamo Itobiyaan ah oo soo galay Baladxawo
·Jaamacada Carabta oo Mareynkanka iyo Ingiriiska u direysa ergo kala soo hadasha
arrimaha Somalia.
Warkii oo Faah faahsan.
Ciidamada Cadawga itoobiya oo Dadbadan xabsiyda u taxaabay.
Wararka ay noo soo tabinayaan wariyayaasha Radio Xoriyo ee Gobolada iyo
Dagmooyinka Ogaadeenya, ayaa sheegaya in ay Ciidamada Cadawga Itoobiya Xabsiyada
u taxaabeen dad aad u tira badan oo shacab ah oo aan wax siyaasad ah ku lug
lahayn.
Ciidamadaas oo dadwaynaha reer Ogaadenya ula dhaqmaan si naxariis la,aan ah oo
ka baxsan xaqdhawrka Xaquuqda Aadamaha, ayaa waxay xabsiyada Dadka ku jira u
gaystaan Jidh dil iyo Argagax galin si loogu qasbo in ay fuliyaan rabitaanka
Ciidamada Itoobiya ama qirasho danbi ayna qabin.
waxaana dadka sidaas loola dahqmay ee Xabsiyada Ciidamada Itoobiya ku jira ka
mid ah ku wan.
Goday
waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku xidh xidheen dadkan kala ah.
1- Maxamed wali Ahmed
2- Maxamed C/hi Canshuur
3- Muuse Mahad
4- Cabdi mahad salaad
5- Cali Dafe
6- Maxamed bashiir
7- Miyir Gadoon
8- Sheekh Ibraahim Ahmed Awcumar
9- Siraad Sabane
10- Ismaaciil Maxamed sabane
11- Ismaciil Maxamed Khaliif
12- Shaafici oo aanaa haynin magaciisa oo buuxa
13- Xabsa Jahaad
14- Qoraxay waxaa lagu Xidhxidhay 12.12.2002
15- Isdahil maxamuud Dayl.
Birqod waxaa 06.12.2002 lagu xidhxidhay.
1- Cali faarax Cabdi.
2- Cabdulaahi Budul.
3- Maxamed Cabdi Aar
4- Nuur Ahmed Sheekh C/hi
5- Ahmed Sh Yuusuf
6- Cabdi Awal
7- Maxamed maxamuud
8- Axmed guuleed Carte
1- Faarax Cabdulaahi Walac.
2- Cabdi Rabiile
3- Maxamuud Xasan
Gurdumi waxaa 07.12.2002 lagu xidhxidhay.
1- Ibraahin Cabdulaahi Aadan
2- Khadar Sheekh Cabdulaahi
3- Axmed Cabdi Naasir
Baarta oo ka tirsan dagmada Awaare waxaa 8.12.2002 lagu Xidhxidhay.
1- Axmed Aadan
2- Maxamed Aadan
3- Calayhaa Deeq C/Nuur
Waxaa sidoo kale Degmada Dhanaan lagu xidh xidhay dad kor u dhaafaya 70 ruux oo
isugu jira rag iyo dumar, dadkaas waxay ku xidh xidhan yihiin meel dhulka
hoostiisa ah, waxaana halkaas mas kuqaniinay Cali Dhuux Guhad oo 90 jir ilaa
hadana isaga oo dhaawac ah ayuu Xabsiga kujiraa.
Guud ahaan dadkaas. ayaa lagu xukumay Ruux walba 2000 Bir oo ah Lacagta
Itoobiya ah.
Ganaaxan ayaa waxuu noqday mid ay dadka dhaqaale kaga uruursadaan Ciidamada
Nacabka Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Gobolada iyo Dagmooyinka Ogaadenya.
Shir ay Jaaliyada Ogaadeenya ee Jarmalku magaalada Ludwigsburg ku qabatay.
Xaflad Sanadeed lagu ma,muusayay Ciidul fidriga ooy soo qaban qaabisay Jaaliyada
Ogaadeenya ee wadanka Jarmalka, ayaa ka dhacday 14.12.2002 Magaalada
Ludwigsburg. Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo lagu marti qaaday
Dadwaynaha Soomaaliyeed ee Gobalka BadenWürttemberg iyo Jaaliyada Harariyiinta
ee Gobolkaas. waxaa xaflada furay Gudoomiye ku Xigeenka Jaaliyada Jarmalka
Mudane Maxamed Rabbi, oo uga mahad celiyay ka soo qaybgalayaashii Xaflada sida
diiran ee ay uga soo qayb galeen.
Sidoo kale waxaa halkaas kasoo jeediyay Warbixin gaaban oo kusabsan Halganka
Ogaadeenya iyo guud ahaan siyaasada Geeska Afrika, Gudoomiyaha Hogaanka
Dhaqaalaha JWXO Mudane Saaluxudin A/rahman ma,ow, Muadane Saalax ayaa dadkii uga
warbixiyay dhibatada ay Xukuumada Itoobiya ku hayso Shacbiga Ogaadenya iyo
Shucuubta kale ee ay Gumaysato, wuxuuna u soo jeediyay Shacbiga Ogaadenya in ay
ka dhiidhiyaan dhibaatada la factirsatay ee uu Gumaysigu sababay.
Markab sida Ciidamo ugaar ah ladagaalanka Argagixisad oo gaadhay Xeebta
Jabuuti.
Markab ay leeyihiin Ciidamada maraykanka oo u gaar ah la dagaalanka
argagixisada laguna magacaabo USS whitney ayaa 13 Bishan december yimid meel u
dhow xeebta Jabuuti.
Sida wararku sheegayaan Markabkaas ayaa sida 400 oo ah Ciidamada sida gaarka
ah utababaranee Wadanka maraykanka.
Ciidamadan ayaa diyaar u ah in ay si deg deg ah u howl galaan haday helaan
amar. Ciidanka Markabkaasi saaraan ayaa marka lagu daro 1,200 oo horay ugu
sugnaa xirada la yiraahdo Camp Lemonier kadhigaysa 1,600 oo Askari tirada
Ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ee ku sugan dalka Jabuuti.
Mar uu taliyaha Ciidanka mareykanka ee geeska afrika Jeneraal John Sattler
uwaramayay saxaafada, waxuu sheegay in u haataan Ciidankiisu dhameystranyahay oo
diyaar u yahihiin howlgal marka ay amar helaan.
Ciidamo Itobiyaan ah oo soo galay Baladxawo.
15.12.2002 ayaa waxaa soo galay Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ciidamo ay
lee dahay dowladda Itoobiya oo ku sugnaa xuduuda ay wadaagaan Labada dal.
Ciidamadan oo tiradooda lagu qiyaasay 200 oo askari watayna shan gari oo ah
nooca militariga ayaa waxay fariisimo ka sameysteen goobo ka tirsan Magaalada
Baladxaawo, waxayna Ciidamo badan soo dhoobeen xuduuda labada dal.
Lama garanayo sababta ay dowladda Itoobiya usoo gelisay ciidamadeeda Baladxaawo
ayadoo sheeganaysa in ay ka shaqeynayso nabadda Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ciidamo Itoobiyan ah ayaa xadka Soomaliya u tilaabsaday todobaadkii
hore iyaga oo istaajiyay isla markaasna la wareegay gawari ay lahayeen ganacsato
Somaliyeed oo marayay xadka Ogaadeenya iyo Soomaliya. Baabuurtaas ayaa waxay
ka kala yimadeen magalooyinka muqdishu, beled weyne iyo burco waxayna sideen
badeeco farabadan. ciidankaasi itoobiyaanka ayaa badeecadii ka dagsaday
gawaridii iyaga oo xerooyinkooda ku xaraystay, Baabuurtiina waxaa la sheegaya in
ay ilaa haatan ku dhagan yihiin oo diidanyihiin in ay si dayaan iyaga oo ku
xujeeyay dadkii lahaa in ay lacag Laaluush ah bixiyaan.
Dhanka kale waxay Xukuumada Itoobiya soo cusboonaysiisay Dacaayadii ay ku haysay
Soomaaliya, kadib markii uu ra,iisul wasaaraha Itoobiya Melez Zinawi sheegay in
meelo ka tirsan Soomaaliya gaar ahaan xeebaa gobolada Jubbooyinka ay kasoo
ambabaxeen shaqsiyaadki ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel-ka Paradise ee
magaalada Mombassa ee dalka Kenya.
DKMG ah ee Soomaaliya ayaa in badan Caalamka u jeedisay cabashooyin ku aaddan
faragelinta ay Xukuumada Itoobiya ku hayso Soomaaliya.
Jaamacada Carabta oo Mareynkanka iyo Ingiriiska u direysa ergo kala soo hadasha
arrimaha Somalia.
Warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay dhinaca diblumaasiyadda ayaa
tibaaxaya in ay Jaamacada Carabtu qorshaynayso Wafti ay u dirto Wadamada
Maraykanka iyo Ingiriiska. Waftigaas ayaa waxay wadamada ay tagayaan kala soo
hadlayaan, arimo ku saabsan Mushkilada ka taagan Soomaaliya iyo waliba
faragalinta ay ku hayaan qaar ka mid ah wadamada darika la ah. Wararku waxay
intaas ku darayaan in qorshaha waftigan lagu dirayo uu ka danbeeyay Wafti
balaadhan oo ka socda DKMG Soomaaliya oo dhawaan gaadhay
Magaalada Qaahira ee wadanka Masar si ay madaxa Jaamacada Carabta ugala soo
xaajoodaan sidii xal loogu heli lahaa dirirta sokeeye ee ka taagan Soomaaliya.
Dhoodi Danwaa.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|