SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Dec 21, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 Warka Madax diisii.

·Ciidamada Cadawga Itoobiya oo dagaalo lagu jabiyay.
·Khilaafkii Maamul ku sheega Jigjiga oo wali socda.
·13 Qof oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Magaalada Adis Ababa.
·Ciidamo Itoobiyaan ah oo Soomaaliya Soo galay.
·Isbadal Gurracan ooy TPLF tu ka bilaabayso Gobalka Gambela
·Taliyaha Ciidamada Jabouti oo Eriteria booqasho ku tagay Eritrea
·Wasiirka Gaashaan dhiga Jarmalka oo Booqasho kutagay Jabouti.

Warkii oo Faah faahsan

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ciidamada Cadawga Itoobiya oo dagaalo lagu jabiyay.
(Aqoonsiga Ciidamo Itoobiyaan ah oo baxsadey)  [arag sawirada]

Ciidanaka Wadaniga Xoreenta ogaadenya ayaa dagaaalo Gaadmo ah oo ay ku qaaden Ciidanka Nacabka Gumaysiga Itoobiya ugu gaystay Jab laxad leh. Dagaalada ay ku hayaaan Ciidanka geesiyiinta Xoreenta Ogaadeenya Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo joogta ah, ayaa waxay sababeen is khilaaf iyo burbur Ciidanka cadawga dhexdiisa ah, kaas oo sababay Gacan ka hadal keentay dhimasho iyo dhaawac intaba.

06.12.2002 Ciidamada Cadawga Itoobiya ee saldhigoodu yahay magaalada Nusdariiqa ayaa waxaa dagaal gaadmo ah ku qaaaday Ciidanka Xoreenta Ogaaadenya ee agaas waxayna halkaas kaga dileen 7 Askari waxayna kaga dhaawaceen 4 kale.

07.12.2002 Dagaal ay iskaga hor yimaadeen Ciidamada Geesiyiinta JWXO iyo Ciidamada Doolka Itoobiya magaalada garbo waxaa Ciidamada Cadawga Itoobiya lagaga dilay 4 Askari waxaana laga Dhaawacay 2 kale.

09 12. 2002 weerar ay ku qaaaden Ciidanka wadaniga Xoreenta Ogaaadenya Ciidanka nacabka Gumaysiga Itoobiya ee ku sugnaaa magaalada Qoriile waxay Ciidamada Cadawga kaga dilen 5 Askari iyaga oo kaga Dhaawacay 6 kale. Askartaas Cadawga ee halkaaas lagu dilay waxaa ka mid ahaa nin lagu magacaabo C/wahaab Sh. Mahdi oo ahaa Gadhwadeenka Ciidamada Cadawga Itoobiya.

11.12.2002 Magaalada Barmiilka waxaa lagu dilay nin lagau magacaaabo Shugri Afjar oo ahaa Basaas u shaqeeya Ciidamada cadawga Itoobiya.

Dhanka kale Ciidamo maleeshiyo ah oo lagu uruuriyay Magaalada Goday ayaa waxay sameeyen Rabshado ay ku doonayaan Mushahaaroyinkoodii. Ciidamadan oo laga soo uruuriyay Gobolo iyo dagmooyin kala duwan ayaan helin wax Mushaar ah mudo ka badan 6 Bilood, waxay kaloo ka cabanayeen maamul xumo kaga timid masuuliyiinta ciidamada, si kastaba ha ahaatee xukuumada Itoobiya waxay xal u wayday sii haynta Ciidamadaas kadib markay wax ka qaban wayday Cabashadooda, waxayna kaliftay in la sii kala daayo.

Khilaafkii Maamul ku sheega Jigjiga oo wali socda.

Warar lagu kalsoonyahay oo Radio Xoriyo ka soo Gaadhay Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya wali in uu sii socdo dagaalkii ka dhex socday Maamul ku sheega magaalada Jigjiga. Khilaafkan ayaa wuxuu ka biloowday loolan ay qaar ka mid ah maamulkusheega gumaysiga Itoobiya ee Jigjiga ku loolamayaan Awooda Gobalka iyo u dhawaanshaha Gumaysiga Itoobiya, si kastaba ha noqotee waxaa laga xoog roonaaday kooxdii ay hogaaminayeen Afhayeenka mamulka Jigjiga ina Bade iyo Afhayeenka Barlamaaanka Xukuumada Itoobiya Mohamed sarhaye. Kooxda ku guulaysatay u dhawaanshaha Gumaysiga Itoobiya oo uu hor kacayo C/rashid Duulane ayaa la shegayaa in ay ku dhawaaqi doonaan maamul Cusub, hase yeeshee waxay wararku sheegayaan in uu xanuun ku dhacay C/rashiid Duulane oo loola cararay Magaalada Adis Ababa, xanuunkaas oo ahaa Dhiikar ka biloowday rabshado iyo Buuq ay ku furen dad isugu soo baxay Salaadii Ciida oo uu rabay in uu la hadlo.

13 Qof oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Magaalada Adis Ababa.

13 qof ayaa ku dhaawacmay 17 Bishan december goob shidaal laga shubto oo ku taala Xaafada Ehel Berenda ee magaalada Addis Ababa. Bansiinlahaas oo watay magaca shirkada SHELL ayuu Dab qabsaday kadib markii nin wato bambo gacmeed uu goobta shidaalka ku tuuray. Ninkaasi oon la garanaynin sababta uu falkan u sameeyay ayaa isla markii la qabtay. Dadkii ku dhaawacmay Qaraxaas ayaa lagu dawaynayaa Isbitaalka Ras Desta ee Magaaalada Adis Ababa.

warar aan la xaqiijin ayaa sheegayo in Baasiinlahaas uu lahaa nin sarkaal ah oo ka tirsan Ciidanka Itoobiya oo u dhashay qowmiyadda Tigreega, waxase Maamuli jiray Kaalinta shidaalka walaalkii si ayna ugu muuqanin in uu isaga leeyahay.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Soomaaliya Soo galay.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gawaaridda gaashaaman ee dagaalka ayaa gudaha u soo galay deegaano ka tirsan Gobaladda Hiiraan, Bakool, iyo Gedo ee dalka Somalia.

Deegaanadda Dooloow Somalia, Qurac Joome, iyo Farlibaax ayeey Ciidamo Itoobiyaan ah gudaha u soo galeen masaafo dhan 20 KM.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay haatan ka baxeen goobahaas Ciidamada Itoobiya. Ma cadda illaa iyo hadda sababta keentay in Ciidamadda Itoobiya ay soo galaan Soomaaliya mase aha marki ugu horaysay ee ay Gudaha Soomaaliya soo galaan , Totobaadkii hore ayeey Ciidamada Itoobiya soo galeen Magaalada Buula Xaawo iyo goobo kale oo ka tirsan Soomaaliya. Dadka siyaasada Itoobiya u dhuun duleela ayaa sheegaya in ay Itoobiya wado is balaadhin iyo Daaandaansi ay ku doonayso inay ku qabsato goobo ka mid ah Soomaaliya.

Isbadal Gurracan ooy TPLF tu ka bilaabayso Gobalka Gambela.

Warar xog-ogaal ah oo naga soo gaadhaya xafiiska wasiirka federaalika Itoobiya Abay Tsehaye ayaa sheegaya in kilil ku sheega gambela dhowaan lagu sameeyn doono dib u habeeyn guracan oo lagaga nadiifinayo dad laga shakisan yahay in ay xidhiidh hoosaad la leeyihiin Jabhadda Xoreynta Shacabka Gambela. Sida wararku sheegayaan waxaa xog uruurin la xidhiidha howshan loo xil saaray Dr. Gebre-ab Barnabas oo ah wasiir ka tirsan kilil ku sheega iyo Ket Tuach oo ah madaxweyne ku xigeenka kililka, iyada oo la dhinac maray Madaxweynaha kilil ku sheega. waxaa la filaya in qaabka loo sifeeyn doono gobolka Gambela ay tahay nidaamkii ay TPLFdu u adeegsadeen Maamul ku sheega sidaamaha iyaga oo xidh xidhi doona madax sare oo ka tirsan is maamulkaas, waxaana laga yaabaa in laga bilaabo Madaweynaha Gobalkaas. Wararku waxay intaas ku darayaan in 3 xisbi oo halkaasi ka jiray la ba'bin doono iyada oo ay TPLFdu xisbi cusub u sameeyn doonto dadka iyada u adeega, taas oo ah mid ay ka maqnaan doonaan dadka laga shakisanyahay in ay xidhiidh hoosaad la leeyihiin Jabhadda Xoreynta Shacabka Gambella.

Taliyaha Ciidamada Jabouti oo Eriteria booqasho ku tagay Eritrea.

Taliyaha ciidanka Jabuuti Jeneraal Fatxi Axmed Xussein iyo wafti uu hogaaminiyo ayaa 16 Bishan December booqasho ku tagay dalka Eritrea. Waftiga Jeneraalka waxaa garoonka diyuuradaha ku soo dhoweeyay taliyaha ciidanka Eritrea Jeneraal Cumar Tewil, taliyaha Ciidanka Bada Eritrea Jeneraal Humed Karikare iyo Jeneraal Axmed Cumar KaiKai. Socdaalka taliyaha Ciidanka Jabuuti ayaa ah mid kor loogu qaadayo xidhiidhka military ee ka dhaxeeya Eritrea iyo Jabuuti

Wasiirka Gaashaan dhiga Jarmalka oo Booqasho kutagay Jabouti.

Wasiirka Gashandhiga Jermalka mudane Peter Struck ayaa 14 Bishan Decembar ka dagay garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Jabuuti, isaga oo horkacayay wafdi balaaadhan oo ka tirsan wasaaradiisa Gaashaan dhiga. Wasiirka iyo waftigiisa waxaa garoonka Dayuuradaha ku soo dhoweeyay wasiirka arrimaha dibbeda Jabuuti mudane Cali cabdi faarax iyo taliyaha Ciidanka Jabuuti Fatxi Axmed Xussein. Wasiirka ayaa la sheegayaa in uu, u yimid sare uqaadida xidhiidhka Labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya ciidamada Labada wadan.

Dhoodi Danwaa. 

I  I  D  H  E  H

Dhoodi Danwaa.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD