SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Dec 24, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 Warka Madax diisii.

1.  Ciidamada Cadawga itoobiya oo Gubay Dagmooyin ka tirsan Ogaadeenya.
2.  Dawlada Itobiya oo amar kubixisay in laxidh xidho iskuulaad kuyaala Ogadenya.
3.  Madax kasocota DKMG ah ee Somalia oo Qaahira Shirar u tagay        
4. Madax waynaha Eritrea oo booqasho kutagay Jabouti.

Warkii oo Faah faahsan

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Intaasi waa warka madax diisii hadana isagii oo fidsan.

1. Wararka ay noo soo tabiyeen Wariyayaasha Radio Xoriyo ee Gobolada iyo dagmooyinka  Ogaadeenya ayaa sheegaya  in 18.12.02 Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ay gubeen 5 Tuulo oo ka tirsan Gobolka Shiniile. Tuulooyinkaas oo kala ah Sakuuli, Gadhamulli, Malkaa- jabti, Biki iyo Cayn-Doola ayaa la sheegayaa in ayna waxba ka caymin Ciidamada Naflacaariga Itoobiya.  wararku waxay intaas ku darayaan in ka hor intayna Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya Dabka qabadsiin ay Hantidii dadwaynaha ee halkaas taalay Boob ku bilaabeen iyagoo halkaas ka uruursaday hanti lagu Qiyaasay Milyan Doolar oo ay lahaayeen Ganacsatadii Goobahas daganayd. Arintani waxay qayb katahay Cadaadiska iyo Dulaynta ay Ciidamada Cabudhiska Gumaysiga Itobiya ku hayaa Shacabka Reer Ogadenia.

19.12.02 waxay Ciidamada cadawga Itoobiya Xabsiga magaalada qabridahare u taxaabeen
Xiis maxamed C/laahi
Muxumed wadaad yare iyo
Yusuf Dool wacays
  
17.12.02 waxay Ciidamada Cadawga itoobiya ku xidh Xdheen magaalada Dhanaan dad aad u fara badan oo wax ay galabsadeen aysan jirin waxana ka mid ah kuwan.
Gaboose Ceelaabe
C/laahi Ceelaabe
Xareed Cumar Xukun iyo
Muxumed C/laahi Daahir

16.12.02 waxay Ciidamada cadawga itoobiya xabsiga magaalada goday u taxaabeen
Khaliif Dhaga wayne
Huruufe Cali
Rashiid maxamed
Ahmed macalin Ibraahin
Daahir sandheere iyo 
Shugri Colaad.

18.12.02 waxay Ciidamada Wuxuushta Gumaysiga Itoobiya Xabsiga magaalada Galadiid oo ka tirsan gobolka Qoraxay dhigeen dadkan kala ah.
Cabdi maxamed dool
Tuqudhi Muxumed iyo
Galadiid Maxamed Sina.

Guud ahaan Dadwaynahaas laga dhacay hantidoodada lagana gubay Guryahoodii iyo kuwa xabsiyada loo taxaabayba waxay ahaayeen dad shacab ah oo aan wax siyaasad ah lug ku laheeyn, balse  Ciidanada cadawgu waxay dhibatadaas ugu sii dareen wax ay ganaax  ku sheegeen oo  ciidamada cadawga itoobiya looga dhigayo mushahaarooyin.

(Aqoonsiga Ciidamo Itoobiyaan ah oo baxsadey)  [arag sawirada]
2. Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jijiga ayaa sheegaya in dowladda itoobiya gaar ahaan xafiiska wasiirka Federaaliga Abay Tsehaye  uu amar ku bixiyay in  si deg deg ah loo joojiyo Waxbarashada Dugsiya ku yaala Ogaadenya.  Amarkan  ayuu ku sheegay in si dhakhso ah loo hirgaliyo iyadoo laga bilaabayo magaalada jigjiga iyo Nawaaxigeda. Wararku waxaay intaasi ku darayaan in ilaa hada la xidhay 20 ka mid ah dugsiyada hoose iyada oo dhowr kun oo caruurtii Dugsiyadaas wax ka baranaysay la sii kala dayay.

Talaabadan ayaa ah mid qayb ka ah Gumaysiga iyo maamulka guracan ee ay Itoobiya kula dhaqanto shacabka reer Ogadenya, iyada oo mar walba isku dayda in ay ka hor istaagato caruurta Ogaadenya Tacliinta. Arintani waxay kadambaysay ka dib markay Caruurtu bilaabeen in ay su'aalaan soo waydiiyaan Macalimiintooda sababta loo barayo tariikhda Itoobiya madaama ayna itoobiyaan ahayn iyo su'aalo kale oo taas la mid ah. Si kastaba ha ahaatee dowladda itoobiya ayaa biloowday in ay marmarsiyo ka dhigato in Abaaraha awgii aysan iskuulaadka Ogaadeenya u furnaan karin iyada oo sheegtay in caruurta aysan waxba baran karin iyaga oo baahan. Hadalkaasi ka soo yeedhay Xukuumada Itoobiya ayaa ah mid ka yaabiyay beesha caalamka, gaar ahaan hayadaha samafalka iyaga oo u arkay in caruur gajeeysan ay mudan tahay in cuno la siiyo oo tageero la gaadhsiiyo lakiin in la kala diro ay tahay mid kasoo horjeeda Xaquuqda Carruurta, Waxaa kaloo mudan in layswaydiiyo Itoobiya ma isku dayday in marna kabaxaan Gaajada Carruurta reer Ogadenya?

3. Wasiirka Arrimaha Dibbeda ee dowladda ku meel gaadhka ah ee Somalia mudane Yusuf Xassan Ibrahim "Yusuf Dheeg" iyo Wasiirka dhaqaalaha Xussein Maxamuud Sheekh Xussein ayaa maalintii  sabtida ee 21 Decembar ka soo degay gagida diyuuradaha ee magaalada Qaahira. Labada wasiir ayaa lasheegay in ay u yimaadeen shirar deg deg ah ooy la lahayeen ururka jaamacada carabta iyaga oo ka wada xaajoonaya arrimo la xidhiidha shirka dib uu heshisiinta soomalida haatan uga socda magaalada Eldoret. Jamacada carabta ayaa ilgaar ah ku eegaysa  shirka dib u heshisiinta soomalida ooga socda Eldoret iyaga ooy u muuqato faragelinta qaawan ee itoobiya ku hayso shirkaasi.

Dhanka kale Wararka naga soo gaaraya Magaalada Ceel Barde ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidammada Itoobiya oo saldhigoodu ahaa magaalada Godey  ay  20 Dec. soo galeen magaalada Ceel Barde. Lama garanayo halka ay ciidammadaasi ku sii jeedaan, balse waxaa la sheegay in goobihii ay soo galeen ay ka geysteen falal isugu jira, dhac, dil iyo kufsi sida ay sheegeen dadka deegaanka. Ciidamada itoobiya ayaa maalmahan dambe si isdaba joog ah usoo galayay Gudaha Somalia iyaga oo gaystay Dhibaatooyin aan xad lahayn

4. Madaxweynaha Eritrea Asias Afwerke ayaa  20kii bisha December booqasho  hal maalin ah ku tagay dalka jabuuti. Booqashadaas ayaa ahayd mid uu madaxweynaha Eritrea shir kula yeeshay madaxweynaha dalka Jabuuti mudane ismaciil cumar geele. Sida wararku sheegayaan, labada madaxweyne waxay ka hadleen xaalada siyaasadeed ee geeska afrika, arrimo la xidhiidha shirka dib u heshisiinta soomalida iyo la dagaalanka argagixisada caalamiga. madaxweyne Afwerke waxuu isla dhurinimadii ka ambabaxay Jabuuti ka dib markuu dhameetstay Mooqashadiisii gaabneed ayna isla Afgarteen wax yaabihii ay ka wada hadleen madaxwayne Ismaciil Cumar geele.

I  I  D  H  E  H

Dhoodi Danwaa.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD