Ciidamada Cadawga Itoobiya oo ka guuray Goobo ka mid ah Ogaadeenya.
Wararka Naga soo gaadhaya Gobolada Nogbeed ayaa sheegaya in Ciidamada Gumaysiga
Itoobiya ay ka guureen meelo kamid ah Ogadenya oo ay saldhigyo horay ugu
lahaayeen, saldhigyada ay ka guureen waxaa kamid ah, Garasley; Iimay Bari; Fiiq;
Xamaro iyo meelo kale. Guuridan ayaa loo tirinayaa in ay ka danbeeysay dagaalo
badan oo ay ku qaadeen CWXO fadhiisimada Ciidamada Cadawga Itoobiya ee aagaas
iyo Baxsasho ay baxsadeen Ciidamadii Goobahas.
Banaanbax ay sameeyeen Macaliinmta Jaamacada Adis ababa.
Waxaa 26 December magaalada Addis Ababa isugu soo baxay in ka badan 1500 oo
macalimiin ah, ku waas oo wax ka dhiga Jaamacadaha Magalada adis baba iyo qaar
kamid ah Ardayda Jaamacada Kotebe Teachers' College. Macalimiintaas ayaa
xukuumada Melez Zenaawi ku eedeyay mamul-xumo iyo Leexsasho mucaawinada
caalamiga ee loogu tala galay dadka tabaaleeysan ee ku sugan Itoobiya.
Mucaawinadan ayay Macalimiintu waxay ku sheegeen in ay xukuumadadu u leexiso
dhinaca Cidamada iyadoo ay maalin walba u dhintaan kumanaan ruux Gaajo iyo
darxumo. Waa markii ugu horaysay ee Shacabka Itoobiya ku mudaharadaan Addis
Ababa iyagaoo dowlada uu hogaamiyo Zenaawi ku eedeynaya in uu raashinka beesha
caalamku ugu deeqday shacabka u leexiyo dhinaca Ciidamada u adeega Xukuumada
Adis Ababa. Waraku waxay intaas ku darayaan in Macalimiinta loo diiday in ay
Banaanbaxaan oo ay muujiyaan Dareenkooda iyo waxa ay tabayaan, hase yeeshee ay
iska dhaga tireen diidmada xukuumada kaligii taliye Zanaawi, macalimiintan ayaa
watay Boodhadh ay ku qoranyihiin Raashinka Shacabka ayaa iska leh, Zanaawi
laguma aamini karo Deeqda Caalamiga ah ee ay bixiso beesha Caalamku iyo sawiro
ay ku sawiranyihiin Melez Zenaawi, Sebhat Nega iyo Seyoum Mesfin oodhexda kala
baxaya raashin beesha caalamka ka yimid oo ku socda caruurgaajeeysan. warar xog
ogaal ah ayaa iyana sheegayo in qaar ka mid ah macalimiintaas ay lakulmeen
safaaradaha dalalka deeqda bixiya iyaga oo qoraalo ay ku soo koobeen aragtidooda
u gudbiyay. Waxa kalooy wararku sheegayaan in dhowr iyo toban macalimiin ah oo
maadooyinkala duwan dhiga ay hal maalin is wada casileen iyaga oo diidan madaxa
cusub ee Xukuumada TPLF u magacowday in uu jamacada Addis Ababa hogaamiyomiyo,
waxaa macalimiintaas kamid ahaa Prof. Mogessie Ashenafi oo isaga qudhiisa mar
jamacada ka ahaan jiray madax iyo Professor Yemane oo magac weyn ku leh jamacada
Addis Ababa.Jamacadda Addis Ababa ayaa beryahan dambe noqday meel si balaaran
loogucambareeyo dowladda Itoobiya. Dhinaca kale waxaa Todobaadkii hore is
Casiley madaxa Jamacada Addis Ababa Eshetu Woncheko, iyo ku xigeenadiisa Dr.
Tetemke Mehari, iyaga oo sabab ka dhigtay faragelinta balaadhan ee ay xukluumada
Zanaawi ku hayso qaabka ardayda waxloo baro iyo handadaad lagu hayo macalimiin
loo arko in ay siyaasada TPLF ka soohor jeedaan.
Kulan ay yeesheen wasiirada Gaashan dhiga ee Shiinaha iyo Ertrea oo kadhacay
Bejeing.
Wasiirka gashandhiga Eritrea Sefxat Efremet iyo Wasiirka Gaashaandhiga dalka
Shiinaha Chi Howshian ayaa Todobaadkii hore kula kulmay magaalada Bejeing
eedalka shiinaha.Dowladda Shiinaha ayaa martiqaad u fidisay wasiirka gashandhiga
Eritrea isaga oo la filayo in uu mudo ka badan todobaad ku sugnaan doono dalka
shiinaha.Socdaalka u wasiirka gashandhiga Eritrea ku tagay dalkaasi shiinaha
ayaa ah midlagu hirgalinayo qorshooyin kala duwan oo ay ka mid tahay in ciidanka
shiinuh tabar iyo qalab ugu deeqaan dowladda Eritrea oo ay ku tilmaameen dowlad
muujisay saxiibtinimo fiican.
Madaxa bangiga ay sida gaarka ah uleeyihiin TPLF oo jagadii laga qaaday.
Haweeyneyda la yidhaahdo Brutawit Dawit Abdi oo ahayd madaxweynaha Wegagen
Bankoo ah bangi ay TPLFdu leedahay ayaa jagadii laga qaaday ka dib markii uu
khilaaf soo dhex galay iyada iyo qaar ka mid ah madaxda TPLF. Brutawit Dawit
waxay madax ka ahayd bangiga Wegagen mudo 5 sano ah. warar xog ogaal ah ayaa
sheegayo in khilaafka dhex maray Brutawit iyo madax katirsan TPLF ay ku saabsan
tahay lacago loo qoondeeyay in maal gelin lagu sameeyo gobolka tigray oo ay qaar
madaxda TPLF ta kamid ah ay rabeen in ay jaabka kushubtaan. Lacagtaas ayaa
markeedii hore ka timid dibbeda iyada oo loogu tala galay in gobolada abaartu
kajirto gargaar loo siiyo lakiin TPLF ta ayaa ku leexisay bangiga si loo
maalgaliyo gobolka tigray oo kaliya. Hadana waxaa muuqata in xitaa gobolka
tigray aan la gaadh siin doonin oo si shaqsi ah loo lunsandoono.
Kenya oo Madaxweyne cusub loo doortay.
Musharaxa Madaxweyne nimada ee Xisbiga isbaheeysiga NARC Mwai Kibaki ayaa si
weyn ugu guulaystay doorashoadii taarikhiga ahayd ee 27 bisha December kadhacay
dalkaas Kenya. Xisbiga mucaaridka NARC ayaa ku guulaystay Jagada madaxweyne
nimada iyo inta badan Kuraasta Barlamaanka, xisbiga NARC ay talada kala wareegi
doona xisbiga KANU oo dalka katalinaya mudo dhan 40 sano, Guddiga doorashooyinka
ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in musharaxa xisbiga mucaardaka ah ee NARC Mr Mwai
Kibaki uu yahay madaxweynaha cusub ee dalka Kenya,si rasmi ahna ula wareegi
doono jagada 5ta bisha January ee sanadka fooda ianagu soo haya. Mwai kibaki
wuxuu 63% kaga guulaysatay ninka latar tamayay Uhuru Kenyta oo uu dhalay
Maxadweyniihii hore ee Kenya Mizee Jomo kenyata, wuxuuna helay 30 %, doorashadan
oo lagu sheegay in ay ahayd mid sio xor ah oo xaqa ah udhancay ayuu Uhuru
kenyata qirtay in si sharci ah looga badiyay, wuxuuna u tahniyadeeyay
madaxweynaha cusub.
I I D H
E H
|
|
Dhoodi Danwaa.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|