SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Nov 22, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 

I  I  D  H  E  H

  Warka madaxdiisii 

·Ciidamada Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya oo Ciidamada Cadawga Itoobiya ku jabiyay Dagaalo ay iskaga horyimaaadeen.
·Gaadiid badan oo shacabka Soomaaliyeed oo ay Ciidamada Itoobiya u daabulen Magaalada Harar
·Xukuumada Itoobiya oo diidday yabooh ay u fidisay dawlada Eritereya.
·Xukuumada Itoobiya oo Cadaadis Caalami ah kaga yimid Fargalinta ay ku hayso Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya.
·Gudoomiyihii ha,adda OWS(Ogaden Welfare Society) oo ka baxsaday xabsiga Itoobiya ee Jigjiga.

Warkii oo Faahfaahsan.

Ciidamada Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya oo Ciidamada Cadawga Itoobiya ku jabiyay Dagaalo ay iskaga horyimaaadeen.

Dagaalada ay iskaga horimanayaan Ciidamada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Guamysiga Itoobiya ayaa ah kuwo joogta ah oo aan kala go, laheeyn. Dagaaladan ayeey sheegeen Dagaalyahamiinta Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya inayna marnaba joojinayn ilaa ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ka baxaan Ciida Ogaadeenya, Shacbiga Ogaadeenyana uu ka hanto Xoriyadiisa oo Buuxda.

Wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee Ciidanka Xoreenta Ogaaadeenay ayaa sheegaya in ay dagaaaladii ugu danbeeyay ka dhaceen goobahan.

6/11/02, Dagaaal ay ku qaadeen Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya Ciidamo Gumaysiga Itoobiya oo marayay meesha lagu magacaabo Gumar oo ka tirsan Dagmada Qabri Daharre, ayaa Ciidamada Doolka Gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 5 Askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

7/11/02, isla Gumar dagaal mar Labaad ka biloowday oo ay iskaga horyimaadeen Cidamada Nacabka Itooobiya iyo Ciidamada geesiyiinta Xoreenta Ogaaadenya waxaa Ciidamada Cadawga lagaga dilay 4 Askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dgaaal kale oo ay isku haleeleen Ciidamada Wadaniga Xoreenta iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya meesha la yiraaahdo War-Udan waxaa Ciidamada Cadawga lagaga dilay 5 Askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Guud ahaan dagaaladan ayaa aad loogu nafeeyay Ciidamada isu keenka ay Hogaamiso TPLF.

Gaadiid badan oo shacabka Soomaaliyeed oo ay Ciidamada Itoobiya u daabulen Magaalada Harar

Ciidamada Itoobiya ayaa horaantii bishan ilaa intii ka dambaysay qab qabsasho aan xad layahayn u geystay Gawaarida ay leeyihiin shacabka ku nool Ogaadeeniya gawaaridaas oo u kala gooshi jirtay wadanka Soomaaliya iyo Ogaadeeniya. Qaar ka mid ah Gawaaridaas ayaa Xamuulka ay sidaan ku dajin jiray magaalada Harta Sheekh, kadibna loo qaybin jiray guud ahaan wadanka Itoobiya.

Hadaba Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ka qabqabteen Xuduuda Ogaadenya iyo Soomaaliya Gawaari lagu Qiyaasay ilaaa iyo 400 oo Gaadhi, kuwaas oo ay dhamaantoot Ganacsato Soomaaaliyeed lahaayeen. Gawaaridaaas ayaa la sheegayaa in loo Daabulay magaalada Harar waxaaana lasheegayaa in ay damacsantahay Xukuumada Kaligii taliye Meles Zenawi in ay halkaas ku Xaraashto Gaadiidkaas, qarshahan Xaraashka ayaa lasheegayaa in la bilaabay oo mar dhaw lagu dhawaaqi doono.

Wararku waxay intaas ku darayaan, inaysan wax dacwad ah ku soo oogi Karin ama aysan u doodi Karin dadweynihii lahaa gawaaridaas oo aysan geesan Karin Maxkamadaha dacwadahooda, sababtoo ah waxay dowlada Melezanawi ay ku andacoonaysaa inay sideen gawaaridaasi koontarabaan aan loo ogalayn wadanka ama ay ka dhuumalaysanayeen canshuurta dowlada ee xad dhaafka ah.

Waxaana hubaal ah inay sideen gawaaridaasi badeecooyin kala duwan ku waas oo ay ka keeneen Dekedaha Soomaaliya, waxayna mulkiilayaasha iska leh gawaaridaasi aaminsan yihiin inay kor u qaadayeen oo ay horumar u keenayeen dadweynaha ku nool Ogaadeeniya iyo Guud ahaaan Itoobiya oo Shacabkeedu aad u liito taasoo aysan raali ka ahayn dowlada uu hogaamiyo kaligii taliye Melezanawi.

Xukuumada Itoobiya oo diidday yabooh ay u fidisay Dawlada Eritereya.

Dawlada Itoobiya ayaa diidday yaboohdii ay Eritereya ugu yaboohday inay dekadaheeda isticmaasho, si ay gargaarka u gaadhsiiso dadka malaayiinka ah ee abaaruhu ay wax-yeelleyeen.

Wasiirka warfaafunta ee Itoobiya Netsannet Asfaw ayaa sheegay in dhibaatada hadda Itoobiya haysata ayna deked la'aan ahayn, balse ay tahay cunto la’aan, wuxuu kaloo intaas raaciyay inay jiraan dekado badan oo Itoobiya ay isticmaali karto.

Asfaw wuxuu intaa sii raaciyay in yaboohda Erieterya ayna wax lug ah ku lahayn mawduuca hadda laga hadlayo. Itoobiya waxay sidanoo kale u diidday inay dekadaha Eritereya isticmaasho sanadkii 2000, markii ay abaaraha qallafsan ka dheceen dhulka ay soomaalidu degto ee Ogadenya, halkaasoo ay kumayaal dad ahi macaluul ugu baaba’ayeen.

Itoobiya waxay hadda wax uga soo degaan dekada Jabuuti, taasoo loo soo mariyo cuntooyinka gargaarka ah ee loogu deeqo dadka ay abaaruhu naafeeyeen ee Itoobiya ku dhaqan.

Xukuumada Itoobiya oo Cadaadis Caalami ah kaga yimid Fargalinta ay ku hayso Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Xubnaha Gudiga IGD kaga jira Dawlada Itoobiya ayaa waxaa soo wajahay Cadaadis Caalami ah oo lagaga soo horjeedo Faragalinta ay ku hayso Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uga socda Magaalada Erdoret ee Wadanka Kenya.

Dawlado ay ka mid yihiin Jarmalka iyo Faransiika Diblamaasiyiintooda ku sugan Caasimada wadankaasi Kenya ee Nayroobi ayaa Xubnaha Gudiga IGD kaga jira Wadanka Itoobiya u sheegay in ay ku ekaadaaan Doorkooda nabadeenta Soomaaliya si xal waara loogu helo Dagaalka ka aloosan wadanka Soomaaliya. Diblomaasiyiintu waxay kaloo u sheegeen in ay la mid noqdaan Xubnaha kale ee Gudiga kula jira oo ay joojiyaa is garab taaga kooxo gaar ah.

Hadaladan Diblamaasiyiinta ayaa waxaa ka danbeeyay Cabashooyin ay Xubno badan oo ka qaybgalayaasha shirka ay gaga Cabanayaan Faragalinta tooska ah ee ay Xubnaha Itoobiya ka socda ku hayaan habsami usocodka Shirka iyo ayagoo ku eedeeyay in ay kooxo Gaar ah wadato Xukuumada Itoobiya.

Gudoomiyihii ha,adda OWS(Ogaden Welfare Society) oo ka baxsaday xabsiga Itoobiya ee Jigjiga.

War lagu kalsoonyahay oo naga soo Gaadhay magaalada Jigjiga ayaa Sheegaya in uu Xabsiga Magaalada Jigjiga ka baxsaday Maxamuud Cabdi Dacay oo ahaa Gudoomiyihii hay,adda samafalka ee OWS. Ninkan ayeey Xukuumada Itoobiya Xidhay 11 Septemer 2002 waxaana guud ahaan la baabi,iyay hay,addii uu madadaxda ka ahaa. Xukuumada Itoobiya ayaa la wareegtay Gaadiidkii iyo hantidii hay,addu lahayd, wax danbi ah oo loo Cuskaday baabi,inta hay,adan ma aysan jirin. Hay,addan ayaa quudin jirtay dad aad u tira badan oo danyar ah waxay kaloo Hay,adani qodijirtay Ciilasha ay dadwaynuhu ka cabaan iyadoo dayac tiri jirtay kuwa baaba,ay, Guud ahaan OWS ayaa adeega Bulshada kaga jirtay kaalin mihiim ah.

Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD [an error occurred while processing this directive]