SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Nov 26, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 

I  I  D  H  E  H

  Warka madaxdiisii  Warka madaxdiisii

·Maamulka Jigjiga oo dagaal dhexdiisa ah ku jira.
·Dad Dhagaxbuur ku xidhnaa oo Xabsiga Jigjiga  loo Gudbiyay.
·Tareenka Jabuuti iyo Itoobiya isku xidha oo Xaalad Nabadgalyo loo hakiyay.
·Deeq loogu yaboohay dadka Itoobiya ku tabaalaysan
·Ciidamada Itoobiya oo si xadgudub ah u Qabsaday Balanbale.

Warkii oo faahfaahsan

Maamulka Jigjiga oo dagaal dhexdiisa ah ku jira.

Maamulkii gobolka ee magaalada Jigjiga ku curyaamay ayaa maalinba maalinka ka denbeeya ka sii xumaanaya ilaa uu hadda gaadhay heer ay wax ka-qabashadiisu aad u adagtahay, oo baarlamaan ku sheeggii iyo madaxdii maamulku ay si toos ah isaga horyimaaddeen, waxa ay ku dagaallamayaan aanuu ahayn wax dan u ah shacbiga Ogadenya, balse ay yihiin baratanka loogu jira u adeegidda iyo daacad u noqoshada gumaysiga Itoobiya ee wayaanuhu uu horkacayo.

Xaaladda uu hadda ku sugan yahay maamulka magaalada Jigjiga waxaa weeye, iyadoo uu halkiisii ka sii socdo khilaafkii u dhexeeyay madaxa maamulka maqaar-saarka ah ee Jigjiga C/rashiid Duullane iyo afhayeenka baaralamaan ku sheegga C/raxmaan Bade.

Kooxda uu horkacayo C/rashiid Duullane, oo adeegsanaya awood dheeraad ah oo dhinaca maamulka ah, waxay ku guulaysteen inay baajiyaan kal-fadhigii baarlamaan ku sheegga ee C/raxmaan Bade uu ku dhawaaqay, hase yeeshee waxay dhinaca kale meel-mariyeen Shirkii xisbi ku sheega wayaanuhu dhisay  oon wax hakad ahi ku dhicin.

Wararkii ugu denbeeyayna waxay sheegayaan in kal-fadhi aan caadi ahayn oo toddobaadkii hore la qabtay xilkii afhayeennimada lagaga qaaday C/raxmaan Bade, oo muddo afar bilood ah xilkaas hayay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, xaladda oo meel aad u xun gaadhay darteed, waxaa wali jira kacdoon adag oo si wayn uga dhex muuqda nimanka ku dagaallamaya u kala dhawaanshaha cadawga Itoobiya, warar xog-ogaal ah ayaana sheegaya in dib loo dhisi doono maalmul cusub oo baddala kan hadda shaqeeya oo wakhti gaaban uun jiray.

Waxaa socda qorsho ay ku diyaarinayaan doorashadii dagmooyinka oon dhicin muddo Toban sano ah, hadaba si uu u qabsoomo waxay rabaan inay adeegsadaan awood millatari oo siyaado ah, walise ma cadda goorta ay ka dhigi doonaan.

16 bishan aynu ku jirno ee november  waxaa magaalada Jig-jiga isku laayay ciidamada Wayaanaha iyo shacbiga magaalada Jig-jiga oy taageerayaan ciidamada booliska.

Dagaalkani waa mid hadda ka horna dhacay, uuna sabab u yahay shacbiga oo diiddan siyaasadaha gumeysiga ee lagula dhaqmo iyo maamul xumada la fac-tirsatay.

Dhinaca kale kooxo Maleeshiyo ah oo lagu uruuriyay magaalada Goday ayaa la soo sheegayaa inay kacdoon cusub sameeyeen, ka dib markii wax xuquuq ama mushahar ah la siin waayay, waxaana dhawaan magaalada u kicitimay nin ka mid ah masuuliyiin ku sheegga maamulka magaalada Jigjiga, si uu dhibaatadan u soo xalliyo, wuuse ku guul daraystay.

Ciidamada Cadawga Itoobiya oo dad aad u farabadan ku xidh xidhay Gobalo iyo Dagmooyin ka mid ah Ogaadenya.

Wararka ka imanaya magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in dad  farabadan oo hadda ka hor lagu xidh-xidhay magaalada Dhagaxbuur, 22 ka mid ah loo dhaadhiciyay magaalada Jig-jiga, waxaana dadkaas ka mid ah, dadkaas ayaa waxaa ka mid ahaa kuwan.

1- Cabdi-kaafi Sh. Ismaaciil. 
2- Ahmed Mohamed Guure.
3- Bashir Sh. Cali.
4- Abshir Cabdi Xayyi.
5- Cabdi-salaan Shukri Cabdulaahi.
6- Cabdi Siyaad.
7- Sheekh Mohamed Raabi.
8- Cabdi-rahman Cali Xaashi.
9- Cabdi-xakiim Mahad Mahad.
10- Cabdi-fattaax Gadhle
11- Aamina Shariif Mohamed.
12- Xaliimo Maxamuud.

13/11/02, Ciidamada wayaanuhu  waxay si hamoonyo iyo gaajo ka muuqato, u boobeen tuulada Garoonka, waxayna dadwaynaha  halkaas dagan ka Boobeen Lacag Dhan 50/milyan oo Sh. somali ah.

Hantidaas badankeed waxay ka dheceen hooyo wiil yar nuujinaysay oo lagu magacaabo Cambaro Jikre, taasoo ay xidheen, si ayna uga daba qaylin. Dadka kale ee halkaas lagu dhacay waxaa ka mid ah ninka la yidhahdo Indho Garas.

14/11/02, Waxay ciidamada Gumaysigu magaalada Godey ku xidh-xidheen dadka kala ah:
1- Aaden Habar-waa.
2- Cabdi Aw Maxamuud.

17/11/02, Ciidamada wayaanuhu  waxay si xishood laa'an ah u boobeen magaalada Qamuuda, waxayna shacbigii Magaalada Daganaa ka urursadeen waxay Hanti haysteen, taas oo dahneed  25/milyan oo sh. Somali ah.

Magaalada  Garasley oo ka tirsan degmada Fiiq, waxaa lagu xidhay:
1- Cabdullaahi Shaqlane.
2- Cabdi Faarah Khaliif.
3- Cabdi-raxmaan Aaden.
4- Ismaaciil Kilaas.
5- Shekh Mohamed Xareed.
6- Yuusuf Ahmed Noor.
7- Khaliif Muxumed Cadde.
8- Weli Dahir Mohamed.
9- Noor Weli.
10- Ruqiya, oon magaceeda buuxa la haynin.

1/11/02, magaalada Dhagaxbuur Waxaa lagu xidhxidhay dadkan kala ah:

1- Aw Cabdi Raage Xussein.
2- Maxamuud Xakiim Rooble.
3- Mohamed Baddel.
4- Cumar Yuusuf Ligane.
5- Cabdi Maxamuud Ahmed.
6- Shekh Ahmed Sayid.
7- Ibrahin Mohamed Qaasin.
8- Cabdulaahi Ibraahin.
9- Xaashi Maxamuud Tuure.
10- Mustaffa Yuusuf Madoobe.
11- Cabdi Mohamed Noor.
12- Cismaan Ibrahim Cumar.
13- Shekh Moxamuud Qaasin 
14- Caaqel, oon magic buuxa laga haynin.

17/11/02, degmada Awaare waxaa lagu xidhay dad tiradiisu gaadhayso ilaa 50 ruux oon magacyadooda dib ka soo  sheegi doono, hase yeeshee waxaa  ka mid ah:
1- Deeq Ahmed Xaamud.
2- Faadumo Xaji Cismaan.
3- Haybe Ismaaciil Guraar.

Tareenka Jabuuti iyo Itoobiya isku xidha oo Xaalad Nabadgalyo loo hakiyay.

Waxaa toddobaadkii hore hakad galay Tareenka isku xidha Jabuuti iyo Itoobiya, sidaasna waxaa caddeeyay masuul ka tirsan xukumada Itoobiya, oo qiray in dhibaato xagga nabadgalyada ahi ay qasabtay in la joojiyo socdaalkii Tareenka isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxa waxaada xiriirka shacabka iyo sharciga Itoobiyo iyo Jabuuti Girma Mekonen wuxuu sheegay in si ku meelgaadh ah  ay u hakiyeen shaqadii tareenka ee u kala gooshi jiray Itoobiya iyo Jabuuti, ka dib markii ay soo gashay cabsi xaga nabad galyada ah. Mar arintaas wax laga sii-weydiiyey wuxuu yidhi; Waxaan u hakinay nabad galyada oo xumaatay, hase yeeshee wuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo sababta ay nabedgelyo xumada keentay.  

Deeq loogu yaboohay dadka Itoobiya ku tabaala.

Sida ay warbaahinta adduunku shaacisay waxaa dalka Itoobiya ku tabaalaysan dad aad u badan oo ay abaaro ku dhifteen. Dawlada Maraykanku waxay ballanqaadday deeq cunto oo ka badan 250,000 metric tones, wuxuuna Maraykanku noqday dalkii macaawino ugu badan bixiyay.

Hay'adda USAID ayaa Jimcihii la soo dhaafay sheegtay in dawlada Maraykanku ay bixinayso deeq cunto oo 234,000 metric tones gaadhaysaa, inta u dhaxaysa bilaha december iyo jannaayo, waxayna deeqdani ka kooban tahay qamadi, masaggo iyo saliid.

Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya ayaa garaacay dad Shacabka Oromada u badan  oo abaaro uga soo cararaya guryahoodii, kuwaasoo soo galaaya  magaalada Adis Ababa.

Dadkan oo intooda badan  ka soo qaxay magaalooyinka Harar, Diridhabo iyo Chiro waxay ciidammada Itoobiya si qasab ah gawaadhidii ay saarayeen  ugaga daadiyaan meesha lagu magacaabo Akaki oo 30 km u jirta magaalada Addis Abab, waxaana loo diiday inay halkaas dhaafaan si ayna ugu badanin Caasimada Taliska Itoobiya Tuugsiga iyo Boobku.

Ciidamada Itoobiya oo si xadgudub ah u  Qabsaday Balanbale.

Wararka ka imanaya goballada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in magaalada Balanbale ee gobolka Galguduud ay daba-yaaqadii toddobaadkii hore soo galeen ciidammo itoobiyaan ah oo wata gawaadhida gaashaaman.

Mudadii ay ciidamadaasi haysteen magaalada Balanbale waxay hubka ka dhigeen dadkii halkaas degganaa, waxayna ka qaateen 16 qori. Ciidamada Itoobiya wax iska caabin ah haba yaraatee kalama ayna kulmin werarkii ay magaaladaas ku soo galeen, waxayna wararkani sheegayaan in ciidammada Itoobiya ay magaaladaas si dhakhso ah uga baxeen, isla markaana ay la tageen qoryihii ay shacabiga ka qaateen.

Odyaasha deegaankaas  ayaa si wayn uga cadhooday fal-xumada ay Ciidamada Itoobiya kula kaceen dadwaynaha deegaankaas ku dhaqan, waxayna odayaashu kayaabeen sababta ay Itoobiya denbiyadaas shacabiga reer Balanbale uga galayso, iyadoo waliba xubin ka ah Urur goboleedka IGAD, isla markaana hormuud ka ah shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee Erdoret.

Ismariwaa ka taagan furitaanka wajiga Labaad ee Shirka Dib u heshiisiinta Soomaalida.

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Eldoret ayaa sheegaya in weli la isku mari laayahay sidii uu u furmi lahaa wejiga Labaad ee shirka.

Waxaa kaloo wararku sheegayaan in gudiga fasamada ee IGAD soo jeediyeen in shirku furmi doono maanta oo talaada ah, isla markaana ayna cidna sugi doonin.

Dhinaca kale, haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan goobta shirka ayaa bulshada caalamka ee goob jooga ka ah shirka u sheegtay in aysan Soomaliya ku noqonaynin ilaa la dhiso dawlad Soomaliyeed.

Shir ka dhacay Jaamacadda Carleton, ee Magaalada Ottawa, Kanada

Shir loogaga hadlayey arimaha xuquuqul insaanka iyo xadgudubka ay dawladda Itoobiya ku hayso qoomiyadaha ay gumeysato, sida Oromada iyo Soomalida Ogaadeniya ayaa ka dhacay maalintii Sabtida ee bisha November 23, 2002 Jaamacada Carleton oo ku taala caasimada wadanka kanada ee Ottawa.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Ardeyda Oromada ee Jaamacada Carleton waxaa ka qayb galay wafti uu hogaaminayo wakiilka JWXO ee wadanka kanada oo ka kicitimay magaalada Toronto, waxaa kaloo iyaguna halkaas si habsi ah u yimid Jaaliyada Ogaadeniya ee Magaalada Ottawa oo ay horkacayaan madaxda jaaliyada.

Wakiilka JWXO mudane Faarah Osman Gaab oo ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay ee ku qoraa jadwalka shirka ayaa waxa uu soo bandhigay qoraal uu kaga hadlayey baahida ka taagan Itoobiya in aysan ahayn mid dabiici ah, balse tahay mid ay ka danbeyso dawladada Itoobiya. Faarax wuxuu aad ugu nuux-nuuxsadey tusaalooyina ka bixiyey Sababta wadamada deriska la ah Itoobiya  ay abaarta ama gaajadu u saameyn laadahay; tusaale wuxuu us oo qaatey Soomaliya oo mudo dhan 12 sano dawlad la'aan ah.

Waxaa isna dhinaca Ogaadeeniya ka hadlay Dr. Cabdi Aden, oo ahaan jiray Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka ee Dawladda Itoobiya, haatana degen wadanka kanada. Dr. Cabdi Aden, wuxuu si aad ah uga hadlay aqoonta gaarka ah ee uu u leeyahay maamulka TPLF. Wuxuu ka soo qayb galayaashii u ifbixiyey sawirka dhabta ah ee Melez iyo maamulkiisa.

Shirkan oo ahaa mid aad ah loo soo agaasimay waxaa iyaguna ka hadlay aqoonyaniin u dhashay qoomiyada Oromada oo isagu jira qaar laga soo daayey xabsiyada Itoobiya iyo kuwo in mudo ah ku noolaa wadamada qurbaha. Waxaa isna halkaas goob joog ka ahaa, nin u dhashay qoomiyada Oromada oo ka mid ahaan jiray Baarlamaanka Itoobiya mudo dhawna ka soo baxsadey wadankaasi..

Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD