SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Nov 9, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 

I  I  D  H  E  H

Warka madaxdiisii.

·Dagaall lagu jabiyay ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya.
·Dhaqaalaha Itoobiya oo sii xumaanaya.
·Maraykanka oo saldhig millatari ka samaysanaya Geeska Afrika.
·Masuuliyiinta soomaalida oo wali ku heshiin la' qaybta ergooyinka.

Warkii oo faahfaahsan.

Dagaall lagu jabiyay ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya.

Dagaalada ay iskaga horimanayaan Ciidamada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa ah kuwo joogto ah, oo malin walba dhaca inta badan. Sida la wada ogyahay waxay xukuumada Itoobiya, oo ah mid ku dhisan dulmi, dalka Ogadenya ku soo dhoobtay ciidamadii ugu badnaa, si ay u sii noolayso damaceeda ah inay xoog ku haysato dalka Ogadenya, arrintaasi waxay keentay in dagaallada cadowga Itoobiya lagala horyimaaddo ay noqdaan kuwo aan xad iyo kala joogsi midna lahayn.

Dagaalldii ugu danbeeyayna waxay ka dhaceen goobahan soo socda:

·28/10/02 dagaal ay ku qaadeen Ciidamada wadaniga xorenta Ogaadenya Ciidamada isu-keenka ah ee gumaysiga Itoobiya ee ku suganaa meesha lagu magacabo Kabowga, oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur waxay kaga dileen 21 askari, waxayna kaga dhaawaceen 28 kale.

·29/10/02, isla Kabowga dagaal ay iskaga horyimaaden ciidamada maxaysatada Gumaysiga Itoobiya oo ay waheliyaaan koox Dabaqoodhi ah iyo Ciidanka Xoreenta Ogaadenya, waxaa Ciidamada cadawga lagaga dilay 7 Askari, 5 kalana wa lagaga dhawacay.
Goobtaas Ciidamada Cadawga Itoobiya waxaa lagaga Furtay laba Qori oo nooca Baaska u dahca ah.

·30/10/02 Qudhacley, oo ka tirsan D/Buur dagaal ay isku haleeleen Ciidamada Wadaniga Xiorenta ogaadenya iyo ciidamada naf-la-caariga ah ee Itoobiya, waxaa cadawga lagaga dilay 25 askari, 30 kalana waa lagaga Dhaawacay.

·31/10/02 waxay Ciidamada sida Gaarka ah u tababaran ee geesiyiinta JWXO ku gubeen meesha lagu magacaabo Labiga, oo ka tirsan Dhagax-Buur, Baabuur nooca loo yaqaano Uraal ah, oo ay saaraayeen ciidan 50 askari ah. Sida ay wararku sheegayaana baabuurkaas waxba kama badbaadin.

·01/11/02 dagaal ay ciidamada sooma-jeestayasha ah ee Xoreenta Ogaadeenya ku qaadeen saldhiga ciidamada wayaanaha ee magaalada Waran-Dhaab, oo ka tirsan Gobalka Qorraxay,  waxay Ciidamada Nacabka kaga dileen 9 askari, 3 kalana way kaga dhaawaceen.

·01/11/02 Dagaal gaadmo ah oo ay ku qaadeen ciidamada wadaniga xoreenta Ogaadeenya, Ciidamo ku sugnaa Meesha lagu magacabo Baraajislaale, oo ka tirsan Gobalka Qorraxey, waxay ku gubeen baabuur uu saaraa qoriga loo yaqaano Zoo oo ay lahayeen Ciidamada Itoobiya.

Dagaalladas is daba jooga ah ee lagu qaaday Ciidamada Doolka ah ee Itoobiya waxay ku dhalisay niyo jab iyo is aamindaro dhexdooda ah, waxayna u kentay Jab ayna kasoo waaqsan karin.

Gudomiyihii hore ee jabhada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya oo Booqasho Shaqo ku tagay dalka qadar.

Gudoomiyihii Hore ee Jabhada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya Mudane Sh. Ibraahim Cabdalla, ayaa Todobaadkan Horaantiisii Booqasho Shaqo ku tagay wadanka Qadar.

Mudane Sheekh Ibraahim intii uu Joogay dalka Qadar waxuu kulamo layeeshay masuliyiin iyo Shakhsiyaad  Caan ka ha wadanka Qatar, waxuuna waraaqo uu kagaga Xogwaramayo xaalda guud ee Ogaadenya u gudbiyay Wasaarad Arimaha Dibadda ee wadanka Qadar.

Sidoo kale waxuu la kulmay Al-Jazeera TV.oo layeeshay waraysi ku saabsan Xaalada Guud ee Ogaadeenya iyo Halganka uu ku jiro Shacabka Soomaalida Ogaadenya, waxay kaloo ka waraystee Buug uu ka qoray guud ahaaan Halgankii Soomaliya iyo Geeska Afrika.

Dhinaca kale Mudane Sh. Ibraahin waxuu kulamo is daba joog ah la yeeshay Guud ahaan  Jaaliyadda Ogaadenya ee Qatar. Kulamadaas ayuu mudane Sh. Ibraahin ugaga Xogwaramay Xaalada halganku marayo iyo sida loogu Baahan yahay inuu Qof walba qaato kaalinta kaga aadan halganka. Sheekhu waxuu dadwaynihii u Cadeeyay Xaqnimadka halganka ay JWXO ku doonayso aayo katashiga Shacbiga Ogaadenya, waxuuna Cadeeyay ilaa ay Itoobiya ogolaato xaqa aayo katashi ee Shacabka Soomaalida Ogaaadeenya in uu socon doono halganka Hubaysan iyo midka siyasiga ah ee lagaga soo horjeedo Gumaysiga Itoobiya.

Waxuuna Sheekhu  Dadwaynihii ka soo qaybgalay kulamadaas ku baraarujiyay in aan Cadaadiska gumaysiga loo dabcin, lasna garab taago Ciidanka wadaniga Xorenta Ogaadeenya si tiradiisa iyo tayadisaba loo badiyo. Ugu danbentii waxuu Mudane Sh.Ibraaahin dadkii u sheegay in uu Xaqu guuleeysan Gumaysiguna jabbi oo uu guul dareeysan.

  Dhaqaalaha Itoobiya oo sii xumaanaya.

Badeecadaha ay Itoobiya u dhoofiso dalalka dibadda ayaa qiima dhac wayni ku yimid, sidaasna waxaa sheegay Gizaw Molla, oo ah agaasimaha hay’ada u qaabilsan dhoofinta badeecadaha dibada wadanka Itoobiya.

Gizaw waxuu sheegay in marka la is barbar dhigo sanadkii hore iyo sanadkan, ay badeecadda la dhoofiyo hoos u dhaceen in ka badan 249 milyan oo birr, taasoo keentay dhibaato dhaqaale oo soo wajahday wadanka Itoobiya.

Guud ahaan dhaqaalaha Itoobiya ayaa beryahan sii xumanayey iyada oo ay dalal farabadan Itoobiya ka goosteen mucaawinada dhaqale ee ay siin jireen.

Maraykanka oo saldhig millatari ka samaysanaya Geeska Afrika.

Waddanka Maraykanka ayaa sheegay inuu saldhig millatari ka samaysanyo gobolka Geeska Afrika, kaas oo u hawl-geli doona la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, sidaasna waxaa daboolka kaqaadday safaarada uu Maraykanku ku leeyahay magaalada Addis Ababa.

Ciidammo 400 gaadhayaa ayaa loo dirayaa dalka Jabuuti, si ay saldhiggaas dhidibbada ugu taagaan. Gobolka Geeska Afrika wuxuu ka mid yahay meelaha uu Maraylkanku sida wayn isha ugu hayo, marka la eego dagaalka caalamiga ah ee uu kula jiro argagixisada, iyo ugaadhsiga xubnaha dhaqdhaqaaqa ay Maraykanka sida wayn isu neceb yihiin ee Al-Qaacida iyo taageerayaashooda. Waqtigan xaadirka ah waxaa dalka Jabuuti ku sugan 800 oo ka mid ah ciidammada Maraykanka iyo cutubyada sida gaarka ah loo tababaray.

Safaaradu waxay intaas ku dartay in sida ay sheegeen saraakiisha Pentagon ay xubno Al-Qaacida ka tirsan la rumaysan yahay inay u soo baxsadeen oo gobolka ay ku dhuumanayaan.

Masuuliyiinta soomaalida oo wali ku heshiin la,qaybta ergooyinka.

Guddi 9 xubnood ka kooban oo loo xilsaaray inuu soo qaybiyo tirada ergooyinka ay koox waliba ka helayso tirada guud ee kooxaha siyaasadeed loo qoondeeyay oo 250 ah, ayaan wali ku heshiinin qaabka ergo qaybsiga, warar aan la xaqiijinin ayaana sheegay in guddigu uu ku talajiro inuu arrinta dib ugu celiyo guddiga farsamada ee IGAD.

Tirada guud ee shirwaynaha dib u-heshiisiinta soomaalida ee magaalada Eldoret ka socda ayaa la ahayd 350 qof, iyadoo 250 la siiyay kooxaha siyaasadeed, 100 la siiyay bulshada rayadka ah. Hase yeeshee markii ay kooxuhu tira qaybsiga ku heshiin waayeen ayaa loo saaray guddi sagaal xubnood ka kooban oo arrintaas soo dhammeeya, waxayna kala yihiin:

Xuseen Maxamed Caydiid
C/llaahi Yuusuf Axmed
Xasan Abshir Faarax
C/lle Deerow Isaaq
Muuse Suudi Yalaxow
Mawliid Macaane
Xasan Maxamed Nuur Shaatiguduud
Sh Aaden Madoobe
iyo C/llaahi Sh. Ismaaciil.

Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD