SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

FAALADII RADIO XORIYO
ISLAM Siiro Saxaabad Sako
QURAAN»  Xaafid Xaj Ciid.Adxa 
Qurbaha Students Guurka EAU
HTML TAARIIKH QUIZ SAMAFAL
. Kulankii Soomaalida London, Canada
. Macluumaadka Bilaha iyo Cimilada
XAYAYSIIS
XAFIISYADA XAWAALADA DALSAN
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sacuudiga
Kulankii jaaliyada iyo Safaarada Soomaalida
GUJI
Jaamacadda camuud ee Boorame
Warbixin kusaabsan Jaamacada Camuud GUJI

Jaamacada EAU ee Boosaaso
Warbixin kusaabsan Jaamacada Bariga Afrika GUJI
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruuca Masjidka Abuubakar ee Minneapolis, Minnesota, USA GUJI
 
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACAAD FAALADA: September 6, 2002  

Faaladii warka Radio Xoriyo.

Axdi ma laha xabashidu lagu aaminaa.

Waxaa jira hadal-murtiyeed soomaaliyeed oo odhanaya "Axdi ma laha xabashidu lagu aaminaa". Sida ka dhadhamaysa hadal-murtiyeedkan waxay xabashidu caan ku tahay ballanfurka iyo axdi ka-bixidda.

Waxaa jira hadal-murtiyeed kale oo isaguna odhanaya "Magac bilaash kuma baxo", oo macnihiisu yahay in qofka aan lagu sheegin wax aanuu ahayn, balse mar kasta ama inta badan lagu baadi-sooco tilmaamaha uu leeyahay, taas oo macneheedu yahay in axdi la'aanta xabashida lagu sheegay ay tahay mid xaqiiqo jirta salka ku haysa ee aanay ahayn mala-awaal uu samaystay qof murtida curiya.

In hadal-murtiyeedkani uu xaqiiqo jirta ka turjumayana waxaa daaha ka rogaya dhaqanka mardabada ku dhisan ee xabashidu ay kula dhaqanto cid kastoo ay wax dhex-maraan.

Markaad si fiican ugu dhabba-gasho siyaasada ay Itoobiya kula dhaqanto dadkeeda iyo dadyowga kalee ay gumaysato ama deriskaba la ah waxaa kuu muuqanaysa heerka ay dhaqan xumada iyo aamin darrada ka joogto. Waxaa taariikhda lagu hayaa in qof kasta oo amxaaro la shaqaysta ama gacan-saar la yeesha uu marka ugu denbaysa gacanteeda ku baxo.

Sidaan ka warhaynno dhawaan waxaa xabsiga loo taxaabay xubno aad u fara badan oo ka mid ah masuuliyiintii maamul ku-sheegga ay Itoobiya u dhisatay inay daneheeda kaga fushato Ogadenya iyo qaar ka mid ah ganacsatadii lagu tirinayay inay siyaasadeeda ugu dhaw yihiin.

Yaab iyo amakaag ayay ku noqotay qof kasta markii uu maqlay warka ka soo yeedhay magaalada Jigjiga ee lagu sheegay in, in ka badan 10 qof oo ka mid dadkii ugu dhadhawaa gumaysiga Itoobiya xabsiga la dhigay, iyadoo aan wali daboolka laga qaadin sababaha dhabta ah ee loo haysto.

Nimankan la xidhxidhay, sida ay wararku sheegayaan, waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore ee kililka Mr. Ciid, duqii magaalada Jigjiga Bashiir Cali Mahdi, Xasan C/raxmaan oo guddiga fulinta ee kililka ka tirsanaa, isla markaana ahaa madaxa hooggaanka dhaqaalaha ee kililka, C/qaadir C/llaahi oo ahaa madaxa xafiiska ganacsiga, Cabdi Madoobe oo laanta biyaha qaabilsanaa, Shariif C/lladiif oo xafiiska hay'adda SERP madax ka ahaa iyo Xaashi Salaad oo Sanduuqa horumarinta haystay.

Waxaa kaloo intaas dheer rag badan oo ka mid ah raggii qandaraaslayaasha ahaa, kuwaasoo sidaan ka warhayno fiirsan jiray danohooda oo kaliya, isla markaana cadowga gacan-saar la lahaa, iyagoo ganacsiga iyo shiln jacaylku uu madax-madax ugu tuuray debinkii gumaysiga ee ahaa in qof aan u dhaga-nuglaanin aanuu wax ganacsi iyo dhaqdhaqaaq ah ka samaynin dalka oo dhan.

Markaad eegto nimankan la xidhxidhay, isla markaana aad dib u-raad-qaaddo soo-yaalkooda iyo kaalinta ay bulshada Ogadenya kaga jiraan, waxaa kugu adkaanaysa inaad saadaaliso siyaasada uu cadowga Itoobiya uga dan-leeyahay.

Dadka aan la soconin heerka uu maraya maamulka Melse Zenawi waxaa laga yaabaa inay ku sirmaan sheekada suuqyada lagaga sheekaysto ee ah in nimankan lagu xidhxidhay siyaasad dheer oo ka soo fushay dawlada dhexe ee Itoobiya, taasoo daba-socota been-abuurkii uu ra'yul-caam adduumka ku indha tirayay ee ahaa inuu musuqmaasuqa ka tirtirayo Itoobiya, si uu u dhaqan geliyo hannaanka dimuqraadiyada iyo nidaamka suuqa furan ee xorta ah, arrintaasoo ay hadda ka horba dunidu ku fahantay.

Hase yeeshee wuxuu xidhaygani kuwii hore ee laga fuliyay gobollada oromada, sidaamaha iyo kuwa kale kaga duwan yahay isagoo lala tiigsaday kuwii isaga ugu dhadhawaa ee uu adeegsan jiray, ee uu u isticmaali jiray cadaadinta dadwaynaha reer ogadenya.

Waxaan ka warhaynaa in qaar ka mid ah ragga la xidhxidhay ay leyihiin ciidamo cadowga daba-dhilif u ah oo shacbiga Ogadenya ee dan-yarta ah ee aan waxba galabsanin laga horgeeyo.

Nin walba oo ka mid ah raggan la xidhxidhay wuxuu kaalin mucayin ah ka qaadan jiray cadaadiska iyo cabidhiska lagu hayo ummaad reer Ogadenya.

Markaa xidhayga nimankani waxaa lagu tilmaami karaa hal arrin oo kaliya, taasoo ah in maamulka Melse Zenawi uu yahay maamul kala daatay, isla markaana ay jiraan dhinacyo badan oo dalka Itoobiya laga xukumo, iyadoo dhinac waliba uu kan kale lid ku yahay, isla markaana qaadayo tallaabo uu dhinaca kale ku xumaynayo ama kaga aarsanayo.

Waxaan ka warhaynaa in khalalkan iyo kala amar-qaadasho waagu uu ku horreeyay dhinaca ciidamada qalabka sida, iyadoo aan la wada-socono iska hor-imaadyada mar kasta ka dhaca ciidamada dhexdooda, kuwaasoo salka ku haya kala jabkii ku yimid masuuliyiinta EPRDF. Waxaan ka warhaynaa in saraakiil badan iska horimaadyadaas iyo dagaalksaa qarsoon lagu dilay, kuwo la ogyahay iyo kuwa aan la ogayn oo fara badan intaba.

Haddaba nidaamka dawliga ahi waa wax isku xidhan, haddii uu xubin ka mid ah khalad galana waxaa hubaal ah inuu kuwa kalana saamaynayo, waxay arrintani daliil u tahay in Melese Zenawi maanta aanuu keligii Itoobiya xukumin ee ay jiraan taliyayaal iyo hormuudyayaal fara badan, oo si toos iyo si dedbanba siyaasaddooda ay Zenawi kaga soo horjeedaan u fulinaya.

Xukun ku dirirka ba'an ee ka socda xaruunta gumaysiga ee Addis Ababa waxaa hubaal ah inuu galaafanayo qaar badan oo isku tirinaya inay maamulka gumaysiga san-dareero ka helayaan.

Waxaana xaqiiqo ah in qof kasta oo isku daya inuu duudsiyo xaqa dad la dulmayo, gaar ahaan isagoo isla dadkaas la dulmayo ku abtirsada, inuu haadaanta uga horraynayo dadkii uu ku waday, sababtoo ah siyaasada cadowga Itoobiya ma aha mid u danaysa saaxiib ama cid dan-wadaag la noqota, waa mid ku qotonta dhaqan xun oo mardabo iyo xiqdi ku dhisan.

Siyaasada ay Itoobiya dalkeena kula dhaqanto waa mid ma-guurto ah, waxaanan ognahay sida ay aabayaasheen iyo awoowyadeen inoo soo sheegeen in ciidanka amxaaradu markuu tirinayo inta qofee uu ka dilay soomaalida ka soo horjeedda uu ku tiriyo xataa kuwii isaga la socday ee ka dhinac dagaallamayay, arrintaasina waxay si fudud kuu tusaysaa in colaadda inga iyo Itoobiya inaga dhaxaysa ay tahay mid saf-mar ah oon cafiyin qofka kaba-qaadka u noqda.

Arrintani waxay digniin u tahay intay maangaabnimadu hayso ee wali u sii adeegaya cadowga Itoobiya, ee moodaya inay darajo ku gaadhayaan miigashada dhiigga dadkooda iyo duudsiga xuquuqdooda.

Waxay kaloo arrintani digniin u tahay qof kasta oo rajo ay kaga jirtay inuu wax la qabsado cadowga Itoobiya, sababtoo ah xidhaygani wuxuu ka dhigan yahay maahmaadii soomaaliyeed ee ahayd "Waysha gowrac, dibigu ha ku quus-qaatee".

U malayn maayo in bayuurta Ciid iyo inta la hal-maasha haysata uu fahmi waayayo qof masax uu ku fekaro Ilaahay u yeelay.

Duruusta halganku ma dhammaato, maalinba bog hor-leh ayaa furmaya, marbana tusaale cusub ayaa soo baxa, ta maanta taagan waxay gacan siinaysaa inta ka gilgilataya dulmiga cadowga Itoobiya oo ay ugu horrayso Jabhada Wafaniga Xoreenta Ogaadeenya (JWXO), kuwa kale ee xaqa ka sagsaagayna waxay u tahay digniin culus oo ugu baaqaysa inay dib isu waansadaan, garwaaqasadaana in daba-dhilifnimadu ay dekno gelinayso, duunyana ayna u kordhinaynin.

Ahmed Gaal,eri Radio Xoriyo.  

 kala xiriir: 
radioxoriyo@aol.com      
 radioxoriyo@ogaden.com  

 

WARARKII MAANTA EE RADIO XORIYO - GUJI

 

 

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD