| 
      Dagaalo xoogan oo dhex maray Ciidamada
    Xoreeynta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya. Wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee Ciidanka
    Xoreeynta Ogaadeenya ayaa sheegaya dagaalo kulul oo dhex maray, Ciidamada
    Xaq u dirirka Xoreenta ogaadeenya iyo Ciidamada dulmiga ku dhisan ee
    gumaysiga Itoobiya. 09.04.2003 dagaal ay iskaga horyimaadeen Ciidamada
    Xoreeynta Ogaadenya iyo Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya oo marayay
    meesha lagu magacabo Qodka oo ka tirsan Dagmada Dhagax-Madaw, ayaa waxaa
    Ciidamada dacdareeysan ee Gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 7 Askari, waxaana
    lagaga dhawacay 13 Askari oo kale. Sidoo kale Dagaal ay ku qaadeen Ciidamada
    geesiyiinta Xoreenta Ogadeenya, Qayb ka mid ah Ciidamada Gumasiga Itoobiya
    oo marayay meesha lagu magacabo Xero Safar, oo ku taala duleedka Magaalada
    dhagax-Madaw, ayaa waxaa Ciidamada Doolka ku jooga Ogaadeenya ee gumaysiga
    Itoobiya lagaga dilay 8 Askari waxaana lagaga dhaawacay 15 Askari oo kale. 14.04.2003 dagaal gaadomo ah oo ay ku
    qaadeen dagaalyahamiinta Ciidanka Xoreenta Ogaadeenya, qaar ka tirsan
    Ciidamada isu keenka Gumaysiga Itoobiya, oo marayay duleedka Magaalada
    Dhagax-Buur, ayaa waxay kaga dileen 7 Askari waxayna kaga dhaawaceen 12
    Askari oo kale. Isla wakhtigaas weerar ay Ciidamada
    Xoreenta Ogaadeenya ku qaadeen, Ciidamada Dulmiga ku Caanbaxay ee ka amar
    qaata Taliska Nololdiidka ee EPRDF, oo marayay Garaska oo ka tirsan Gobolka
    dhagax-Buur ayaa waxaa Ciidamada taageera Taliska Adis Ababa lagaga dilay 12
    Askari waxaana lagaga dhaawacay 19 Askari oo kale. Duuliye Sare oo ka mid ah Cidamada Cirka ee
    Itooboya oo iska dhiibey wadanka Maraykanka. Duuliye sare oo u dhashey qoomiyada Tigrea
    oo lagu magacaabo Kabtan Haile Kidanemariam laguna naaneeyso (Dabo) ayaa
    magangalyo siyaasadeed waydiistay dawladda Maraykanka.Ninkan oo ahaa mid ka
    caan ah Itooboya ayaa waxuu hastay Bilad-geesida ugu saraysa ee wadanka
    Itoobiya, waxuuna ka mid ahaa raga ugu caansan Ururka TPLF. Ninkan oo
    duulinjiray diyaaradaha SU-27 iyo mig 21 ayaa waxuu wadanka Maraykanka u
    tagay tababar dhawr Bilood ah oo ay u dirtay xukuumada Adis Ababa. Wararku
    waxay intaasi ku darayaan in Mr Haile u adkaysan waayay siyaasada guracan ee
    uu kula dhaqmayo Zenaawi Shucuubta ku hoos nool Xukuumada Itoobiya iyo
    burburka uu ku sameeyay dhaqaalaha wadanka. Si kastaba ha ahaatee waxaa
    beryahan danbe batey baxsiga saraakiisha iyo Ciidamada Cirka ee Itoobiya,
    baxsigan ugu danbeeyey waxa uu tirada goosatey mudo ka yar ka dhigayaa 16
    Duuliye. Ø Taliyaha
    Ciidamada Itoobiya oo wada isku shaandheen. Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya
    Jeneraal Samora Yunus ayaa wada isku shaandheen uu ku kala badalayo,
    Saraakiisha qaybaha Ciidamada Itoobiya. Isku shaandheentan ayaa waxay ka
    danbeeysay shaki laga qabo in ay Saraakiishu sameeyaan inqilaab ay ku
    Afgabinayaan kaligii taliye Malis Zenaawi. Dhawr Jeneraal oo ka mid ah Ciidamada ayaa
    waxaa looga shaki qabaa in ay ka horyimaadaan Xukuumada Zenawi, waxuuna hada
    Samora ku mashquulsanyahay sidii uu u kala badali lahaa saraakiishaas
    gadoodsan, ee uu mid walba u gayn lahaa qayb cusub oo uusan aqoon u laheen
    Askarata iyo saraakiisha hoosaba. Wararku waxay intaasi ku darayaan in
    jeneraalada Tigreega ah laga foogeeyay caasimada intooda badan, si ayna
    saameeyn ugu yeelan siyaasada uu ku dhaqmayo kaligii taliye Zenawi. Sidoo
    kale Korneela badan ayaa la sheegayaa in qeybahooda laga wareejiyay oo qeybo
    kale lagu qoray. Guud ahaan sarakiisha sar sare gaar ahaan
    kuwa u dhashay qowmiyada Tigreega, ayaa waayahan dambe kacsan, iyaga oo u
    arka go'aanka lagu cadeeyay in ay Badme Eritrea leedahay mid xaqiijinaya in
    ay Eritrea dagaalkii dhex maray Labada dal ku guuleeysatay, isla markaasina
    uu Zenaawi sabab u yahay jabka ku dhacay Itoobiya guud ahaan iyo khilaafka
    kala jabiyay xisbiga TPLF gaar ahaan. Ø Waraysi lala yeeshay madaxwaynaha
    Eritrea Isaye Afwarki. Idaacadda Eritereya, qaybta ku hadasha Afka tigreega
    ayaa dhawaan waraysi la yeelatay madaxwaynaha Eritereya Isyas Afwarki,
    waxaana ka mid ahaa su,aalihii la waydiiyay in madaxda EPRDF ay isku aragti
    ka yihiin go,aanka ka soo baxay guddiga cabbirka soohdinta u dhaxaysa
    dalalka Eritereya iyo Itoobiya. Isyas Afwarki wuxuu sheegay in madaxda EPRDF ay
    aragtiyo kala duwan qabaan, arrintaasoo ka turjumaysa dhibaatada siyaasadeed
    iyo niyad-jabka ba,an ee Itoobiya ka jira. Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah
    madaxda wayaanaha ah ee EPRDF ay qabaan in dagaalku uu yahay xalka kaliya ee
    lagaga gudbi karo dhibaatada xuduuda, sababtoo ah waxay wayaanuhu qabaan in
    haddii la aqbalo go,aanka guddiga soohdinta ee Qaramada Midoobey ay ka
    dhigan tahay is-biimayn. Wuxuu kaloo Afwarki carrabka ku dhiftay in madaxda
    wayaanuhu ay qabaan in Asmara xoog lagu qabsado oo la dhiso dawlad ay
    Itoobiya xakamaha u hayso, arrintaasoo suuragal ka dhigaysa in maab cusub
    dib loo jeexo, taasoo ah sida kaliya ee lagaga bixin karo dhibaatada
    Itoobiya ka jirta. Waxayna arrintan u cuskanayaan buu yidhi dagaalka uu
    Maraykanku ku qaaday waddanka Ciraaq, waxayna qabaan in dagaalkaasi uu
    abuuray jawi suuragelinaya in Itoobiya ay arrimo nabadgelyo awgood u weerari
    karto dalka Eritereya. Afwaerki wuxuu kaloo waraysigan ku sheegay in
    maamulka wayaanaha ee Itoobiya ka taliya uu Sanad walba bixin jiray kharash
    gaadhaya 6 milyan oo doollar intii uu kiiska xuduudu socday, wuxuuna
    lacagtaas ku bixin jiray qorshayaal uu ku doonayay inuu ku beddalo mawqifka
    qareenada iyo garyaaqanada kiiska gacanta ku hayay, hase yeeshee way ku guul
    darraystay in go,aanka xuduuda doonistiisa lagu saleeyo. Ø Dawlada ku meelgadhka ee Soomaaliya iyo
    kooxaha ku midiibay G8 oo kuloma leh. DKMG ee Soomaaliya iyo kooxaha ku midoobay
    G8 ayaa yeelanaya kulamo ay rabaan in ay ku soo af jaraan dhibaatada nabad
    galyo la, aan ee ka taagan Magaalada Muqdisho. Tan iyo Labadii bilood ee la
    soo dhaafay ayaa waxaa socday dadaal ay masuuliyiinta Labada dhinac ku
    wadaan sidii laysugu soo dhawaan lahaa, si loo helo xal nabad galyo oo si
    rasmi ah uga dhasha Magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba Soomaliya.
    Madaxwaynaha Dawladda ku meel gaadhka ee Soomaliya Dr. C/qaasin Salad Xasan
    ayaa Dayniile oo ah Xarunta Qanyare Afrax dhawaan kula kulmay masuuliyiin ka
    tirsan Gaup 8 oo ay ka mid yihiin Caato iyo Qanyare, masuuliyiinta ayaa
    waxay ka wada hadleen sidii loo furi lahaa ilaha dhaqaalaha ee Magaalada
    Muqdisho oo ay ka mid yihiin Garoonka iyo Dekadda. Isku soo dhawaanshaka
    Dawlada ku meelgadhka iyo kooxaha muqdisho ayay dadbadani u arkaan mid lagu
    gaadhayo xal nadagalyo oo ka dhasha Magaalada Muqdisho. 25. April 2003 Dhiidhi Nuur 
    Radio Xoriyo
 radioxoriyo@ogaden.com
 radioxorio@yahoo.com
 
   
Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
    Dhegeyso
    warkan oo Cod ah
 
   
 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
   
   
     
   
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE    
   
         
   
   
     
 AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
   
 |