SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Feb 7, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnaamujka Caawa ee Raadiyo Xoriyo waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Faalo aanu ku soo qaadanayno Shirkii Midawga Afrika oo ku soo gaba gaboobay Magaalada Adis Ababa.
  • Ø Warkii oo ka kooban qodobadan hoose iyo arimo kale oo mihiim ah.
  • Ø Dagaalo dhex maray Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.
  • Ø Shir ay ku yeesheen Haweenka Ogaadeenya ee wadanka Australia Magaalada Melbourne oo guul ku dhamaaday.
  • Ø Hogaamiyaha Liibiya oo Booqasho ku tagay Wadanka jabuuti.
  • Ø Miinooyin Cusub oo laga helay xadka u dhaxeeya Itoobiya Iyo Eritrea.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ø Dagaalo dhex maray Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.

Waraka uu noo soo tabinayo wariyaha Radio Xoriyo ee Jiida hore ee ciidanka Xoreenta Ogaadeenya ayaa sheegaya Dagaalo ay iskaga hor yimaadeen Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya. Dagaaladan oo jooto uga dhaca dhulka Ogaadeenya ee Itoobiyo Gumaysto ayaa ka dhacay Goobahan.

25.01.2003 Weerar ay ku qaadeen Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya, Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Duleedka Magaalada Awaare ayay kaga dileen 9 Askari waxayna kaga dhaawaceen 6 Askari.

27.01.2003 Iska hor imaadd Dagaal oo ay iskaga horyimaadeen Duleedka Magaalada Caado Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Xaqdarada iyo Cadaadiska ku caanbaxay ee Gumaysiga Itoobiya, ayaa Ciidamada Cadawga Itoobiya lagaga Dilay 7 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 Askari oo kale.

28.01.2003 Dagaal gaadmo ah oo ay Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya ku qaadeen Ciidamada Itoobiya ee loo keenay Ogaadenya Xasuuqa Shacbiga oo marayay Gabro-Booya oo ku taala Duleedka Magalada Qabridahare ayaa Ciidamada Xasuuqa ku caanbaxay ee Gumaysiga Itoobiya lagaga Dilay 5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 7 Askari oo kale.

30.01.2003 Dagaal ay ku qaadeen Ciidanka Xoreenta Ogaadeenya Ciidamada Cadawga Itoobiya oo maray Dhiddin oo ka tirsan Gobolka Doolo ayaa Ciidamada Cabudhiska Gumaysiga Itoobiya lagag dilay 6 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 Askari oo kale.


Isla dhamaadkii Bishii hore Dagaal ay ay ku qaadeen Ciidamada wadaniga Xorenta Ogaadeenya Ciidamada Xaqdarada iyo Cadadiska ku caanbaxay ee Gumaysiga Itoobiya oo ku sugnaa meesha layiraahdo Buur-Caano oo ka tirsan Gobalka Goday, waxaa Ciidamada Naflacaariga Gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 Askari iyadoo lagaga dhaawacay 7 Askari oo kale.

Ø Shir ay ku yeesheen Haweenka Ogaadeenya ee wadanka Australia Magaalada Melbourne oo guul ku dhamaaday.

Waxaa 2dii Bishan aan ku jiro ee February shir isugu yimid magaalada Melbourne ee dalka Australiya haweenka Ogaadeenya ee ku nool gobolka Victoria ee magaaladaasi caasimadda u tahay. Shirkaas oo si weyn looga soo qayb galay wuxuu ka mid ahaa kuwo kale oo ay haweenka ku nool Gobolkaasi Bishiba mar isugu iman jireen sidii looga qayb geli lahaa halganka xaqa ah ee ka socda dalka hooyo.

Waxaa shirka khudbado qiimo iyo qiiro badan ka jeediyey gabadho badan ooy ka mid yihiin: 1. Maryan Soofe, 2. Tamaad Sheikh, 3. Koos Dahir, 4. Fadumo Shafici, 5. Fadumo Axmed Nur iyo 6. Nimco Maxamed Muxumed.

Waxaa shirka gabay aad ka qayb galayaasha dhiigooda u dhaqaajiyey ka tirisay Xaliimo Kaynaan. Wuxuu shirku dhegaystay warbixin ku saabsanay sida cadowgu u jidh dilo maxaabiista shacabka ay gumeysato ee Ogaadeenya, gaar ahaan gabdhaha, waxaana tusaale loo soo qaatay jidh dilkii bini aadamnimada ka baxsanaa ee lagu sameeyey Hinda Maxamed. Sidoo kale waxaa shirka lagaga wada hadlay dhibaatada Gabdhaha Ogaadeenya ku haysta meelo ka mid ah Geeska Afrika iyo sidii looga bixi lahaa, taas oo ay ka qaybgalayaashu u arkaan in ay tahay dalka hooyo oo la xoreeyo.

Shirkaas oo guul ku dhamaaday, waxay haweenka shirka isugu yimid go'aansadeen inay halgankooda sii laban laabaan, dhaqdhaqaaqana gaadhsiiyaan dhamaan haweenka Ogaadeenya ee ku nool dalka Australiya iyo weliba jaaliyadda Soomaaliyeed een walaalaha nahay.

Ø Hogaamiyaha Liibiya oo Booqasho ku tagay Wadanka jabuuti.

Hogaamiyaha dalka Liibiya Mucamar Al-Qadaafi ayaa maalinta arbacada madaxtooyada Dalka jabuuti kula kulmay madaxweynaha jabuuti mudane Ismaciil Cumar Geele. Sida wararka sheegayaan labadada hogaamiye waxay ka hadleen arrima la xiriira Ganacsiga ka dhaxeeya Liibiya iyo Jabuuti iyo sidii loo sii balaadhin lahaa. Hogaamiya Qadaafi iyo Madaxweyne Geele waxay kale oo ka wada hadleen xaalada soomaliya iyo halka u marayo shirka dib u heshisiinta soomalida oo haatan ka socda Magaalada Eldoret ee dalka Kenya. Hogaamiya Qadaafi ayaa toos u tagay jabuuti ka dib marka la soo afjaray shirka midowga afrika oo ka socda addis ababa galabtii talaadada.

Ø Miinooyin Cusub oo laga helay xadka u dhaxeeya Itoobiya Iyo Eritrea

Wararka naga soo gaadhaya Soohdinta u dhaxaysa Eritrea iyo Itoobiya ayaa sheegaya in ay Ciidamada Jumciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee halkas ku sugan ay ka heleen Miinooyin dhawaan la aasay.

Ciidamada Qaramada midoobay ee ilaalada halkaas u jooga ayaa Miinooyinkaas ku tilmaamay kuwo wax u dhimaya Heshiiskii Xabad joojinta ee labada dal. Ilaa hada ma cada cidii Miinooyinkaas aastay waxaase la tuhunsan yahay dhinaca Itoobiya oo hada ka hor Qaramada midoobay cadaysay in ay Ciidamadoodu soo talaabeen Xadka ku meelgadhka ah ee ay ku sugan yihiin Ciidamada ilaalada ee Qaramada midoobay.

Dhinaca kale Jeneraal Abrahaley Kifle oo ah jeneraalka dhinaca eritrea u qaabishan arrimaha la xiriira heshiiska xabad joojinta ay kala saxiixeen Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku eedeeyay Itoobiya in ay jabisay heshiiskaasi. Jeneraal Kifle waxuu edeeyntaasi soo jeediyay isaga oo Todobaadkii hore magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmaayay sarakiil ka socda jimciyada qarumaha ka dhexeeysa oo u yimid in ay Eritrea iyo Itoobiya kala hadlaan howsha xariqinta kama dambeeyska ah ee xadka labada dal oo la filayo in uu bilowdo Bisha May ee sanadkan.

Jeneraal Kifle ayaa sheegay in ay Itoobiya ka dambeeysay miinooyinka cusub ee ay ka heleen Ciidamada Nabad ilaaninta ee Qaramada Midoobay soodinta u dhaxeeysa labada Dal.

Jeneraalka ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Itoobiya ay si joogta ah u soo galan goobta mamnuuca ah Ciidamada Labada Dal ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Nabad ilaalinta qaramada Midoobay.

Ø Shirkii Koowaad ee Midawga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Adis Ababa.

Waxaa 4 2.03 Ku soo Afjarmay Magaalada Adis Ababa Shirkii koowad ee Midoowga Afrika. Magaca Ururka Midowga Afrika oo Sanadkii hore lagu aas aasay wadanka Koonfur Afrikan ayaa Shirkiisii koowaad waxaa ka soo qayb galay in badan oo ka mid ah hogaamiyayaasha Wadamada Afrika.

Warar aanu ka helay ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in Dawlada Itoobiya ay markii hore diidaneed in uu ka soo qaybgalo shirkaas Madaxwaynaha Dawlada ku Meelgaadha ee Soomaaliya Dr Qabdi Qasin Salad Xasan, arintan oo ah xaqiraad ay Itoobiya xaqirayso Maamulka Soomaaliya ayaa waxaa gaashanka ku dhuftay Madaxwaynayaasha Afrika qaar ka mid ah oo u sheegay Itoobiya in Madaxwaynaha dalka Soomaaliya loo soo dhaweeyo sida madax waynayaasha Afrikada kale.

Shirka Midawga Afrika waxaa ka maqnaa Madaxwaynaha Eritrea Isayas Afwerki oo u soo dirsaday shirka, Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada ee wadanka Eritrea. Maqnaanshaha Madaxwayne Afwerki ayaa ah mid aan aad loola yaabin madaama ay Dalka shirka marti galinaya ee Itoobiya Colaadi ka dhex oogantahay in kasta oo heshiis Xabad joojin ay kala sixiixdeen Labada Dal.

Inkasta oo ayna cadeen waxa kalifay, Waxaa kale oo Shirka ka maqnaa Madaxwaynaha Masar Xusni Mubaarag. Dadka siyaasada indha indheeya ayaa siyaabo kala duwan u fasirtay Maqnaanshaha Mudane Mubarag. Waxaase la ogyahay in ayna Dawlada Masar raali ka aheeyn Qorshaha Dawlada Itoobiya ee Biyo Xidheenka qaybta Wabiga Nile ee Itoobiya.

Madaxweynaha cusub ee Dalka Kenya Mwai Kibaaki ayaan isaguna ka soo qeyb galin shirkaasi madaama u dhowaan ka so baxay Isbitaal, iyada oo laga qalay Lugta oo uu dhaawac ka soo gaadhay kadib markuu galay Shil Baabuur Bishii December ee Sanadkii hore.

Waxyaabaha ugu waaweeyn ee ay Hogaamiyayaasha Afrika isku afgarteen waxaa ka mid ahaa sidii horay loogu dhaqaajin lahaa samaynta Golaha Amaanka ee Midawga Afrika, kaas oo u shaqayn doona sida Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay.

Golahan ayaa waxaa xubno ka noqon doona Dalalka ugu Awooda badan Qaarada Afrika. Dadka Siyaasada Qaaradada Afrika u kuur gala ayaa u arka in dadalka Koonfurta Afrika ay ka soo bixi doonto wadanka South Afrika, Galbeedka Afrika Nigeria, Waqooyiga Afrika Masar. Afrikada dhexe ma cada Dalka ka soo bixi doona maadaama ay wadamada Afrikada Dhexe isku awood dhawyihiin isla markaasina ay jiraan xaalado siyaasadeed oo Dalwalba ka xanibi kara in uu noqdo Xubin Gudiga Golaha Amaanka ee Midawga Afrika, si kastaba ha noqotee waxaa ka soo bixi doona Dal ka mid ah Dalalkaas.

Bariga Afrika ayaa loo arkaa meesha ugu dhibka badan oo ay adagtahay in Hal Dal lasku Afgarto Xalada siyaasadeed oo murugsan awgeed. Waxay dad badani u arkaan in uu tartan ka dhaxeeyo Kenya iyo Itoobiya oo labaduba raba in ay Xubin ka noqdaan Gudiga Golaha Amaanka ee Afrika. Itoobiya oo dareensan in tartankaas lagaga horeeyo ayaa ku dhawaaqday in ay Ciidan ku biirin doonto, Ciidanka isku jir ah ee ka socda Qaarada Afrika oo loo diri doono dhawaan dalka Burindi si loo ilaaliyo Amaanka iyo kala danbeenta wadankaas. Soo jeedinta Itoobiya ayaa loo arkaa mid ay ku doonayso in ay kaga qayb qaadato hadii gudiga Amaanka Afrika Soomaaliya Ciidamo u soo diraan si ay danaheedii siyaasadeed uga fushato.

Sikastaba ha noqotee marka la fiiriyo Doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Wadanka Kenya ee sida nabad galyada ah ku dhamaaday iyo kalsoonida ay wadamada Geeska Afrika ku qabaan, waxay u muuqataa in ay Kenya noqon doonto Xubinta Gudiga Amaanka ee Bariga Afrika.

 

Hibaaaq Samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD