SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Feb 11, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 

Barnaamujka Caawa waxaanu ku soo qaadan doonaa Barnaamuj aanu ugu tala Galay Ciida.

  • Ø Warkii oo ka kooban qodobadan iyo Suugaan kala gadisan.
  • Ø Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo dad badan ku xidh xidhay Magaalada Dhagax-Buur.
  • Ø Wafti ka socda dalka Talyaaniga oo tagay Magaalada Eldoret.
  • Ø Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo Booqasho ku tagay Wadanka Maraykanka.
  • Ø Hogaamiyaha Liibiya oo booqasho ku tagay Wadanka Eritrea.
  • Ø Madaxwaynaha Dawlada Soomaaliya oo Booqasho ku tagay Wadanka Sucuudiga.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ø Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo dad badan ku xidh xidhay Magaalada Dhagax-Buur.

Wariyaha Radio Xoriyo ee Magaalada Dhagax-Buur ayaa noo soo tabiyay Xadhig ay ciidamada Cadawga Itoobiya u gaysteen dad badan oo ku nool magaalada Dhagax-Buur.

Dadkan oo isugu jira Rag iyo Dumar ayeey Ciidamada Caadeestay Boobka iyo Cabudhinta Dawaynah Ogaadeenya ugu gaysteen Xabsiga ku dhex yaala Xerada Ciidamada ee Magaalada dhagax-Buur Jiddil iyo handaad ay ku khalkhal galinayaan Naftooda. Dad ku dhadhaw masuuliyiinta Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa noo soo xaqiijiyay in si gooni ah loo jidh Dilo Odoyaasha iyo Dumarka maxaabiista ah ee aan waxba Galabsan.

Dadkaas oo aad u tira badnaa ayaa waxaa ka mid ah kuwan.

1- Saynab Macalin Cabdi Daahir oo aheed hooyo 8 Caruur ah dhashay.
2- Ina Indhacasse, oo lagu Ganaaxay Lacag Madax furasho ah oo dhan 1000/ Bir & Hal Qori oo uu soo gado.
3- Baaruud, oo lagu ganaaxay Lacag madax furasho ah oo dhan 1000/Bir & Hal Qori oo uu soogado.
4- Cabdi-shafeec Maxamed Cabdulaahi, oo lagu ganaaxay Lacag madax furasho ah oo dhan 1000/Bir & Hal Qori oo uu soo Gado.
5- Ruqiya Mahdi Maxamed 700/ Bir.
6- Quraysh Cabdi Siyaad. 500/ Bir.
7- Ruqiya Maxamed Yusuf 500/ Bir.
8- Layla Ibrahin Cabdi 2500/ Bir.
9- Deeqa Raabi 500/ Bir.
10- Nimco Sagal 500/ Bir.
11- Ibrahin Maxamed Qasin 500/ Bir.
12- Ibrahin Cumar Xassan 500/ Bir.

Waxaa kaloo ruuxiiba lagu xukumay dadkan hoos ku qoran Lacag dhan 2000 oo Bir oo madax furasho ah.


13- Siyaas Ahmed Samatar
14- C/Raxman Ma/ed Guuled
15- Ahmed Maxamed Ciroole.
16- Cadaani Cumar Xassan.
17- Muxumed Cabdulaahi Aaden.
18- Ahmed Jibriil.
19- C/Raxmaan Muxumed Odawaa.
20- Cabdi Gurey Maxamed.
21- Dhagoole Yusuf Shukri.
22- Khadar Sh. Mahamuud.
23- Khadar Cabdullaahi Cali.
24- Cabdi Xassan Ikhyaar.
25- Mukhtaar Maxamed Ismacil.
26- Maxamed Dubad Buraale.
27- Aaden Muxumed Guleed.
28- Maxamuud Maxamed Aaden.
29- Ahmed Maxamed Aden.
30- Xassan Maxamed Ahmed.
31- C/hi Xassan San-xun.
32- Xassan Cabdi Geelle.
33- Rashiid Jibriil Bedel.
34- Amina Macallin Xassan.
35- Canab Cumar Xassan.
36- Canab Macallin Muxumed.
37- Shamso Cabdi Xaashi.
38- Casha-qamar Ahmed-noor.
39- Aamaal Cabdi Fitamiin.
40- Hodan Aaden Cadhays.
41- Rooda sh. Xassan Farah.
42- Rooda Cabdi Raxmaan. iyo
43- Ahmed Maxamed Cabdi-qoole.

Ilaa iyo hada lama garanayo waxay Dadkaasi u xidh xidhanyihiin ee ay ku haystaan Ciidamada Itoobiya, waxaase la rumaysanyahay in ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya dadkaas u haystaan hab ay uga helaan dhaqaale iyagoo ku ee deeynaya in ayna raali ka aheen joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee ku sugan ogaadeenya.

Ø Wafti ka socda dalka Talyaaniga oo tagay Magaalada Eldoret.

Waxaa Todobadkii hore gaadhay Magaalada Eldoret ee uu ka socdo Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida Wafti ka socda Dawlada Talyaaniga. Waftigan ayaa socdaalkiisa lagu sheegay mid uu ugu kuur galayo habsami u socodka shirka iyo qiimeenta baahida dhaqaale ee shirka.

Waftigu intii uu joogay Magaalada Erdoret waxuu la kulmay Gudoomiyaha Cusub ee Shirka Danjir Bethwel Kiplagat waxayna ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa Shirka iyo sidii ay Dawlada Talyaanigu u kordhin laheed taageerada dhaqaale ee shirka.

Dhinaca kale warar lagu kalsoonyahay oo Dhinaca Diblamaasiyada naga soo gaadhay ayaa sheegay in Dawlada Masar ay diyaarinaso qorshe balaadhan oo ay Jaamacada Carabtu kaga qaybqaadanayso Shirka Dib u heshiisiinta Soomaalida. Qorshahan ayaa la sheegayaa in uu noqon doono mid ay Jaamacada carabtu kaga muuqan doonto Dhinaca Dhaqaalaha iyo dhinaca fikirkaba.

Warku waxay intaas ku darayaan in Dawlada masar ay ka Biyo diidsantahay shirqoolada iyo kala fogeenta ay wakiilada Dawlada Itoobiya ka dhex wadaan kooxaha siyaasada Soomaalida ee Shirku uga socdo Magaalada Eldoret.

Si kastaba ha ahaatee waxaa wali ku sugan Magaalada Eldoret wafti uu hogaaminayo Janeral Mesfin oo ka socda Wasaarada gaashaandhiga ee Itoobiya. Waftigan ayaa kulomo la yeelanayay ilaa iyo markay yimaadeen kooxaha gacansaarka la leh iyo qaar ka mid ah Odoyaasha taageersan kooxahaas.

Ø Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo Booqasho ku tagay Wadanka Maraykanka.

Wasiirka arrimaha Dibbeda Kenya mudane Kalonzo Musyoka ayaa Todobaadkii hore soo afjaray socdaal u ku tagay Dalka mareykanka. Mudane Musyoka ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka arrimaha Dibeda ee Mareykanka Koolin Powell. Sida wararka sheegayaan Labada wasiir ayaa ka hadlay xaalada geeska afrika iyo arrimo la xiriiro la dagaalanka Argagixisada Caalamiga. Waxay kale oo ka wada hadleen shirka dib u heshisiinta soomalida oo haatan ka socda magaalada Eldoret. Wararka waxay intaasi ku darayaan in labada wasiir ay isku afgarteen dhamaan arrimaha ay ka wada hadleen.

Ø Hogaamiyaha Liibiya oo booqasho ku tagay Wadanka Eritrea.

Hogaamiyaha Liibiya Mucamar Al Qadaafi ayaa Todobaadkii hore booqasho 3 maalmood ah ku tagay Dalka Eritrea. Qadaafi ayaa waxaa Garoonka Magaalada Asmara ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Eritrea Mudane Isayas Afwerki. Labada hogamiye ayaa waxay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo iskaashi dhex mara Dalalka Eritrea, Jabuuti iyo Liibiya. Mudadii uu hogaamiye Qadaafi ku sugnaa Eritrea ayay Labada Dal kala sixiixdeen heshiis ganacsi oo dhex maraya Labada Dal.

Dhinaca kale waxaa 08.02.03 magaalada Asmara yimid wafdi ka socda Dalka Jermalka. Waftigan oo uu hogaaminayay madaxa Xafiiska Arimaha Afrika ee Wasaarada Arimaha Dibbada ee Jarmalka, ayaa u yimid sidii uu ugala tashan lahaa Eritea khilaafaadka ka taagan wadamada geeska Afika iyo xal u helidooda. Waftigan ayaa la kulmay Madaxwaynaha Eritrea Isaya Afwerki iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan Wadaarada Arimaha dibada Eritea. Wadahadalkaas ayaan wax faahfaahin ah laga hayn kadib markii Albaabada laga laabtay Saxaafada.

Ø Madaxwaynaha Dawlada Soomaaliya oo Booqasho ku tagay Wadanka Sucuudiga.

Waxaa Magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga ka dagay Maalintii Khamiista Wafti uu hogaaminayo Madaxwaynaha Dawladda ku meelgadhka Soomaaliya Dr C/qaasin salaad xasan. Madaxwaynaha iyo Waftigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Sacuudiga. Dr C/qaasin ayaa Sucuudiga ku tagay marti qaad Rasmi ah oo uu ka helay Boqortooyada Sacuudiga.

Wararku waxay intaas ku darayaan in madaxwaynaha iyo Waftiguusu ka qaybgalayaan Gudashada waajibaadka xajka ee Sanadkan ka hor intayna la kulmin masuuliyiinta Sucuudiga.

Muadane C/qaasin ayaa la filayaa in uu Dawlada Sucuudiga kala hadli doono sidii ay kaalmo ugu fidin lahayeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay Colaada iyo Abaaruhu aafeeyeen, Boqortooyada Sacuudiga oo aad u tageersan Dawlada ku meelgadhka ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay wax ka qaban doonto dhamaan Codsiyada Madaxwayne C/qasin.

 

Hibaaaq Samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD