SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Feb 14, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 

Caawa waxyaabaha aan idiinku hayno Radio Xoriyo waxaa ka mid ah.

  • Ø Dagaalo Dhex maray ciidamada Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya.
  • Ø Wasiir ku xigeenka Dhismaha Itoobiya oo Xilkii laga Qaaday.
  • Ø Diblamaamsiyiin Reer Galbeed ah oo Itoobiya ku Cadaadinaya in ay ka noqoto Sharciga ay ku Cabudhinayso saxaafad.
  • Ø European Commission oo 5 Million oo Euro ugu Deeqday Soomaliya.
  • Ø Gudoomiyaha Gudiga IGAD ee Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya oo Midawga Yurub ugu baaqay in ay sii wadaan kharayshka ay ku bixiyaan Shirka.
  • Ø Barnaamij gaar ah oo aanu ku soo qaadanay Munaasabada Ciida Carafo iyo dhibaatooyinka Gumaysiga Itoobiya u gaysto Shacabka Ogadenya iyo qodobo kale oo aad ka heli doontaan.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ø Dagaalo Dhex maray ciidamada Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya.

Wariyaha Radio Xoriyo ee Jiida hore ee Ciidanka Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ayaa noo soo tabiyay dagaalo dhex maray Ciidamada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada cadawga Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya.

Dagaaladan oo joogto ah ayay Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ku doonayaan in ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya kaga Xoreeyaan Ciida Ogadeenya,kuwii ugu danbeeyayna waxay ka dheceen goobahan.

31.01.2003 Dagaal gaadmo ah oo ay Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya ku qaadeen Ciidamada cadawga Itoobiya oo marayay Duleedka magaalada Dhagax-Buur ayay kaga dileen 4 askari waxayna kaga dhaawaceen 7 Askari oo kale.

01.02.2003 Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Dagaal ku dhex maray Dagmada Danood ee Gobolka Doolo waxaa Ciidamada cadawga lagaga dilay 6 Askari waxaa kaloo lagaga dhaawacay 13 Askari oo kale.

01.02.2003 Weerar ay ku qaadeen Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya, Ciidamada Cadawga Gumaysiga Itoobiya oo ku sugnaa Dusmo oo ka tirsan Dagmada Awaare waxay kaga dileen 9 Askari waxayna kaga dhaawaceen 14 Askari oo kale.

02.02.2003 Dagaal Mir ah oo ay Ciidamada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ku qaadeen Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya ee Daganaa Magaalada Nusdariiqa ayaa waxay kaga dileen 12 Askari waxayna kaga dhaawaceen 19 Askari oo kale.

Dagaal kadis ah oo ay koox ka tirsan Ciidanka Xoreenta Ogaadeenya ku qadeen Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo marayay Gerigo,an ayay kaga dileen 1 Askari waxayna kaga dhaawaceen tiro kale.

Sidoo kale Dagaal kadis ah oo ay ku qaadeen Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya 2.02.2003 Ciidamada Cadawga Itoobiya oo marayay Dalaad oo ka tirsan Gobolka Qoraxay waxay Ciidamada Macangaga Gumaysiga Itoobiya kagaga dileen 5 Askari waxaayna kaga dhaawaceen 9 Askari oo kale.

03.02.2003 Dagaal ay Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ku qaadeen Ciidamada Gardarada ku jooga Ogaadeenya ee Gumaysiga Itoobiya ayay kaga dileen 4 Askari waxayna kaga dhaawaceen 6 Askari oo kale.

04.02.2003 Iska hor imaad Dagaal oo ku dhex maray Ruqay oo Magaalada Dhagax-Buur u jirta 12 km Ciidanka Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ayaa Ciidamada Gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 askari waxaana lagaga dhaawacay tiro badan oo kale.


07.02.2003 Dagaal Ciidamada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Cabudhiska Gumaysiga Itoobiya ku dhex maray Qorra oo ka tirsan Gobolka Goday waxaa Ciidamada Xaqdarada iyo Cadaadiska Shacabka ku caan baxay ee Gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 Askari waxaa kaloo lagaga dhawacay 5 Askari oo kale.

Guud ahaan Dagaaladan ayaa aad loogu naafeeyay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya.

Ø Wasiir ku xigeenka Dhismaha Itoobiya oo Xilkii laga Qaaday.

Wasiirk ku xigeenka dhismaha Itoobiya oo gudoomiye ka ahaa guddiga hayada Isgarsiinta Itoobiya ee loo yaqaano Ethiopian Telecommunication Authority ayaa xilkaasi laga qaaday todobaadkii hore.

Wasiir kuxigeenkan oo lagu Magacaabo Hailemelekot Teklegigoris ayaa xilka laga qaaday kadib markuu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Haweeneeyda Malis Zenawi, Azeb Gola oo wada lahaa Shirkad Isgaadhsiin ah. Khilaafkan ayaa ka biloowday mar ay isku dayday Haweeyneeyda Sanaawi in ay badiso khadadka Teleefoonada ee Sherkadeeda loo ogolyahay, taas oo uu hor istaagay wasiir kuxigeenku.

Xil ka qaadistan Wasiirkuxigeenka ayayna dadka ku dhaqan Itoobiya layaabin maadaama lagu yaqaano Madaxa Xukuumada Itoobiya Zenawi nin kaligii taliye ah oo aan xurmaynin Masuuliyiinta Dawladiisa.

Ø Diblamaamsiyiin Reer Galbeed ah oo Itoobiya ku Cadaadinaya in ay ka noqoto Sharciga ay ku Cabudhinayso saxaafad.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya Shir ay yeesheen 10 Bishan Diblamaasiyiin reer Galbeed ah oo ku sugan Wadanka Itoobiya. Diblomasiyiintaas oo ka koobnaa 6 Safiir oo reer Galbeed ah ayaa ka wada hadlayay siday dawlada Itoobiya ugu cadaadin lahaayeen in ay ka noqoto Sharciga cusub ee ay ku soo rogtay Saxaafada xorta ah. kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid aan la jaanqaadi karin nadaamka Dimiquraadiyada iyo xuquuqda xoriyada ee Saxaafada.

Dawlada Itoobiya ayaa Bishii hore ku soo rogtay Saxaafada sharci cusub oo ay ku tilmaantay mid ilalinaya nabad galyada Xukuumada Itoobiya. Sharcigan Cusub ayaa waxaa cabashooyin aan kala go laheen ka soo jeediyay Suxufiyiinta ku dhaqan Itoobiya iyo hayadaha u dooda Saxaafada Xorta ah ee Caalamka. Si kastaba ha noqotee waxaa la filayaa in ay ku qasbantahay Xukuumada Itoobiya in ay ka noqoto sharcigan cusub hadii kale waxay ku waayeeysaa taageeradii wadamada reer Galbeedka oo xaqiiqsan doona in ayna wax Dimiquradiyada ah ka jirin Itoobiya.

Ø European Commission oo 5 Million oo Euro ugu Deeqday Soomaliya.

11 Bishan Go,aan ay soo saareen European Commission ayay ku sheegeen in ay Soomaaliya ugu deeqayaan Lacaga dhan 5 Million oo Euro. Lacagtan ayeey ku sheegeen mid ay ugu tala galeen gargaar aadaminimo oo loo fidinayo Dadka soo maaliyeed ee ay aafeeyeen Colaada Sokeeye, Abarah iyo Maamumul la,aan ku habsatay mudo ka badan 12 Sano.

Go,aanka oo suxufiyiinta loogu qaybiyay Xarunta dhexe ee Ururka midawga yurub ayaa lagu sheegay in Lacagtaas Soomaaliya loo sii marin doono ururada Bisha Cacas, Un iyo hayadaha aan Dawliga aheeyn ee NGO.

Lacagatan ayaa loogu tala galay in wax lagaga qabto dhinacyada Caafimaadka, Biyaha iyo Raashinka. Deeqdan oo ka mid aheed 25 Million oo ay horay ugu deeqday Ururka Midawga Yurub ayaa la filayaa mid wax wayn ka tari doonta dhinacyada ay ugu tala galeen Eurobean Commission in wax lagaga qabto.

Ø Gudoomiyaha Gudiga IGAD ee Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya oo Midawga Yurub ugu baaqay in ay sii wadaan kharayshka ay ku bixiyaan Shirka.

Wakiilka gaarka ah ee Kenya u xilsaartay Arrimaha Soomaaliya Bathwell Kiplagat ayaa Magaalada Eldoret kula kulmay Diblomaasiyiin ka socotay Midowga Yurub. Wakiilka iyo Diblamaasiyiintu waxay ka wada hadleen sidii uu shirka dib u heshiisiinta soomaalida uga socda Magaalada Eldoret u midha dhali lahaa ugana soo bixi lahaa Dawlad loo wada dhan yahay oo Soomaaliyeed.

Ururka Midawga Yurub oo bixiya kharashka ugu badan ee uu ku socdo Shirku ayaa aad u daneeynaya in natiijo fiican ka soo baxdo shirka Soomaalida. Wakiilka Kenya u xilsaartay Arimaha Shirka Dib u heshiisiinta Danjire Kiplagat ayaa ugu Baaqay Midawga Yurub in ay sii wadaan taageeradii dhaqaale ee ay u fidinayeen Shiraka dib i heshiisiinta Soomaalida.

Dhinaca kale waxay ku dhawaaqeen Gudiga IGAD in laga bilaabo Malinta Sabtida ah loo Rari doono Ergooyinka Shirka College u dhaw Magaalada Nairobi. Wasiirka Arimaha Dibada ee Wadanka Kenya Kalonzo Musyoka ayaa ku macneeyay rarida Shirka mid lagu xadidayo dhaqaalaha ku baxa shirka iyo ka qaybgalayaasha shirka. Go,aanka oo ayna qaar badan oo Ergooyinka ah raali ka aheen ayaa waxaa xaqiijiyay in aan laga noqonaynin wakiilka Kenya ay u xilsaartay Shirak Danjire Kiplagat, waxuuna carabka ku dhuftay in uu yahay Go,aan ay wada gaadheen Xubnaha IGAD. 

Hibaaaq Samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD