Ø Dad
laga qabqabtay Magaalada hargaysa oo u dhashay Ogaadenya.
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada
Hargaysa ayaa sheegaya Dad Ganacsato ah oo u dhashay Ogaadeenya oo uu
maamaulka magaalada Hargaysa Qabqabtay si uu gacanta ugu galiyo Xukuumada
Dhiigaycabka ah ee Itoobiya.
Qaqbashada Dadkan ayaa waxay ka danbeeysay
Booqasho ay ku yimaadeen Wafti ka socda Wasaarada Gaashaandhiga Itoobiya
17.02.2003 Magaalooyinka Hargaysa iyo Barbara. Waftigan oo uu hogaaminayay
ninka madaxda ka ah Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee Ogaadeenya ku sugan
Korneel Alamanyo Bariire ayaa Maamulka Waqooyi galbeed u dhiibay Liis ay ku
amrayaan in ay soo qabqabtan Dad ay baadi goobayaan. Dadkaas ayaa la
sheegayaa in ay ka mid ahaayeen qaar u dhashay Ogaadeenya iyo qaar ka mid
ahaa Ciidamada Itoobiya oo soo baxsaday. si kastaba ha ahaatee maamulka
Waqooyi Galbeed Soomaaliya waxay iyagoo raali galinaya Xukuumada Gumaysiga
Itoobiya, ka qabteen Magaalada Hargaysa Laba Ruux oo mid ka mid ah lagu
magacaabo Kawsar Dakhare oo keensaday Magaalada Hargaysa Xoolo ay u
iibkeensadeen. Maamulka Waqooyi galbeed ee ka amr qaata taliska Adis Abab
ayaan la ogeeyn ilaa iyo hada meeshay geeyeen Dakharae iyo ninkii lala
qabtay.
Ma, aha markii ugu horeeysay ee Maamulka
Waqooyi Galbeed ka qabqabto Magaalada Hargaysa dad Shacab ah oo u dhashay
Ogaadeenya si ay ugu gacan galiyaan Maamulka Adis Ababa ee ku Caanbaxay
Xasuuqa iyo Xaqdarada Shucuubta uu gumaysto.
Dagaalo dhex maray Ciidamada wadaniga
Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.
Wariyaha Radio Xoriyo ee jiida hore ee
Ciidanka Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya Darwiish Dalmar, ayaa noo soo tabiyay
Dagaalo ay is kaga hor yimaadeen Ciidamada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo
Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya oo ka dhacay Gobolo iyo Dagmooyin ka
tirsan Ogadeenya.
Dagaalada ay Ciidamada Xorenta Ogaadenya ku
qaadaan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee Caadeeysta Daadinta Dhiiga Shacabka
Ogaadeenya oo joogto ah, ayay kuwii ugu danbeeyay ka dhaceen goobahan soo
socda.
03.02.2003 Dagaal ay ku qaadeen Ciidamada
Geesiyiinta Xoreenta Ogaadeenya Ciideamada Doolka ah ee Gumaysiga Itoobiya
ee ku sugan Magaalada Gunagado, waxay kaga dileen 4 Askari waxayna kaga
dhaawaceen 6 Askari oo kale.
06.02.2003 Dagaal Gaadmo ah oo ay ku
qaadeen Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya, Ciidamada Naflacaariga Gumaysiga
Itoobiya oo marayay Xabaal Waayeel oo ku taala Duleedka Magaalda Qabridahare,
waxay Ciidamada Dacdareeysan ee isukeenka Gumaysiga Itoobiya kaga dileen 3
Askari waxayna kaga dhaawaceen 7 Askari oo kale.
07.02.2003 Dagaal wada jir ah oo ay ku qaadeen is bahaysiga Ciidamada
Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Xoreenta Oramiya, Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ee ka amar qaata taliska jaha wareersan ee Adis Ababa oo
ku sugnaa Karin-Sool oo ka tirsan Gobolka Dhagax-Buur, waxay Ciidamada
Xaqdarada iyo Xasuuqa ku caanbaxay ee Gumaysiga Itoobiya kaga dileen 8
Askari waxayna kaga dhaawaceen 15 Askari oo kale.
15.02.2003 Iska hor imaad Dagaal oo ku dhex maray Ciidamada Xaq u dirirka
Xorenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Gari-Go,an, waxaa
Ciidamada dacdaraysan ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 2 Askari waxaana
lagaga dhaawacay 3 Askari oo kale.
Guud ahaan dagaaladan ayaa Ciidamada
Cadawga Itoobiya aad loogu naafeeyay, waxayna kaliftay Burbur iyo Baxsi ku
yimaada Ciidamada Itoobiya ee Xaqdarada iyo Cadaadiska Shuucubta lagu soo
abaabulay.
Ø Kumanaankun
oo ka tirsan Shaqaalaha Maamulka Adis Ababa oo Shaqada laga fadhiisin doono.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis
Ababa ayaa sheegaya in dhawaan shaqada laga fadhiisin doono kumanaan
shaqaale ah oo ka tirsan maamulka magaalada Addis Ababa. Wararku waxay
intaas ku darayaan in ilaa 14 kun oo shaqaale ah oo ka tirsan 40 Xafiis oo
ay leeyihiin hay,adaha Dawlada ee kala gadisan Shaqaalahooda la dhimi doono.
Warar aanu ka helay Dadka ku dhaw dhaw Xukuumada uu horjoogaha ka yahay
Melis Zenawi ayaa noo sheegay in ay dhimista Shaqaalaha ka danbeeysay
dhaqaalo daro ku timid xukuumada Itoobiya iyadoo loo waaya Mushahaarooyin
shaqaalaha iyo Ciidamadaba.
Tilaabadan lagu dhimayo Shaqaalaha
Xafiisyada ee ka howlgala Maamulada kala gadisan ee hayadaha Dawlada ayaa
walwal ku abuurtay qoysas fara badan oo ay soo food saartay Shaqo la,aan.
Arday Oromo ah oo laga raafay Dugsiyadoodii
si loogu daro Ciidamada Itoobiya.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Arsi
ayaa sheegaya in Arday Oromo ah laga raafay dugsiyadoodii, si loogu daro
Ciidanka gumeeysiga Itoobiya. Wararku waxay sheegayaan in Ardaydan laga
raafay magaalada Arsi iyo magaalooyinka ay ka mid yihiin Seru, Adele iyo
Sude, waxaana Ardaydaas loo qaaday xero uu Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ku
leeyahay meesha lagu magacaabo Hurso, oo gobolka Oromiya ka tirsan.
Wararku waxay intaas ku darayaan in qaar ka
mid ah Ardaydaasi oo diiday in la kaxeeyo lagu sameeyay jidhdil. Qaar kale
oo Ardaydaas ka mid ahaa ayaa iyaga la sheegay inay nasiib u heleen inay ka
baxsadaan ciidanka wayanaha, ka dib markii ay ka boodeen gawadhidii lagu
waday.
Ø Jabuuti
iyo Maraykanka oo Heshiis kala sixiixday.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Jabuuti
mudane Cali Cabdi Faarax iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Jabuuti Danjire
Donald Yamamoto ayaa 19 Bisha Feb.03 kala saxiixday heshiis ay dowladda
Jabuuti ku oggolaanayso in Maraakiibta Ciidamada Badda ee Mareykanka ay
isticmaalaan dekeda Jabuuti.
Dadka arrimaha gobolka indha-indheeya ayaa
rumaysan in heshiiskan la kala saxiixday uu muujinayo heerka uu marayo
xidhiidhka u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Mareykanka.
Sidaan la socono waxaa Jabuuti ku sugan
ilaa 1200 oo Ciidamada Mareykanka ka mid ah oo u yimid howlo la xidhiidhra
la dagaallanka argagixisada caalamiga ah. Heshiiskan ay kala saxiixeen
Jabuuti iyo Mareykanku ayay wararku sheegayaan in uu ahaa mid lama filaan ah
oo ay dowladda Itoobiya ka naxday iyadoo ay ugu muuqato haatan in Mareykanka
caddaystay cida uu ku kalsoon yahay marka la eego gobolka Geeska Afrika.
Madaxwaynaha Eritrea oo u anbabaxay Wadanka
Faransiiska.
Madaxweynaha Eritrea mudane Isayaas Afwerki
ayaa u ambabaxay dalka Faransiiska, si uu uga qayb galo shirka dalalka Afka
Faransiiska ku hadla oo ay ka soo qeyb galaan dalal badan oo Afrikaan ah oo
qaarkood aanay Faransiiska ku hadlin.
Shirkan oo la mid ah shirka dalalka
barwaaqo sooranka ee uu Ingriisku hogaamiyo ayaa ah mid lagaga hadlayo
xaalada nabadgeyada Afrika iyo sidii kor loogu soo qaadi lahaa dhaqaalaha
qaarada Afrika.
Madaxwaynaha Efwerki ayaa la filayaa in uu
kulamo gaara la yeelan doono Madaxwaynaha wadanka faransiiska iyo
madaxwaynashaasha qaarada Afrika ee Shirka ka soo qaybgalay ku waas oo uu
kala hadli doono xaalada siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo sidii nabad loogu
heli lahaa Colaada ka aloogan.
Dhiidhi Nuur
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|