|
Ø Banaanbax Balaadhan oo lagaga soo
hojeedo Ra,isal Wasaaraha Itoobiya oo ka dhacay Magaalada London.
Banaanbax balaadhan oo lagaga soo horjeedo
ninka madaxda ka ah Xukuumada Itoobiya ee Malis Zenaawi ayaa ka dhacay
magaalada London ee wadanka Ingiriiska maalintii Shalay. Banaanbaxaas oo ay
soo qaban qaabiyeen Jaaliyadaha Ogaadeenya iyo Oromiya ayaa waxaa ka soo
qaybgalay Dad aad u badan oo kumanyaal kor u dhafay. Dadkaas oo ay
wajiyadooda ka muuqato Cadho aad u kulul ayaa ku dhawaaqayay Zenaawi ha
dhoco, Ogaadeenya ha xoroowdo, kaligii taliye looma baahno iyo erayo kale oo
aad u kulul. Dadkan ayaa sitay Boodhadh ay ka muuqdaan Sawiro Dad ay
Ciidamada Itoobiya si Bi,aadanimada ka baxasan u jidh dilayaan. Banaanbaxan
oo ahaa mid lagaga soo horjeedey imaanshaha Zenaawi wadanka Ingiriiska ayaa
waxaa ka soo qaybgalay qoomiyado badan oo ay ka mid yihiin Ogaadenya,
Oromiya, Xabashida , Canfarta, Qoomiyadaha Koonfureed ee Itoobiya iyo dad
badan oo Soomaali ah oo muujinayay taageerada ay u hayaan walaalahooda ay
Itoobiya gumaysato iyo waliba faragalinta qaawan ee ay ku hayso Itoobiya
wadanka soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee waxaa ninka ku caanbaxay Xasuuqa
sahucuubta ee Zenaawi loo gaystay fadeexadii ugu wayneed ee nin masuula ah
soo marta.
Ø Ciidamada
Cadawga Itoobiya oo dad badan ku xidh xidha Degmooyin ka tirsan Ogaadeenya.
Wararka naga soo gaadhaya Gobolo iyo
dagmooyin ka tirsan Ogadeenya ayaa sheegaya dad badan oo ay Ciidamada
Cadawga Itoobiya xabsiyada u taxaabeen. Ciidamada Caadeestay Daadinta dhiiga
iyo boobka hantida dadwaynaha ayaa mar walba dadka shacabka ah ee reer
ogaadeenya u gaysta Dil, Dhac, Xadhig iyo Cagajuleen ay ku khalkhal
galinayaan si ay u nugleeyaan. Xadhiga iyo boobka ay Ciidamada Itoobiya ku
hayaan dadka masaakiinta ah ee ku hoosnool Xukuumada Xaqdarada iyo
Cadaadiska Shucuubta ku caan baxday ee Itoobiya oo joogto ah ayay ku wii ugu
danbeeyay ka dheceen goobahan.
14.02.2003 waxay Ciidamada Cabudhiska
Gumaysiga Itoobiya ee loo tababaray Argagax galinta Shucuubta lagumaysto ay
ku xidh xidheen Magaalada Dhagax madaw Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.
Dadkan oo badankiis ahaa xoolo dhaqato ayaan lagaraneeyn sababta ay
Ciidamada Cadaadiska iyo Xaqdarada lagu yaqaanu ee Gumaysiga Itoobiya
xabsiyada ugu taxaabeen, balse waxay dad ku dhaw dhaw Saraakiisha Ciidamada
cadawgu noo sheegeen in dadkaas loo haysto hab ay Ciidamada Itoobiya Lacag
uga helaan. Waxaana ka mid ah dadkaas kuwan.
1- Ahmed Ahmed Abdulaahi
2- Mukhtaar Cabdi C/laahi
3- Aqbal Muxumed Cismaan
4- Cabdi Muxumed Cisman
5- Carab Axmed Guuleed oo lagu xukumay in
uu qori soo gado
6- Saxardiid Muxumed Cismaan
7- Ayaan Aftaag
Dadkaas dhamaan waxaa lagu wada Ganaaxay
lacag madax furasho ah oo dhan Ruuxiiba 1000 Bir oo Lacagta Itoobiya ah.
14.02.2003 waxay Ciidamada Itoobiya ee u
hamuun qaba Ciqaabista iyo Boobka Hantida dadwaynaha magaalada Iimay ku xidh
xidheen dadkan Shacabka ah ee aan waxba galabsan oo kala ah.
1- Cali Dakhare
2- Cabdi Carab
3- Masuuri Nuuriye
4- Macalin Rashiid
16.02.2003 Magaalada Dhagax-Buur waxay
Ciidamada Cadawga Itoobiya ku xidh xidheen dadkan Shacabka ah ee aan waxba
galabsan oo kala ah.
1- hmed Nur Ali Hayaan.
2- Xaashi Ahmed Muxumed
Waxayna Ciidamada Cadawga Itoobiya ee lagu
yaqaano waxyeeleenta Shacabka Ogaadeenya Dab qabad siiyeen 10 Aqal oo ku
yaalay Duleedka Magaalada Dhagax-Buur. Ilaa hada wax sabab ah oo ay
Ciidamada Cadawga Itoobiya ka bixiyeen Gubista Aqaladaas ma jiraan, balse
waxay dadka qaarkii noo sheegeen in ayna wax sabab ah u haynin falkaas
waxashnimo ee ay ku kaceen Ciidamada Cadawga Itoobiya oo aan aheen
Cadaadiska xaqdarada ah ee ay ku hayaan Shacabka Ogaadeenya. Wararku waxay
intaas ku darayaan in dadkii aqaladaas lahaa ay hooy la,aan la dhibaataysan
yihiin wax gargaar ahna uusan cidina u gaysan. Ma aha markii ugu horeeysay
ee ay Ciidamada Itoobiya falkaas oo kale ku kacaan balse waxay u noqotay fal
ay mar walba oo ay doonaan ku kacaan.
15.02.2003 Gunagado Waxay Ciidamada cadawga
itoobiya ku xidh xidheen dakan shacabka ah ee waxaan waxba galabsan oo kala
ah.
1- Maxamed Ahmed Akhtar
2- Ahmed Xasan Nuur
3- Daahir Carab Xasan
4- Mawliid Cali
Sidoo kale Magaalada Jigjiga waxay
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ku xidh xidheen dad aad u badan oo shacab ah,
waxaana ilaa iyo hada Magacyadoodii nasoo gaadheen.
1- Maxamed Cabdi Guray iyo
2- Siigaale
Ciidamada Cadawga Itoobiya ee Caadeeystay
Boobka Hantida Dadwaynaha waxay si qasab ah kaga u ruuriyeen Magaalada
galadiid Dad ay ku xidh xidheen Lacaga Dhan 248.000 oo Bir. Lacagtaas ayaa
waxay Ciidamada Cadawgu geeyeen Magaalada Qabridahare si ay Ciidamadooda ugu
qaybiyaan.
Ø 7
Sargaal oo ka tirsan Ciidanka Cirka Itoobiya oo Magangalyo waydiistay
wadanka Maraykanka oo tababr loo geeyay.
7 Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka cirka
Itoobiya kuna sugna dalka mareykanka ayaa magangelyo siyaasadeed codsaday.
Sida wararka sheegayaan.7 si sarkaal ayaa saldhigoodu ahaa xerada Ciidanka
cirka ee Debre Zeit oo 45 km uu jirto magaalada Addis Ababa. 7aasi sarkaal
ayaa loo diray dalka mareykanka si ay ooga qeyb galaan barnaamij ay
Mareykanku tababar oogu fidiyaan duuliyayeel ka kala socda dalal kala duwan.
Baxsashada 7aasi sarkaal ayaa ahaa mid ka
yaabiyay dhamaan sarakiishi ka qaybqaadanaysay Barnaamijka tababarka. Dadka
siyaasada indha indheeya ayaa ku tilmaamay Baxsashada Saraakiisha Ciidamada
Cirka Itoobiya mid muujinaysa Dhicitaanka Xukuumada Itoobiya.
Ilaa hada waxaa Radio Xoriyo soo gaaray
magacyada 4 ka mid ah 7aasi sarkaal waxaayna kala yihiin.
Korneel Fanta Olona oo wadi jiray diyuurada
ah nooca loo yaqaan MIG 23
Korneel Mitiku oo madax uu ahaa qeybta
qaabishan biraha iyo matoorada diyuuradaha MIG ee xirada Debre Zeit
Maajor Derege Aychiluhm oo ahaa duuliye
diyuurada MIG
Iyo Maajor Melaku oo wadi jiray diyuuradaha
nooca quumaatiga uu kaco oo loo yaqaan Helekoptaro nooca M-8 iyo M-35
Ma aha markii ugu horeeysay ee Saraakiil
Itoobiyaan ah ka baxsadan Xukuumada Itoobiya ee sii liiceeysa. Todobaad ka
hor waxaa baxsaday iyagoo wata Diyaaradahoodii Laba sargaal oo ka tirsanaa
Ciidamada Cirka Itoobiya oo Saldhigoodu ahaa Magaalada Mekele ku waas oo
magan galyo siyaasadeed waydiistay Wadanka Eritrea, sidoo kale Mudo hada
laga Joogo Sadex Todobaad waxaa Baxsaday oo galay dhinaca Soomaaliya 6
Sargaal oo ka tirsan Ciidamada Lugta ee Itoobiya, ku waas oo aan la ogeeyn
meel ay ku danbeeyeen. Baxsiga Saraakiisha iyo Ciidamada ayaa waxay ka
danbeeysay dagaalo is daba joog ah oo ay ku qaadeen xoogaga Gobonimo doonka
ee ka soo horjeeda Taliska Adis Ababa iyo maamul xumo ka dhex jirta Ciidamad
Itoobiya ee ay ku markutaaleeyaan TPLF tu.
Ø Jimciyada
Quruumaha ka dhaxaysa oo sheegtay in Miinooyin Cusub laga helay Xadka
Itoobiya iyo Eritrea.
Hayada Jimciyada Qarumaha ka dhaxeeysa ee
qaabishan ilaalinta Soodinta u dhaxeeysa Eritrea iyo Itoobiya ayaa
dhamaadkii Todobaadkii hore sheegtay in ay xaqiijisay meesha ay ka yimaadeen
Miinooyin cusub oo lagu aasay goobaha labada dal ay ka mamnuucan yihiin ee
soodinta u dhaxeeyso Eritrea iyo Itoobiya. Sida ay sheegtay hayadaasi la
yiraahdo UNMEE waxaa minooyinkaasi aasay kooxo ujeedadooda tahay in ay dhib
gaarsiyaan dowladda iyo shacabka Eritrea, oo ay soo dirtay Xukuumada
Itoobiya. Kooxahaas Ciidamada Itoobiya ka mid ka ah ee minooyinkaas aasaya
ayay Ciidamada Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa fiira gooniya u yeelan
doontaa si caalamka loo tuso.
Ø Taliska
Itoobiya oo Abuuraya koox Sadexaad oo ka qaybqaadata Dagaalada Sokeeye ee ka
Socda Gobolada Bay iyo Bakool.
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada
Baydhaba ayaa sheegaya Qorshe Cusub oo ay Xukuumada Itoobiya ku abuurayso
Garab Sadexaad oo ay ka Abuurto Ururka RRA dhexdiisa.
Qorshahan ayaa la sheegayaa in uu ka
danbeeyay, kadib markay Xukuumada Itoobiya ka shakiday xidhiidhkii ay la
laheed Garabyada isku haya Gobolada Bay iyo Bakool. Taliska Itoobiya oo
xidhiidh dhaw la lahaa Raga isku haysta Awooda Magaalada Baydhaba, ayaad
moodaa in ay ka yar fogaadeen xidhiidhkii ay la lahaayeen Itoobiya, kadib
markay xaqiiqsadeen Labada dhinacba in ay Hubka isugu dhiibayso Itoobiya.
Garabkan Cusub ayaa la sheegayaa in ay Itoobiya u Abaabulayso Ciidamo Xoogan
oo ay rabto in ay mar kale Dagaal kaga oogto Gobolada Bay iyo Bakool.
Hibaaq Samater
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|