SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Jan 3, 3 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnaamujka Idaacadu waxuu ka kooban yahay. Qaybtii Sadexaad ee waraysigii aanu la yeelanay siyaasiga wayn ee Maraykanka Maxamuud Wardheere, Dagaaladii ay Ciidamada JWXO ku qaadeen Ciidamada Itoobiya Sanadkii dhamaaday ee 2002, Xadgudubkii ay Ciidamada Cadawga Itoobiya u gaysteen Dadwaynaha Dulman ee Ogadeenya iyo warkii oo aanu ku soo qaadan doono qodobadan hoos ku qoran.
  •   Shir sanadeedkii xubnaha JWXO ee wadanka Kanada oo guul ku dhammaaday
  •   JWXO oo canbaaraysay qarixii Godey ka dhacay
  •   Dad ku dhintay shaqaaqooyin ka dhacay magaalada Makkale
  •   Itoobiya oo loo haysto lacag la filayo in la musuqmaasuqay

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Shir sanadeedkii xubnaha JWXO ee wadanka Kanada oo guul ku dhammaaday.

Shir Sanadeedkii Xubnaha JWXO ee wadanka Kanada ayaa Bisha December 28. 2002 lagu qabtey Magaalada Toronto.

Shirkaas, oo ay ka soo qayb galeen dadweyne fara badan oo ka kala socda lamaaha Jaaliyadda Ogadeniya ee wadanka Kanada, waxaa warbixin iyo waxqabadkii Unugayada JWXO ka soo jeediyey madaxda Unugyada ee magaalooyinka Ottawa iyo Toronto.

Sidoo kale waxaa warbixin guud oo ka hadlaysa xaalada wadanka Ogadeniya iyo hawlaha guud ee JWXO ee Kanada ka  soo jeediyey Wakiilka JWXO ee wadaanka Kanada Mudane Faraax Cismaan Gaab, waxaana halkaas lagu doortay gudi cusub oo shaqada sii wadi doonta sanadaka 2003.

Shirka Unuga ka didb waxaa bilaabatey qudbado iyo doodo ay ka soo jeediyeen goobtii shirka marti sharaf yio aqoonyahano u dhalatey Ogaadeniya oo uu ugu horeeye Dr. Cabdi Aaaden Dhagoole oo aad ugu nuux nuux sadey khibradda gaarka ah ee uu u leeyahay Taliska maanta maamula Itoobiya.

Waxaa iyaguna aan goobta ka maqneyn Hooyooyinka iyo Gabdhaha Ogaadeeniya oo iyagu si habsi leh isu soo agaasimey, goobta shirnkana ka soo jeediyey qudbado dhiirri geliyey dadkii shirka isagu yimid.

Qudbadaha iyo doodaha ka sokow, kama madhnayn goobtaas suugaanta ay shacabka Ogaadeniya Hodanka ku yihiiin. waxaana maalitii sabatida dadkii aad u soo jiiiday Gabay uu goobtii shirka ka soo jeediyey Moxamed Macalin oo ka mid ah odayaasha Jaaliydda Ogaadeniya ee Magaalada Ottawa.

Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya oo canbaaraysay qarixii Godey ka dhacay

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si xoog leh ugu canbaaraysay dilka macna la'aanta ah iyo dhaawaca uu dadka shibilka ah een waxba galabsanin u gaystay bamkii lagu qarxiyay magaalada Godey 29 bishii December, kaasoo ay ka denbeen xubno ka tirsan malleeshiyada ay samaysay xukuumada Itoobiya.

Falalka noocan ah ee dugaagnimada ahi waa dhaqan lagu yaqaanno malleeshiyada ay xukuumada Itoobiya ka samaysay dhulka Ogadenya, kuwaasoo fasax loo siiyay boobka, xatooyada iyo inay is-maan-dhaafka shakhsiga ah ku xalliyaan tallaabooyin bahalnimo ah, sida weerarka Godey oo kale. Dadwaynaha Ogadenya waxay muddo dheer dhibaato ba'an ku qabeen malleeshiyada ay dawladu maal geliso, baadhista uu wado waxa loogu yeedho “booliska gobolkana' waxaa loola jeedaa in lagu abuuro denbiyo kale oo dhaawaca sii kordhiya.

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya waxay ururrada caalamiga ah ee xuquuqda bani'aadamka daneeya ugu baaqaysaa inay si wayn ugu dhabba-galaan dhaqanka malleeshiyada xukuumada ee Ogadenya ka jira, isla markaana ay si cad u ogaadaan xidhiidhka ka dhexeeya malleeshiyadaas iyo maamulka Addis Ababa.

Dad ku dhintay shaqaaqooyin ka dhacay magaalada Makkale.

Labo qof ayaa ku dhintay, dad badan oo kalana dhaawac ayaa ka soo gaadhay shaqaaqooyin ka dhacay magaalada Makkale, oo dhex maray labo kooxood oo ka kala tirsan labo kaniisadood oo masiixi ah.

Sida ay wararku sheegayaan waxay shaqaaqooyinkani markii hore ka billowdeen garoonka kubbada cagta ee magaalada Makkale, oo lagu magacaabo Makkale Baloni Stadium, waxayna wararku sheegayaan in boolisku uu rasaas oodda kaga qaaday dad rayad ah.

Waxay kaloo wararku sheegayaan waxaa la xidhay dugsiyada magaalada makkale, iyadoo laga cabsi qabo in ardayda dugsiyadu ay ku biiraan rabshadaha magaalada ka jira.

Itoobiya oo loo haysto lacag la filayo in la musuqmaasuqay.

Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabislan ka hortagga cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka, oo hadda ka hor Itoobiya ku caawisay 14 milyan oo dollar, oo loogu talagalay ololaha ka hortagga AIDS-ka, ayaa madaxwaynaha Itoobiya Girma Wolde Girogis ka codsatay labo bilood ka hor inuu soo caddeeyo meeshii ay lacagtaasi ku baxday.

Hase yeeshee madaxwayne Girma, oo madax ka ah ololaha ka hortagga AIDS-ka ee Itoobiya, wax jawaab ah ma aanuu soo siinin Qaramada Midoobey, arrintaasoo keentay in bishii hore ay Qarmada Midoobey u soo dirto dalka Itoobiya ergo soo xaqiijisa meeshii ay lacagtaasi ku denbaysay.

Waxayna ergadaasi wadahadal la yeesheen madaxwayne Girma oo ay mar kale ka codsadeen inuu keeno dukuminti caddaynaya qaabkii iyo meelihii lacagtaas loo isticmaalay, balse wuxuu ergada u sheegay in dukumintigii uu la yaallo Addisu Legesse, oo ah ku xigeenka ra’iisal wasaaraha Itoobiya, isla markaana ah wasiirka horumarinta reer miyiga, kaasoo uu si qarsoodi ugu daray guddiga ololaha ka hortagga AIDS-ka.

Hase yeeshee ergadii Qaramada Midoobey ayaa muddo seddex maalmood ah baadi goobayay Addisu Legesse, kaasoo markii ay la kulmeen u sheegay in dukumintiga madaxwaynuhu sheegay aanuu isaga la oollin.

Ergada Qaramada waxay Addisu Legesse u sheegeen in haddii uu dukumintigaas bil gudeheed ku keeni waayo ay markaas Qaramada Midoobey la xisaabtami doonto. Dadka arrimahan ku dhadhaw ayaa sheegaya in ergada Qaramada Midoobey ay dareemayaan in lacagtaas arrimo kale loo isticmaalay

Dhacdooyinkii Sanada 2002 oo kooban

Dhacdooyinkii ugu waaweyna ee Dhinaca Dagaalada iyo Xadgudubka ay Ciidamada Cadawgu u gaysteen Shacbiga  Ogaadeenya sanadkii 2002 waxaa ka mid ahaa :

a) Ciidamada.

*  Sanadkan Ciidamada jwxo, waxay fuliyeen 115// Hawl gal dagaal.
*  Dagaaladaas waxaa cadowga laga dilay 890 Askari oo 45 sargaal ku jiraan.
*  Waxaa hawlgab laga dhigay ama laga dhaawacay  1035 Askari.
*  Waxaa cadowga laga gubay 8//Baabuur.
*Waxay ciidamada cadowgu iska dileen dhexdooda 120 Askari
*  Waxaa ciidamada gumaysiga ka baxsaday, 375// Askari.

b)Dhinaca ku xadgudbika xuquuqda dad weynaha:

* Ciidamada iyo maamulka gumaysigu waxay Sanadkan xidhen 4750/ Ruux.
* Waxay dileen 95 qof oo 30 caruur tahay.
* Waxaan qofkiiba lagu ganaaxay 2000// oo Bir.
* Waxay Ciidamada gumaysigu sanadka, Qasheen, Dhaceen; 9740// Nef Adhi ah; 1400// Neef Geel ah; 2200//Neef Lo’ ah;
* Lacagta Magaalooyinka iyo dadka lagu ganaaxay, ama la dhacay, waxaa lagu qiyaasay in ay gaadhi 1/milyan iyo dhawr boqol oo kun, oo Doolar.
* Waxaa la kufsaday 125// Dumar ah. * Waxay ciidamada gumaysigu gubeen 15/Tuulo.
* Waxay Jidh-dil ku sameeyeen, 1500// oo Ruux.
* Waxaa jid-dilkaas ku naafoobay,250// Ruux.
* Waxaa Raad iyo Ruux meel ay ku dambeeyeen la waayay, kadib markay ciidamada gumaysigu qabteen, 193// Ruux.

Dhinaca kale waxaa muuqata inuu gumestuhu gebi-dhaclayntiisii caadada u ahayd hadda  isbadalo maamul iyo  milateriba uu ka wado Ogaadeenya. Isbadaladaasna waxaa keenay, markii wax kasta taliska gumeysigu madax badan oo Kiliil ku sheega la xidhay sanadihii la soo dhaafay, hase yeeshee, la maamuli kari waayay dalka, ayey qasab ku noqotay inay haddana markale talaabo nafla haar ah qaadaan. Waxaa ka mid ah in dalka Ogaadeenya loo qaybiyo laba xarumood oo maamul sida ay ku magacaabeen oo mid Jigjiga m?madax u tahay midna Godey.  Hase ahaate tani waxay ka mid tahay siyaasadiisii caanka ahayd ee qaybi oo xukun. Sida wararka xog ogaalka ahi sheegayaan waxaa la xayirayaa xoriyad isu gudubka, waxayna soo wataan in waraaqo aqoonsi ah loo kala qaato gobolada maamul ay sameeyeen.

Waxaa Albaabada loo laabay  Schoolaadkii hoose ee awal horeba tirada yaraa. In kasta oo Gumeysatadu ku sheegtay sababta xidhidda mid la xidhiidha abaaraha haddana wararka la gu kalsoon yahay waxay sheegayaan in Itoobiya dhaqaale iyo miisaaniyad ay ku maamusho la'day dugsiyada. Waxaa la leeyahay waxay ka mid tahay dhaqaalaha dalka hoos u dhacay oo shaqaalihii mushahaar loo la' yahay. Waxaa kale oo dadka ka faalooda leeyihiin waxay la xidhiidha siyaasadda Itoobiya ee ah inay dadweynaha Ogaadeenya kala dagaalanto dhinaca aqoonta sida ay ugala dagaalamayso xagga dhaqaalahan..

Ahmed Gaal,eri.

I  I  D  H  E  H

Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD