SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Jan 10, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 

Barnaabujka Caawa aan idiinku hayno Radio Xoriyo waxuu ka kooban yahay.

  • ˇ Qaybtii Labaad ee Wareeysiyadii Googoos ahaa ee aanu ka soo qaadnay Shirsanadeedkii Jaaliyada Maraykanka.
  • ˇ Suugaan kala gadisan iyo warki oo ka kooban qodobadan hoos ku qoran.
  • ˇ Dad Itoobiyaan ah oo magangalyo ka codsaday Wadanka Tanzaniya.
  • ˇ Xildhibaan ka tirsan Golaha Baaarlamaanka Wadanka Maraykanka oo booqasho ku tagay wadanka Itoobiya.
  • ˇ Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa oo uugu baaaaqday Itoobiya in ay xayiraada ka qaado Xoolaha Ogaadeenya.
  • ˇ Urur Caalami ah oo u dooda Xuquuqda Suxufiyiinta oo Itoobiya Canbaareeyay.
  • ˇ Saraakiil Itoobiyaan ah oo si qarsoodi ah u tagay Konfurta Soomaaliya.
  • ˇ Madaxwaynaha Jabuuti oo la kulmay Sargaal sare oo ka tirsan Ciidanka Maraykanka.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Dad Itoobiyaan ah oo magangalyo ka codsaday Wadanka Tanzaniya.

Wararka naga soo gaadhaya Tuulada Himo oo ka tirsan Dagmada Moshi ee Dalka Tanzaaniya ayaa sheegaya in si Sharci dara ah ay ku soo galeen Dalka Tanzaniya 20 Ruux oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo Dawlada Tansaaniya waydiistay magangalyo siyaasadeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Kilimajaro Mohamed Chiko ayaa saxaafada u sheegay in dadkaas haatan lagu hayo Xerada wayn ee Booliska Gobalka Kilinmmanjaro. Dadkaas ayaa sheegtay in ay ka soo carareen Xukuumada Itoobiya ka talisa oo ay Naftoodu khatar ku jirtay, waxayna Codsadeen in aan dib loogu celin wadanka Itoobiya.

Dadkaas ayaa badankood rayad ah in kasta oo ay ku jiraan qaar u shaqaynayay Xukuumada Itoobiya oo Xaasaskoodii wata.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Baaarlamaanka Wadanka Maraykanka oo booqasho ku tagay wadanka Itoobiya.

Xildhibaan ka tirsan golaha Barlamaanka wadanka Mareykanka oo la yiraahdo Frank Wolf ayaa todobaadkii hore booqasho ku tagay Dalka Itoobiya si uu u arko heerka ay marayso Abaaraha lagu sheegay in ay Itoobiya ku sii balaranayaan. Xildhibaan wolf ayaa u yimid si uu xog uruurin buuxda uga soo uruuriyo Gobaha ay Abaaruhu ka jiraaan kadibna uu Baarlamaanka warbixin buuxda uga siiyo si Dawlada maraykanku u kordhiso macaawinada ku wajahan Abaarta ku habsatay Dalka Itoobiya.

Wararka naga soo gaaraya wasaarada arrimaha dibbeda Itoobiya ayaa sheegaya in xildhibaankaasi mudadii u joogay Itoobiya laga leexiyay in uu booqasho ku tago ogaadeeniya iyada oo ay Xukuumada xaqdarada ku dhisan ee Itoobiya Shegtay in gobolka tigree uu yahay meesha ay Abaartu sida xun ugu habsatay loona baahan yahay in Mucaawino badan lasoo gaaadhsiiyo. Tilaabadan ayaa ah mid Cadawtinimo oo ay Itoobiya kaga hor istaageyso mucaawinaada caalamiga ah ee shacabka Ogaadeenya ka heli lahayeen Beesha Caalamka.

Sidaan ognahay waxaa Bishi hore tagay Adis Ababa wafdi ka socday barlamaanka ingriiska oo iyagana laga leexiyay in ay soo booqdaan Ogaadeenya kaas oo loo muujiyay in ay gobolka tigree tahay meesha ay ka jirto Abaarta ugu ba'an.

Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa oo uugu baaaaqday Itoobiya in ay xayiraada ka qaado Xoolaha Ogaadeenya.

Jimciyada qarumaha ka dhaxeeysa qeybteeda qaabishan mucaawinada deg dega ah ee loo yaqaanoayaa UN Emergency Unit ayaa Maalintii Talaadada oogu baaqday Xukuumada Itoobiya in ay xayiraada ka qaado dhaq dhaqaaqa xoolo dhaqatada Ogaadeenya oo si joogta u gala Dalalka Soomaliya iyo Jabuuti si ay xoolahooda suuq geeyaan.

Itoobiya ayaa xirtay Wadooyin badan oo gala Soomaliya iyo Jabuuti iyaga oo ku andacoonaya in badeeco sharci daro ah ay shacabka Ogaadeenya soo galiyaan gudaha Itoobiya.

Jimciyada qarumaha ayaa ku tilmaamtay xayiraadan lagu hayo xoola dhaqatada mid hada aan munaasib ahayn madaama ay jirto Abaar ba'an oo ay shacabku u baahanyihiin in ay sameeyaan wixi ganacsi ah ay ka fa'ideeysan karaan.

Jimciyada qarumaha ayaa tusaale u soo qaadatay Magaalada Hartisheekh in ay tahay meelaha ay xayiraadan dhibaato weyn u keentay iyada oo ay ganacsiga ka socday Hartisheekh aad hoos oogu dhacay.

Sidoo kale waxay jimciyada qarumaha muujisay in xayiraadaan ay kor u kicisay qiimaha loorka bariiska, sokorta iyo raashin la mid ah taas oo dhibaato weyn ku hayso shacabka Ogaadeenya.

Urur Caalami ah oo u dooda Xuquuqda Suxufiyiinta oo Itoobiya Canbaareeyay.

Hay,ad caalami ah oo u dooda xuquuqda Suxufiyiinta ayaa Todobaadkan si kulul u cambareeyay dowladda Itoobiya ka dib markay dhowr Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Itoobiya si xun u dileen wariye ka waramayay dagaalada diinaga ah ee ka socda gobolka tigree, kaas oo dhex maraya Laba garab oo ka tirsan diinta masiixiga.

Hayadaasi oo la yiraahdo IFEX ayaa sheegtay in wariye Wolde Senbet oo u shaqeeya wargeyska Tobiya si xun loo dilay isla markaasina xabsi loo kaxeeyay ka dib markuu Laba qoraal oo faafaahsan ka qoray rabshadaha ka bilowday magaalada mekkele oo ay 5 qof ku dhinteen tobaneeyo kalena ku dhaawacmeen.

hayada IFEX ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya in sida ugu deg degsan ay ku sii dayso wariyahaasi oo ay ku tilmaamtay in uu gudanayay waajibkiisa suxufinimada.

Saraakiil Itoobiyaan ah oo si qarsoodi ah u tagay Konfurta Soomaaliya.

wararka naga soo gaaraya magalooyinka Baydhabo iyo Beletweyn ayaa sheegaya in Todobaadkii hore ay Saraakiil Itoobiyaan ah si qarsoodi ah ku tageen Labadaasi Magaalo iyaga oo la kulmay basasiin ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Itoobiya oo halkaasi ka howlga. wararku waxay intaasi ku darayaan in basasiintaasi la siiyay Amaro cusub oo la xiriira in ay dib u hawl galiyaan kooxaha gacan saarka la leh Xukuumada Itooobiya ee ku caan baxay daadinta dhiiga Shacbiga Soomaaaliyeed. waxayna u balan qaadeen in ay hub dagdag ah soo gaadhsiin doonaan si ay u gutaan waajibka Bahalnimo ee ay Shacbigooda ku hayaan, una fuliyaan doonista Itoobiya ee ku salaysan baabi,inta Shacbiga Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha Jabuuti oo la kulmay Sargaal sare oo ka tirsan Ciidanka Maraykanka.

Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaciil cumar geele ayaa 8 Bishan january Madaxtooyada jabuuti kula kulmay taliyaha ciidanka mareykanka u qaabishan geeska afrika Jeneraal John Sattler.

Madaxweyne ismaciil cumar Geele iyo Jeneraal John Sattler waxay ka wada hadleen arrimo la xiriira nabadgelyada geeska Afrika iyo howlaha lagaga hor tagayo argagixisada caalamiga.

Jabuuti waxaa haatan ku sugan in ka badan 1200 oo Askari Mareykan ah. sidoo kale xeebaha geeska afrika waxaa ku sugan Marakiib ka socda dalalka mareykanka, Jarmalka, Ingriiska iyo dalka Spain oo dhamaan ku howlan arrimo la xiriira la dagaalanka Argagixisada.

Janeraal John Sattler ayaa horay usoo Booqday Wadanka Eritrea isga oo la kulmay Madaxwaynaha Eritrea Isayas Afwerki ooy ka wada xaajoodeen arimo mihiim ah. Dadka siyaasada indha dhindheeya ayaa Booqashada John ee Labadaas Dal u arka in uu maraykanku mihiimada koowaaad ee Geeska Afrika siinayo wadamada Jabuuti Eritrea iyo Kenya oo xeebo waaween oo mihiim u ah lasocodka dhaqdhaqaaqa Argagixisada Caalamiga ah leh.

Hibaaq Samatar.

Radio Xoriyo

I  I  D  H  E  H

raadioxoriyo@yahoo.com 

radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD