SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Jan 24, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

· Barnaamujka Caawa wax yabaha aan idiinku hayno waxaa ka mid ah.

  • · Faalo ku Saabsan Shirka kooxaha Soomaaliyeed uga socda Eldoret
  • · Warbixin ku saabsan Magaalada Diridhaba iyo guud ahaan Gobalka Shiniile
  • · Suugaan kala duwan
  • · Iyo Warkii oo ka kooban qodobadan hoose.
    · Magaalada Hargeysa oo laga raafey dad shacab ah oo u dhashay Ogaadeeniya
    · Ciidamada cadawga Itoobiya oo wali isku sii uruursanaya xarumaha ay ku leeyihiin Magaalooyinka waaween
    · Wasaarada gashandhiga Itoobiya oo ku dhawaaqday sameynta ciidan keyd ah
    · Eriteriya oo mamnuucday Heesaha Afka Amxaariga ah

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 · Magaalada Hargeysa oo laga raafey dad shacab ah oo u dhashay Ogaadeeniya.·

War naga soo gaadhay magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed ayaa
sheegaya in dad lagu qiyaasay 57 ruux oo u dhashay Ogaadeeniya laga
qab-qabtey gobolada Waqooyi Galbeed, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Dadkaas oo ah ganacsatayaal shacab ah ayaa waxa uu warku sheegayaa in tiro dhan 35 ruux oo Indhaha laga xiray laga talaabiyey xadka magalaada Wajaale. Halkaas oo gacanta loo geliyey ciidamada Itoobiya ee aagaas ku sugan, tiro badan oo kalena lagu hayo xabsiyada.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii koowaad ee uu maamulka ka taliya
magaalada Hargeysa uu ku xad gudbo xuquuqda shacabka Ogaadeenya iyo ka
ganacsiga dadka iyaga oo fulinaya awaamiirta dawladda Itoobiya, isla
markaana khatar galinaya daris wanaaga iyo isu socodka labada shacab ee walaalaha ah.

Ciidamada Cadawga Itoobiya oo wali isku sii uruursanaya Xarumaha ay ku
leeyihiin Magaalooyinka waaween.

Wararka ay noo soo tabinayaan wariyayaasha gobolada Ogaadeenya ayaa sheegaya in ay wali ciidamada cadawga Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya ay ka sii baqanayaan degmooyinkii iyo tuulooyinkii ay ku sugnaayeen.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay ka carareen goobihii ay deganaayeen ka
dib markay u adkaysan waayeen xoogaga gobanimo doonka ee ku la jira dagaalka ay ku doonayaan madax banaanidooda iyo dhaqaalo xumo la soo daristay ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Ogaadenya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada cadawga Itoobiya uu ka dhex
biloowday amardiido, baxsi iyo gadood ka dib markay waayeen wax daryeela
ciidamadooda ku dhaawacmay dagaalada ay kula jiraan xoogaga gobanimo doonka.

Waxaa kaloo la sheegayaa in ay ciidamada cadawga Itoobiya hubka ka iibsadaan ciidamada gobanimadoonka ee ay dagaalka iskaga soo horjeedaan, kadib markay dhaqaalo xumo badan lasoo daristay si ay ugu baxsadaan meel amaan ah. Sida wadamada dariska la ah Itoobiya, halka kuwo badana hubkooda ula galaan wadamada soohdinta la leh Itoobiya

Si kastaba ha ahaatee Xukumada Meles Zenawi ayaa isku dayeysa siday arintan
wax uga qaban lahayd. Iyada oo furtay dugsiyo hanuunin ah si ay uga
hortagto khatar wayn oo ay ku kacaan ciidamadu, balse dadka arimahan u dhuun daloola waxa ay shegayaan in talo faraha ka baxdey kadib markii is
aaminaadii iyo kala danbeytii yaraatey.

· Wasaarada gashandhiga itoobiya oo ku dhawaaqday sameeynta ciidan keyd ah.



Wasaarada gashandhiga Itoobiya ayaa dhamaadkii todobaadkii hore ku
dhawaqday in ay sameeyn doonto ciidan cusub oo keyd ah. Cidankaasi ayaa
madax looga dhigi doonaa korneel la yiraahdo Kebede Biru. Cidankaasi oo
noqon doono mid loo adeegsado cabudhiska shacabka iyaga oo meelo badan ka
bedeli doona Askarta Miliishiyada ee ku sugan gobolada qaarkood.

Ciidamadan ayaa la tuhunsanyahay in ay noqon doonaan qowmiyada Tigreega oo
kaliya si loogu fuliyo xasuuqyada qarsoodiga ah ee ay xukuumada ku qaado
shucuubta ay gumeysato sida shacabka Ogaadeenya.

· Eriteriya oo mamnuucday heesaha afamxaariga ah.



Dalka Eritereya ayaa soo saaray sharci cusub oo lagu mamnuucayo in heesaha
lagu qaado Afka Amxaariga lagu dhagaysto goobaha caanka ah ee dadku isugu
yimaaddaan sida makhaayadaha, huteelada iyo xafiisyada dawlada.

Sharcigan cusub ayaa la sheegay inuu yahay mid ka turjumaya xidhiidhka ka
dhexeeya labada dal ee Eriteriya iyo Itoobiya, kaasoo ku salaysan nacayb ka
dhashay gumaysigii ay Itoobiya mudada dheer soo gumaysanaysay dalka
Eriteriya.

Waxaana sharcigan cusub lagu xusuusinayaa dadwaynaha Eritereya in Heesaha
Afka Amxaarigu ay yihiin Heesihii dalka Eritereya soo gumaysan jiray oo
dhiig badan loo huray sidii looga xoroobi lahaa.

Axmed Xidig,
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com 
radioxorio@yahoo.com

Faalo

Radio Xoriyo

Qasida Itoobiya ee Shirka Eldoret

Sida la wada og yahay, shirka dib u heshiisiinta Jamuhuriyada Soomaaliya ee ka socda magaalada Eldoret ee waqooyiga Kenya waa shirkii oo gu horeeyey ee ay ka qayb galaan dhamaan hogaamiye kooxeedyada Sooomaaliya. Inta waxaa weheliyey dawlada KMG ee Soomaaliya, ururada bulshada iyo ergay gaar ah. Shirkan oo ka duwan dhawr iyo tobankii hore ayaa waxaa kaalmo dhaqaale ka gaystay culays siyaasadeedna saaray ururada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika,, Midowga Yurub, Jaamacada Carabta iyo urur goboleedka martigeliyaha ah ee IGAD.

Dadaal kasta oo loo galay abaabulka, geedi socodka iyo midho-dhalka shirka waxaa haddana marna ka dhamaan la’ dhibaatooyinka had iyo goor soo foodsaaraya. Sida qoondaynta xubnaha rasmiga ah ee ka qayb qaadanaya shirka iyo oofinta heshiiskii xabad joojinta ee la gaadhay. Dersida iyo xidiid raaca dhibaatoyinkan iyo kuwo kale oo badan ka dib ayaa faraha lagu tilmaamaa in ay ka dambayso xukuumada Itoobiya. Dad badan oo u dhuun duleela il-ku-haynta arimahan iyo siyaasada Geeska Afrika ayaa Shirka Eldoret u cadahay in uu yahay mid loo baylihiyey cadawga kaliya Jamuhuriyada Soomaaliya iyo ka guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa tusaale kooban loo soo qaadan karaa taxaha xubnaha shirka oo ay Itoobiya si is-dabajoog kedis ah is-bedelo oogu samayso iyada oo u geyn iyo ka goyn la tiigsata xubnaha ay rabto sidii ku dhacday wasiirkii kowaad ee hore ee Soomaaliya, C/risaaq Xaji Xuseen.

Xaga isku dirka, hubaynta iyo qaybinta kooxaha iyo shacabka Soomaaliya in badan ayey Itoobiya ku guulaysatay fulintooda. Itoobiya iyada oo hubaynaysa kooxo gaar ah doonaysana is ku dhaca dhexdooda iyo kuwa ka soo hor jeedaba ayey hadaana ku darsatay erginta Cidamadeeda qaar ka mid kooxaha. Dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolada waqooyi bari ee Soomaaliya oo ay Ciidaamo Itoobiyaan ah jiida hore kaga jiireen ayaa waxaa Itoobiya lagaga dilay saraakiil sare, kuwo kalena waa lagaga dhaawacay.

Dagaalada kale ee ka dhacay Soomaaliya iyagana qayb wayn ayey ka qaatay. Sida midkii faraha looga gubtay oo ayaamo ka dib heshiiskii xabad joojiinta Shirka Eldoret dhex maray baalaha ururka SNF oo isku hardiyey magaalooyinka Beled Xaawo, Luuq iyo aagagaarkooda.

Garabyada RRAda ayaa iyaguna si dhuumalaysi u eg in badan iskaga horyimaaday gobolada Bay iyo Bakool iyaga oo wax yeelo wayn u gaystay nabad geliyada iyo xasiloonida shacabka iyo degaanka.

Intaas oo dhan waxaa dheer dhawrid la’aanta xadka iyo caadaysigeeda talowga xadka ee joogtada ah. Iyada oo mar walba oo ay gudubto kula kacda shacabka Soomaaliya falal argagax iyo yaab leh oo lid ku ah xeerka dunida ee Xuquuqda Aadamaha. Si kastaba ahaate, dowlada cusub ee Kenya waxay dardargelisay midho-dhalka shirka balse waxa ay ku xidhantahay hadba faragelinta iyo qaasida Itoobiya inta ay legtahay.

Warsame Mohamed

Radio Xoriyo

radioxoriyo@ogaden.com 

 

Warbixin

Dir-Dhabe Cadaadiska siyaasadeed ee xad dhaafka ah ee lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka ku dhisan cabudhiska iyo gumaysiga ee ka jira guud ahaan Itoobiya ayaa hadana si gaar ah u saameeyay Magaalada Diri-Dhaba.

Maamulka Magaalada Dir-Dhabe waxaa gacanta ku haya Qoomiyadaha Tigreega iyo Xabashida oo Dhaqaalaha soo gala si gaar ah uga faa,iidaysta.

Magaalada Dir-Dhabe oo ku taala meel istraataji ah Xadduna u ah Ganacsiga iyo Halbawlaha Dhaqaalaha ee dhulka Ogaadeeniya ayaa waxaa ka shaqeeya Shaqaale dhan 15000 oo Ruux. Shaqaalaha tiradaas dhan ayay Soomaalida Ogaadeenya ku leeyihiin 10 Ruux, wax masuuliyad hayana waxaa ku jira 3 Ruux oo uu ka mid ahaa Maxamuud Daahir oo ahaa Madaxa dhul bixinta ee magaalada Diri-Dhaba, hase yeeshee xilkii laga qaaday 01 Bishan Janaayo ee aynu ku jiro.

Ninkan ayaa lasheegayaa in xilka looga qaday Cadaalad iyo firinfurcoonaan uu ka dhex sameeyay Qoomiyadaha ku wada nool Magaalada, taas oo u cuntami wayday Xukuumada ku dhisan Xaqdarada ee Itoobiya.

Magaalada Dir-dhabe waxay ka kooban tahay 4 degmo iyo 23 xaafadood, waxayna Soomaalidu maamulkeeda haysay Sadex Xaafadood oo aad mihiim u ahaa hasa yeeshee waxaa farahooda laga bixiyay dhamaan xafadahay maamulayeen iyadoo tii u danbeeysay oo aheed Xaaafada 21 Alabaabada loo laabay Totobaaadki Hore.

Dhinaca kale guud ahaaan Gobolka Shiniile waxaa aafeeyay dhibaato dhaqaale oo aad u baahday, kadib markay Xukuumada Itoobiya dadka Soomaaalida ah u diiday dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Xorta ah, Badeecooyin badana ay kala wareegtay iyadoo ku sheegaysa Koontara baan in ay yihiin, waxay kalooy Ciidamada Itoobiya ku duuleen Magaalada Baki oo aheeyd Xarunta Ganacdsiga Gobolka Shiniile, waxayna halkaas ku gubeen dhamaan waxii hanti taalay oo dhaneed 10 Milyan oo Bir

Sida aan la socono Taliska Adis Ababa ayaa qaaday olole uu ku xidhayo Xuduuda ay Ogaadeenya la wadaagto wadamada Dariska ah sida Soomaaaliya iyo Jabuuti iyada oo ay jirto Abaar ba,an ooo dadka deegaankaas ku habsatay. Xidhitaanka Xuduudaha ayeey dadwaynaha Ogaadenya u arkaan qayb ka mid ah Cabudhiskii iyo ladagaalankii dhinaca dhaqaalaha ee ay ku haysay Xukuumada Itoobiya.

Mohamed Abdulahi

Diri- Dhaba

Raio Xoriyo

I  I  D  H  E  H

raadioxoriyo@yahoo.com 

radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD