SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: June 10, 2003 

mahuraan
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...
 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Waxyeeladii fatahaada Wabiga Shabeele oo sii korodhay.
  • Ø Ciidamada Itoobiya oo siiwada dhaqankoodii ahaa Dilka iyo Xadhiga.
  • Ø Hay,ada Xaquuqda Aadamaha ee, Amnesty International, oo dawlada Itobiya eedaysay.
  • Ø Itoobiya oo noqotay Xarunta dhexe ee qaybinta Maandooriyaha.
  • Ø Safaarada Norwey ee Addis Ababa oo la xiray:
  • Ø Itoobiya oo dib u habayn kusamay naysa golaha SRRC.
  • Ø Barnaamujkii Halgan iyo halhame oo aanu kaga hadlayna Taariikh halgameedka Ogaadeenya iyo Suugaan halgameed.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis
Waxyeeladii fatahaada Wabiga Shabeele oo sii korodhay.

Wariyaha Radiyo Xoriya ee Gobolka Shabeele Nuur Cabdi yare ayaa noo soo
gudbiyay warbixin xanbaarsan fatahaadii wabiga shabeele oo sii korodhay,
waxyeela culusna ugaysatay dadkii ku noolaa Dagmooyinka Qalaafe, Mustaxiil,
Buurcukur, Goday, Iimeey iyo meelo kale oo badan. Fatahaadan wabiga ayaa
waxaa ku bara kacay in ka badan 250 Qoys oo ku noolaa Dagmada Qalaafe,
waxaana ku geeriyooday ilaa iyo 200 oo ruux, oo in badan oo ka mid ah ay u
dhimatay Cuduro ka dilaacay agagaarka wabiga shabeele. Waraysi uu siiyay nin
ka tirsan Maamulka Goday oo lagu magacaabo Sheekh Cabdulaahi Xaaji VOA ayuu
shaaca kaga qaaday in Todobaadkii Magaalada Goday oo kaliya ku dhintaan ugu
yaraan 30 Caruur ah, kuwaas oo u dhinta Cudurada Malaariyada iyo nafaqo daro, sidoo kale waxaa dhimashadaas caddeeyay Maamulaha Isbitaalka Degmada Godey, Dr. Zelalem Ishatu. Labada Masuulba waxay isku-raaceen in ay saldhigga dhimashadu tahay cudurada biyaha qudhinka ah ka
dhasha, nafaqo-xumo caruurta la fac-tirsatay & la'aanta cunto joogto ah
ama dheelli-tiran, Waxayna Shaaca ka qaadeen in dhimashadu badan doonto
haddii cunto & daawo aan dadka lala soo gaadhin.

dhinaca kalana laanta German Amharic Services waxay iyaduna sheegtay in ay
dadka ku baro-baxay webiga fatahay & daadka roobabka tiradoodu gaadheen
90,000 oo ruux. tiradani waa inta magaalooyinka laga diiwaan-geliyay oo
keliya. Tuulooyinkana dad badan ayaa weli ku tabaaleysan. Warar kale waxay
sheegeen in ay magaalooyinka Qalafo, Mustaxil, Buur-cukur & tuulooyinkooda
ka jiraan boqolaal dad ah oo geedaha korkooda u hoyda.

Ciidamada Itoobiya oo siiwada dhaqankoodii ahaa Dilka iyo Xadhiga.


Warar uu noo soo diray wariye Nuur oo kusigan jiida hore ee Gobolka
Shabeele ayaa sheegaya in ay Ciidamada Cadawga Itoobiya dad badan oo shacab
ah qaara Qudha ka jareen qaarna Xabsiyada u taxaabeen, ficiladaas foosha xun
oo dhacay xiliyo kala duwan waxay udhaceen sidan soo socota.

1/6/03 Ciidamada Cadawga Itoobiya waxay si qarsoodi ah oo fulaynimo ah u
dileen nin Shacab ah oo lagu magacaabo Mohamed Mahdi Buux. Sidoo kale
Magaalada Gunagado waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku xidheen labanin oo
shacab ah oo kala ah.
1. Mohamed Sh. Cumar-noor iyo
2. Cabdi-noor Cumar Saafi.

Isla 01/6/03 Magaalada Dh/Buur waxay Ciidamada boobka iyo argagax galinta
lagu yaqaano ee Gumaysiga Itoobiya xabsiga u taxaabeen dad shacab ah oon
waxaba galabsan, waxayna kala yihiin.
1. Cabdi-gurey Mohamded Cabdi.
2. Naasir Cabdulaahi
3. Shukri Cumar Odawaa.
4. Ridwaan Cali Saciid.
5. Ayaan Ismaaciil Xassan.
6. Raxmo kadiye.

2/6/03 Magaalada Q/Daharre waxay Ciidamada Wayaanuhu ku xidh xidheen.
1. Khaliif Aw Saalah.
2. Khaliif Diidane Xassan
3. Cabdi Xassan Dakharre iyo
4. Ahmed Sh. Xassan.
Dhinaca kale waxay Ciidamada ku caanbaxay Cadaadiska Shacabka ee Itoobiya ay
Xero oodeen 150 Neef oo Geel ah oo ay ka soo uruuriyeen Deegaanka Dagmada
Shilaabo. Ciidamada Cadawga Itoobiya waxay Amar ku bixiyeen in aan xoolaha
iyo Dadku u soo dhaafi karin Xarunta Jeexdin 30 Km, Cidii intaas u soo
dhaaftana waxaa Amar lagu siiyay Ciidamadu in ay toogtaan, Waxayna dhirtii
ku taalay ka gureen deegaankaas oo ay Xooluhu aad u daaqi jireeyn. Dhibaato
culus ayaa waxaa halkaas ka soo food saartay dadkii deegaankaas ku noolaan
jiray oo ilaalin la Xoolihii halkas daaqi jiray oo u soo baxsanaya.

3/6/03 waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ee ku caanbaxay Xaqdarada iyo Cadaadiska Shacabka aan waxba galabsan ee reer Ogaadeenya xabsiga Xerada Ciidanka ee Sagag u taxaabeen.


1. Misaal Shukri Mohamed.
2. Ruqiya Aw Shukri.
3. Ruqiya Sh, Mohamed.
4. Barkhadle Cabdulaahi
5. Jaamac sh. Cabdi.
6. Mukhtaar Saxardiid iyo 2/ba caruur ah oo yar yar uu dhalay.


Dadkaas waxaa lasheegayaa in aad loo jidh dilay gaar ahaan in Gabdhahaas loo
gaystay kufsi iyo xad gudubyo kadhan ah xaquuqda aadamaha.


Hay,ada Xaquuqda Aadamaha ee, Amnesty International” oo dawlada
Itobiya eedaysay.



Hayda u dooda xaquuqal insaanka ee Amnesty International ayaa
waxay dawlada Itobiya ku eedaysay in ay sixun ugu tumatay xaquuqal insaka.
Ciidamada nabad sugida ee Itoobiya ayaa waxa ay rasaas ku fureen dad
mudaharaad samaynayay, halkaas oo ay ku dileen 230 qof waxa ayna xabsiga u
taxaabeen kumanyaal Ruux oo aan waxaba galabsan. Waxa ay war bixintu intaa
ku dartay Askarata dawladu in ay dadka jidh dilaan,hablahana ay kufsadaan
iyagoo waliba dadka iska laaya. Waxa ay AI ku dartay intaas in ay ciidamada
nabad sugidu u hanjaabaan ama ay cabsi galiyaan joornaalistayaash iyo dadka
ka soo hor jeeda dawlada. Waxa kale oo ay warbixintu xustay, oo dawlada
Itobiya lagu eedeeyay dad mudaharaadayay oo lagulaayay sanadkii hore
magalaalada Teppi oo kutaala konfurta Itobiya , dadkaas lalaayay oo ay
tiradoodu dhanayd 200 oo qof, waxa kale oo garab socotay dad gaadhayay 300 oo
qof oo xabsiga loo taxaabay.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in dadkaas xidhan 90 qof oo katirsa si
gooni ah loo ilaalinayo, taas oo ay dawladu ku eedaysay in ay 4 askari oo
boolis ah dileen. Dhinaca kale Hayda samo falka ee MSF ayaa canbaarayn u soo
jeedisay barnaamijka dib u dajinta ay dawlada Itoobiya kawado Oromia , dib
u dajintaas oo boqolaal qoys oo Oromo ah lagaga soo raray deegankii ay u
dhasheen, kuwaas oo la dajiyay deegaan aynan waxba ka garanayanin. MSF waxa
ay aad dawlada Itoobiya ugu canbaareeyeen nolol xumida ka jirta kamka Bidre
oo kuyaala gobolka Bale oo ay sheegeen in ay cunto yaraan, biyo la,aan iyo
hoy la,aan badani ay ka jirto. Agaasimaha hayada MSF Mr. Austin Davies
ayaa waxa uu sheegay, in ayna dawladu si fiican uga baarana dagin
barnamijakan dib u dajinta, taasina ay keentay in ay ku dhibaatoodaan
Boqolaal Ruux deegaan ayna waxba ka garanay.

Itoobiya oo noqotay Xarunta dhexe ee qaybinta Maandooriyaha.


Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Adis Ababa ayaa sheegaya in
dalka Itoobiya uu noqday Xarunta lagu qaybiya Maandooriyaha ugu badan ee
Aduunka. Warbixintan ayaa waxay shegaysaa in maandooriyaha oo intiisa badan
ka yimaada koonfur-bari Asia, loo sii gudbiya wadamada Europe iyo South
Afrika. Maandooriyahan ayaa waxaa gudbiya Masuuliyiin ka tirsan Ururka TPLF
ee haya talada Wadanka Itoobiya. Dhinaca kale warar aan ka helay ilo lagu
kalsoonyahay oo ku dhadhaw ganacsato Soomaaliyeed oo ka beertay maandooriye
Gobolada Jubooyinka iyo meelo kale ayaa noo xaqiijiyay in ay Saraakiisha
Itoobiya u suuq gayso Maandooriyaha halkaas uga soo baxa. Warbixintan oo
hada soo shaacbaxday ayaa waxay tuhunkii ka saartay shaki horay looga qabay
in Saraakiisha TPLF ka ganacsato maandooriyaha.


Safaarada Norwey ee Addis Ababa oo la xiray:


War aan ka soo xiganey shabakada Internetka ee Nordicbusinessreport oo
ka waranta ganacsiga iyo horumarka wadanka Norway ayaa sheegtay in Arbacadii
la soo dhaafey ee bishan June 4, 2003 albaabada loo laabey safaarada Norway
ee Adis Ababa, kadib markii ay heshay fariin hanjabaad ah.
Sida uu sheegay sargaal sare oo u hadlay Wasaaradda Arimaa dibadda ee
wadanka Norway waxaa fariintan digniinta ah u soo gudbiyey wadan ay saaxiibo
yihiin. Safaarada ayaa xirnaan doonta inta ka dhiman isbuuca. Sidoo kale
todobaadkii la soo dhaafey waxaa la xiray safaarada Norway ee wadanka
Kenya, kadib markii Email hanjabaad ah loo soo diray safaarada Talyaaniga oo
ay isku guri ku yaalaan. Sidookale Shabakada Internetka ee
Nordicbusinessreport waxay qortey in Arbacadii la soo dhaafey la xiray
safaaradda Mareykanka ee Adis Ababa.

Lama garanayo waxa sababay in bartilmaameed laga dhigto safaarada Norway,
balse warar kale ayaa sheegaya in ururadeeda sama falka Norway ee ka hawl
gala Itoobiya, ay Shaaca ka qaadeen bishii hore in ay joojin doonaan
mucaawinada ay Itooboya siiyaan hadii ay Itoobiya aqbali weydo go'aanka
soohdinta ee Itoobiya iyo Eritrea.


Itoobiya oo dib u habayn kusamay naysa golaha SRRC.

War aanu ka soo xiganay Puntlandpost, ayaa sheegaya wakiilka Dawladda
Itoobiya u jooga shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee wadanka Kenya in uu
ku wargaliyay xubnaha SRRC kuwooda jooga dalka iyo kuwa jira dibada in ay
dhawaan u diyaar garoobaan shir ay ugu ambabaxaan dalka Itoobiya. Shirkan ay
Itoobiyaanku isugu yeedhayaan golaha SRRC ayay ku macnaysay jariidadu inuu
yahay wada tashi iyo waliba sidii loo midayn lahaa golaha SRRC oo kala
furfurmay, ka dib markii ay ku kala biireen ururo kaladuwan. Dhanka kale
Warar aan kahelay illo ku sugan madasha shirka, ayaa sheegaya in beryahanba
laga dareemayay wakiilada dalka Itoobiya u jooga shirka dib u heshiisiinta
qanac la,aan ku saabsan sida wax u socdaan iyadoo dhawr jeerna ay
Itoobiyaanku shirka bannaanka uga baxeen iyagoo cadhaysan.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee ay Itoobiyaanku ka damacsanyihiin u
yeeridda SRRC, waxaase durbaba soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya in
Itoobiyaanku doonayaan in ay ka dhaadhicayaan golaha SRRC inay sii lahaadaan
mawqif adag iyo waliba shuruudo ay soo hordhigaan gabagabada natiijada
shirka.

SRRC waa gole ay hore usoo dhoob dhoobtay dawladda Itoobiya, ka dib markii
dhidibada loo aasay dawladda KMG ah, waxaana la rumaysan yahay in samaynta
golahani ay Itoobiyaanku uga gol lahaayeen sidii loo wiiqi lahaa awoodda wax
qabad ee DKMG, iyadoo la ogyahay in dawladda Itoobiya ay ka biya diidsanayd
natiijadii ka soo baxday shirkii Carta ee dhidibada loogu aasay DKMG ee
haatan ka jirta Soomaaliya. Dhinaca kale warar lagu kalsoonyahay oo nasoo
gaadhay ayaa sheegaya in ay Xukuumada Itoobiya soo dhoobtay Xuduuda ay
Soomaaliya la wadaagto Ciidamo badan oo qaarkood ayba soo galeen gudaha
Soomaaliya.

Radio Xoriyo

10.06.003

Dhoodi Danwaa

radioxorio@yahoo.com

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD