SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: June 13, 2003 

mahuraan
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...
 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dagaallo dhex maray ciidamada xoraynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya.
  • Ø Dhakhaatiir badan oo shaqooyinkoodii laga caydhiyay.
  • Ø Seyoum Mesfin oo shirkii golaha wasiirrada cadho uga baxay.
  • Ø Gudoomiyahii gobolka bari ee Tigreega oo Marykanaka iska dhiibay.
  • Ø Itoobiya oo Afrika ugu maxaabiis badan.
  • Ø Faalo aanu ku soo qaadanayno jaha wareerka Zenaawi xaguu salka dhigi doonaa iyo Suugaan halgameed.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis Dagaallo dhex maray ciidamada xoraynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya.


Wararka naga soo gaadhaya jiidda hore ee dagaalka dhexmaraya ciidamada
dagaalyahamiinta ah ee xoraynta Ogadeenya iyo kuwa dulmiga dheefsada ee
gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya dhawr dagaal oo si is-dabajoog ah u dhacay.

05.06.2003 dagaal ay iskaga horyimaadeen ciidamada waddaniga xoraynta
Ogaadeenya iyo ciidamada nolol-diidka ah ee gumaysiga Itoobiya, meesha lagu
magacaabo Danbas-Weyne, waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 3 askari,
waxaana lagaga dhaawacay 7 Askari oo kale. Isla wakhtigaas dagaal gaadma ah
oo loo gaysta koox ciidanka gumaysiga ka tirsan oo ku sugnayd Birqod ayaa
cadowga lagaga dhaawacay 1 askari.

06.06.2003 dagaal ay isku haleeleen ciidamada xaq u-dirirka ah ee xoraynta
Ogaadeenya iyo ciidamada doolka ah ee Itoobiya, kaasoo ka dhacay degmada
Barmiilka oo ka tirsan gobolka Nogob, waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 8
Askarri, waxaana lagaga dhaawacay 13 Askari oo kale. Isla lixdii Bishan
dagaal ka dhacay degmada Dhagax-Madaw waxaa ciidamada dac-darraysan ee
Itoobiya lagaga dilay 10 Askari, waxaana lagaga dhaawacay tiro kale oo
badan, balse aan la xaqiijin.

07.06.2003 dagaal ay foodda is-dareen ciidamada xoraynta Ogaadeenya iyo kuwa
Itoobiya oo ka dhacay meesha lagu magacaabo Tontomi ayaa ciidamada cadawga
Itoobiya lagaga dilay 4 Askari, waxaa kaloo halkaas lagaga dhaawacay 5
askari.
Dhinaca kale waxuu dagaal adag dhex maray Ciidamada boobka lagu yaqaano ee
Itoobiya iyo ganacsato Soomaaliyeed oo ka ganacsanaysay xadka Ogaadenya iyo
Soomaliya kadib markay Ciidamada wayaanuhu ka boobeen hantidii ay wateen
ayay iska difaaceen halkaasna waxaa labada dhinac ka soo gaadhay khasaare
dhimasho iyo dhaawacba keenay.

Dhakhaatiir badan oo shaqooyinkoodii laga caydhiyay.

52 qof oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad oo ka
shaqaynayay Isbitaallo ku yaalla magaalada Addis Ababa ayaa shaqooyinkoodii
laga eryay, iyadoon wax sabab ah loo sheegin, ururrada macalimiinta iyo
dhakhaatiirta ayaa arrintan si wayn u canbaareeyay, sidaasna waxaa qoray
wargayska lagu magacaabo Tobia, oo toddobaadkiiba mar afka amxaariga ku soo
baxa. Shaqaalahan shaqada la caydhiyay, oo isugu jira 20 dhakhtar iyo inta
kale oo kalkaaliyayaal caafimaad ah, waxay ka shaqayn jireen isbitaallada
Yekatit, Menilik iyo Zewditu, oo dhammaantood ku yaalla magaalada Addis
Ababa.

Ururrada macalimiinta iyo dhakhaatiirta ayaa tallaabadan ay dawladu qaadday
si wayn u canbaareeyay, sheegayna inay tahay tallaabo ay dawladu ku wiiqayso
xuquuqda bulshada rayadka ah ee Itoobiya, waxayna ururradu tilmaameen in
magaalada Addis Ababa, oo ay ku nool yihiin dad 4 milyan oo qof gaadhaya, ay
baahi wayn u qabaan daryeelka dhinaca caafimaadka ah, adeegga caafimaad ee
hadda ay dawladu u fidisana aanuu ahayn mid ku filan.

Dhakhaatiirta shaqada laga eryay waxaa ka mid ah dhakhtarka caanka ah ee
lagu magacaabo Dr. Zenebe Gedle, oo ah dhakhtar qalliinka ku takhasusay.
Shaqaalahan shaqada laga caydhiyay ayaa loo sheegay inayna shaqo denbe dalka
gudihiisa ka qaban Karin, isla markaana ayna xaq u lahayn inay furtaan rugo
caafimaad oo iyaga u gaar ah, arrintaasoo lagu tilmaamay in dawladu ay
shaqaalahan ka urisay inay siyaasadeeda ka soo horjeedaan.

Seyoum Mesfin oo shirkii golaha wasiirrada cadho uga baxay.

Warar aan ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wasiirka
arrimaha dibada ee Itoobiya Seyoum Mesfin uu dibadda uga baxay shir uu
kaligii taliye Meles Zenawi u qabtay Golaha wasiiraada ee xukuumadiisa,
kaasoo lagaga hadlayay sidii nabadgelyada loo sugi lahaa iyo qiimaynta
waxqabadka wasiirrada. Markii laga qiimaynayay waxqabadka wasiirrada ayuu
keligii taliye Meles Zenawi si wayn u eedeeyay Seyoum Mesfin, isagoo ku
canbaareeyay inaanuu xilkiisii si fiican uga soo bixin, hawlihii laga
sugayayna sidoodii u qabanin, arrintaasoo keentay in Seyoum Mesfin uu
shirkaas cadho kaga baxo.
Wararku waxay kaloo intaas ku darayaan in Seyoum Mesfin uu ka baaqday shir
kale oo uu guddoomin lahaa, kaasoo ay isugu imanayeen safiirrada xukuumada
Meles Zenawi, waxaana markii denbe shirkaasi guddoomiyay wasiir ku xigeenka
wasaarada arrimaha dibada Dr. Tekeda Alemu.

Dhinaca kale xukuumada Itoobiya ayaa si degdeg ah ugu yeedhay safiirkii u
fadhiyay dalka Ruushka Brigadier general Asaminew Bedane, kaasoo markii uu
dalka ku soo nqoday gurigiisa lagu maxbuusay. Safiirkan, oo xilka loo
magacaabay muddo sanad iyo badh laga joogo, wuxuu ka mid ahaa safiirro lagu
sameeyay waxa (gimgama) loogu yeedho, oo ah qiimaynta masuuliyiinta xilalka
haya, arrintaasoo mar kastaba loo adeegsado ka takhallusida dadka loo
maleeyo inayna daacad u ahayn keligii taliye Meles Zenawi iyo
kaaliyayaashiisa.

Gudoomiyahii gobolka bari ee Tigreega oo Marykanaka iska dhiibay.

Gudoomiyihii gobolka bariga ee Tigree Shawit Gebre Kristos, oo ka
tirsanaan jiray Golaha Dhex ee ururka TPLF, kana mid ahaa raggii aasaasay TPLF ayaa
iskaga tagay shaqadii u hayay. Ninkan iyo laba nin oo kale oo lagu kala
magacaabo Hailekiros Gessesse iyo Hibur Gebrekidan, oo u dhashay qawmiyada
Tigreega, wuxuu kaligii taliye Meles Zenawi u dirsaday inay ka soo
dhaadhiciyaan dadka Tigreega ah mabaadii’da dawlada wayaanaha, taasna way ku
guul-daraysteen, ka dibna waxay magangelyo siyaasadeed ka codsadeen wadanka
Marykanaka.

Joornaalka Ethiomedia ayaa warysi layeeshay Shewit, waxaa uuna yidhi;
Damiirkaygu ima siinayo inaan Meles la shaqeeyo, maadaama aanan shaqsiyan
waxba ka baddali kari wayay khaladadka uu ku jiro, waxaanan door-biday inaan
wadanka Itoobiya ka cararo.

Itoobiya oo Afrika ugu maxaabiis badan.

Waxaa la sheegay inay Itoobiya ay tahay waddanka ugu maxaabiis badan
dalalka ku yaalla qaarada Afrika, waxaa soo raaca waddanka Nigeria.
Maxaabiista ku xidhxidhan waddanaka Itoobiya waxay intooda badan u xidhan
yihiin arrimo siyaasadeed, waxaana hadda ku sugan xabsiyada Itoobiya ilaa
iyo 50.000 oo qof oo siyaasad u xidhan. 12-kii sano ee ugu denbeeyay waxay
xukuumada Itoobiya kharash aad u fara badan ku bixinaysay xabsiyada,
waxaana sanad walba kaga baxa 12 milyan oo bir, hase yeeshee waxay maxaabiista
Itoobiya inta badan u dhintaan daryeel la’aan iyo caafimaad darro. Xabsiyada
Itoobiya waxaa ugu wayn xabsiga magaalada Addis Ababa, oo la dhisay muddo
hadda laga joogo 79 Sano, hase yeeshee xabsiyada intooda badani waxay ku
yaallaan gobolka Oromia.


Radio Xoriyo

13.06.003

Dhoodi Danwaa

radioxorio@yahoo.com

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD