SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: June 20, 2003 

mahuraan
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...
 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Maamulka Jigjiga oo madaxa laysu galiyay.
  • Ø Duuliye sare oo ka tirsan Ciidamada Cirka Itoobiya oo baxsaday.
  • Ø Dawlada Itoobiya oo Hub cusub soo gadanaysa.
  • Ø Muran ka tagan wasarada Gaashaandhiga ee Ethiopia.
  • Ø Shir uga furmay Goday Saraakiil RRA garabka Shaati-gaduud ah iyo Kuwo
    Itoobiyaan ah.
  • Ø Faalo aanu ku soo qaadanayno Itoobiya oo aan ku guulaysan qorshaheedii hore ee Shirka kooxaha Soomaaliyeed uga socda wadanka Kenya iyo Suugaan Gobonimo doon ah.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis  

Maamulka Jigjiga oo madaxa laysu galiyay.


Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya iska hor imaad
balaadhan oo ka dhextaagan Maamul kusheega ay Itoobiya ka dhisatay Magaalada
Jigjiga. Iska horimaadkan ayaa waxaa ka danbeeyay kala qaybin ay xukuumada
Itoobiya ku samaysay xubnaha Baarlamaanka ee ka taliya Magaalada Jigjiga.
Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Maamulka Magaalada jigjiga, waxay
xukuumada Zenaawi qaybaha is haya qaarba dhag ugu sheegtaa in ay iyaga la
safantahay kuwa kalana ay ka soo horjeedo, taasina waxay sii siyaadisay
hardankii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa u adeeyga yaasha gumaysiga
Itoobiya.

Dhinaca kale kulan ay isugu yimaadeen Xubanaha baarlamaanka dhexe ee
Itoobiya, ayaa lagaga dooday qorshe uu soo hordhigay ninka talada wadanka
Itoobiya haya ee Melis Zenawi. Qorshahaas ayaa waxaa uu sheegayaa in ay
dawladu faragalin dhinaca maamulka iyo militrigaba ku sameeyn karto is
maamulada Gobolada ama waxa ay ugu yeedhaan Kililada. Sida ay noo sheegeen
Saraakiil sare sare oo ka tirsan Maamulka Zenaawi, waxaa qorshahan loogu
gogol xadhayaa sidii loo tirtiri lahaa maamulada ay ka jiraan dhulkooda Jabhadaha
Hubaysan ee ka soo horjeeda Xukuumada kaligii taliye Zenaawi iyo waliba
sidii meesha looga saari lahaa qodobka 39 aad ee aayo katashiga qoomiyadaha..

Duuliye sare oo ka tirsan Ciidamada Cirka Itoobiya oo baxsaday.


Waxaa wadanka Maraykanka iska dhiibay Duuleye sare oo ka tirsanaa
Ciidamada cirka ee Itoobiya. Duuliyahaas oo lagu magacaabo Majoor Workeneh
Gebregiorgis ayaa wadanka Maraykanka u joogay tababar mudo 11 Bilood ah,
balse markii uu tababarkii u sii dhamaanayo ayuu wadanka Maraykanka
Magalgalyo siyaasadeed waydiistay, isaga oo sheegay in uusan ku noqonkarin
wadankiisi xaalado amaankiisa la xidhiidha awgood.


Duuliyahan oo ka mid ahaa ciidamadii Xukuumadii Mingiste ayay Dawlada
wayaanuhu xidhay markay xukunka qabsatay, kadibna waxaa la soo daayay
xiligii uu socday dagaalkii Eritrea iyo Itoobiya, waxuuna ku qaatay
dagaalkaas Bilad Sharaf. Saraakiisha ciidamada cirka ee mudo Sanad ka yar
baxsaday ayaa waxay gaadhayaan 27 Sargaal, taasina waxay muujinaysaa
burburka ka taagan Xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee uu hogaamiyo Melis
Zenaawi.

Dawlada Itoobiya oo Hub cusub soo gadanaysa.


Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helay ilo ku
dhadhaw Wasaaradda gaashaandhiga ee Itoobiya, waxay Xukuumada Itoobiya ka
soo gadanaysaa wadanka Ukraine Hub qiimihiisu gaadhayo in ka badan 18 Milyan
oo Doolar. Wasiirka gaashaan dhiga ee Itoobiya Abdalla Gemeda ayaa wuxuu u
kicitimay wadanka Ukraine, waxuuna 17ka bishan June kula kulmay Magaalada
Kiev ee caasimada wadanka Ukraine wasiirka gaashaandhiga ee wadankaas
Volodymyr Shkidchenko.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Abadula Gemeda u booqan doono shirkad
la yiraahdo Ukrspetseksport oo soo saarto hub dalalka laga iibiyo. Hubka ay
Itoobiyo ka soo gadanayso wadanka Ukraine ayaa waxaa ka mid ah gawaadhida
gaashaaman ee dagaalka iyo hubka culus ee loo adeegsado goobaha fogfog.

Talaabadan ay xukuumada Itoobiya ku dhaqaaqday ayaa waxay muujinaysaa sida
ayna dan uga laheeyn Dawlada wayaanuhu shacabka Itoobiya ee gaajada u
dhamaanaya. Dhinaca kalana waxaa aad loo tuhunsanyahay in hubkaas lagu
gumaadi doono shucuubta ku hoosnool Xukuumada Itoobiya, waxaa kaloo tuhun
laga qabaa in hubkaas lagu weerari doono qaar ka mid ah wadamada dariska la ah Itoobiya.

Muran ka tagan wasarada Gaashaandhiga ee Ethiopia.


Warar aanu ka helay saraakiil sare oo ka tirsan wasaarada gaashaandhiga
Itoobiya ayaa sheegaya muran xoog leh oo soo kala dhex galay qaar ka mid ah
Saraakiisha sare ee wasaarada gaashaandiga Itoobiya. Murankaas ayaa wuxuu ka
dhashay cidii loo maga cabi lahaa hogaaminta ciidamada ay Itoobiyo u dirayso
wadanka Burundi. In kasta oo uu murankasi dhaliyay kala fogaan soo kala dhex
gashay saraakiisha ugu awooda badan wasaarada Gaashaandhiga hadana waxaa
go,aan iska gaadahay oo u magacaabay General Gebret Ayele oo ah nin u
dhashay qoomiyda Tigreega kaligii taliye Melis Zeanaawi, taasina waxay filan waa ku noqotay saraakiishii madaxa iskula jiray ee wasaarada gaashaandhiga.

Shir uga furmay Goday Saraakiil RRA garabka Shaati-gaduud ah iyo Kuwo
Itoobiyaan ah.


War aan ka soo xiganay Boga Internetka ee Puntlandpost ayaa sheegaya in
saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka RRA garabka Shaati-gaduud, iyo
saraakiil Itoobiyaan ah uu shir uga furmay magaalada Goday. Saraakiishan oo
tiradooda lagu sheegay tabaneeyo ayaa waxaa hogaaminaya nin lagu magacaabo
Cali Beer-beer, waxaa kaloo la socda Col.Xasan Yariisow. Sida uu Puntladpost
u sheegay mid ka mid ah taageerayaasha Shaati-gaduud, oo ku sugan magaalada
Baydhabo, wuxuu waftigaasi maalinimadii Jimcaha ka amababaxeen gobolka Bay
iyagoo martiqaad ka heley Xukuumada Itoobiya.

Ninkaas oo codsaday in aan magaciisa la sheegin sababo amnigiisa la
xdhidhiidha aawgood ayaa intaas ku daray in garabkiisu uu ka rajaynayo in
uu taageero ciidan ka helo dawladda Itoobiya, si ay gacantooda ugu soo
noqoto magaalada Baydhabo iyo deegaanada gobolada Bay iyo Bakool. Dhanka
kale ciidamada Sh.Aadan Madoobe iyo kuwa Xaabsade ee ku sugan magaalada
Baydhabo ayaa la galiyay heegankii ugu sareeyay, iyadoo laga cabsi qabo
weerar kaga yimaada maleshiyada Col.Shaati-gaduud.

Itoobiya oo qorshayaashii ay ka dhex waday shirka soomaalida aan ku guulaysan.

In kasta oo ayna hir galin in lagu dhawaaqo 18 Bishan June Dawlad ay leedahaya Soomaaliya hadana waxaa todobaadyadii ugu danbeeyay fashilmay qorshayaashii ay Itoobiya ka laheed Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.

Ugu horeyntii waxaa booqasho ku yimid Kenya, madaxweynaha dowladda ku meel gaarka Abdiqaasim Salaan Xassan oo martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya mwai kibaki. Itoobiya ayaa diidaneeyd in uu Madaxweyne cabdiqaasim ka soo qeyb galo shirka madaama u madaxweynahu dhowr goor muujiyay faragelinta ay Itoobiya ku hasyo Somalia. Sida wararka sheegayaan waxaa si weyn loogu soo dhoweyay madaxweyne cabdiqaasim garoonka diyuuradaha ee ee Magaalada Nairobi, isaga oo isla markii u gudbay madaxtooyada si u la kulmo madaxweyne Kibaki. Madaxweyne Cabdiqasim ayaa ka dib kulankiisa u gudbay hotelka Grand halkaas u sacado ka dib kula kulmay safiirka mareykanka ee dalkaasi Kenya Jonnie Carson iyo Safiirka Sacuudiga oo casho sharaf ku martiqaaday madaxweyne cabdiqaasim.

Dhinaca kale waxaa jab ku noqday Itoobiya diidmada ay beesha caalamka diideen in la sameeyo barlamaan ka kooban laba gole oo tiradiisu gaadhayso 450 xildhibaan. Midowga Europe iyo Mareykanka ayaa diidan in ay maal galiyaan barlamaan tiradiisu gaadhayso 450 xildhibaan, iyaga oo ogol ugu badnaan 200 ilaa 250 xildhibaan. Itoobiya ayaa rabtay in tirada xubnaha barlamaanka la badiyo si ay u adkaato go,aanqaadashada xubnaha baarlamaanka iyo waliba si ay boos ugu hesho kooxaha ay wadato.

Wakiilka Xukuumada Itoobiya ayaa Laba totobaad ka hor ku wargaliyay hogaamiye kooxeedyada ay taageeraan in ay si dagadag ah ugu anbabaxaan wadanka Itoobita, si wada tashi looga yeesho waxa ka soo baxaya shirka, taas oo ay Itoobiya ku rabtay in ay miisaan ugu yeesho kooxaha ay taageerto, balse ma ayna suura galin oo qaar badan oo ka mid ah ku ay gacansaarka la laheed ayaa ku gacan saydhay.

Dhinaca kale ururka Amnesty International oo ah ururka ugu caansan caalamka dhinaca xuquuqal insaanka ayaa oogu baaqay soomalida in aysan iska dooranin dad ka dambeeyay dil loo geystay shacabka rayidka ah. Itoobiya ayaa baaqaasi u aragta mid taabanaya kooxaha ay ayadu taageerto.

Ugu dambeeyn waxaa weli itoobiya laga diidanyahay in ay ku biirato ciidamado shiisheeye oo la filayo in Soomaliya loo diri doono, si ay hubka ooga dhigaan kooxaha hubeysan marka la dhiso dowladd loo dhan yahay oo ku meel gaar ah.

Radio Xoriyo

20.06.2003

Dhoodi Danwaa


radioxorio@yahoo.com

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD