SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Mar 11, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnaamijka Radio Xoriyo wax yaabaha aan Caawa idiinku hayno waxaa ka mid ah.

  • Ø Ciidamada Itoobiya oo Dad Shacab ah ku laayay Ceelka Bulaale.
  • Ø Ciidamo Itoobiyaan ah oo la soo dhoobay soohdinta Soomaaliya.
  • Ø Masuul sare oo Jabuutiyaan ah la kulmay taliyah ciidamada Maraykanka ee Geeska Afrika.
  • Ø Arday laga eryaya Jaamaca Gonder.
  • Ø Itoobiya oo diidan in la xaqiijiyo Xuduuda u dhaxaysa iyaga iyo Eritrea.
  • Ø Barnaamuj gaar ah oo aanu kaga hadlayno geedisocodka Halganka
  • Ø Suugaan iyo Qodobo kale.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ciidamada Itoobiya oo Dad Shacab ah ku laayay Ceelka Bulaale.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ciidmada gumaysiga Itoobiya ayaa 25/2/03 weerar ku qaaday Ceelka Bullaale, oo sida la ogsoonyahay ka mid ah ceelsha ugu waaweyn, uguna dad iyo duunyaba badan dalka Ogadenya, waxayna halkaas ku dileen 3 haween ah iyo wiil yar, kuwaas oo dhamaantood ka mid ah dadkii shacbiga ahaa ee halkaas xoolaha ka waraabsanayay.

Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya ee adeegsanayay Diyaaradaha Dagaalka waxay kaloo dadwaynihii halkaas ku sugnaa u gaysteen khasaare aad u badan, oo ay ka mid ahaayeen Layn ay u gaystee Xoolihii Ceelka ka cabayay iyaga oo ku rusheeyay Dayaaradahay adeegsanayeen waxayna halkaas ku laayeen.

  • 1- 500/ Neef oo Adhi ah.
  • 2- 250/ Neef oo geel ah.
  • 3- 300/ Neef oo Lo’ ah.

Waxaa kale oo khasaaraha halkaas ka dhacay ka mid ah, inay dayaaradahaasi gubeen, 80/ Guri , isla markaana ay baabi’iyeen hantii aad u farabadan oo dad weynuhu lahaa.

Sidoo kale Tuulada Ceel-Xaar oo ka tirsan degmada Qabri daharre, waxay Ciidamada cadawgu dadkii ku noolaa go’doomiyay muddo seddex maalmood ah, iyagoo diiday in muddadaas gudeheeda ay tuulada cidi soo gasha ama ka baxdo, isla markaasna waxaa tuulada lagu ganaaxay lacag dhan 50/kun oo birta Ethiopia ah, taas oo Qasab lagaga uruurinayo dadka magaalada Xeelxaar ku nool.

3/3/03, Deegaanka Miir-xagaaf, waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku dileen nin Shacab ah oo aanaa hada magaciisa haynin balse aan dib ka soo sheegi doono.

3/3/03, Ciidamada Itoobiya ee Xaqdarada ku Caanbaxay waxay Magaalada Qoriile ku xidheen Laba nin oo Shacab deegaankaas ka mid ah laguna kala magacaabo.

1- Xiis yuusuf Baynah.

2- Cabdi Rabe Abukar.

5/3/03, meesha lagu magacaabo Garoonka oo ka tirsan deegaanka Qoriile waxay Ciidamada cadowgu toogasho ku dhaawaceen nin Shacab ah oo lagu magacaabo.

Muxumed aw Axmed Cabdi. Ninkaas oo aan waxba galabsan ayay Ciidamada Itoobiya si ula kac ah Rasaas ugu fureen waxaana halkaas ka soo gaadhay dhaawac Culus.

4/3/03 waxay Ciidamada Itoobiya ee u hamuunqaba daadinta dhiiga Shacabka aan waxba galabsan ee ogaadeenya Magaalada Dhanaan ku dileen, kadib markay si ula kacha ula beegsadeen Rasaas Laba nin oo Shacab ah oo lakala yiraahdo.

1- Shaafi Kaad xusseen.

2- Farax Moxamed Cali.

Dhinaca kale

Todobaadkii hore waxay Ciidamada Itoobiya Xabsiga magaalada jijiga u taxaabeen qaar ka tirsan masuuliyiinta Maamul ku sheega magaalada Jigjiga. Ragan ay Ciidamada Itoobiya xabsiga u taxaabeen ayaa waxay ka mid ahaayeen Maamulka iyo Baarlamaanka ay xukuumada Itoobiya u magacawday Gobolada Ogaadeenya, ku waas oo ku dhadhawaa siyaasada Xukuumada Itoobiya. Xidhitaanka Xubnahan ayaa waxuu ka danbeeyay diidmo ay diideen in ay ka qaybgalaan Shir uga socday Magaalada Jigjiga. Ciidamada Itoobiya ayaa markay xidhayaan ruux u dhashay Ogaadeenya ku eedeeya in uu si hoose ula shaqeeyo Jabhada Xoreenta ogaadeenya, balse waxaan lagaraneen waxay kuwana ku tilmaami doonaan. Ragan ay Ciidamada Itoobiya Xabsiga u taxaabeen oo fara badan ayaa waxaa ka mid ah.

Ismaciil Sheekh Cabdi

Maxamed Sheekh Ibraain

Cabdi wahaab

Cali Baashe iyo qaar kale.

Xabsika loo taxaabay nimankan ayaan aheen wax ay la yaabaan dadka ku dhaqan ogaadeenya iyagoo xaqiiqsan maahmaahdii ahayd Dameer iyo Amxaarba ooda u dhaw ayay Cunaan.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la soo dhoobay soohdinta Soomaaliya

Cutubyo ka tirsan ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay la soo dhoobay xuduud beenaadka u dhaxaysa Ogaadeenya iyo Soomaaliya.

Ciidamadan oo qalabkooda millatari uu u dhan yahay waxaa ka mid ah goobaha lagu arkay magaalooyinka Qudhac-Joome, Luuq Doolow iyo Feerfeer, waxaana la sheegay inay mararka qaarkood u soo tallaabayaan dhinaca gudaha Soomaaliya.

Lama garanayo talaabada rasmiga ah ee ka denbaysa ciidamada Itoobiyaanka ee xuduudda la soo dhoobay, balse warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ay Ciidamada Itoobiya isu diyaarinayaan weerar ay ku qaadaan wadanka Soomaaliya, kaas oo u jeedada ka danbaysa ay tahay Damaaciga is baladhinta ee Xukuumada Adis Ababa. Ciidamadan oo la sheegayo in intooda badan laga dhigay Direeskii Ciidamada Itoobiya si aan loo garan ayaa lasheegayaa in ay ku hubaysan yihiin Tignikada Ciidamada Itoobiya. In kasta oo aan la xaqiijin wakhtiga dhabta ah ee ay Ciidamada Itoobiya weerarka qaadi doonaan hadana waxaa la rumaysan yahay in maalmaha fooda inagu soo haya ay weerar balaadhan ku qaadi doonaan Gobolada Dhexe iyo kuwa koonfureed ee Soomaliya.

Masuul sare oo Jabuutiyaan ah la kulmay taliyah ciidamada Maraykanka ee Geeska Afrika.

Madaxa warbaahinata dalka Jabuuti ayaa la kulmay taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Geeska Afrika General JOHN F SATTLER.

Kulankaas oo ka dhacay markab qaada dayuuradaha oo ku sugan Badda Cas wuxuu jenaraalku kala hadlay madaxa warbaahinta Jabuuti sidii laysaga kaashan

Lahaa wararka ay ka qorayaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada Maraykan ee geeska Africa iyo sidii loo hormarin lahaa Saxaafada Jabuuti.

Wuxuu kaloo janaraalku sheegay inay ciidamadiisu ka qaybqaadan doonaan dhaqdhaqaaqa iyo nolasha reer jabuuti iyo arinmaha horumarka u leh shacabka Jabuuti. Mar uu ka hadlayay iskaashiga ka dhexeeya Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jabuuti iyo Shacabka Jabuuti waxuu xusay in hal xero oo ay Ciidamada Maraykanku dagan yihiin ay ka sheqeeyaan 600 oo ruux oo reer jabuuti ah taas oo muujinaysa saaxiibtinimada Shacabka Jabuuti iyo Ciidamada maraykanka.

Guud ahaan kulankaas ay yeesheen Masuuliyiinta Labada dhinac ayaa ahaa mid jawi fiican ku dhamaday ayna isku afgarteen wax yaabahay isla soo qaadeen.

Arday laga eryaya Jaamaca Gonder.

Ciidamada dawlada Itoobiya ayaa arday barata cilmiga bulsha oo ka tirsan Jaamacada Gonder ka eryay xaruuntii jaamacada, waxayna ardaydaasi carar ku tegeen kaniisad halkaas ku taala oo ay ku sugnaayeen malmihii la soo dhaafay.

500 oo Arday ayaa billaabay inay Cuntada ka soomaan, ka dib markay Jaamicadu diiday in ay wax ka qabato cabashooyin ku saabsanaa baahidooda.

Hormuudka kuliyada caafimaad ee Jaamacada Goder DRr. Yared Wendemkun ayaa ardayda u sheegay inuusan waxba ka qaban karin cabashadooda, ayna qasab ku tahay inay sidaas wax ku bartaan, isla markaana ay Cunta ka soomida joojiyaan oo ay waliba raalli galin ka bixiyaan.

Balse Ardaydii ayaa baaqaas ku gacan saydhay oo sii waday hawlihii ay cabashooyinkooda ku muujinayeen, taasoo keenatay in Ciidamada qalabka sida ay soo galaan Jaamacada, kuwaasoo argagax ballaadhan Ardaydii u gaystay, kana dhigay wax ay qabteen iyo wax kaniisada u baxsaday.

Itoobiya oo diidan in la xaqiijiyo Xuduuda u dhaxaysa iyaga iyo Eritrea.

Siyaasiyiin u dhuun duleela carqalada xuduudeed ee dhextaala Itoobiya iyo Eretariya ayaa sheegay in aduun-waynuhu taageersan yahay go’aankii ay soo saareen gudigii loo xilsaaray dhibaatada xuduudeed ee u dhaxaysa labada wadan.

Hawaeenay codsatayb in aan la magacaabin ayaa sheegtay in aduun waynu aaminsayahay mowqifka Eretairya, laakiin ay ka shaki qabaan halka Itoobiya fulinta go’aankan ka taagan tahay.

Guddiga soohdinta ee Qaramada Midoobey ayaa awood loo siiyay inuu tallaabada ku habboon k aqaado dhinicii go’aankan ku xadgudba, hase yeeshee waxaa beryahan denbe oo dhan farta lagu fiiqayay in xukuumada Itoobiya ay go’aanka guddiga u hooggaansami la’dahay, sababtuna ay tahay iyadoo aan ka samrin magaalada Badame oo la raaciyay dhinaca Eritrea.

Geesood Waran


Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD