|
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo sii wada
Cadaadiskoodii.
Shacbiga Dulman ee Ogaadeenya ayaa waxuu ku
noolyahay nolol ay buuxisay cabsi iyo argagax ay u gaysteen ciidamada
Itoobiya, oo caado ka dhigtay xadgudubyada ay ka mid yihiin dilka, xadhiga,
hanti-boobka iyo argagax galinta ay shacbiga ku hayaan. Waxaana xadgudubyada
noocaas ah ugu danbeeyay kuwan:-
10/3/03 ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ku
sugan Tuulada Cayuun ayaa waxay xabsiga u taxaabeen dad badan oo ku noolaa
tuuladaas, iyagoo u gaystay jidhdil ka baxsan bini,aadanimada. Falkan ayay
ciidamadu ku kaceen, ka dib markay dadwaynaha Tuuladaas ku nool dhagax-tuur
kala hortageen ciidamada Itoobiya oo dhibaatooyink fara badan u gaystay.
11/03/03 Magaalada Gudhis waxay ciidamada
cadowga Itoobiya ku dileen Laba nin oo Shacab ah oo ku noolaa deegaanka
Baadiyaha.
11/03/03 Ciidamada caadaystay boobka
hantida dadwaynaha waxay dadwaynihii ku dhaqnaa tuulada Cali San-cad ku
amreen inay keenaan 250 Neef oo adhi ah, si ay ciidamadu u qashaan.
9/03/03 waxay Ciidamada Itoobiya ee ku
sugan Magaalada Qoriile xabsiga u taxaabeen dad shacab ah oon waxba
galabsanin, waxayna kala yihiin:-
- 1- Dhoonbe Xirsi Adeer.
- 2- Faarax siyaad Axmed.
- 3- Axmed Xassan Cismaan.
- 4- Axmed Xusseen aw Cali.
8/03/03 Ciidamada Itoobiya waxay Magaalada
Dannood ku xidh-xidheen dad shacab ah oo kala ah:
- 1- Faadumo Maxamed Xarrago.
- 2- Ardo Maxamed Sulub.
- 3- Shukri Cabdi Muuse.
- 4- Farxiya Mukhtaar Yuusuf.
- 5- Xaliimo Sh. Xasan.
15/03/03 Magaalada Nus-dariiqa wuxuu
cadowgu ku xidhay, dad shacbi ah ooy ka mid yihiin:
- 1- Cali Aw Muxumed Qalaad.
- 2- Macallin Axmed Maxamuud Cisman.
- 3- Cali-dayib Aw Axmed Cisman.
- 4- Cabdi Aw Xassan Dahir.
- 5- Cabdi-weli Maxamed Daroor.
- 6- Wacdi Ahmed Aw Bashir.
- 7- Axmed Shugri (Shariif Nuur)
- 8- Sahra Jamac Ismaciil.
Dhinaca kale wararka naga soo
gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya xadhig ay u gaysteen Ciidamada
Itoobiya ardaydii dhiganaysay Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee magaalooyinka
Jigjiga, Harar iyo Diridhaba. Qabqabashadan ardaydan ayaa waxay ka
danbeeysay amar ay xukuumada Itoobiya ku bixisay in la qabqabto ardayda ay
da’doodu u dhaxayso 15- 20 iyagoo ku eedeeynaya inay taageero u hayaan
Xooga Gobonimo doonka ee Jabhada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya.
Wararku waxay intaas ku darayaan in 10 ka
mid ah ardaydii dhiganaysay Dugsiyada Jigjiga ay u baxsadeen dhinaca
Soomaaliya, ka dib markii toddobaadkii hore xabsiga loo taxaabay 6 ka mid ah
ardaydaas.
Sidookale waxay xukuumada Itoobiya ee ku
Caanbaxday Cadaalad darrada, shaqooyinkoodii ka eriday 45 ruux oo ka
tirsanaa Shaqaalaha Dagmada Shiniile, waxayna xabsiga u taxaabtay qaar ka
mid ahaa Shaqaalihii shaqadooda laga eryay.
Shaqaalahan ayaa waxay ka
shaqaynayeen laamaha kala duwan ee maamulka Dagmada
Shiniile, ilaa iyo hadana ma jirto wax sabab ah oo ay dadkaas Shaqadoodii ku
waayeen, oo aan ka aheeyn cadaalad darrada ka dhex jirta maamulka Adis
Ababa.
Sargaal Sare oo ka tirsanaa Laanta
Socdaalka Itoobiya oo baxsaday.
Waxaa dhawaan Wadanka Jarmalka
magangalyo siyaasadeed ka codsaday Abraha Techane
oo ahaa sargaal sare oo ka tirsanaa Laanta Socdaalka ee wadanka Itoobiya.
Sargaalkan oo ka hayay jago sare Laanta
Socdaalka ayaa sheegay in uu u adkaysan waayay maamul xumada ka jirta
xukuumada Addis Ababa, waxuuna wadanka Jarmalka ka codsaday inaanuu dib ugu
celinin wadanka Itiibiya, wuxuu tilmaamay in haddii dib loo celiyo ay
markaas xaqiiqo tahay inuu naftiisa waayayo.
Dad Itoobiyaan ah oo isu dhiibay Eritrea.
Maamulka wayaanaha ayaa ku qasbaya
dadka beeralayda ah inay keenaan dhalinyaro
ka qaybqaata dagaalka ay wayanuhu doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada
Badame, sidaasna waxaa sheegay Araye Halusalase oo ah 20 jir, kaasoo ka mid
ahaa ciidamada Itoobiya, isla markaana isu soo dhiibay dalka Eritereya.
Ninkaasi wuxuu kaloo intaas ku daray in
ciidamada wayaanuhu ay fureen xeryo hor-leh oo lagu tababaro ciidamo loo
diyaarinayo dagaalka ay dadwaynaha ugu sheegeen in Bademe lagu xoraynayo.
Sharikada Dayuuradaha Itoobiya oo
diyaarado qaali ah soo gadanaysa.
In kastoo xukuumada Itoobiya ay maalin
walba ku celceliso inay faro kulul ku hayaan abaaro ba’an oo laga yaabo
inay horseedaan in dad kumayaal gaadhaya ay macaluul u baaba’aan, sidaas
darteed caalamka looga baahan yahay inay kaalmo degdeg ah la soo gaadhaan,
haddana waxay Sharikada dayuuraha ee Itoobiya ay dhawaan heshiis la gashaya
sharikadaha dayuuradaha sameeya ee Boeing, Pratt iyo Whitny, kuwaasoo ay ka
iibsanayso 12 diyuuradood oo nooca Boeing loo yaqaano ah, waxaana heshiiskaa
lagu kala saxiixday Hoteelka Shiraton ee magaalada Addis Ababa.
Sida uu heshiiskani dhigayo waxaa sharikada
dayuuradaha ee Itoobiya la gedi doonaa 12 dayuuradood ooy ku jiraan 5 nooca
cusub ee B737 loo yaqaano ah, waxaana ku baxaysa lacag balaayiin doollar
lagu qiyaasay.
Kulan dhex maray Madaxwaynaha DKM ee
Soomaaliya iyo Amiirka Kuwait.
Madaxweynaha dawlada ku meelgaadhka
ah ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan, oo ka soo qayb galay shirkii
dalalka Saxaraha ka hooseeya oo lagu qabtay dalka Niger, ayaa soo gaadhay
dalka Kuwayt, wauxuuna markiiba xaruntiisa kula kulmay Amiirka dalka Kuwayt
Sheikh Jaabir Al-Axmed Al-Sabaax,
waxaana kulankaasi lagaga wada-hadlay sidii ay Kuwayt uga qayb qaadan lahayd
dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxaa kaloo la isla soo
qaaday meesha uu marayo shirka dib u-heshiisiinta ee soomaalida uga socda
magaalada Nayroobi.
| C/qasim Madaxweyne Debeda Ku Magac
Roon.... GUJI... |
Dhinaca kale dawlada ku meelgaadha ah ee
Soomaaliya waxay dhawaan shir degdeg ah isugu yeedhay saraakiisha kala duwan
ee ciidamada qalabka sida, waxaana shirkaas degdegga ah lagu qaadaa-dhigay
sidii loo adakayn lahaa ammaanka gobolka Banaadir iyo faragelinta joogtada
ah ee Itoobiya ay ku hayso arrimaha Soomaaliya.
Masuul sare oo dawlada ku meelgaadhka ah ka
tirsan oo shirkaas ka hadlay ayaa yidhi; Soomaalidu waxay ku dagaallamysaa
siyaasad, hase yeeshee marna ma oggolaanayso in codawga Tigreegu uu
ciiddeeda soo galo, wuxuuna Ciidamada qalabka sida ku boorriyay inay isu
taagan badbaadada shacbigooda iyo Dalkoodaba.
Hibaaq Samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|