SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: May 6, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
ˇ Falxumo loo Geystey Durmar ku Xidhnaa Magaalada Awaare
ˇ Khilaafkii Maamul ku Sheega oo sii Batay
ˇ Gud.Gudiga Doorashada Itoobiya oo la Xidhay
ˇ Tafo Tirihii Wergaysta Ethiopia Herald oo Isna la Xidhay
ˇ Sargaal ka socda Midowga Afrika oo Soomaaliya booqday.
. qaybtii Labaad ee waraysigii aanu la yeelanay fanaanka caanka ah ee Cabdi Baadil iyo suugaan kala duwan.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis

Khilaafkii Maamul ku Sheega oo sii Batay

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Waranta Arimaha Bulshada Maryama Ruun Liibaan ayaa inoo sheegtay Fal Xumo loo Geystay Gabdho ku Xidhanaa Xarunta Ciqaabta ay Ciidanka Cabudhiska Gumaysiga Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Awaare ee Gobalka Dhagaxbuur.

12 Feb, 2003 ayaa Degmada Awaare lagu xidhay Dumar iyo Dhalinyaro badam oo lagu eedeeyey in ay taageerayaasha Jwxo ka mid yihiin, Gabdhahaas oo Dhalinyaro u badan,Waxaa markiiba laysugu keenay Xarunta Ciqaabta ee Magaalada Awaare, taas ooy ku magacaabaan Xabsi ku Sheeg.Waxaa markiiba Dumarkii iyo Dhalinyaraddii la soo Xidhay lagu bilaabay Jidh Dil nooc walba leh iyo Kufsi aan naxariis lahayn oo loo geystay wixii Dumar ahaa. Dumarka kufsiga Naxariis darada ah loo geystay waxay dhamaayeen ilaa iyo 7 isugu jira Marwooyin iyo Gabdho.Fara Xumeynta Dumarkan Awaare lagu xidhay ayaa soo shaac baxday kadib markii mid ka mid ahayd 7-da Gabdhood ay arintaas ka hadashay iyadoo sheegtay in isla Habeenkii Xabsiga la geeyeyba ay Faraxumeyntu ku bilaabatay.Waxayna Miciin baday iyadoo aad Xishood iyo Cabsiba uga muuqdaan in ay arintaas u sheegato Taliyaha Booliska ee Deg.Awaare oo lagu magacaabo Mohamed Dheere

Gadaafada Naxdinta leh eey Gabadhu u sheegtay Mohamed Dheere waxay ujeedadeedu ahayd in ay isku deydo in ay ka dacwooto Fal Dambiyeedka laga galay ee walina lagu hayo 6dii Gabdhood ee Xabsiga ay kaga timid.Mohamed Dheere ayaa ugu Jawaabay Gabadhii hadal ayna ka filaynin oo ahaa in ay wado Dacaayad ay u geysanayso Cidamada Itoobiya oo ahaa ku wii dambigan Galay. mudoyar kadib ayaa waxaa Gabadhii ku soo baxay Uur, kaas oo ay ogaadeen dadkii ku noolaa deegaanka Awaare. Soo bixitaanka faldanbiyeedkaas kadib ayay Ciidamada Nacacabka gumaysiga Itoobiya ku soo rogeen Gabadhii Xayiraad ay ku amrayaan in ayna meela uga bixi karin magaalada Awaare, balse waxaa u suura gashay Gabadhii in ay ka baxdo magaalada oo ay dhibkii soo gaadhay soo bandhigto.

Kufsiga loo geysto Dumarka ku jira Xabsiyada lagu Ciqaabo Shacbiga Ogaadeenya eey CCGI, ka samaysteen dhamaan Ogaadeenya ayaa ah mid caado u noqotay Ciidanka Bahalka ee Itoobiya,iyadoo uu kann fadeexadan dhaliyey uun yahay kii ay Bulshadu wada ogaatay.Waxayna Shacbiga Ogaadeenya ka Xun yihiin sida weyn eey Beesha Caalamku indhaha uga qabsatay fal dambiyeedka laga galayo maalin walba kuwaas oo dunidan Xili hore ka dabar tirmay.

Khilaafkii Maamul ku Sheega oo sii Batay


Wariyaha Radio Xoriyo uga soo Warama Adis-Ababa ayaa inoo soo sheegay loolan ka dhex socda Maamul ku sheega.

Waxaa in mudo ahba Magaalda Adis-Ababa ka socday Shir loo qabtay Kilil ku Sheegyada Itoobiya.Waxaana ka soo qayb gala yaasha ka mid ahaa, kilil ku sheega Soomalida Ogaadeenya.Sidii cadada u ahayd Maamul ku sheega Ogaadeenya, meeshii ay dhibaatooyinka haysta si run ah u sheegan lahaayeen ayey bilaabeen in ay iyagu is eedeeyaan, taas oo in badan soo socotay, is eedayntooda ayey sal uga dhigayeen kala Qaybsankooda ay labada kooxood kala yihiin.Kuwo taageersan Cabdi-rashiid Duulane iyo kuwi Taageersan Afhayeenkii hore ee Baarlamaan ku sheega.

Waxay wararkii ugu danbeeyey ee ilo aad xog ogaal u ah oo Radio Xoriyo soo gaadhay sheegayaan in Abdi-Rashiid Duulane looga adkaday shirkaas,waxaana sabab looga dhigay ka soo hor jeedka Shacbiga Ogaadeenya ee Itoobiya oo mudadiisii sii badatay.Arintani waxay kaliftay in qaar ka mida taageerayaashii Duulane xilka laga qaaday

Iska hor imaad Siyaasadeed oo aad u badan ayaa beryahan ka socda Adis-Ababa iyo Jig-Jiga kaas oo dhex maraya dhamaan Adeegayaasha Gumeysiga Itoobiya ayna isku haystaan uun anaa Bulshada Dulman Ciqaabta lagu hayo hada mid uga sii daran haya, meeshii ay ka dhiidhiyi lahaayeen Dulmiga iyo Duliga ku habsaday.


Gudomiyaha Gudida Doorashooyinka Ethiopia oo Xabsiga Loo Taxaabay.


Warar lagu kalsoonyahay oo aanu kahelay ilo xoogagaal ah ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Gudoomiyihii Gudida Doorashooyinka ee Ethiopia Assefa Birru. Ninkaas ayaa waxa ay Xukuumada Ethiopia ku eedeysay in uu sameeyay musuqmaasuq iyo isticmaal awoodeed.Balse warar ku dhadhaw ninkaasi waxa ay sheegayaan in ay isku dhaceen ninka madaxda ka ah waxa uu Zenawi ku sheego,Gudida la Dagaalanka Musuqmaasuqa Abraha Guzguze taas oo lagu indho suraxaadinayo Beesha Caalamka oo baryahan ka biya diidsaneyd Maamul Xumada ka taagan Itoobiya.

Tafatirahii wargayska The Ethiopian Herald oo Shaqadii Laga Joojiyay.

Tafatrihii Wargayska Ethiopian Herald Tsege Gebreamlak ayaa Shaqadii laga joojiyay 03 May 2003. Ninkaas oo u soo shaqayn jiray mudo dheer Wargeyskaas ayaa Xafiiskiisii albaabada loo laabay, kadib markii ay Xukumada Addis Ababa ku eedaysay in uu warar khalad ah ku faafiyay Wergeyska uu Tafatiraha ka ahaa. Wararka kalifay in albaabada loo xidho xafiiska uu ninkaasi madaxada ka ahaa, ayaa waxa ay ahaayeen fikrado ay labo shaqsi ku cabirayaan aragtidooda taas oo ku soo baxay Wargeyska 16 March 2003 kuwaas oo tilmaameyey in dagaansho la'aanta ka jirta Ethiopia iyo Xadgudubka lagu hayo xaquuqda Aadamaha. Shaqo joojintan Tafo Tirahaas ayaa waxa ka hor yimid Suxufiyiinta wadanka Ethiopia iyo Kuwa Caalmiga ahba iyagoo dhamaan ugu baaqay Itoobiya in ay si dhakhso leh shaqadiisa loogu celiyo.

Shacabka Oromada oo Cadaadis Weyn Lagu Hayo.

Gudoomiyaha Ururka Oromo National Congress Dr. Merera Guddina ayaa Xukuumada Ethiopia ku eedeeyay in cadaadis badan lagu hayo Shacabka Oromia , sida dilka ,dhaca, kufsiga iyo Bililiqada loo geysto hantidooda.Gudoomiyhu waxa kale oo uu tilmaamay in dadkaas loo laayo uun in taageeraan Jabhada Xoraynta Oromia(OLF) oo u dagaalanta Xoriyada Shacbiga Oromia.

Sargaal ka socda Midowga Afrika oo Soomaaliya booqday.

Warar Radio Xoriyo ka soo gaadhay Ilo Xog Ogaal ah ayaa sheegaya in Gen.Khaliifaoo Sargaalka ay Midowga Afrika u doornteen in uu Madax u noqdo Ciidamada Caalamiga ah ee Dhaqan galin doona Heshiiskii Xabad joojinta eey Kooxaha Soomaalidu ku sixiixeen Magaalada Eldrot 27 October 2002 uu Muqdisho booqday 04 May 2003

Geesood Waran
06 May 2003 


Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD