| 
      ØBoob
    ay Ciidamada cadawga Itoobiya kula kaceen ganacsadada magaalada Qabri-Dahare. Ciidamada cadawga Itoobiya ayaa15.05.2003
    Boob ku qaaday Dukaamada Magalda Qabri-Dahare. Waxayna halkaas ku boobeen
    hanti badan oo badeeco iyo lacag isugu jirata, laguna qiyaasay 500,000 kun
    oo Bir. Boobkan ayaa waxuu dhacay, mar ay koox Ciidamada Gumaysiga Itoobiya
    ka mid ah soo galeen suuqa magaalada Qabri dahare, kooxdaas oo
    labisnayd Dirayska Ciidamada Itoobiya ayaa markii ugu horaysay waxay Boobeen
    Dukaan uu lahaa ninka lagu magacaabo Cabdulaahi Barkhadle oo ay ka qaateen
    Lacag isugu jirta Doolar iyo Birta Itoobiya iyo hanti kale. Dukaanlaydii iyo dadkii suuqa ka
    adeeganayay ayaa ku soo xoomay halkii uu boobku ka dhacay, haseyeeshee
    Ciidamada Gumaysigu waxay markiiba Boobka ku balaadhiyeen Suuqii oo dhan,
    halkaas oo ay hanti aad u farobadan ku qaateen. Boobkaas balaadhan markii uu
    dhacay dadwaynihii magaaladu waxay maciinsadeen dhagax tuur iyo dagaal ay
    labeegsadeen budh-caddii soo weerartay, halkaasna waxay Ciidamada boobka iyo
    xasuuqa ku caanbaxay ee Wayaanuhu, xabsiga u taxaabeen dad dhan 193 Ruux oo
    u badan dadkii Dukaanlayda ahaa, waxayna Bandaw ku soo rogeen Magaalada oo
    ilaa hada bandaw ku jirta. Dadka hantidooda laboobay kadibna xabsiga loo
    taxaabay waxaa ka mid ah.
 
 1- Mohamed Cabsdulaahi Barkhadle,
 2- Sanweyne Cabdulaahi Barkhadle.
 3- Ahmed Cabdi Cumar.
 4- Ahmed Barre.
 5- Nimco Cali Yare.
 
 
 Isla 15.5.2003 magaalada Caado waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku Xidheen
    dadkan shacabka ah oo aan waxba galabsanin, waxayna kala yihiin.
 1- Xassan Muxumed Suldaan (xasan-badhi).
 2- Cali Rafle Guuleed.
 3- Cabdi-waaxid Moxamed Siraad.
 Diridhabo oo soomaalida laga
    fara-maroojinayo. Waxaa Magaalada Diridhabo dhawaan booqasho
    ku yimid wasiirka fadaraalka Itoobiya Abay Sahay, kaasoo u yimid sidii uu u
    hirgelin lahaa nidaamka cusub oo dadka soomaalida ah lagaga fara-maroojinayo
    lahaanshaha magaalada Diridhabo. Wasiirkani wuxuu kulamo la yeeshay
    masuuliyiinta shisheeyaha ah ee xukuumada Itoobiya ay u soo magacawday
    magaalada Diridhaba. Wuxuuna markii ugu horraysayba la kulmay ninka Tigreega
    ah ee magaalada madaxda looga dhigay, wuxuu kaloo la kulmay madaxda
    xafiisyada kala duwan ee gacanta ku haya maamulka magaalada Diridhabo oo
    dhammaantoodba ay isu daba-fadhiyaan dad Tiigree iyo Amxaaro isu jira. Wasiirka Ferderaalka ayaa shir gaar ah oo
    uu ku la hadlayay waxgaradka Magaalada ku marti qaaday dad gaadhaya 350 Ruux,
    waxaana Soomaali ka ahaa 20 Ruux oo kaliya. Arintaasna waxaa ku gacan
    saydhay Gudida Ciisaha iyo Gurguraha oo hormuud u ah Soomalida Diridhaba.
    Odayaashaas oo ka soo horjeeday inay noqoto Magaalada Diridhaba mid u
    dhaxaysa qawmiyadaha Itoobiya oo dhan, ayaa shirkaas ku tilmaamay mid lagu
    dhaxal wareejinaya Magaalada Diridhaba. Odayaashaas oo uu markii dambe si
    gaar ah ula kulmay Wasiirku, ayuusan waxba ka qabanin Cabashooyinkoodii,
    waxuuna u sheegay in Go,aanka Magaalada lagu wareejinayo ay mar hore
    Dawladau gaadhay, ayna la socod siiyeen Madaxa Maamulka Kililku sheega C/rashiid
    Duulane iyo Maxamuud Dirir oo ka mid ah Wasiirada Dawlada Melis Zenaawi. Shir wayn oo Danmark ka dhacay. 18 May waxaa magaalada Copenhegen ee dalka
    Denmark ka dhacay shirwayinihii sanadlaha ahaa ee Jaaliyadda Ogadenya ee
    Denmark. Shirwaynahaas waxaa ka soo qayb galay xubno aad u fara badan oo ka
    mid ah Jaaliyada Ogadenya ee ku dhaqan dalka Denmark. Waxaa kaloo shirwaynaha ka soo qayb galay
    masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya,
    kuwaasoo kaalin wayn ka qaatay xog-siinta iyo dhiirigelinta dadwaynihii
    shirkaas ka soo qayb galay. Shirwaynahan, oo ah shirwayne sannadkiiba
    mar la qabto, waxaa lagu doortay guddigii cusbaa ee sanadka soo socda
    hooggaamin lahaa Jaaliyada Ogadenya ee Denmark, waxaa kaloo lagu dejiyay
    qorshihii ay Jaaliyadu ku socon lahayd sanadka soo socda iyo hawlihii ay
    fulin lahaydba. Xisbiga TPLF oo xisaabo Bangiyeed gaar ah
    furtay. Xisbiga TPLF ayaa la sheegayaa inuu
    billaabay inuu lacago ku shubto Bangiyo gaar ah oo loogu talagalay in si
    fudud loogala baxo lacagta haday dhacdo xukumada Melez Zenaawi ama si degdeg
    ah loogu baahdo dhaqaale lagaga hortago jabhadaha hubeeysan iyo ururrada
    mucaaridka ah. Sida wararka sheegayaan go'aanka xisaabahan
    gaarka ah lagu furay waxaa isla gaadhay Melez Zenaawi, Seyoum Mesfin,
    Sebxaat Nega iyo Abay Tsehaye, ka dib markii ay eegeen xaalada siyaasiga ee
    xun ee dalku ku sugan yahay. Tallaabadan oo si qarsoodi ah loogu
    dhaqaaqay ayaa ah mid muujinaysa in ayna TPLF tu ku kalsooneeyn inay ku
    raagi doonto xukunka. Taliyihii ciidanka nabadsugidda Itoobiya oo
    is-casilay. Wararka naga soo gaaraya xukuumada kaligii
    taliye Melez Zenaawi ayaa sheegaya inuu taliyaha ciidanka nabad sugida
    Itoobiya Mesfin Gebremicheal oo loo yaqaano Mesfin Weteto is casilay, ka dib
    markii uu khilaaf dhex maray isaga iyo Melez Zenaawi. Ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah oo
    arrintaasi ku saabsan nama soo gaadhin, lakiin dadka siyaasada indha
    indheeya ayaa arintaasi u arka jab weyn oo ku dhacday Melez Zenaawi. Mdaxwaynihii hore ee Qoomiyada Oromada oo
    lagu soo daray Xukuumada Zenaawi. Iyada oo ay u muuqato in siyaasiyiinta u
    dhashay qowmiyadda Tigreega ay hal-hal uga siibanayaan xukumada Melez
    Zenaawi ayuu kaligii taliye Zenawi billaabay in uu xukumadiisa ku soo daro
    dad u dhashay qowmiyado kale, lakiin aan kalsooni ka haysanin dadka ay
    matalayaan. Todobaadkii hore waxaa xukuumada Melez
    Zenaawi lagu soo celiyay Kuma Demeska oo ahaan jiray madaxweyne ku sheegi
    maamulka been-abuurka ah ee Oromiya. Kuma ayaa loo magacaabay inuu la-taliye
    u noqdo wasiir ka mid ah wasiirrada xukumada Zenaawi. Sida la ogyahay Kuma waxaa loo ceydhiyey
    markii hore inuu si wanaagsan ula shaqeyn waayay xukumada Zenaawi isla
    markaasna looga shakisanaa inuu wax ka qaban waayay Jabhada Xoreynta Oromiya,
    lakiin waxaa maanta muuqata inuu dan gaar ah ka leeyahayZenaawi
    Magacaabidiisa, iyadoo la wada-ogyahay in siyaasiyiinta Tigreega ah ay
    intooda badan ka soo horjeedaan xukuumada Meles Zenawi, ayuu hada isku
    dayayaa in uu dad taageersan ka soo uruursado Qoomiyadaha kale. Wariye u shaqeeye wargayska IT'OP oo la
    xiray. Wariye u shaqeeya wargeyska It'op oo
    magaciisa layidhaahdo Gebrekidan ayaa la xiray, ka dib markii uu qoray
    maqaal uu kaga hadlay sida ay Itoobiya ugu guul-daraysatay dagaalkii dhex
    maray iyada iyo Eritrea. Waxaana Wariyahaas lagu xukumay $250 doolar oo
    ganaax ah. Hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda
    suxufiyiinta ee la yiraahdo IFEX ayaa cambareysay xidhitaanka weriyahaas.
    Waxayna Dawladda Itoobiya ugu baaqday inay si shuruud la’aan u sii dayso Sargaal Al-qaacida ah oo Geeska Afrika laga
    raadinayo. Todobaadkii hore waxaa soo baxay warar
    tibaaxaya in dhaqdhaqaaqa Al Qaciida diyaarinayo falal argagixisanimo ah oo
    ay ka fulinayso Geeska Afrika. Sida wararkani sheegayaan waxay nabadsugida
    Kenya, Ingriiska iyo Mareykanka si weyn u raadinayaan Fazul Abdullah
    Mohammed oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al Qaciida, isla markaasna lagu eedeeyay
    inuu ka dambeeyay qarax hadda ka hor loo gaystay huteel ku yaalla magaalada
    Mombaaso oo ay dad badani ku dhinteen iyo qaraxyadii safaaradaha Mareykanka
    ee dalka Kenya iyo Tanzaaniya sanadka 1998. Fazul oo loo malaynayo inuu dib ugu soo
    noqday Kenya, taasoo keentay in dalalka Mareykanka iyo Ingriisku ay u digaan
    muwadiniintooda. Dalka Ingiriiska ayaa guud ahaanba joojiyay duullimaadyadii
    dhinaca hawada ahaa ee dalka Kenya, iyadoo laga cabsi qabo in diyaaradaha u
    kacaya ama ka imanaya dalka Kenya la qarxiyo. Geesood Waran.20 May 2003
 Radio Xoriyo
 radioxoriyo@ogaden.com
 radioxorio@yahoo.com
 
   
Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
    Dhegeyso
    warkan oo Cod ah
 
   
 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
   
   
     
   
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE    
   
         
   
   
     
 AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
   
 |