SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: May 30, 2003 
mahuraan
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

Faalo

Kaligii taliye Meles oo wakhtigiisii dhamaaday.

kadib markii ay xukuumadii dhergigu dhacday 1991kii ee ay wayaanahu xukunka qabsadeen ayaa waxa uu kaligii talye Meles Zanaawi dadka Ethiopianka ah uugu balan qaaday in uu dimoqraadiyad iyo cadaalad ku maamuli doono xataa ilaa iyo heer aayo katashi, oo uu dhigayo tastuurka Ethiopia qodobka 39 aad.Waxa lawada ogsoonyahay in uu kaligii taliye Meles markii uu xukunka qabsaday wax yarba kadib uu si wayn isu badalay gaar ahaan waxii kadanbeeyay 1994kii oo uu wax walba oo uu horay ugu balan qaaday dadwayanha Ethiopia uu waxba ka hirgalinwaayay.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis Wuxuu bilaabay in uu urur walba oo qoomiyad matala uu urur kale oo isaga dabo dhilif u ah oo siyaasadihiisa fuliya ka garabsameyo, waxa aana miitaal, loo sooqdan karaa ururka OLFta oo ay dadka Oromadu si wayn u taageersanyihiin ayaa waxa uu ka garab sameeyay ururka OPDOda oo lagu tilmaamo mid dadka Oromda matala lakiin fuliya siyaada dhiigyo cabka Meles Zenawi. Waxa kale oo uu urur lifaaq ah u samaysatay ururka Axmaarada oo siyaasadiisa fuliya, ayadoo la ogyahay in uu san habayaraatee waxa taageera ah ku lahayn qoomiyada Axmaarada. Xataa kaligii taliyahani muusan dhaafin qoomiyadaha yaryar ee Ethiopianka ah sida Hararida, Canfarta iyo waliba Benushaangul. Taasuna waxa ay ku tusinaysaa in uuna ogolayn in ay wadanka ka socdaan waxa uunan ogayn.

Hadaba hadii aan u soo laabano dhinaca Somalida Ogadeniya oo uu ururka ONLF ku guulaystay 80% doorashadii 1992dii taas oo kutusinayasa sida wayn ee ururkaas looga taageersanyahay wadanka Ogadeniya, ayaa waxa uu kaligii taliye Meles samaystay urur la dhihi jiray League 1994tii, oo uu kusamaysatay tuulo yar oo Hurso layidhaahdo oo kutaala meel u dhaw magaalada Diridhaba. Wax walba wuxuu leeyahay teer uu ku taagan yahay Urur aan shacbiyad lahayna mataag naanayo, sidaa darteed wuxuu galaba wax sheegaba, ugu danbayntii iskii ayuu isaga dhamaaday.

Qarnigan aan maanta ku jiro ee 21aad ee casriga ah ee aduunku wax gumaysi layidhaahdo ka dhamaaday oo wadanadii uugu danbeeyay ay xoroobeen sida South Afrika, Namibia, Eritrea iyo wadamo badan oo katirsanaan jiray midawgii soofiyeed ee burburay iyo waliba wadamada balkanka, waxaana hada uugu danbaysa Falastiin oo hada loogu balan qaaday in dawlad kaamil ah ay dhistaan 2005ta. Markaas ayaa waxa uu rabaa kaligii taliye Mele Zenawi oo ka soo jeeda qoomiyada Tigreerga oo 5% ka ah dadka Ethiopia in ay sii gumaystaan Somalida Ogadeniya.

Somalida reer Ogadeniya waligeed Ethiopiaan nimo maynan aqbalin, ilaa iyo maalintii ay dawlada Ingiriisku kuwareejisay Ethiopia wadanka Ogadeniya 1898-1945kii, hasayeeshee ilaa iyo hada dadka reer Ogadeniya hubka maynan dhigin, hadana habka cusub ee gumaysiga uu Tigreegu wado ee qaybi oo xukunka ah wax ka soconaya wadanka Ogadeniya ma aha. Hadaba waxa is waydiin leh kaligii taliye Meles istarijiyada uu isticmaalayo ma mid u hir galaysaa, mise ruumad buu dadayaa?.

Shacabka reer Ogadeniya oo maanta wada halgan hubaysan oo wadanka dhexdiisa laga aasaasay oo aynan wadamo shisheeya ahi gacanta ku haynin , ayaa waxa xusid mudan in halgankan maanta gumasiga Tigreega lagulajiro, uu socdo hadda mudo 10 sano ka badan, oo waliba siyaasda dibada iyo tan halganka hubaysan ee gudaha ka socdaa ay si fiican isula jaanqaadayaan.

Kaligii taliye Meles ayay ururada xaquuqul insaanka ee Afrika, Europe, marykanka iyo kuwo madax bannaana oo calmi ah waxa ay cadeeyeen in ay dawlada wayaanahu tahay wadanka Afrika maamul ahaan oogu liita, waxa kale oo ay sheegeen in xaquuqal insaanka si xun loogu tunto. Ninkan dhiigyacabka ah ayaa waxa lagu naanaysaa mashiinka dilaaga ah oo aan cidnaba u kala aabo yeelin xataa xisbiga uu madax ku sheega ka yahay ayuu ka dhigay wax uu dilo, wax uu xidho iyo wax uu shaqadii ka eryo, intii ugu dambaysay na waxay isaga horyimaadeen Arinta Xuduuda Badame.Taas uu waliba tastuurkii xibigiisa ka leexday si uu xukunka u sii haysto.

Waxa aad moodaa fursadihii kaligii taliye Meles in ay dhamaadtay, waxa uuna soo maray marxalado kaladuduwan oo la odhan karo waxa uu ka helay cimri dherer si uu xukunka u sii haysto, taas oo uu sanadadii uugu horaysay dadka Ethiopianka ah ku siray in uu hab dimuqraadiyayd ah oo cadaalad ku dhisan uu wax ugu qabanayo, taas oo uuna waxba ka hir galinin. Kadibna waxa uu bilaabay in uu ka faaiidaysto ururadii maqaarsaarka ahaa ee uu isagu samaystay si uu uugu fushado siyaasadihiisa, taas oo aad hadda moodo in ay qoomiyadaha Ethiopia oo dhani fahmeen tabaha iyo beenaha uu rabo in uu cimri dherer ka dhigto.

Waxa kale uu ka yar faaiidaystay waxa ay reer galbeedku uugu yeedhaan la dagaalanka argagixisada si uu u weeraro wadamada dariska la ah, tanina way soo dhamaatay oo marykanka ayaa soo cadeeyay in aynan ururo argaixiso ah oo xidhiidh la leh alqaciida oo Somaliya joogaa aynan jirin, laakiin isagu waxa uu ku ad kaystay in ay Somaliya kajiraan ururo xidhiidh la leh alqaciida ,si uu dhaqaale iyo qalab askari uu uga helo wadamada reer galbeedka, taasuna hada waxa aad moodaa in ay dawladadihii reer galbeedku fahmeen oo ay Jaraa,ido Caalimi ah iyo Wufuud heer sare ah ba soo cadeeyeen arintaas, taasuna waxa ay keentay in si fiican loo fahmo tabahiisa dhaqaale uruursiga ah iyo gurashada midho uusan beeranin.

Abaarha wadanka Ethiopia kajira oo ayaguna had iyo jeer soo noqnoqanaya , oo uu kaligii talieye Meles Zenawi kadhigtay in uu siyaasadiihiisa ku fuliyo kuna aruursado dhaqaale ayaa waxa jirta ururo caalami ah oo kuwa deeqda bixiya iyo dawladahii awalka aadka u taageerijiray ay ku eedeeyeen in abaaraha Ethiopia kajira ee soo noqnoqonayaa aynan ahayn mid dabiici ah ee ay tahay mid ay abuurtay siyaasad xumida dhiigyacabka Meles iyo wixii dhaqaalo ahaa ee aduunyadu

uugu deeqday dadkaas abaaruhu wax yeeleeyeen oo uu u adeegsado hab uu siyaasadihiisa ku fushado , si uu ugu gato qalab military oo casri ah iyo si uu u weeraro dawladaha dariska la ah iyo waliba si dii uu uugu cadaadin la haa ururada macaaridka ku ah iyo kuwa kale ee raba in ay aayahooda katashadaan sida Oromada iyo Somalida Ogadeniya.

Adeegsiga noocaas ah ee uu kaligii taliye Meles u adeegsanayo waxa aad moodaa in

ay ururada caalamiga ah ee deeqda bixiyaa iyo dawladha reer galbeedku sifiican uga dhargeen tabaha foosha xun ee uu dilaaga Meles isticmaalo, taana waxa makhraati u ah eedo badan oo ay ururada caalmaiga ah ee deeqda bixiya iyo dawladaha reer galbeedku ay usoo jeediyeen taliska wayaanaha oo ku caanbaxay maamulxumo iyo hayadihii samafalka oo ayagu xaqiiqda ogaaday oo ay qaarkood bilaabeen in ay ayagu toos u geeyaan meelaha ay abaaruhu ka jiraan.

Hadaba iyadoo uu kaligii taliye Meles fursadihii oo dhan uu soo cunay ayaa hada uu isku dayayaa inn uu sii cimri dherersado ayadoo ay dawlada wayaanahu wakhtigeedii uu dhamaaday oo ay ka muuqdaan calaamadihii dawladihii hore ee Afirkanka ahaa ee soo burburi jiray oo ay ka mid yihii (a) baxsasho xad dhaaf ah oo ay saraakiisha ciidamada sare baxasnayaan markii ay dibada tababar u soo aadan ama arin cafimaad awgeed u soo baxaan (b)hantida dadwaynaha oo sidii loo dhici lahaa ay u kala baratamayaan madax ku sheega sare ee dawlada wayaanaha (c) ururo isku sheegay in ay macaarid yihiin oo wakhtigii uu awood lahaa aan hadli karin ayaa maalin walba waxa ay soo saaraan baaq oo ay kaga codsanayaan in ay dawlada wayaanahu ay is casisho ayadoon aan wax dhiig ahi ku daadan (d) ayadoo dadk la gu tuhmayo in ay siyaasada Meles ka soo hor jeedaan habeen iyo maalinba la af duubo (e) xabadaha ka dhaca magaalada Addis Abeba oo marka ay habeen noqoto sii badanysa (f ) amarka iyo kala danbaynta oo lumay, (g) xidhiidhka ka dhaxeeya maamulka Addis Abeba iyo kan kililda oo kala go,ay.

Hadaba dhagaysta yaal markaan isku soo xoorino dhamaan qormada Faalada miyaysan Cadayn Dhamaadkii Maamulka Kaligii taliye Zanaawi

Radio Xoriyo

Hassan Mo,alin

radioxoriyo@ogaden.com 
radioxorio@yahoo.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD