SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Dec 13, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 

I  I  D  H  E  H

   Warka Madaxdiisii.

  

.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Nusdariiqa oo dagaal dhexmaray.
.Shir sanadeedkii Jaaliyada  Ogaadeenya ee Gobalka Colorado USA oo qabsoomay.
.Madaxii Jaamacada Adis Ababa oo iscasilay.
.Lix nin oo ka socda Baarlamaanka wadanka Ingfiriiska oo booqanaya Itoobiya
.Jabhadda UPPF oo sheegtay in ay dishay 58 ka tirsan ciidamada wayaanaha.

Warkii oo faahfaahsan

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Nusdariiqa oo dagaal dhexmaray.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Nusdariiqa ayaa sheegaya in 03.12.2002 ay ciidamada cadawga Itoobiya isku laayeen saldhigii ay magaalada ka daganaayeen. Dagaalkan ayaa lasheegayaa in uu billowday saqdii dhaxe, isagoo laysu adeegsaday qaybaha kala duwan ee hubka ay ciidamadaasi haystaan, waxaana halkaas kaga dhintay labada dhinac ee is hayay 15 askari, waxayna iskaga dhaawaceen tiro badan oon wali la xaqiijinin.

Dagaalkan ayaa ka billowday koox Ciidamadas ka mid ah oo gadooday, ka dib markay muddo 6 Bilood dhan ayna wax mushahaar ah qaadan, nolashiina ay ku adkatay. Ciidamadani waxay kalo ka cabanayaan maamul xumada saraakiisha goobtaas oo dhamantood ka soo jeeda Qoomiyada Tigreega, ku waas oo ay sheegeen in ay ula dhaqmaan si ka baxsan sharciga Ciidamada.

Dhinaca kale magaalada Galadiid malleeshiyo ay ciidamada cadawga Itoobiya ku uruuriyeen oo ahaa nooca loo yaqaano Dabaqoodhi ayaa 05.12.2002 isga huleelay goobtaas, ka dib markay waayeen wax daryeel ah oo ay ku noolaadaan. Ciidamadan ayaa lasheegayaa in ay u kala yaaceen goobihii mar kii hore laga soo uruuriyay.

Dhinaca kale dagaallada dhexmara Ciidamada Xoraynta Ogadenya iyo kuwa cadowga Itoobiya oo joogto ah, isla markaana dalkoo dhan ka dhaca, waxaa ugu denbeeyay kuwan soo socda:

4/12/02, meesha lagu magacabo Daara Salaam, Ciidamo Gumaysiga Itoobiya oo marayay ayaa waxaa dagaal ku qaaday Ciidamada Geesiyiinta Xoreenta Ogadenya waxayna halkaas kaga dileen 8 Askari iygoo kaga dhaawacay tiro kale oo badan.

Ciidamada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya waxay 3/12/02, magaalada Shaygoosh si gaadmo ah  ugu dileen Askari ka tirsan Ciidamada Cadawga Itoobiya oo ku sugnaa magaalada dhexdeeda, Askarigan ayaa lasheegayaa in uu ahaa mid soo basaasa dadka shacbka ah.

Shir sanadeedkii Jaaliyada  Ogaadeenya ee Gobalka Colorado USA oo qabsoomay.

Jaaliyadda Ogadeeniya ee gobolka Colorado ee wadanka Maraykanka ayaa ku soo beegtay maalintii Ciidul fitriga bisha Ramadaan  shir sanadeedkeedii guud.

Shirkaa oo ahaa mid si aad ah loo soo agaasimay waxaa lagu falanqeeyay arrimo muhiim ah oo ay ugu horayso xaalada iyo halganka uu maanta shacabka Ogaadeeniya ku jiro.

Waxaa si aad ah loogu falanqeeyay kaalinta ay Jaaliyadda Colorado kaga jirto halganka waxaana si buuxda la isugu raacay in ay jaaliyadu kor u sii qaado wax qabadkeeda iyo inay ka qaadato kaalin firfircoon, isla markaana ay taakulayn hiil iyo hooba ah la garab istaakto halganka xaqa ah ee Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya uu ugu jiro sidii uu u gaadhi lahaa aayo ka talin buuxda , kaasoo ay majaraha u hayso Jabhadda Wadaniga Xorayta Ogadeeniya.

Shirkaa  waxaa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha Jaaliyadda Ogadeeniya ee ku nool Gobolka Colorado.Waxaa shirka lagu marti qaaday oo goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Ururka Dhaliyaradda Ogadeeniya Mudane Muxumed Ciise, oo halkaa ka bixiyay warbixin daaha ka rogaysa heerka uu halganka shacabka Ogaadeeniya maanta marayo.

Munaasabada ciida bisha barakaysan ee Ramadaan waxay jaaliyaddu ugu hambalyaysay shacabka Ogaadeeniya guul iyo gobanimo, waxayna isla markaas shacabku ugu baaqday inuu u guntado naf iyo maalbana u huro sidii uu isaga dulqaadi lahaa heeryada gumaysiga.

Sidoo kale waxay jaaliyadu mahad celin u soo jeedisay walaalahooda Soomaliyeed taageerada hiil iyo hooba leh ee ay la garab taagan yihiin  mar walba, waxayna isla markaa Ilaahay uga bariday inuu khilaafka dhexdooda ka saaro oo uu u soo celiyo qaranimadoodii iyo sharaftoodii.

Madaxii Jaamacada Adis Ababa oo iscasilay.

Maidixii Jaamadda Addis Ababa Dr. Eshetu Woncheko iyo labadii ku xigeen oo la kala yidhaahdo, Dr. Tetemke Mehari iyo Dr. Bute Gotu ayaa xilalkoodii iska casilay, ka dib markii ay dawladu ka dayn wayday faragelinta xilalka ay jaamacada u hayeen.

Nimankan madaxda ah ee is-casilay waxay sheegeen in xukuumada uu madaxda ka yahay Melese Zenawi ay six ad-dhaaf ah u fargeliso arrimaha jaamacada, isla markaana ay u suurageli wayday inay si xor ah wax u baraan Ardayda Jaamacada wax ka dhigata, iyadoo xukuumadu ay kantaroosho cashir kasta oo macalimiintu ay ardayda u dhigayaan, si ay u ogaato in lagu soo qaato hadallo dadka mucaaradka ah kayimid.

Ardayda jaamacada Addis Ababa wax ka barata ayaa lagu soo warramaya inay si wayn u taageersanaayeen madaxda hadda xilka jaamacada iska casishay, waxayna ardaydu ku baaqeen inaanay si xor ah wax u baran Karin inta ay talada dalka gacanta ku hayso jabhadda TPLF.

Lix nin oo ka socda Baarlamaanka wadanka Ingfiriiska oo booqanaya Itoobiya.

Wafti ka kooban Lix nin oo ka socda Baarlamaanka wadanka Ingiriiska ayaa booqasho ku tagay wadanka Itoobiya. Waftigan oo soo indha-indhayn doona goobaha aabaaruhu ka taagan yihiin ee wadanka Itoobiya, ayaa sheegay in dawladda Ingiriiisku mar hore bixisay deeqdii ay ugu tala gashay Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Horumarinta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee wadanka Ingriiska ayaa dabayaaqada bishii hore tilmaantay in dhibaatada Itoobiya ay tahay musuqmaasuq iyo maamul xumo ee aysan ahayn mid ay abaaro keeneen.

Jabhadda UPPF oo sheegtay in ay dishay 58 ka tirsan ciidamada wayaanaha.

War laga sii daayey Idaacad ka soo baxda wadanka Eritrea oo ku hadasha afka Tigreega ayaa sheegtay in Jabhadda Wadanaiyinta dadka Itoobiya ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano EPPF ay qudha ka jartay 58 ka tirsan ciidamada Itoobiya, isla goobtaasna ay ku dhaawacday in ka badan 33 askari.

Dagaalkaas wuxuu ka dhacay Tsegede iyo Armacheho oo dhamaan ku yaal waqooyiga galbeed ee wadanka Itoobiya.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Jabhadda EPPF ay nolol ku qabatey 3 askari iyo saanad badan oo kala duwan.

Dhinaca kale dagaal ayaa ka dhacay xuduudka u dhaxeeya Gobolka ismaamulka Tigreega iyo kan Gobolka Gondor ee Amaxaarada, kaasoo dhex maray qoomiyadda Tigraga iyo tan Amxaarada, waxaana halkaas ku qudh- baxay 11 qof oo shicib ah. Dagaalnka waxa ay Jabhadda EPPF ku eedaysay Ciidamada wayaanaha ee Itoobiya.

 .

Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD