SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DR. RAABEH

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh

Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda...

Waraysigii Dr. Raabeh... Dheegyso..

Markay taariikhdu ahayd April 3, 2005 waxay SomaliTalk kulan khaas ah la yeelatay Dr. Cumar Cusmaan Raabeh oo ku takhasusay cilmiga Philosophy iyo Political Science ahna Taariikh yahan Soomaaliyeed. Waraysigan oo aan kula yeelanay magaalada Ottawa ee dalka Canada oo ah halka uu hadda deggan ayahay Dr. Raabeh. Waraysiga  Ka Dhegeyso halkan...

Waxa uu ugu horayntiiba Dr. Raabeh diirada saaray in "waxa meesha (Soomaaliya) ka socdaa aysan ahayn dagaal sokeeye, balse waa sidii xabashi dalka gacanta ugu dhigi lahayd. Dagaalka sokeeye ee meesha ka socdaana waa mid ayaga (Soomaalida) la isaga dhigayo gaaskii, kabriidkii iyo xaabadii si ay ayagu ugu dhamaadaan oo dalka ku faaruqiyaan si markaas xabashi u qabsato.. " Taas oo Dr. Raabeh ku tilmaamay nasiib darrada ugu weyn. Waxayna taas ummadda Soomaaliyeed kaga bixi kartaa ayuu yiri waa "Midnimo".

Dawladda Soomaaliya loogu dhisay Kenya waxa uu yiri Dr. Raabeh "ma ahan wax dawlad ah", taas oo uu sabab uga dhigay in ay ka dambeeyaan kenya iyo Itoobiya oo aan dan u hayn Soomaaliya. Kuwaas oo uu sheegay in ay soo doorteen inta wasiiro ah, inta wax xakumeysa iyo sharciga wax lagu xakumayo. Waa dawlad ay Xabashi iyo Kenya samaysteen, waana dawlad aan loogu talo gelin ay 'irbad dun u geliso' Soomaalida ayuu yiri. Waxana uu intaas ku daray "ma degi doonto, maana tegi doonto Soomaaliya".

Dr. Raabeh Waxa uu aad ugu dheeraaday sida aan nidaamka federaalku uga shaqayn karin Soomaaliya ama uguba haboonayn in laga hir geliyo Soomaaliya. Taas oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku mid ah dhinac kasta. Laakiin ayuu yiri waxaa 'Federaal' laga dhigaa dad aan wax shaqo ah iskulahayn, isku af ahayn, isku dan ahayn, isku diin ahayn.....

Waxa kale oo uu aad uga hadlay arinta qabiilka ee lagu dhisay dawlada. Taas oo uu yiri "Qabiil in Xukun Loo Qaybsado kuma jirto Xigmada Bini-Aadamka". Arintaas oo uu tilmaamay in laba sano lagu hayey sidii ay usoo dhisi lahaayeen.

Waxa kale oo uu Dr. Raabeh toos ula hadlay baarlamaanka Somaaliyeed oo uu yiri waa in ay noqdaan baarlamaan Qaran.

Dr. Raabeh waxa uu ummada Soomaaliyeed uga baaqay in aysan yeelin in xabashi ay dalka timaado. Waana in aan la yeelin in xabshi dhulka loo saxiixo. Waana in aan hubka la dhigin inta lagu kala baxayo xal u helida arinta ciidamada safka hore. Waana in, ayuu yiri, dhammaan ummadda Soomaaliyeed isu yimaadaan oo xabashi dhulka laga eryaa. Waana in dalka laga saaro dharcadda basaasiinta u ah xabashida ee warka u gudbinaya ayuu yiri.

Dr. Raabeh waxa uu ku baaqayaa in Soomaalidu ay tirtirto "sharciyan" waxyaabaha loogu yeeray magacyo goboleedyada (gobolada loo bixiyey... LAND), waana in la yiraahdo "Soomaali waa mid" ayuu yiri.

Xabashi ma lakeenaa Soomaaliya, macneheedu waxaa weeye Soomaaliya hala tirtiro ayuu yiri Dr. Cumar Cusmaan Raabeh. Waxana uu aad uga digey in aan ciidamada xabashida la keenin Soomaaliya.

Waraysigaas oo soconaya muddo 1:13:18 (hal-saac iyo 13 qadiiqo) Ka Dhegeyso halkan...
 

Erayadii Dr. Raabeh..
"Qabiil in Xukun Loo Qaybsado kuma jirto Xigmada Bini-Aadamka"..

"Soomaaliya waxaa ka dhalan doonta dawlad weyn oo islaam ah oo aan cidina wax ka qaadi doonin..."

"Ninkii maanta iska daaya Qaad iyo Qabyaalad waa Ehelu janno...."

"Soomaaliya markii ay midka ahayd waa la jebin waayey, laakiin waxaa la jebiyey markii la isticmaalay qabiilka..."

"Kuwa xabashida u tegey waxaysan garanayn xabashi, waxaysan garanay sidii xabashidu u gashay kuwii ayaga ka horeeyey..."

Faafin: Somalitalk.com | April 5, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD