SomaliTalk DALSAN
SomaliTalk.com
Online Community
WEATHER LINKS
. AccuWeather
. WeatherNetwork
. WeatherBase
. Weather
. nws.noaa.gov
. IntelliCast
. WeatherOffice
. Environment Canada
SCIENCE
. NationalGeographic
. Discovery
. Animal Discovery
. Discovery ca.
. Nature Magazine
. Science Magazine
. The Lancet
ENGINEERING
. Eng. Net Base
. Clearing House
. ASCE Publications
. Eng.Virtual.Library
. Engineering Info.
. Civil Eng. Journals
. Testing&materials
. CSA International
. P. E. Ontario
. N. S. P. E.
HEALTH TALK
. Asthma Edu. Network
. Asthma Resource
. Asthma & indoor
. Asthma and Immun.
. Asthma and Allergy
. Astham Campain
. Allergy & Asthma

Home | FreeWebs | FreeEmail | TellFriends | Search
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
U DIYAAR GAROWGA RAMADAAN - 1423
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakat | Saxaabada | Siiro | Haj
TIIRARKA SOONKU UU KU DHISAN YAHAY

I  I  D  H  E  H

Soonku wuxuu leeyahay laba rukni ama laba tiir oo uu ku dhisan yahay, haddii midkood la waayana uu dumayo, labadaa tiirna waxaa kala yihiin:

1) In laga reebtoomo oo aan loo dhowaan waxyaabaha soonka buriya, laga billaabo marka waagu dillaaco ilaa laga gaaro qorrax dhaca.

2) In lala yimaado niyada soonka: sida aan horay u soo xusnayba niyaddu waxay kala saartaa waxyaabaha cibaadada ah iyo kuwa aan cibaadada ahayn, oo aan loogu talagalin in Ilaaheey loogu dhowaado, sida haddii ruux uu iska daayo maalin dhan waxyaabaha soonka jabiya, isagoo ulajeeda mudaharaadid iyo ashtakoosho, markaa wax ajar ah ka heli mayo soonkaa uu la yimid, cibaadana noqon mayo, laakiin haddii uu u niyaysto inuu Alle SW ugu dhowaado, dabadeedna uu iska daayo waxyaabahaa wuxuu u noqonayaa soonkaa uu la yimid cibaado laga abaal marinayo, Ilaaheey agtiisana giime ku leh. 

         WAXYAABAHA SOONKA BURRIYA

Waxaa jira waxyaabo la doonayo in soonka laga ilaaliyo oo laga dhawro, oo haddii ay soonka isku yimaadiin uu soonku burayo, waxyaabahaasina waa shan waxyaabood oo kaliya, wuxuuna soonku shantaa waxyaabood ku jabaa marka si ula kac ah loo sameeyo, laakiin haddii qofka la qasbo ama uu soonka hilmaamo, dabadeedna uu sameeyo oo uu la yimaado mid kuwaas ka mid ah isagoo hilmaansan, soonkiisu ka jabi mayo, isla marka uu ogaado oo uu soonka soo xasuusto ayuu joojinayaa wixii uu ku jiray, dabadeedna soonkiisa ayuu sii wadanayaa, lagamana rabo wax qallo ah, haddii laakiin qofku uu mid shantaas waxyaabood ka mid ah sameeyo, isagoo u bareeray, soonkiisu waa jabayaa, inta maalintaas ka dhimanna waxaa ku waajib ah inuusan waxyaabaha soonka jabiya u dhowaan, oo uu baaqi ku ahaado una dhaqmo sida dadka sooman oo kale, ilaa qorraxdu ka dhacdo. 

Waxaa shantaas ahayn oo soonka jabin karaana kuma jiraan kitaabka iyo sunnada, wax daliil ahna looma hayo, waxaana sida badan muslimiinta diinta ku adkeeya waxyaabo daciif ah, amaba aan asal iyo raad toona diinta ku lahayn, oo mar dambe ku soo kordhay, sida cadhuufta tirada badan oo dhulkeenii lagu hallayn jiray, dadkana dhuunta ka qallajin jirtay, bal fiiri Allaha na hanuuniyee sida ay dadku ugu dhibtoodeen waxyaabaha aan diinta ka tirsanayn, dhulkiina uu ugu wasaqoobay, qofkuna haddii uu shantaas si-fiican u fahmo wuxuu aad iyo aad u kala garan karaa waxyaabaha soonka jabiya iyo kuwa aan jabin. Waxayna shantaasi kala yihiin: 

1) Galmada (raga iyo dumarka isu tagidooda): haddii arrintaasi dhacdo soonku waa jabayaa, waxaana waajib ah in maalintaas sida xaraanta ah loo afuray la soo qalleeyo, intaana waxaa sii dheer sidoo kalena waajib ah in ninka soonkiisa sidaa ku fasahaadiyey uu la yimaado, oo uu bixiyo kafaarogud, wuxuuna ula imaanayaa sidan soo socota:               (A) Wuxuu xoraynayaa qof addoon ah (sida qof dagaal diineed oo dhexmaray muslimiinta iyo gaalada lugu soo qabsaday), haddii uu awoodi waayo xorayntaas xag dhaqaale awgiis ama wayn iyo jirid la’aan uusan addoonkiiba jirin, waba sida hadda taagan oo kalee, wuxuu u gudbayaa darajada labaad, oo ah:             (B) Inuu laba bilood oo isku xigta, kala go’na aan lahayn uu soomo, haddii uusan awoodi Karin inuu labadaas bilood soomo wuxuu haddana u gudbayaa darajada saddexaad, oo ah:                  (C) Inuu quudiyo oo raashin sooyo lixdan miskiin.  Haddii uu saddexdaa qaybood uu midna awoodi waayo kafaaradii way ka dhacaysaa, sababtoo ah Rasuulka SCW ayaa waxaa u yimid nin falkaa ku kacay maalin Ramadaan, tabar iyo awoodna u waayey inuu kafaarogud sameeyo, wuxuuna markaa ka riday kafaaaro gudkii, isagoona siiyey timir uu reerkiisa siisto, maadaama uu ka cabtay faqri fara-goys ah, Ilaaheeyna dadka kuma uu waajibiyo wax aysan awoodin.  

Laakiin haweentii soonkeedu sidaas ku fasahaaday iyada lagama rabo kafaarogudka ninka laga rabo, ee waxaa laga rabaa wixii ka soo hara. 

2) Is-matajinta: haddii qofku si ula kac ah isku matajiyo, soonkiisu wuxuu noqonayaa mid buray, laakiin haddii mataggu ka awood bato oo isagu uusan iska raad-raadin, dabadeedna uu matago soonku ka jabi mayo, waxaa sidaas la mid ah haddii qofku uu rabey inuu cadaysado, dabadeedna uu sidaas ku matago isagoon isagu rabin inuu matago, markaas oo kale soonku ka jabi mayo, waxaa Abuu Hurayra (a.k.n) laga soo wariyey inuu Rasuulka SCW yiri “Qofkii mataggu ka awood bato oo sidaa uu uga yimaado wax qalle ah lagama rabo, qofkiise isagu is-matajiya isagoo ula kacaya ha soo qalleeyo soonka”. 

3-4) Cunitaan iyo Cabitaan: haddii qofku isagoo soonka og uu wax cuno ama cabo soonkiisu waa jabayaa, laakiin haddii uu wax cuno ama cabo isagoo la qasbay ama hilmaansan inuu sooman yahay, soonkiisu jabi mayo, sida Rasuulka SCW u yiri “Qofkii sooman oo wax cuna ama caba isagoo hilmaansan soonkiisa ha dhamaysto oo ha sii wato, Ilaaheey ayaana wax uu cuno iyo wax uu cabo siiyey”, marka uu soo xasuusto oo ay ku soo dhacdo inuu sooman yahay waxaa laga rabaa inuu raashinka iska joojiyo, dabadeedna soonkiisa sii wato. 

5) Imaashaha dhiigga caadada (xaylka) ama dhiigga nifaaska oo yimaada ka dib marka haweenku dhalaan: marka dhiiggaasi yimaado soonku waa jabayaa, waxaana kaliya oo laga doonayaa haweentaa muslimadda ah oo dhiiggaasi ka yimid in marka soonku dhamaado ay soo qallayso intii maalmood ee dhaaftay, iyadoo wax dambi iyo daalac ah aan loo raacanayn, sababtoo ah kuma aysan kicin wax dambi ah, ee sidii la faray ayey samaysay.

WQ. OsmanBilad osmanbilad@hotmail.com 

Nov 2, 2002

Soonka iyo Taariku Salaadka
Waxaa jira dad badan oo muslimiinta ka mid ah oo sooma laakiin aan tukan, sidaa awgeed ayaa.. GUJI 25/10


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
KNOWLEDGE.CENTER
health
Chemicals and Health
kaneeco
Mosquito bytes
poluution
Air pollution
smookin.gif (16385 bytes)
Still smoking

Copyright © SomaliTalk.com. All rights reserved.



HTML CD