SomaliTalk DALSAN
SomaliTalk.com
Online Community
WEATHER LINKS
. AccuWeather
. WeatherNetwork
. WeatherBase
. Weather
. nws.noaa.gov
. IntelliCast
. WeatherOffice
. Environment Canada
SCIENCE
. NationalGeographic
. Discovery
. Animal Discovery
. Discovery ca.
. Nature Magazine
. Science Magazine
. The Lancet
ENGINEERING
. Eng. Net Base
. Clearing House
. ASCE Publications
. Eng.Virtual.Library
. Engineering Info.
. Civil Eng. Journals
. Testing&materials
. CSA International
. P. E. Ontario
. N. S. P. E.
HEALTH TALK
. Asthma Edu. Network
. Asthma Resource
. Asthma & indoor
. Asthma and Immun.
. Asthma and Allergy
. Astham Campain
. Allergy & Asthma

Home | FreeWebs | FreeEmail | TellFriends | Search
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
U DIYAAR GAROWGA RAMADAAN - 1424
FamilyIslam | Kaaba | Learning | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aanSaxaabada | Siiro
Kahortagga Khilaafka
Mohamed Mohamed (Ufayn)
ufayn@somalitalk.com
November 25, 2000
| Updated: Oct 11, 2003

 

Waxaan halkaan kusoo diyaarinayaa maqaal kusaabsan khilaaf kajira Soomka hortiisa, anigoo doonaya inaan kubiyaaniyo intii Alle igaran siiyo, Waxaan rajenayaa in dad muslimiintaa ee khayr doonkaa ay kadawoobi doonaa khilaafka iyo kalataga kadhaca mujtamaca dhexdiisa markasta oo bisha ramadaan ama shacbaan bilato, ilaa haatan meelaha qaarkood ama beldaanta qaarkood lagukala haray xataa maalintii xajka muslimiintu wadagudan lahaayeen taasna waxaa sabab u ah dad aan khayrdoon ahayn ayaa muslimiinta kafaa'iidaysta kalatagooda,

Waxaa dhaca markastoo ramadaan bilanayo khilaaf aad u weyn siiba dadka soomaaliyeed dhexdooda, Waxaana xusid mudan in dadka soomaaliyeed bisha karaadiyaan dhanka bariga ayagoo adeeg sanaya hadal ah bishii xalay waa dibatey ama waamaqnaatay, arinkaas oo ah bisha in lagaraadiyo qorax kasoobax diinta wax Assal raada kumalaha loomana daliishan karo bishii oo saaka bari kasoo baxday galabta yaan la eegin taasi waa khalad oo bishu ayadoo saaka xagan kasoo baxday ayey galabtana dhalankadhaa,

I  I  D  H  E  H

Hadaba waxaa haboon bisha in lasugo bilashadeeda manabanaana in cilmiga Falaga loo isticmaalo bisha siloo ogaado waqtigeeda iyo bilashadeeda, Sababtoo ah cilmiga Falaga ama xidigiska kuma dhaqmin Culimadii Selefka Ee sadexdii qarni oo ugu khayrka badnaa joogey,

Waxana taas ugadigayaa dad badan ayaa maanta isticmaala falaga iyo xidigaha oo laxisaabiyo markaasna jadwal lagasameeyo, Waxana qaabkaas laguyaqaan oo adegsada nimanka Raafiddada oo kamida Shiicada, weliba qolada ismaaciiliyada sheegata waxayna leeyihiin waxaa nooga tegey Jacfar Alsaadiq, waana been abuur ay xidigaha kalayimaadeen oo waxaa ukeenay nin layiraahdo C/llaahi Ibnu macaawiye oo kadaab ahaa ayaa kubeen abuurtay Jacfar Alsaadiq,

Waxaana daliil u ah Xadiiska Abuu hureyra werinayo wuxuu kaweriayaa nabiga nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inu yiri: (kusooma aragtidiisa(yacni bisha ) kuna afura aragtidiisa, hadii laydinka qariyo dushiina kaamilyeela tirada shacbaan sodonkeeda maalmood) waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim.

Lamana oran hadii laydinka qariyo raadiya kuwa kutakha susay cilmiga xidigaha,

Waxay culimo badani kuked soomeen xadiiska uu werinayo Cabdullaahi ibnu Cumar wuxu Nabiga nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee kaweriyey inuu yiri: (hasoomina ilaa aad bisha aragtaan, hana afurina ilaa aad bisha aragtaan, hadiise laydinka qariyo dushiina uqadara) jumladaas hadii laydinka qariyo uqadaradii ayey waxa kufasirteen Uqadara bilxisaab, laakiin saas lagama wado ee waa dhamaystira sodonka maalmood Hadaba waxaa haboon in lagusoomo sadex midkood,  

  1. xadiiska korkuxusan sida kucad jumlada (ilaa aad bisha aragtaan)
  2. tanlabaad ruux caadil ah oo lagu kalsoon yahay cadaaladiisa waana laga aqbalayaa halruux markhaan tigiisa bisha Ramadaan, daliilkuna waa xadiiskuu werinayo Cabdullaahi Ibnu Cabaas inuu yiri nin reer baadiye ah ayaa u yimid Rasuulka nabad gelyo iyo naxariis korkiisa hanoqotee, markaasuu yiri waxaan arkay bishii, markaasuu yiri: (maqireysaa in Alle maahee an Ilaah kale jirin) markaasuu yiri haa, markaasuu hadana yiri: (maqireysaa Muxamad inuu yahay Rasuulkii Alle) markaasuu yiri haa, (markaasuu yiri ogeysii Bilaalow dadka dhexdiisa inay soomaan berito) xadiisku waa saxiix. laakiin bisha Shawaal ee soonfur looyaqaan waxaa lagarabaa labaruux inay sheegaan aragtideeda,
  3. tan sadexaad waa sodonka in ladhameeyo waxana kucad xadiiskaan korkusoo xusnay Jumladiisa (hadii laydika qariyo dushiina kaamil yeela tirada Shacbaan)Shacbaan waa bisha soomka kahoraysa taasaana ladhamays tirayaa hadii la arkiwaayo bisha, oo marhadii sodonku dhamaado waxa kadanbeeyaa waa bishii Soom,

Hadaba ruuxii meel kafog joogaa maku soomayaa aragtida ruuxaas? Waxaa kujira khilaaf farabadan ,

  1. qolada hore waxaa kamida Imaamul baqawi oo kasoo guuriyey Imaamul Shaafic inuu yiri;meelkastoo laga arko bisha waalagu soomayaa aragtidaas, daliilkiisuna waa xadiiskaan korkusoo xusnay Jumladiisa (kusooma aragtidiisa kuna afura aragtidiisa) macnuhuna waa ruux kamida Ummada haduu arko Ummadii oo dhami waa aragtay, waana qiimo badan tahay maanta oo wasaa ilu iclaam (qalabka waxlagu tebiyo) lagu horumaray inaanu dhaqan gelino Qowlkaas Imaamu Shaafici lagasoo qaaday,
  2. qolakale waxay dheheen dadka intii isku dhowba haysku soomaan laakiin waxay xadayn waayeen dhowaan shihii iyo fogaan shihii waxayna ukala bexeen ilaa shan qolo ama qaybood, I=qolaa tiri waxaa lagu xadayn karaa in loo eego ikhtilaafu madaalic oo intii isku madlac ihiba iyagaa isudhow, saas darteed madaalicda haloonoqdo,

Taasina waxay lugaha lagashay in laraadiyo khuburo taqaan cilmiga Falaga iyo xidigaha waana taanu horay ugasoo hadalay inayan banaanayn, II=qolakael ayaa waxay dheheen intii masaafatul qasri isujirtaa haysla soomaan hana isla afuraan,

Qowlkaasna waxaa kitaabka looyaqaan (Sharxu muhadab) kudaciifiyey Imaamu Nawawi oo yiri waa qowl aad udaciifa loomana adeegsan karo masaafatul qasri madaalicda sababtoo ah waxay taasi siikala jebinaysaa Muslimiinta oo waxaa imaanaysa in 70 ama 80 Km, lookala qaybsamo oo markaas qolawaliba tiraahdo ciidayadaanu leenahay idinkuna tiinaad leedihiin Taasina waa burburka midnimada Muslimiinta sida maanta jirta,

Jamhuurta culimadu waxay qabaan inuusan wax ictibaara ama fiiro ah lahayn ikhtilaaful madaalic ama kalagedis naanta madaalicdu,saas darteed markii dad magaalo degani arkaan bisha waxaa kuwaajiba magaalooyinka ama beldaanta kale dhamaantood inay kusoomaan, ayadoo lagaduulayo ama lagashidaal qaadanao qowlka Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, inuu yiri: (kusooma aragtidiisa kuna afura aragtidiisa) waa jumlo kamida xadiiskaan korkusoo xusnay,

Culimo badan ayaa waxay qabaan in qolakastaa kusoomto bedelkooda ee bedel kale anu laasim ku ahayn, waxayna daliishanayaan xadiiska uu werinayo Kureyb, wuxu yiri (waxaan soogalay Shaam bishuna waxay iigu bilatay anigoo Shaam jooga oo waxaan arkay habeen Jumcaa, markaasaan waxaan imid magaalada Madiina bisha aakhir keedii markaasaa waxaa iwarsaday Ibnu Cabaas, wuxuna yiri, goormaad aragtay bisha? Markaasaan iri waxaan aragnay habeenkii Jumcada,markaasuu yiri maadigaa arkay? Markaasaan iri haa dadkuna waa arkeen waana soomeen, Mucaawiyena waasoomay, markaasuu yiri Ibnu Cabaas laakiin anagu waxaan aragnay habeenkii sabtida,kamana tegeyno soomka ilaa sodonka aanu dhamaysano ama aanu aragno bishii, markaasaan iri miyaadan kukaaftoomayn aragtida Mucaawiye? Markaasuu yiri maya ee sidaasuu na amray Rasuulka Alle, nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,) ---- waxa weriyey Axmad, Muslim, Tarmidi,

Waxay culimadii xadiiskan sharxay kufasireen Amarku waa aragti kusooma oo aragti ku afura, laakiin dad badan ayaa sikale iyo faham khaldan uleexshey halkaasaana Inbadan dadkaa lagasoo galaa markii ladoonayo in lajaah wareeriyo,

Imaamu Albaani wuxuu leeyahay hadii midnimadii guud suuroobi weydey Shacab weliba dawladiisa halasoomo wuxuuna ilaalinayaa midnimada muslimiinta laakiin wax daliila makeenin,

Wanaan arin haboon markasta intii laysukeeni karo midnimada muslimiinta in laysukeeno oo tafaraaruq iyo kalatag ayaa waxkasta kaxun maxaa yeelay waxaa halkaas kadhalaneysa isnacayb iyo cadaawad dhextaal muslimiinta Waana tanmaanta cadow goodu ugafaa iideytey markey kalajabeen oo kooxkoox iyo firqafiqo ukalabexeen.

Allaah waxaan kabar yayaa inuu Ummada musliinta mideeyo.

Wabillaahi tawfiiq.

Mohamed Mohamed (Ufayn)
ufayn@somalitalk.com

QORAALADII HORE EE RAMADAANKA... GUJI 


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
KNOWLEDGE.CENTER
 
Chemicals and Health

Mosquito bytes

Air pollution

Still smoking

Copyright © SomaliTalk.com. All rights reserved.



HTML CD