Saxaabiga aynu hadda qaadanayno sheekadiisa waa saxaabiga ay xiriir qaraabo
wadaagaan Rasuulka (scw), wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee soo gala
diinta Islaamka. Cabdullaahi Binu Jaxsh waxaa dhashay Umaymata Binta
Cabdil-mudhalib oo ahayd Rasuulka (scw) eeddadiis. Dhinaca kale wuxuu
Cabdullaahi ahaa Rasuulka (scw) seedigiis, maxaa yeelay wuxuu Rasuulka (scw)
qabay Zeynaba Bintu Jaxsh oo ay walaalo ahaayeen Cabdullaahi, marna ahayd
hooyadii mu'miniinta. Cabdullaahi Binu Jaxsh wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee
loo dhiibo calanka Islaamka, sidoo kale wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee loogu
yeero Amiiral-mu'miniin.
Inkastoo aan la soo koobi karin guud ahaan taariikhda la xiriira
habnololeedkii Cabdullaahi Binu Jaxsh, haddana waxaynu ka soo qaadanaynaa laga
soo billaabo markuu soo islaamay. Wuxuu Cabdullaahi Binu Jaxsh soo islaamay,
kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii ama gurigii Arqam Binu Arqam, oo ku
beegnayd xilligii ay dacwada islaamka ku jirtay qarsoodi, sidaa darteed ayaa
wuxuu Cabdullaahi ka mid noqday saxaabadii ugu horeeyay ee qaata hanuunka
Rasuulka (scw), sidaasna ku soo islaama.
Hijradii Cabdullaahi Binu Jaxsh
Markii uu Rasuulka (scw) u fasaxay asxaabtiisa inay u hijroodaan ama u
guuraan magaallada Madiina, iyagoo la cararaya diintooda iyo hagardaamada iyo
dhibaatooyinka kaga imaanaysa gaaladii Qureysh, wuxuu Cabdullaahi Binu Jaxsh
galay lambarkii labaad saxaabadii hijrootay, oo waxaa fadliga hijrada kaga
hormaray oo keliya saxaabiga la yiraahdo Abuu Salama. In si Alle dartii loogu
hijroodo, loogana tago qoyska iyo dalka ayaanan ahayn wax ku cusub Cabdullaahi
Binu Jaxsh, maxaa yeelay isaga iyo qaar ka mid ah qaraabadiis ayaa waxay hadda
kahor u guureen meesha hadda loo yaqaano geeska Afrika ama Xabasha. Hase ahaatee,
hijrada markan waxay ahayd mid ka xeel-dheer kana ballaaran tii hore. Waxaa
Madiina u hijrooday dhammaan waalidka Cabdullaahi wuxuu dhalay oo ka koobnaa rag
iyo dumar, waayeel iyo dhalinyaro, wiilal iyo gabdho yaryar., maxaa yeelay
guriga Cabdullaahi wuxuu ahaa guri Islaam. Maba aynan ka sii bixin magaallada
Makka jeer ay guryahoodii ka muuqdaan murugo iyo tiiraanyo, guryihii camirnaa
waxay noqdeen oo guryo cidlo ah oo la moodo inaan la deggin ama lagu caweyn
weligeed.
Guryihii iyo hantidii Cabdullaahi oo la bililiqaystay
Kama soo wareegin waqtigaas wax yar hijradii Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo intii
la socotayba ilaa maalintii danbe ay soo baxaan madaxdii Qureysh oo ku
gaaf-wareeganaya xaafadaha magaallada Makka, bal si ay u aqoonsadaan ciddii ka
qaxday magaallada ee ka mid ah muslimiinta, iyo intii ku hartayba. Waxaana
madaxdaas ku jiray Abuu Jahal iyo Cutbata Binu Rabiica. Cutbata ayaa eegay
guryihii ay lahaayeen qoyskii reer Jaxsh oo dabeeshii boorka badneyd ay
garaacayso albaabadii guryaha, dabadeedna wuxuu yiri: “guryihii reer Binii
Jaxsh waxay noqdeen guryo cidlo ah oo u oonaysa dadkeedii”. Abuu Jahal ayaa ku
yiri “yey ahaayeen kuwaas jeer ay guryahoodii u ooyaan?!”. Intaa kadib wuxuu
Abuu Jahal taabsaday gurigii Cabdullaahi Binu Jaxsh, waxayna guryahaas ahaayeen
guryaha magaallada Makka ku yiilay kuwooda ugu quruxda badan, uguna hodontinimo
badan, oo waxaa yaalay alaabo fara badan. Abuu Jahal wuxuu gurigii Cabdullaahi
ugu isticmaalay sida qofka hantida leh ugu isticmaalo hantidiisa.
Raalli ma ka tahay in gurigaaga laguugu beddelo guri Jannada ku yaala
Cabdullaahi Binu Jaxsh markii loo sheegay wuxuu Abuu Jahal ku sameeyay
gurigiisa, wuxuu u sheegay Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulkka (scw) ku yiri
isagoo bishaaro ugu beddelaya bililiqada gurigiisa: “miyaadan raalli ku
noqonaynin Cabdullaahiyow inuu Eebbe kuugu beddelo gurigaaga guri ku yaala
Jannada”. Cabdullaahi ayaa yiri “haa” Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa
haddaba ku yiri “gurigaas ayaad leedahay”. Hadalkii Rasuulka (scw) waxay
dejisay naftii Cabdullaahi, wuuna il-qabowsaday.
Imtixaankii ugu darnaa ee la mariyay Cabdullahi Binu Jaxsh
Cabdullaahi Binu Jaxsh ma uusan sigin inuu ku nasto magaallada Madiina, kadib
wixii ka soo gaaray labadiisii hijradood oo dhibaato iyo hagardaamooyin ah. Ma
uusan Cabdullaahi sigin inuu dha-dhamiyo raaxada dha-dhankeeda markii uu dhex
joogay ansaartii Madiina, kadib wixii qureysh ka soo gaaray oo dhibaatooyin ah
ilaa uu Eebbe (sw) doono inuu Cabdullaahi la kulmo imtixaan kii ugu darnaa ee uu
noloshiisa arko laga soo billaabo markuu soo islaamay.
Haddaba, akhristow kaalay aynu si wadajir leh u ogaano waxay tahay
imtixaankaas qallafsan ama daran ee la mariyay saxaabiga jaliilka ah ee
Cabdullaahi Binu Jaxsh.
Howl-gal milateri
Wuxuu Rasuulka (scw) magacaabay ama xushay siddeed (8) ka mid ah asxaabta, si
ay u fuliyaan howlgal milateri kii ugu horeeyay ee la fuliyo islaamka.
Siddeedaas qof waxaa ku jiray Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Sacad Binu Abii Waqaas,
wuxuuna Rasuulka (scw) yiri: “ waxaan amiir idinkaga dhigayaa kan idinkugu
adkeysiga badan gaajada iyo oonka”, intaa dabadeedna wuxuu calankoodii u
guntay ama u dhiibay Cabdullaahi Binu Jaxsh, waxaana la yiraahdaa wuxuu
Cabdullaahi ahaa kii ugu horeeyay ee madax looga dhigo ilaalo ka mid ah
muslimiinta. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee loo dhiibo
calanka islaamka Xamsata Binu Cabdul-Mudhalib, waxaa kaloo la sheegaa kuwo kale.
Dhambaal sireed
Rasuulka (scw) wuxuu Cabdullaahi u xaddiday ama u tilmaamay meeshii uu aadi
lahaa, wuxuuna u dhiibay dhambaal ama qoraal, isagoo faray inuusan eegin waxa ku
qoran ilaa uu ka socdo labo maalmood socdaalkood. Ilaaladii uu hoggaaminayay
Cabdullaahi Binu Jaxsh markay socdeen labo maalmood, ayaa wuxuu Cabdullaahi
furay waraaqdii, waxaaba ku qoran sidatan: “haddaad eegtid qoraalkaygan soco
ilaa aad kaga furatid Nakhla oo u dhaxeysa Dhaa’if iyo Makka, waxaadna is
dul-taagtaa wararka qureysh, noolana imow wararkooda..”. Maba dhammeystirin
Cabdullaahi aqriska dhambaalka jeer uu durbadiiba ka yiraahdo “maqlid iyo
aqbalid waxaa iska leh Nebigii Alle”, dabadeedna wuxuu asxaabtiisa ku yiri:
“ wuxuu Rasuulka (scw) i faray inaan socdo jeer aan ka gaaro Nakhla, si aan u
daba galo oo aan ugu keeno Rasuulka (scw) wararka Qureysh, wuxuuna iga reebay
inaan qasbo mid ka mid ah idinka si uu ii raaco, qofkii doonaya oo jecel
shahaado iyo inuu jidka Alle ku dhinto ha i soo raaco, qofkaan doonaynin ha iska
noqdo isagoo aan la canaanan”. Asxaabtii ayaa waxay hal mar yiraahdeen “maqalnay
oo aqbalnay Rasuulkii Alle, waan kuu raacaynaa meeshii uu ku faray Nebigii Alle”.
Intaa dabadeed waxay asxaabtii socdaan, waxay maalintii danbe gaareen Nakhla,
waxayna guda galeen inay wareegaan waddooyinka dhexdooda, si ay u soo ogaadaan
wararka qureysh. Iyagoo ku sugan xaaladdaas, ayaa waxay meel fog ka arkeen afar
nin oo kala ah Camr Binu Al-Xadrami, Al-Xakam Binu Kaysaan, Cuthmaan Binu
Cabdillahi iyo walaalkiis oo la oran jiray Al-Muqiira. Nimankan waxay wadeen
ganacsi ay lahaayeen qureysh oo isugu jiray hargo iyo sabiib iyo waxyaabaha ay
qureysh ka ganacsadaan.
Wadatashi ku saabsan xaalad degdeg ah
Markay arrinku halkaas mareyso, ayaa asxaabtii waxay bilaabeen inay tashadaan,
maalintaasna waxay ku beegnayd maalinta ugu danbeysa billaha xurmada leh,
waxayna billahaas xurmada leh kala yihiin Dul-qicdah, Dulxijjah iyo Muxarram oo
wada xiriira, iyo bisha Rajab. Waa billooyin ay carabta weligood xurmeyn jireen,
oo waa xaaraan in dhiig la daadiyo ama in dagaal la qaado billahaas dhexdooda.
Waxay yiraahdeen, haddii aan la dagaalano waxaan la dagaalanay billihii xurmada
lahaa, waxaana ka dhalanaya taas in lagu tagri falo bishan iyo in lagu talo galo
guud ahaan carada carabta. Haddii aan u kaadino ilaa ay ka tagto maalinta waxay
galayaan dhulkii Xaramka, oo markaas way naga badbaadayaan.
Go’aanku waa in la laayo
Natiijadii ka soo baxday wada tashigooda waxay noqotay in lala dagaallamo
nimankaas, waxay haystaan oo hanti ahna la qaniimaysto, sidiina ayeey ku
dhaqaaqeen. Durbadiiba waxay laayeen mid ka mid ahaa afartii nin, labo kalena
way qafaasheen, halka kii afaraadna uu carar ku badbaaday. Cabdullaahi Binu
Jaxsh iyo asxaabtiisiiba waxay soo kaxeysteen labadii nin ee la qafaashay, iyo
hantidoodii, waxayna yimaadeen magaalladii Madiina. ‘
Si daran ayeey u qoomameeyeen
Markay u soo galeen Rasuulka (scw), uuna ogaaday falkii ay sameeyeen aad iyo
aad ayuu uga xumaaday, wuxuuna si ba’an u dhaliilay falkii ay sameeyeen,
isagoo la hadlayana wuxuu ku yiri: “wallaahi ayaan ku dhaartaye idinma farin
dagaal, waxaan idin faray oo keliya inaad is-dul-taagtaan wararka qureysh, iyo
inaad la socotaan dhaqdhaqaaqooda..”. Labadii nin ee la soo qafaashay
arrinkooda dib ayuu u dhigay Rasuulka (scw), sidoo kalena ma eegin hantidii la
soo qafaashay oo waxna kama uusan qaadan. Dhinaca kale, Cabdullaahi Binu Jaxsh
iyo asxaabtii kale ayaa si daran uga qoomameeyay falkoodii ay geysteen, waxayna
si dhab ahaan u yaqiinsadeen inay halaagsameen, khilaafka ay khilaafeen amarkii
Rasuulka (scw) awgeed.
Waxaa dhibaatadoodii dhibaato kale ugu siyaadiyay inay walaalahoodii
muslimiinta ay ku badiyaan canaan fara badan, iyo iyagoo markasta ay xaggooda ka
weji dadbaan., iyagoo ku oronaya: “waxay khilaafeen amarkii Rasuulka (scw)”.
Waxaa sidoo kale dhibaatadoodii dhibaato kale ugu siyaadisay markay ogaadeen
inay qureysh ka heshay dhacdadan mar-marsiiyo ay ku ceebeeyaan Rasuulka (scw)
iyagoo qabiilooyinka kale ku oronaya “Muxammad wuxuu banneystay bishii Xurmada
badnayd, wuxuu bishii xurmada badneyd daadiyay dhiig, hantidiina wuu qaatay,
raggiina wuu qafaashay”.
Cidna ha weydiinin halka uu gaaray tiiraanyada iyo walbahaarka Cabdullaahi
iyo asxaabtiisa ka soo gaaray wixii ka dhacay. Markii ay ku badatay walbahaarka,
imtixaankiina uu ku cuslaaday, ayaa waxaa u yimid kii bishaareenayay, isagoo ku
bishaareenaya inuu Eebbe (sw) ka raalli noqday falkii ay geysteen, arrintaasna
wuxuu Alle ku soo dejiyay aayad qur’aan ah.
Bishaaro ka farxisay dhammaantood
Cidna ha weydiinin siday maalintaas u farxeen, iyagoo dadkiina ay billaabeen
inay u tahniyadaynayaan oo ay u bishaaraynayaan, waxayna markaas aqrinayaan
aayaddii qur’aanka ahayd ee ku soo degtay falkii ay sameeyeen awgeed.
Waxaa Nebiga (scw) lagu soo dejiyay oraahdii Eebbe (sw) ku lahaa:
“Waxay ku weydiinayaan dagaalka bisha xurmaysan, waxaad tiraahdaa dagaalka
dhexdiisa waa weyn yahay, xannibid iyo is hortaag jidka Alle ah iyo in Alle lagu
kufriyo iyo masjidka xurmeysan iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga weyn Eebbe
agtiis, gaaleynta dadka ayaa ka weyn dilka..”. Markay soo degeen aayadahan
sharafta badan waxaa faraxday oo il-qabowsatay naftii Rasuulka (scw), wuxuu
qaatay safarkii oo u qaybiyay muslimiinta, wuxuuna furasho ka qaatay labadii
maxbuus, wuxuuna ka raalli noqday falkii ay sameeyeen Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo
asxaabtiis, maxaa yeelay waxay ahayd duulimaadkooda mid dhacdo weyn ku ah
nolosha muslimiinta, qaniimada laga qabsaday dhacdadaas waxay ahayd qaniimadii
ugu horeysay ee la qabsado islaamka, leyntii duulimaadkaasna wuxuu ahaa gaalkii
ugu horeeyay ee lagu daadiyo dhiigiisa islaamka, maxaabiistii la qabsadayna
waxay ahaayeen maxaabiistii ugu horeeyay ee muslimiinta u soo gacan gala,
calankii duulimaadkaas lagu guntayna wuxuu ahaa calankii ugu horeeyay ee uu
Rasuulka (scw) u dhiibo koox ka mid ah muslimiinta, amiirkeedana wuxuu ahaa
amiirkii ugu horeeyay ee loogu yeero amiiril-mu’miniin, wuxuuna ahaa
Cabdullaahi Binu Jaxsh.
Wixii intaa kadib, waxaa la soo gaaray duulimaadkii Badar, wuxuuna
Cabdullaahi Binu Jaxsh ka muujiyay goobtii dagaalka wacdarro daran. Dabadeedna
waxaa timid duulimaadkii Uxud, waxaana Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Sacad Binu
Abii Waqaas kala soo gudboonaatay dagaalkaas sheeko aanan la hilmaami karin, ee
aynu sheekada u dhaafno Sacad Binu Abii Waqaas, wuxuuna Sacad yiri:-
Tusaale ku saabsan geesinimadii Cabdullaahi
Maalintii dagaalka Uxud waxaan la kulmay Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuu yiri:
“maad Alle baridid?”. Waxaan ku iri haa, waxaana labadeenii isula baxnay
dhinac, waxaana baryay Eebbe (sw) annigoo leh: “Rabbiyow haddaan la kulmo
cadowga waxaad igu soo aaddisaa nin dagaalyahan ah, caradiisa ay aad u daran
tahay, aan la dagaalamo, isna ila dagaalamo, dabadeedna waxaad igu arsuqdaa
inaan ka guuleysto jeer aan ka dilo, hubkiisana aan ka qaato. Cabdullaahi Binu
Jaxsh ducadeyda ayuu aamiin u yiri, dabadeedna waxaa duceystay Cabdullaahi Binu
Jaxsh, wuxuuna yiri “Ilaahayow waxaad igu soo aaddisaa nin caradiisu ay daran
tahay, ahna dagaalyahan, adiga dartaa aan ula dagaalamo, isna ila dagaalama,
dabadeedna i qabta oo iga adkaada, sanka iyo labada dhegoodna iga gooya, oo
markaan berito (maalinta qiyaamo) kula kulmo aad tiraahdo maxaa loo gooyay
sankaaga iyo labadaada dhegood, oo aan iraahdo adiga iyo Rasuulkaaga dartii ayaa
la iiga jaray, oo aad tiraahdo run baad sheegtay.
Cabdullaahi oo ku shahiiday dagaalkii Uxud
Sacad Binu Abi Waqaas wuxuu yiri: “ducada Cabdullaahi Binu Jaxsh waxay
ahayd mid ka kheyr badan ducadeyda, waxaan arkay maalinta gelinkeeda danbe,
isagoo Cabdullaahi la dilay, jirkiisana la googooyay. Waxaan arkay sankiisa iyo
labadii dhegood oo laga soo laa-laadiyay geed. Eebbe (sw) wuxuu aqbalay ducadii
Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuuna ku maamuusay shahaado, sidii uu ugu maamuusayba
shuhaddada sayidkooda oo ah Xamsata Binu Cabdil-Mudhalib. Rasuulka (scw) wuxuu
hal qabri ku wada aasay Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Xamsata Binu Cabdil-Mudhalib,
Ilaahay dhammaantood ha u naxariisto, innagana ha ina qaadsiiyo wadiiqadoodii
toosneyd, aamiin