Sannadkii lixaad ee hijriyada wuxuu Rasuulka (scw) go'aan
ku qaatay inuu ballaariyo dadaalkii uu ugu jiray fidinta dacwada islaamka,
isagoo siddeed dhambaalood oo qoraal ah u kala diray boqorrada carbeed iyo
kuwa cajam-ba, wuxuuna dhambaaladiisa ugu yeeray boqorradaas inay soo galaan
diinta islaamka. Boqorradaas loo diray dhambaaladaas ayaa waxaa ku jiray
Thumaama Binu Uthaal Al-Xanafi. La yaab ma lahan inuu Thumaama ka mid ahaa
madaxda iyo boqorrada carbeed waqtigii jaahiliga ee islaamka kahor. Wuxuu ka
mid ahaa madaxda reer Banii Xaniifa, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa boqorrada
reer Yamaama ee aan amarkooda marnaba la khilaafin.
Wuxuu isku dayay dilka Rasuulka (scw)
Thumaama Binu Uthaal ma uusan aqbalin dhambaalkii uu u soo
diray Rasuulka (scw), isagoo iska dhega-tiray dacwadii xaqa iyo kheyrka
xanbaarsanayd. Taasi waxaa kaba sii darneyd, isagoo sheydaanka uu tusay inuu
isku dayo dilka Rasuulka (scw), iyo si uu wiiqo dacwadii uu Rasuulka (scw)
xanbaarsanaa. Wuxuu Thumaama u kuur-galay sidii uu uga takhallusi lahaa
Rasuulka (scw) hadduusan si kedo ah uga badbaadeen. Eebbe (sw) ayaa Nebigiisa
ka badbaadiyay shartii uu la maagay Thumaama.
Hase ahaatee, Thumaama Binu Uthaal haddii uusan ku
guuleysan dilka Rasuulka (scw), waxaa hubaal ah inuu ku guuleystay jirdilka
iyo dhibaateynta qaar ka mid ah asxaabtii Rasuulka (scw). Wuxuu Thumaama u
tafa xeetay leynta saxaabada jeer uu sabab ugu noqdo inuu laayo qaar ka mid ah
asxaabtaas, dhinaca kale wuxuu banneeyay dilka Rasuulka (scw), isagoo
arrinkaasna ogeysiiyay qabiilkiisa reer Banii Xaniifa.
Safarkiisii Makka
Waqi badan kama soo wareegan, jeer uu maalintii danbe
Thumaama Binu Uthaal go'aansaday inuu u kicitimo Makka, isagoo doonaya inuu
soo cimreysto. Wuxuu Thumaama ka anbabaxay gobolkii Yamaama, isagoo ku sii
jeeda xagga magaallada Makka, wuxuuna naftiisa ugu sheekeenayay inuu ku soo
dawaafi doono hareeraha Kacbada iyo inuu u gowrici doono asnaamtii ku
hareersanayd Kacbada.
Wuxuu gacanta u galay muslimiinta
Goor uu Thumaama ku jiro socdaalkiisa, uuna u dhow yahay
magaallada Madiina ayaa waxaa isagoo aan filanaynin ku soo baxay koox ilaalo
ah. Ilaaladaas oo ka mid ahaa ilaaladii ciidamada muslimiinta waxay watigaas
ku gaaf wareeganayeen degmooyinka ku dhow dhow magaallada Madiina, si ay uga
hortagaan haddii uu cadow magaallada soo galo. Waxay ilaaladii soo
kaxeysteen Thumaama Binu Uthaal, weliba iyagoo aan aqoon u lahayn ninka ay soo
qafaasheen. Markii ay yimaadeen Madiina, waxay Thumaama ku xireen mid ka mid
ah tiirarkii masjidka, dabadeedna waxay la sugeen Rasuulka (scw), bal si uu
go’aan uga gaaro arrinkiisa.
Markii uu yimid Rasuulka (scw) masjidka, uuna damcay inuu
soo galo gudaha masjidka ayaa waxay indhihiisa qabteen Thumaama Binu Uthaal oo
ku xiran mid ka mid ah tiirarka masjidka. Rasuulka (scw) wuxuu weydiiyay
asxaabtiisa “ma taqaanaan ninka aad soo qabateen?”. Asxaabtii waxay
yiraahdeen “maya Rasuulkii Allow”. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri “waa
Thumaama Binu Uthaal ee ahaa reer Banii Xaniifa, ee wanaajiya la dhaqankiisa”.
Intaa kadib, wuxuu Rasuulka (scw) u laabtay reerkiisa, isagoo ku yiri “soo
aruuriya wixii cunto ah ee aad haysaan, waxaadna u geysaan Thumaama Binu
Uthaal”.
Maamuusiddii Rasuulka (scw) ee Thumaama
Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) amray in hashiisa looga
liso Thumaama subixii iyo galabtii, loona geeyo si uu dhamo caanahaas.
Maamuusiddaas iyo wanaaggaas uu Rasuulka (scw) u qaddimayo Thumaama waxay
dhacday kahor intuusan xabiibka Suubbanaha Rasuulka (scw) la kulmin ama uusan
la hadlin Thumaama bin Uthaal. Intaa dabadeed, wuxuu Rasuulka (scw) soo aaday
xaggii Thumaama, isagoo doonaya inuu si tartiib ahaan uu u soo geliyo diinta
islaamka. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Thumaama: “maxaad haysaa Thumaamow?”.
Thumaama wuxuu yiri “waxaan hayaa kheyr Muxammadow.., haddaad dishid waxaad
dishay nin dhiig idinka galay, haddaad gallad sameysid-na waxaad ku
galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddiise aad doonaysid maal, weydiiso
intaad doontid ayaa lagaa siin’e’’. Wuu isaga tagay Rasuulka (scw),
isagoo Thumaama ku xirnaa tiirkiisa labo maalmood, halkaasna loogu geynayo
cuntada iyo cabbitaanka, loogana soo lisayo hashii Rasuulka (scw). Maalintii
danbe ayuu Rasuulka (scw) u yimid Thumaama, wuxuuna markale ku yiri “maxaad
haysaa Thumaamow?”. Thumaama wuxuu yiri, ma hayo waxaan ka ahayn hadalkii
aan horey kuugu iri, haddaad gallad sameysid waxaad ku galladaysatay qof kugu
mahadinaya, haddaad dishid waxaad dishay nin dhiig idinka galay, haddiise aad
daanaysid maal, weydiiso intaad doontid ayaa lagaa siin’e..
Haddana, sidii oo kale ayuu isaga tagay Rasuulka (scw),
jeer uu misna markale u yimid, isagoo ku leh “maxaad haysaa Thumaamow?”.
Wuxuu yiri: “hadalkii hore un baan hayaa.., haddaad gallad sameysid waxaad
ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddaad dishid waxaad dishay qof dhiig
idinka galay, haddiise aad doonaysid maal, weydiiso intaad doontid ayaa lagaa
siin’e”. Intaa ka dib, wuxuu Rasuulka (scw) jaleecay asxaabtiisa, wuxuuna
ku yiri “iska sii daaya Thumaama..”. Asxaabtii waxay xargaha ka fureen
Thumaama, dabadeedna sidii ayeey ku sii daayeen..
Way saameesay wuuna soo islaamay
Thumaama waxaa saameysay dabci wanaaggii iyo naxariistii
Rasuulka (scw). Thumaama Binu Uthaal wuxuu ka dhaqaaqay masjidkii Rasuulka (scw),
wuu sii socday jeer uu ka gaaray meesha loo yaqaano “Nakhl” una dhow
magaallada Madiina, wuxuu yimid meel balli biyood ah, wuxuu ratigiisii ku
xirtay toggii biyaha, dabadeedna biyihii ayuu isku daahiriyay, kadibna wuxuu u
laabtay masjidkii Rasuulka (scw). Maba uusan iman goob ay ka buuxaan koox
muslimiinta ka mid ah, jeer uu goobtii ka qiray shahaadada, wuxuuna yiri
“waxaan qirayaa inuu jiro Allaha xaqa ah, waxan kaloo qirayaa Muxammad inuu
yahay addoonkiii iyo adeegihii Alle (sw)”, dabadeedna wuxuu aaday Rasuulka (scw)
isagoo ku yiri: “Muxammadow, wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin qof saaran
dunida guudkeeda aan adiga kaa necbaa, hase ahaatee hadda wejigaaga wuxuu
noqday wejiyada oo dhan kan aan ugu jeclahay. Wallaahi ayaan ku dhaartaye ma
jirin diin aan ka necbaa diintaada, haddase diintaada waxaan ka jeclahay
diimaha dhammaantood . Wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin magaallo aan ka
necbaa magaalladaada, haddase magaalladaada ayaan ka jeclahay magaalooyinka oo
idil” Dabadeedna wuxuu intaa Thumaama raaciyay “waxaan asxaabtaada ka
galay dhiig oo waxaan asxaabtaada ka laayay rag badan, ee maxaa igu waajibaya
inaan sameeyo?”. Wuxuu yiri Rasuulka (scw) isagoo tilmaamaya samaaxada
diintaan ay leedahay “korkaaga cannaan ma ahaanin Thumaamow, Islaamku wuxuu
jaraa oo tirtiraa wixii denbi ee hore”, wuxuuna ugu bishaareeyay kheyrka iyo
wanaagga uu Eebbe (sw) u qoray islaamnimadiisa awgeed. Waxaa farxad awgeed
fur-furantay wejigii Thumaama Binu Uthaal, wuxuuna ku yiri Rasuulka:
“wallaahi ayaan ku dhaartaye inaan mushrikiinta ka leyn doono labo-laabyo
intii aan ka laayay asxaabtaada, dhinaca kale waxaan naftayda iyo seeftayda
iyo cidda ila socotaba aan yeelayaa gargaarkaaga iyo u gargaarka diintaada”,
wuxuu kaloo intaa ku daray “Rasuulkii Allow fardoollaydaada ayaa dhexda iga
qabsatay annigoo doonaya inaan soo cumreysto, ee maxaad igula talinaysaa inaan
sameeyo?”.
Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Thumaama “u kac gudashada
cumradii aad u socotay, hase ahaatee waa inaad u gudataa sida waafaqsan
shareecadda Alle iyo Rasuulkiisa”, isagoo barayna qaabka loo guto acmaasha
cumrada. Thumaama ayaa u jiheestay magaallada Makka, isagoo doonayaa inuu soo
cumreysto. Wuxuu istaagay bartamaha magaallada Makka, isagoo si sare codkiisa
ugu qaadaya oraahda talbiyadda cumrada, isla markaasna leh
“Labbay-ka-allaahuma Labbay-ka, Labbay-ka Laa Shariika Laka, Innal-Xamda
Wannicmata Laka Wal-Mulk, Laa Shariika Laka..”taasoo macnaheedu yahay
Ilaahayow adiga unbaan ku ajiibay oo ku aqbalay, waan ku ajiibay oo ma lihid
Ilaah lagula wadaajiyo cibaadada, Mahadi iyo Gallad adigaa leh iyo
boqortooyaba, Mana lihid Alle lagula wadaajiyo cibaadada.
Muslimkii ugu horeeyay ee gala Makka isagoo gudanaya
cumrada
Thumaama Binu Uthaal Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu ahaa
muslimkii ugu horeeyay ee gala magaallada Makka, isagoo talbiyeysanaya. Markii
ay qureysh maqleen dhawaaqii Thumaama ayaa waxay hal mar ku soo qamaameen
xaggiisa, iyagoo aad uga careysan falka Thumaama. Waxay la soo baxeen
seefahooda, iyagoo soo aadayna dhinacii ka soo yeerayay dhawaaqii Thumaama, si
ay u qabtaan ninkan ugu soo galay buulkoodii ama goobtii ay degganaayeen.
Codkii Thumaama wuxuu cirka isku sii shareeray markii ay u soo dhowaadeen oo
ay u yimaadeen qureysh, weliba isagoo si geesnimo ku jirto u eegayo xaggooda.
Mid ka mid ah dhalinyaradii qureysh ayaa damcay inuu ku dilo Thumaama
seeftiisa, hase ahaatee tolkiisa ayaa qabtay, iyagoo ku yiri “war miyaadan
aqoonin ninka aad u fa-fakanaysid, waa Thumaama Binu Uthaal ee ahaa boqorkii
Yamaama, wallaahi haddaad u geysatid dhibaato waxaa hubaal ah inuu naga jarayo
sahaydii aynu heli jirnay, dabadeedna gaajo ayeeynu u dhimanaynaa”. Intaa
kadib, qureysh waxay aadeen xaggii Thumaama kadib markay seefahoodii ku
cesheen galalkii ay ku jireen, waxayna ku yiraahdeen “ma waxaad ka baxday
diintaadii iyo diintii ay haysteen aabayaashaadii hore”. Thumaama wuxuu yiri
“kama tegin diintayda, hase ahaatee waxaan raacay diin tan ugu kheyrka badan...,
waxaan raacay diintii Nebi Muxammad”, wuxuuna intaa ku daray “Rabbiga
kacbadan leh ayaan ku dhaaranayaaye inaydan idin soo gaari doonin kadib
markaan ku laabto Yamaama kheyraatka Yamaama ka yimaada jeer uu kiina ugu
danbeeya ka raaco Nebi Muxammad” .
Cunaqbatayntii uu Thumaama ku soo rogay qureysh
Thumaama Binu Uthaal siduu Rasuulka (scw) u amrayba wuxuu
cumreystay iyadoo ay arkayaan qureysh. U dhowaanshaha Alle awgeed ayuu u
gawracay, oo ma uusan u gowracin sanamyadii ku yiilay hareeraha kacbada.
Thumaama wuxuu ku soo laabtay magaalladiisa, wuxuuna tolkiisa amray in sahayda
ay ka joojiyaan qureysh, sidiina ayeeyna ugu hoggaansameen amarkiisa, oo
Thumaama wuxuu cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogay qureyshtii degganayd Makka.
Qureysh waxay u adkeysan waayeen cunaqabatayntii uu ku soo rogay Thumaama Binu
Uthaal, waxayna cunaqabatayntii u keentay sicir-barar, iyo iyadoo gaajadii iyo
abaartii ay ku faaftay dadkii degganaa Makka iyo nawaaxigeeda, jeer ay u
cabsadeen naftooda iyo caruurtooda inay u dhintaan gaajo awgeed.
Waxay u dacwoodeen Rasuulka (scw)
Markay arrintu halkaas mareyso, waxay gaalladii qureysh u
cawdeen oo u qoreen Rasuulka (scw), iyagoo ku leh “waxaan kaaga baranay
inaad xiriirisid qaraabada, dadkana aad ku boorrisid xiriirka qaraabada.., waa
kan oo waxaad goysay qaraabadeena, waxaad waalidiintii ku laysay seefaha,
caruurtiina waxaad ku laysay gaajo. Thumaama Binu Uthaal wuxuu naga gooyay
sahaydeenii, oo wuu na dhibaateeyay, haddii aad u qoraysid qoraal aad ugu
sheegaysid inuu noo soo celiyo sahaydii aan heli jirnay fadlan samee”.
Rasuulka (scw) wuxuu warqad u diray Thumaama, isagoo farayna inuu ka qaado
cunaqabatayntii uu ku soo rogay qureysh, sidiina ayuu Thumaama u fuliyay
amarkii Rasuulka (scw).
Intaa wixii ka danbeeyay, Thumaama Binu Uthaal intuu noolaa
oo dhan wuxuu ahaa kii u hoggaansama diinta, aadna u ilaaliya oo fuliya
ballamihii Nebiga (scw). Markii uu Rasuulka (scw) la kulmay Allihii sarreeyay,
uuna geeriyooday, markaasna ay carabtii billaabeen inay isaga laabtaan diinta
iyagoo koox-koox ah, ayaa istaagay Musaylamata Al-kadaab kana dhashay qabiilka
reer Banii Xaniifa isagoo dadka ugu yeeray inay isaga rumeeyaan. Haddaba,
waxaa istaagay Thumaama Binu Uthaal, isagoo tolkiisa u digaya kuna oranaya
“reer Banii Xaniifow waxaan idiinkaga digayaa arrinkan mugdiga leh ee aan
lahayn iftiinka. Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxay ayaan-darro haysataa qofkii
rumeeya Musaylamata, dhinaca kale waa imtixaan lagu eegayo qofkii aan isaga
rumeyn”, wuxuu kaloo Thumaama tolkiisa ku yiri “Reer Banii Xaniifow waxaa
hubaal ah inayan labi nebi wada kulmi karin hal waqti, Nebi Muxammad waa
Rasuulkii Alle mana ka danbeeyo gadaashiis Nebi kale, mana jiraan nebi lala
wadaajiyo isaga nebinimada, dabadeedna wuxuu aqriyay billoowga suuradda
Qhaafir ee uu Eebbe (sw) ku leeyahay:
“Xaamiim (oo ka mid ah ereyada mucjisooyinka ku tusinaya,
Alle ayaa og macnaha loola jeedo), soo dejinta kitaabka waxay ka ahaatay
Allaha casiiska ah ee og wax walba. Waa Allaha dhaafa denbiga, aqbalana
towbadda ayna ciqaabtiisu daran tahay ee leh nimcada badan Ilaah kale aan
isaga ahayn ma jiro, xaggiisana ayaa loo noqon.”. Isagoo Thumaama is
barbardhigayo hadalkaas Eebbe (sw) leeyahay, iyo hadalka ninka sheeganayo in
isna lagu soo dejiyay aayado qur’aan ah. Thumaama wuxuu yiri ma
hadalkii Eebbe (sw) ayaa lala barbardhigi karaa hadalka Musaylamata uu ku
leeyahay “ rahow iska ciy, cabbitaana ma diidi kartid, biyahana ma wasakhayn
kartid”. Intaa kadib wuxuu Thumaama gooni ula baxay intii diinta islaamka ku
hartay, ee ka mid ahaa tolkiisa. Way tageen iyagoo si jidka Alle ula
dagaalamaya dadkii ka riddoobay diinta, iyagoo sidaas u sameenayayna si
kalimadda Alle ay u kor ugu noqoto dunida.
Ilaah ha kaga abaaliyo Thumaama Binu Uthaal islaamka iyo muslimiinta kheyr,
hana ku maamuuso Jannadii uu Eebbe (sw) u yaboohay kuwa Alle ka cabsada,
intaana waxaa ku dhammaatay sheekadii Allaha u naxariistee Thumaama Binu
Uthaal.