Inta
aadan akhrin saxaabigan, tijaabi aqoonta aad u leedahay GUJI.HALKAN
Wuxuu lahaa weji furan oo qurxoon, joog iyo jamaal loo dhammeystiray. Ma
uusan lahayn hilib sidaa u sii weyn, dherer iyo fudeyd xagga jirka ah ayaa
intaas u sii dheereed. Way ku il-qabowsanaysay isha eegaysa xaggiisa, wehel iyo
xasilooni ayuu ka helayay qofka agtiisa jooga.
Dhinaca kale, waxaa kaloo intaas u sii dheereed, isagoo ku tilmaanaa
jilicsanaan uu u hayo walaalihiisa islaamka iyo xishood daran. Hase ahaatee,
hadduu arrinku dhinaca kale isu beddelo wuxuu noqonayay qof la tamaasha duruufta
markaas uu ku jiro. Saxaabiga aan sidaas u tilmaanay waa saxaabigii lagu
ammaanay dhowrista ammaanada, loona bixiyay amiinka Ummadda Nebi Muxammad (scw),
waa saxaabigii isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay inuu geli doono Jannada,
waa saxaabiga lagu magacaabo Caamir Binu Cabdillaahi Binu Al-Jarraax, Ilaah ha ka
raalli noqdee, kana dhashay qureysh, kunyadiisuna ay tahay Abuu Cubeyda.
Muxuu Cabdullaahi Binu Cumar ka yiri Abuu Cubeyda
Abu Cubeyda wuxuu kamid ahaa
dadkii ugu horreeyey ee soo Islaamay
Cabdullaahi Binu Cumar Ilaah ha raalli noqdee ayaa isagoo sifeenaya oo
tilmaamaya Abuu Cubeyda wuxuu yiri “saddex qof oo ka soo jeeda qabiilka
qureysh waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban xagga akhlaaqda, xagga xishoodkana
ugu sugnaan badan, haddey kuu sheekeeyaan lagama yaabo inay been kuu sheegaan,
haddaad u sheekeesana kuma beensadaan, waxayna kala yihiin Abuubakar Assiddiiq,
Cusmaan Binu Caffaan iyo Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax”.
Wuxuu Abuu Cubeyda Allaha ka raalli noqdee ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee
soo gala diinta islaamka. Maalintii labaad ee uu Abuubakar soo islaamay ayuu
Abuu Cubeyda isna soo islaamay, waxaana inuu soo islaamo sabab u ahaa isla
Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee. Abuubakar wuxuu Abuu Cubeyda,
Cabdiraxmaan Binu Cawf, Cusmaan Binu Madcuun iyo Al-Arqam Binu Al-Arqam u soo
waday Rasuulka (scw), sidiina ayeeyna shahaadada towxiidka ugu hor qireen
Rasuulka (scw), waxayna maalintaas wixii ka danbeeyay noqdeen saldhigyadii ugu
horeeyay ee lagu taagay diintii islaamka ee sarreesay.
Imtixaanadii la mariyay Abuu Cubeyda
Allaha ka raalli noqdee wuxuu Abuu Cubeyda billowgii diinta islaamka la
kulmay tijaabooyinkii cuslaa ee qaraaraa, isagoo jooga magaallada Makka, wuxuuna
imtixaankaas ku jiray laga soo billaabo biloowgeeda ilaa dhammaadka. Wuxuu Abuu
Cubeyda la qaybsaday dhibaatooyinkii waaweynaa ee soo gaaray muslimiinta, isagoo
muujiyayna sugnaansho iyo adeysi weyn, wuxuuna si dhab ahaan u rumeeyay Eebbe (sw)
iyo Rasuulkiisa (scw) mowqif kasta.
Hase ahaatee, imtixaanadii iyo tijaabooyinkii la mariyay Abuu Cubeyda
maalintii dagaalka Badr wuxuu dhaafay dhammaan dadka wax xisaabiya
xisaabtankooda, sidoo kale wuxuu dhaafay dadka wax mala-awaala mala-awaalkooda.
Wuxuu Abuu Cubeyda maalintii Badr dhex jeexay safafkii gaallada sida qof aan ka
cabsi qabin geeri ama dhimmasho, jeer ay ka cabsadeen gaalladii. Waxaa xaggiisa
soo aadi waayay fardoollaydii dagaalyahaniinta ahaa, iyagoo markasta ka fogaada
dhinaca uu ka dagaalamayay Abuu Cubeyda. Hase ahaatee, waxaa jiray nin isagu u
soo banbaxay dhinacii Abuu Cubeyda, isagoo meeshuu aado-ba daba-gala. Wuxuu Abuu
Cubeyda ahaa kii ka fogaada waddadii uu ka imaanayay ninkaas, isagoo ka
fogaanaya la kulankiisa iyo inuu ku soo aado dagaalka. Weerarkii uu waday ninkii
ayaa sii ballaartay, Abuu Cubeyda dhinaciisana wuxuu badiyay fogaanshaha, jeer
markii danbe Abuu Cubeyda laga soo xiray dhammaan waddooyinkii uu mari lahaa,
isagoo ka hor istaagayna la dagaalankii cadoowgii Alle.
Ficilkiisa awgeed waxaa ku soo degtay aayad qur'aan
Dhab ahaantii Abuu Cubeydah ma
uusan dilin aabihiis, balse wuxuu dilay shirkigii iyo kufrigii ku dhex jiray
aabihiis.
Markii uu Abuu Cubeyda u adkeysan waayay arrintaas, ayaa wuxuu seeftiisa kula
beegsaday ninkii xaggiisa soo aadayay weliba dhufasho daran oo laba ka-kala
dhigtay madaxiisa, sidiina ayuu ninkii dhulka ugu dhacay isagoo dangiigan oo
weliba dhintay. Haddaba, akhristoow ha isku sii wareerin inaad ogaatid qofkaas
dhintay kuu yahay. Soow horey umaanan oran, tijaabooyinkii qallafsanaa ee uu soo
maray Abuu Cubeyda awgeed wuxuu dhaafay kuwii wax xisaabinayay xisaabtankooda,
sidoo kale kuwa wax mala-awaala mala-awaalkooda. Waxaa dhici karta akhristow
inaad aad ula yaabtid haddaad ogaatid in ninka la dilay uu yahay Cabdullaahi
Binu Al-Jarraax oo ahaa Abuu Cubeyda aabihiis. Dhab ahaantii Abuu Cubeydah ma
uusan dilin aabihiis, balse wuxuu dilay shirkigii iyo kufrigii ku dhex jiray
aabihiis. Waxaa Abuu Cubeyda isaga sababtiis iyo arrinka aabihiis dartii ku soo
degtay aayad qur’aan ah, waa aayadda ugu danbeysa ee ku jirta suuradda Al-Mujaaddala.
Wuxuu Alle (sw) ku yiri aayaddaas: “Ma helaysid qolo rumeenaysa Alle iyo
maalinta aakhiro, kuwaasoo jecel cid Alle iyo Rasuulkiisa khilaafay, haba
noqdeen kuwaas aabayaashooda, ubadkooda, walaalahood ama qabiilkoodaba, kuwaas (aanan
jeclayn kuwa khilaafay Ilaahay iyo Rasuulkiisa) wuxuu Alle laabtooda ku qoray
iimaanka, wuxuuna ku xoojiyay ruux xaggiisa ka ahaatay, wuxuuna gelinayaa
Jannooyin durreereysa xaggeeda hoose webiyaal iyagoo ku waarayana jannada
dhexdeeda, Ilaah wuu ka raalli noqday iyaga, iyaguna way ka raalli noqdeen,
kuwaas waa xisbiga Alle, xisbiga Alle-na waa kuwa guuleystay/liibaanay”.
[Dhegeyso
Ayadda 22 ee Al-Mujaadalah]
Waa amiin isla markaana ku adag diintiisa
“waxaa la tagay
sifadii aan rabay Abuu Cubeyda”.
Inuu Abuu Cubeyda dilo aabihiis ayaanan ahayn wax sidaas loola yaabo, maxaa
yeelay waxay awoodda rumeyntiisa Eebbe (sw) gaartay, iyo taageerada uu ku
bixinayo diintiisa iyo weliba amaanadiisa ee ummadda Nebi Muxammad meel ay u
hanqal-taagto nafaf fara badan marka laga eego Eebbe (sw) agtiisa. Waxaa
sheekeeyay Muxammad Binu Jacfar, wuxuuna yiri: “waxaa Rasuulka (scw) u soo
wafdiyay wafdi koox kirishtaan ah, waxay ku yiraahdeen: Yaa Abal-qaasim (mid ka
mid ah kunyada Nebiga s.c.w ee aan habboonayn inuu qof kale ku kunyoodo ama la
baxo) waxaad noo soo dirtaa nin ka mid ah asxaabtaada oo aad raalli nooga tahay,
si uu noo kala garsooro dhexdeena arrimo la xiriira hanti aan isku qabanay
awgeed, haddaad tihiin jamaacada muslimiintana waxaad tihiin kuwo aan xaggeena
laga raalli yahay”. Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri “ii imaada galabta, waxaan
idinku darayaa nin qawi ah ahna amiin”. Cumar Binu Khadiib ayaa markuu maqlay
hadalkaas wuxuu yiri: waxaan waqti horey sii aaday salaaddii duhurka, mana
jeclaanin madaxtinimo maalintaas aan ka ahayn jaceylka aan u qabay inaan noqdo
ninka leh tilmaantaas iyo sifadaas uu sheegay Nebiga (scw). Markii uu na tujiyay
Rasuulka (scw) salaaddii duhurka, wuxuu billaabay inuu eeg-eego xagga midigtiisa
iyo bidixdiisa, annigana waxaan billaabay inaan kor ahaan u qooraansado, bal si
uu ii arko Rasuulka (scw), sidii ayuu u eeg-eegayay Rasuulka (scw) asxaabta
dhexdooda jeer uu markii danbe ka arkay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax, kadibna
wuu u yeeray, wuxuuna ku yiri: “waxaad raacdaa iyaga oo si xaq ah u kala xukmi
dhexdooda waxay isku khilaafeen”. Waxaan naftayda ku iri “waxaa la tagay
sifadii aan rabay Abuu Cubeyda”.
Sifooyin wanaagsan ayuu kulansaday
Abuu Cubeyda wuxuu
raggii la socday siinayay maalin kasta mid kasta oo saxaabada ka mid ah xabbad
timir ah.
Haddaba, Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax ma ahayn oo keliya amiin, balse wuxuu
amaanada ku darsaday quwad iyo ku adkeysi daran dhinaca diinta, taasina waxaan
ku arki karnaa wax ka badan hal jeer. Mar waxay ahayd markii uu Rasuulka (scw)
diray koox ka mid asxaabta si ay uga hortagaan safar ay lahayd qureysh, wuxuuna
Rasuulka (scw) kooxdaasi amiir ama madax uga dhigay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax
Allaha ka raalli noqdee, wuxuuna sahay ahaan u sii siiyay oli (maqaarka neefka
ariga, wax baana lagu radin jiray waagii hore) ay ku jiraan timir, maxaa yeelay
ma uusan u awoodin waxaan ka ahayn intaas. Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax wuxuu
raggii la socday siinayay maalin kasta mid kasta oo saxaabada ka mid ah xabbad
timir ah, markaasuu qof weliba muudsanayay xabbaddii timirta ahayd, sida uu
cunuga yariba uu u nuugo naaska hooyadii. Sidaas ayuu qof kasta sameenayay
maalin kasta, isagoo xabbadaas timirta ku cabbi jiray biyo, wayna ku filnaan
jirtay maalintoodaas, iyadoo aan sidaas ka fahmi karno halka ay gaarsiisan tahay
rafaadka iyo dhibaatada ka soo gaaray dagaalkaas, xittaa waxaa kaloo la sheegaa
inay xittaa saxaabadii markii danbe ay dani ku qasbtay inay cunaan caleemaha
geedaha, gaajo awgeed.
Markii la soo gaaray dagaalkii maalintii Uxud, markii la jebiyay ciidamadii
muslimiinta, mushrikiintiina ay billaabeen inay dhawaaqaan iyagoo leh “na
tusiya Muxammad.., na tusiya Muxammad”. Waqtigaas iyada ah, wuxuu Abuu Cubeyda
Binu Al-Jarraax Ilaah ha ka raalli noqdee ka mid ahaa tobankii isku soo gadaamay
Rasuulka (scw) si ay uga difaacaan warmihii ay soo tuurayeen mushrikiinta.
Markii ay dhammaatay dagaalkii Uxud, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa kii la jabiyay
dhooshiisa, sidoo kale waxaa la dakhray dhafoorkiisa, koorarkiisana waxaa ka
gashay labo birood oo ka mid ah miqhfarkii (koofiyadaha madaxa iyo wejiga qariya
ee dagaalka waqtigaas la gashan jiray). Waa dhaawac halis ah lehna xanuun badan.
Waxaa xaggii Rasuulka (scw) soo aaday Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli
noqdee, isagoo doonaya inuu ka soo siibo birihii Rasuulka ka galay kulleetagiisa..
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax ayaa ku yiri Abuubakar “Ilaah ayaan kugu
dhaarinayaaye inaad ii dhaafto ka soo bixinta anniga”, sidiina ayuu abuubakar
ugu dhaafay.
Abuu Cubeyda wuxuu ka cabsaday haddii uu ku soo siibo birihii gacantiisa,
inuu xanuujiyo Suubbanaha Rasuulka (scw), sidaa darteed wuxuu birihii ugu
horeeyay midkood ku qaniinay foolashiisii afarta ahaa weliba qaniinyo iyo
qabasho daran oo sugan, sidiina ayuu birtii ku soo siibay, inkastoo ay dhacday
foolkiisii hoose. Haddana markale ayuu foolkiisii kale ee hoose ku qaniinay
birtii kale, kadibna wuu soo siibay, waxaa misna soo dhacday foolkii kale ee
hoose. Abuubakar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri “wuxuu Abuu Cubeyda
ahaa afloowihii ugu fiicnaa dadka”, maxaa yeelay waxay ka dhaceen isagoo ka
siibaya biirihii ku jiray Rasuulka (scw).
Dhammaan dagaalladii jihaadka oo idil wuu ka qayb galay
Abuu Cubeyda wuxuu ku yiri Cumar Binu
Khadaab “ma ihi ruux ka hormaraya nin uu amray Rasuulka (scw) inuu salaadda na
tujiyo jeer uu Nebiga ka dhintay”.
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax wuxuu kala qayb galay Rasuulka (scw) dhammaad
dagaalladii dhacay laga soo billaabo maalintii uu soo islaamay ilaa uu ka
geeriyooday, waana sharaf aad u weyn oo uu dheer yahay qaar ka mid ah asxaabta.
Maalintii loogu magac daray “SAQIIFA” ee ahayd maalintii madaxtinimada ama
khilaafada loo dooranayay Abuubakar wuxuu Cumar Binu Khadaab Ilaah ka raalli
noqdee ku yiri Abuu Cubeyda “fidi gacantaada si aan kuu doorto, maxaa yeelay
waxaan maqlay Rasuulka (scw) oo leh Ummad kasta waxay leedahay amiin, adigana
waxaad tahay ummaddan amiinkeeda”. Abuu Cubeyda wuxuu ku yiri Cumar Binu
Khadaab “ma ihi ruux ka hormaraya nin uu amray Rasuulka (scw) inuu salaadda na
tujiyo jeer uu Nebiga ka dhintay”.
Intaa kadib waxaa baycada lala galay oo la doortay Abuubakar Assiddiiq. Abuu
cubeyda wuxuu Abuubakar u ahaa mid ku taageera kheyrka iyo xaqa. Sidaas ayeeynan
agtooda qiimo ugu lahayn madaxtinimada iyo xukunka dadkii suubbanaa ee salafka,
halka aan maanta qaar ka mid ah muslimiinta ay waxay awoodaan oo idil ugu hagar
baxayaan sidii ay u heli lahaayeen kursi, ama ay u noqon lahaayeen madaxweyne
iwm. Maamulladii khilaafada Abuubakar iyo Cumar wuxuu Abuu Cubeyda siiyay
aqbalaadda iyo daacada, isagoo aan haba yaraatee aan ku caasin ama garab marin
amarkooda marka laga reebo hal jeer. Haddaba, maxay ahayd halkaas jeer ee uu
Abuu Cubeyda uusan aqbalin taladii uu u soo jeediyay khaliifka ama amiirka
muslimiinta.
Waxay dhacday, markii uu Abuu Cubeyda Binu al-Jarraax ku sugnaa carriga Shaam,
isagoo markaas ku hoggaaminayay ciidanka muslimiinta guul daba socota guul kale
jeer uu gacantiisa uu Eebbe (scw) ku furo dhammaan magaalooyinka Shaam, isagoo
gaaray xagga webiga barri ee Furaat (Ciraaq), sida kale xagga aasiyada yar-na
waqooyigeeda (Turkiya).
Markay halkaas mareyso, waxaa gobolka Shaam si lama filaan ah ka dillaacay
cudurka halista ah ee daacuunka, cudurkan oo aynan horey ugu arag dadka.
Cudurkii wuxuu si ba'an u shafay oo u laayay dadkii degganaa magaalooyinkaas.
Cumar Binu Khadaab ayaa markuu maqlay inuu cudurka daacuunka ka dillaacay
gobolka Shaam, ayna ku sugnaayeen ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Abuu Cubeyda u diray dhambaal uu ku leeyahay Abuu
Cubeyda "waxaan kaaga soo baahday dan aan adiga kaaga maarmi waayay, ee
haddii uu ku soo gaaro dhambaalkaygan xilli habeen ah waxaan kugu adkeenayaa
inuusan waaberiga kuu baryin jeer aad xaggeyga uga soo safartid. Sidoo kale,
haddii aad heshid dhambaalakayga maalin dharaar ah, waxaan kugu adkeenayaa
inaadan galabeysan jeer aad xaggeyga uga soo safartid.
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax markii uu arkay dhambaalkii Cumar, wuxuu yiri
"waan ogaaday danta uu iga doonayo amiiral-mu'miniinka, wuxuu doonayaa inuu
baaqi yeelo qof aan dunidan ku baaqi noqonaynin, dabadeedna wuxuu u diray
qoraalkan uu ku leeyahay "amiiral mu'miniinow waan gartay dantii aad iga
lahayd, anniguna waxaan ku dhex suganahay ciidanka muslimiinta, mana doonayo
inaan naftayda ka badbaadiyo waxa soo gaaraayo ciidanka muslimiinta, oo dooni
maayo inaan ka dhex baxo ciidanka jeer uu Eebbe (sw) ka xukumo arrinkayga iyo
kan muslimiinta. Sidaa darteed hadduu ku soo gaaro qoraalkayga waxaan kaa
codsanayaa inaad dhaartaadii aad iga xalaalaysid, isla markaana aad ii fasaxdid
inaan la joogo ciidamada".
Cudurkii daacuunka ayuu u dhintay
Markii uu aqriyay Cumar Binu Khadaab dhambaalkii Abuu Cubeyda waxaa ka soo
daadatay ilmo, isagoo ooyayna, asxaabtii ayaa iyagoo la yaabban waxa ka oohiyay
amiiral-mu'miniinka Cumar weydiiyay su'aal, waxayna ku yiraahdeen "amiiral-mu'miniinow
ma waxaa dhintay Abuu Cubeyda?". Cumar ayaa ku yiri "maya, hase
ahaatee geeridii ayuu u dhow yahay". Dhab ahaantii malahaas Cumar way dhab
noqotay, oo wax yar kadib waxaa Abuu Cubeyda ku dhacay cudurkii halista ahaa ee
daacuunka, sidiina ayuu u dhintay Abuu Cubeyda Allaha u naxariistee.
"waxaan idiin dardaarmayaa dardaaran, oo haddii aad qaadataan aydan ka
suulaynin abadkiin kheyr. Waxaad oogtaan salaadda, soomana bisha Ramadaan,
saddaqadana la baxa (zakada), gutana acmaasha xajka iyo cumrada, u nasteexeeya
madaxdiina, oo ha khiyaamina, yeynana idin mashquulin adduunyo, qofku haddii kun
sanno oo cumri ah la siiyo, waxaa hubaal ah inuu aakhirka ku sugnaan doono halka
aan hadda ku suganahay, wassalaamu caleykum waraxmatullaahi" .
Abu-Cubeyda
oo saarnaa sariirta sakaraadka
Dardaarankii Abuu Cubeyda
Intii uu Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax saarnaa sariirta sakaraadka wuxuu u
dardaarmay ciidankii muslimiinta ee uu isaga hoggaaminayay, wuxuuna ku yiri
"waxaan idiin dardaarmayaa dardaaran, oo haddii aad qaadataan aydan ka
suulaynin abadkiin kheyr. Waxaad oogtaan salaadda, soomana bisha Ramadaan,
saddaqadana la baxa (zakada), gutana acmaasha xajka iyo cumrada, u nasteexeeya
madaxdiina, oo ha khiyaamina, yeynana idin mashquulin adduunyo, qofku haddii kun
sanno oo cumri ah la siiyo, waxaa hubaal ah inuu aakhirka ku sugnaan doono halka
aan hadda ku suganahay, wassalaamu caleykum waraxmatullaahi". Dardaarankaas
kadib, wuxuu Abuu Cubeyda jaleecay oo milicsaday saxaabigii jaliilka ahaa ee
Mucaad Binu Jabal, wuxuuna ku yiri "Mucaadow tuji dadka". Kamaba soo
wareegan intaas waxyar jeer ay ruuxdii daahirka ahayd ee Abuu Cubeyda ay u kor
noqoto Allihii sarreeyay, sidaasna ayuu ku dhintay.
Mucaad Binu Jabal ayaa istaagay, isagoo wacdinaya dadka, wuxuuna ku yiri
"dadyahow waxaa idinka baxay nin -wallaahi ayaan ku dhaartaye- garan maayo
qof ka laab-xaaran, ugana fogaansho badan sharta, kana jecel cirirbta danbe ee
aakhiro, uguna roon dadka Abuu Cubeyda, ee Alle u weydiiyo naxariis, Allaha
idiin naxariistee. Waxaana intaas ku dhammaatay sheekadii saxaabigii jaliilka
ahaa ee Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax.