SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad

 

[Best Players of 20th Century]

 

WAXAA ISU SOO DUBARIDEY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

FAAQIDAADA CIYAARADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: July 15, 2004



MAXAAD KA TAQAAN WAAYIHII ISBOORTI EE XIDIGGII UGU WANAAGSANAA QAARADDA AFRIKA QARNIGII 20-AAD?

Qaybtii 15-aad:

Iyadoo si taxane ah aan boggeennan ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad aan idinkugu soo gudbineynay qaar ka tirsanaa ciyaartoydii ugu caansanayd dunida ayaa maanta waxaan ku soo qaadan doonnaa xidiggii Madowga ahaa ee Reer Cameroon Roger Milla.

Milla waxa uu dhashay 20-kii May 1952-kii, waxa uuna ku dhashay caasimadda waddanka Cameroon ee Yaounde, waxaana xulkiisa Qaranka Cameroon u ciyaaray sanado fara badan, isagoo la soo qaatay xilli ciyaareedyo aysan weligood hilmaami doonin dhammaan Shacabka Reer Cameroon iyo Qaaradda Afrika.

Milla waxa uu taariikh u dhigay dhammaan ciyaartoydii Qarnigii 20-aad ka ciyaarayay Koobkii Adduunka, kaddib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu da'da weynaa ee ka ciyaara Koob Adduun, waxaana waqtigaasi ay da'diisu caga-cageyneysay 42-sanadood, waxaana xulkiisa uu u ciyaarayay intii u dhexeysay 1972-1994, isagoo u saftay saddex Koob Adduun ee kala ahaa (1986-kii, 1990-kii iyo 1994-kii), hase yeeshee wacdarihiisii ugu ba'naa waxa uu ka dhigay Koobkii Adduunka ee 1990-kii, kaddib markii ciyaartii ugu horreysay lagu furay xulalka Cameroon iyo Argentina kana dhacday garoonka San Serio Stadium uu 1-0, xulkiisu ku quusiyey xulkii uu hor kacayay Mucjisadii kubadda Cagta Adduunka Diego Armanda Maradona, iyadoo goolka uu xulka Qaranka Cameroon ku guuleystay uu daqiiqaddii 67-aad u dhaliyey ciyaaryahan Omam Biyik.

Milla waxa uu ku caanbaxay ku dabaal-degidda marka uu gool dhaliyo dhinaca Koornada laga soo laado, isagoo isla markaana ciyaar aad u qurxoon ku ciyaari jirey halka line-ka Koornada.

Milla waxa uu xulkiisa Cameroon u suurto-geliyey in ay noqdaan xulkii ugu horreeyey ee African ah ee soo gaara wareegga 8-da ee Koob Adduun, kaddib markii ay quusiyeen xulka Colombia. "Haddii uusan naga eexan lahayn garsoorihii ciyaartii annaga iyo Ingiriiska (1990) ee labada rigoore uu u dhigay xulka Ingiriiska ay inooga adkaadeen (3-2), waxaan hubaa in aan xulkeyga soo gaarsiin lahaa Final-kii Koobkii Adduunka" ayuu yiri Milla, waxaana isla markaa uu muteystay in in la guddoonsiiyo markiisii 2-aad abaalmarinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa Qaaradda Africa (African footballer of the year award), sidoo kale Milla intii uu ku guda jirey ciyaarihiisa kubadda Cagta waxa uu u saftay kooxaha kala ah Leopard Douala Tonnerre, Yaounde oo ka wada dhisan Cameroon iyo Valenciennes (Fr) Monaco (Fr) Bastia (Fr), Saint Etienne (Fr) iyo Montpellier (Fr).

Markii ciyaaryahan Roger Milla laga saaray xulkii Qaranka Cameroon kaddib Koobkii Adduunka ee 1990-kii lagu qabtay waddanka Talyaaniga ayaa qaylo dhaan deg-deg ah waxa ay ka soo yeertay madaxweynaha waddanka Cameroon Paul Biya, taas oo keentay in la qaato codsigii Madaxweyne Biya, waxaana uu ka qayb galay Koobkii Adduunka ee 1994-kii lagu qabtay waddanka Mareykanka, kaasoo uu ku guuleystay xulka Qaranka Brazil, kaddib markii 3-2 rigooreyaal afka ciidda ugu daray xulkii Italia.

"Waxaa gacan weyn iga siiyey in mar kale aan xulka dib ugu soo laabto Theophile Abega (Xiddig hore oo ay ka wada tirsanaayeen xulka)" ayuu yiri ciyaaryahan Roger Mila, waxaana Miller uu mar ku dhawaaqay in uu ka fariisanayo ciyaaraha xulka kubadda Cagta Cameroon sanadkii 1988-kii, hase yeeshee taa waxaa ku gacan seyray qaar ka tirsan saaxiibadiis oo ay horey uga wada tirsanaayeen xulka Cameroon iyo weliba xiriirrada kala duwan ee dalka Cameroon, taa oo keentay in uu xulkiisa markii labaad u horseeday Koobkii Qarammada Afrika.

16-kii May 2003 ayaa Mutxaf ku yaalla magaallada Yaounde ee dalka Cameroon lagu soo bandhigay sawirro laga qaaday Roger Milla intii u dhexeysay 1981-2003 oo gaarayay ku dhowaad 50-sawir, kuwaasoo lagu macneeyey in la tusi doono ciyaartoyda da'da yar ee xulka Qaranka Cameroon, sidoo kale sawirradaasi laga qaaday ciyaaryahan Roger Milla copy-goodii ayaa iyana lagu iibiyey lacag loogu tabara-rucay dadka tabaaleysan ee Qaaradda Afrika. Ugu dambeyntii Roger Milla oo loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Qaaradda Afrika qarnigii 20-aad, isagoo goolkiisii ugu dambeeyey ee uu u dhaliyo xulkiisa Qaranka Cameroon uu ka dhaliyey xulka Russia kulan ka tirsanaa koobka Adduunka ee 1994-kii, taasoo xulka Cameroon loogu awood sheegtay 6-1, waxaana wareysigiisii ugu dambeeyey ee uu bixiyey uu ku sheegay in ciyaaryahan Eto'o uu la soo if baxay saan-saan ciyaareed oo aad u wanaagsan, waxaana uu u rajeeyey in uu heer sare gaarsiiyo Cameroon.

 waayihii Isboorti ee ciyaaryahanka ugu dambeeya ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad Michel Platini

W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr. Blue).
E-mail: farahblue_545@hotmail.com 

 

 


 

Faafin: SomaliTalk.com |

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD