SomaliTalk
Home | CD | CHAT | COPYRIGHT | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
CILMI-BAARISTA - SUNTA-SOOMAALIYA

 

XAQIIQADA IYO XOGTA QASHINKA IYO SUNTA LOO DHOOFIYO SOOMAALIYA

Bashir Sh. Mohamed (PhD)
shakiib@hotmail.com
Updated: December 10, 2000

Bogga:  Hordhac | 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad |

Qaybta 5aad

2. MASHRUUCII JASIIRADDII CUSBADA
( Il Progetto dell'Isola di Sale)

Bartamihii sanadihii siddeetameeyada ayaa Faransiiska iyo Maraykanaku ka shaqeeyeen mashruuca loogu magac daray "Jasiiraddii Cusbada". Ujeeddada laga lahaa mashruucan baa ahayd in la qorsheeyo raadinta iyo helidda, marka hore, meelo lagu kaydiyo sunta iyo qashinka haraaga Nuclear-ka ee ka timaadda warshadaha waddamadaas iyo kuwa kalaba2. Wajiga labaad oo mashruucani wuxuu ahaa in, marka goobahaas la helo, la karantiilo oo laga go'doomiyo degaanka ku xeeran bad iyo berriba deednna aad loo ilaaliyo haddii loo baahdana la difaaco xitaa militari ahaan.


2 Qashinka suntaa ayaa guud ahaan waxaa loo qaybin karaa laba qaybood oo kala ah: Qayb kala-hufid iyo nadiifin dheer oodhib badan kaddib degaanka dabiiciga ahi dib u qaadan karo (recycled) iyo qaybta labaad oo ah mid aan lala hormari karin dariiqadaha kala duwan ee hoos loogu dhigo heerka iyo awoodda suntaas (physco-chemical and biological treatments) oo markaas xalka kaliya oo bannan uu yahay in si laga-taxadaray loo xifdiyo. Sunta haraaga nukliyeerka ayaa qaybtan soo hoos-galaya.

Famiglia Cristiana (FC) oo ah joornaal toddobaadle ah oo si gaar ah arrimahan muhimmad u siiya ayaa wuxuu ka soo xigtay dad muhiima oo la xiriira degaanada sirdoonka reer galbeedka oo aan doonayan in la magacaabo in aakhirtu Maraykanka iyo Faransiisku ay ogolaadeen taabbagalka mashruuca oo ay siiyeen "green light" si loo hirgaliyo kaddib markuu ku gudbay "feasibility exams-kii".

Su'aashu waxay tahay, haddaba, maxaa magacan logu doortay? JASIIRADDA CUSBADA oo loogu magacdarayse waa tuma? Xaggeese ku taal jasiiraddaasu? Inkasta oo magaca ay soo hoosgalayeen meelo badan oo mashruucu u gartay fulinta hawshaas haddana site-ka ugu weyn oo magacana laga qaatay, jasiiradda cusbada ee la sheegayaa waa XAAFUUN oo ka tirsan Gobolka Bari oo sida lagu sheego inay tahay halka laga helo kaydka adduunka ugu baaxadda weyn ee cusbada ama milixda taasoo sida la ogyahay tusaale ahaan qarnigan dhammaaday bilowgisii u dhoofinjirtay Hindiya cusbo aad u fara badan (Mauro Merosi; 1995).

Somalia Guji Halkan si aad u aragtid sawirka oo weyn.

Sida uu qabo Mr. Aldo Anghese oo ah nin la shaqeeya Hay'adda Sirdoonka Talyaaniga, Xaafuun waxyaalaha lagu doortay waxaa ka mid ahaa dabeecaddeeda juqraafiyeed: Waxay ku taal buu yiri meel lama degaana, dadka iyo duunyadubana ama ku yaryihiin ama aanay joogin.

Waa meel si dabiici ah go'doon u ah buu yiri oo xagga badda maahee aan berri looga iman karin (u fiirso khariiradda Soomaaliya halka Xaafuun ku taal). Waxyaalaha lagu doortay Xaafuun waxaa ka mid ahaa tiiyoo ay adagtahay xataa in xagga cirka laga arko xitaa haddii diyaarad lagu dulmaro. Si kastaba ha ahaatee, FC wuxuu xaqiijiyey in documents-kii gabagabada ee mashruucaas, lagu codsanayey in la aasaaso meelo qalcadaa (punti di osservazione) oo loogu talogalay ilaalada iyo dhisidda difaac adag oo xagga hawada ah ama "Air Defence Shield".

Meelaha kale ee Gobollada Woqooyi-Bari ka mid ah ee la sheegay in qashinkaas sanadihii sideetamaadyadii lagu qubay ayaa waxaa ka mid ah Caluula iyo Waddada u dhaxaysa Garoowe iyo Boossaaso (fiiri khariiradda sunta). 

FC wuxuu sheegay in meelaha kale ee mashruucan ka mida ay ku jirto meel ku taal woqooyiga Hobyo (Mudug) oo magaalada u jirta 10km xeebtana 5km. Suxufiyiinta FC oo maray dhammaan Somalia (laga bilaabo Hargeysa ilaa Kismanyo) dhammaadkii sannadkii 1998-kii waxay diyaarad ku aadeen, siday sheegeen magaalada Hobyo si ay bal site-kan (goobtan) indhohooda ogu soo arkaan hase yeeshee waa u suuroobi weyday kaddib markii ninkii Pilot-ka ahaa baqdin awgeed diiday inuu halkaas ku dego. Sida ay qabaan site-kan Hobyood oo ay ku jirto sun aad halis u ah iyo qaar waliba radioactive ah waxaa ilaaliya ciidan Ajnabi ah. Waliba intii hadda (1998) hal sanaa si aada ayaa loo ilaaliyaa buu yiri ninkii suxufiyiintaas waday waana nala soo ridayaa (anti-air) haddaan dulmarro.

Akhri Bogga Xiga....

Qore: Bashir Sh. Mohamed
PhD / Researcher
Email: shakiib@hotmail.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD