SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND


Safarka Cabdullaahi Yuusuf ee Puntland Qoraaladii ay ka Qoreen Warbaahinta Puntland

Qoraaladdii Warbaahinta Hoos tagta DGPL Qoraaladii Warbaahinta ka madax bannaan DGPL

Warbaahinta sida tooska ah u hoos tagta wasiirada Puntland ama madaxtooyada Cadde Muuse....


SBC waxay qortay::

Cabdullaahi Yuusuf oo si weyn loogu soo dhoweeyey Garoowe

Garoowe - 16.July.2006 Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd
ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kadib markii ay ku soo hakadeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka kooban in ka badan soddon xubnood oo isugu jira golayaasha dawladda iyo xubno kale, ayaa maanta ka soo kicitimay fariisinka dawladda ee magaalada Baydhabo.

Wafdigan ayaa waxaa magaalada Garoowe si weyn ugu soo dhoweeyey madaxda sarsare ee dawlad goboleedka Puntland oo aan iyagu u kala harin sida madaxweynaha, kuxigeenka iyo labada gole, iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Garoowe oo ay ka dhex muuqdeen qaybkaa kala duwan ee ururada bulshada rayidka ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku hakaday tuulada 22-aad ee Bariga magaalada Garoowe inta aanay magaalada soo gaarin waxana ay halkaasi ku salaameen dadweynaha ku dhaqan halkaas.

Ciidamada taraafikada iyo kuwa kale ee ammaanka ayaa meel kasta la dhigay iyada oo waddooyinka dhinacyadooda lagu arki karayey dadweyne aad u fara badan oo caleemo qoyan iyo calamo lulaya.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa iminka loo gelbiyey madaxtooyada magaalada Garoowe, halkaas oo ay haatan ku sugan yihiin.

Isha:sbc


Horseed waxay qortay::

C/laahi Yusuf iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garowe
2006-07-16

Garowe:- Wafdi ballaaran oo uu horkacayo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa
maanta ka soo degay garoonka diyaarada ee konoco ee magaalada Garowe.

Wafdigan ayaa waxa si aad ah u soo dhoweeyey Golaha xukuumada oo uu horkacayaan Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, Golaha Wakiilada, Issimo, Aqoonyahano, mamulka gobolka Nugaalka ururada gobolka Nugaald oo tira badan.

Intaasi ka dib ayaa waxa Madaxweynaha iyo wefdigiisu nasasho ay ku qaateen xarunta Madaxtooyada ee DGPL.

Safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa waxa ku weheliyey ilaa 20 xubnood oo ay ku jiraan wasiiro, wasiiro ku xigeeno, saraakiil iyo weliba xildhibaano.

Hadaba ujeedada ayaa ah inuu ka qayb galo Madaxweynha Dowladda Federaalka mudane C/laahi Yusuf Axmed wada hadalka ay yeelanaya shirkada macdan iyo shidaalka ka soo saari doonta Puntland iyo arrimo kale oo badan.


Isha: Horseed

 

Warbaahinta ka maadax bannaan Dowlad Goboleedka Puntland....


Garooweonline waxay qortay:

Cabdulahi Yusuf oo ka dagey Magaalada Garowe

2006 Jul 16 - 05:16:   Wafdiga Madaxwanaha DFKMG ah ayaa ka kooban 36 Xubnood Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya Mudane, Cabdulaahi Yuusuf Axmed, iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa saacado ka hor ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Gaalkacyo.

Wafdigan oo ka kooban ugu yaraan 36 Xubnood ayaa waxa ka mid ah Wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Maxamad Caydiid, Wasiirka Warfaafinta, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed iyo Xubno kale oo ka tirsan Labada Gole ee Dawlada ayaa markii ay ka soo degaan Garoonka Diyaaradaha waxay booqdeen Guriga Islaanka oo ay kulan gaaban la yeesheen.

Sidoo kale wafdigan ayaa waxaa la socda mid ka mid ah hogaamiye Koxeedyadii looga awood roonaaday Dagaladii Muqdisho Cabdi Qaybdiid.

Wafdiga Madaxwayne Cabdulahi ayaa saacado kadib u duuley magaalo madaxda DGPL ee Garowe.

Madaxwaynaha DFKMG ah iyo xubnaha labada gole ee weheliyay ayaa waxa Garoonka Connoco ku soo dhoweeyay xubnaha MGPL oo uu horkacayo Madaxwayne Cade Muse iyo dadwaynaha magalada Garowe.

Wafdigan ayaa sida ay caadadu aheyd waxa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada DGPL halkaas oo ay kula hadleen saxaafada.

Madaxwayne Cade Muse ayaa wafdiga ku soo dhoweeyay Puntland isla markaana sheegey in ay iyagu casumaada u fidiyeen Madaxwaynaha DFKMG ah iyo xubnaha dowladiisa.

Cade Muse ayaa sheegey in ay labada dhinac ka yeelanayaan wada xajood arrimo khuseeya shidaalka iyo khayraadka isla markaana ay wada tashi ka sameynayaan arrimo badan oo u baahan saxitaan .

Isha: GaroweOnline


Puntlandpost waxay qortay:

GAROOWE : M/wayne Yuusuf oo Goor-dhawayd Garoowe si wayn loogu soo dhaweeyay
Jul 16, 2006

Garoowe:-C/laahi Yuusuf Axmed M/waynaha DFKS ayaa goordhawayd ka soo dagay garonka diyaaradaha Kanooko ee Garoowe , waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta DG Puntland oo uu hogaaminayo Cadde Muuse M/waynaha Puntland iyo dadwayne aad u badan.

C/laahi Yuusuf iyo xubno ka tisan 2-da Gole ee DFKS oo uu ka mid yahay Xassan Abshir Faarax Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda , Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ,ayaa markii uu soo gaaray Madaxtooyada Puntland , waxaa hadalo kooban oo soo dhawayna halkaasi ka jeediyay Guddoomiyaha gobolka Nugaal C/laahi Ciise Axmed wuxuuna shegay in Masuuliyiinta DFKS uu si diiran ugu soo dhawaynayo gobolka.

Xassan Abshir Faarax Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda ee DFKS oo uu wakiishay C/laahi Yuusuf in uu hadlo dhankooda , ayaa u mahadnaqay soo dhawaynta qiimaha badan ee shacabka reer Puntalnd ay ku soo dhaweeyeen Caasumada Puntland ee Garoowe , wuxuuna sheegay in ay iminka daalan yihiin balse wixii wara la kala heli doono.

Cadde Muuse Xirsi M/waynaha DG Puntland , ayaa sheegay in ay iyaku C/laahi Yuusuf ay casumeen , Caasumaadooduna ay la xiriirto in ay ka wadahadlaan arimo u baahan sixitaan oo la ku kala dhexjira DFKS iyo Puntland oo ku aadan dhinaca Macdanta iyo khayraadka Puntland.

Wuxuuna sheegay , in ay la tashi uga baahdeen yihiin C/laahi Yuusuf wax dhibaato ahna aysan jirin dhexdooda , balse ay u wadahadlayaan DFKS iyo Puntland.

Isha: Puntlandpost


Laasqoray waxay qortay:

Madaxweynaha DFGM C/laahi Yusuf Axmed oo soo gaarey Puntland goor dhoweydna kasoo degey Garowe

Garowe: July 16, 2006:- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliye Mudane Cabdullahi Axmed Yusuf ayaa safar ku yimi Dowlada Goboleedka Puntland iyadoo wararkii ugu danbeeyey ay sheegayaan in goor dhoweyd oo aan sidaa u fogeyn in Mudane Yusuf uu kasoo degey garoonka diyaaradaha ee Caasimada Garowe.

Madaxweyne Yusuf ayaa la sugayey in maalmahan uu soo gaaro Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya lana xaajoodo Maamulkaas oo uu asal ahaan kasoo jeedo isagu.

Saaka ayay ahayd markii uu Madaxweyne Yusuf kasoo degey gegeda diyaaradaha ee Gaalkacayo iyadoo ay weheliyaan wefdi sare oo kor u dhaafey 35 xubnood waxaana wufuudaas ka mid ahaa wasiirka arimaha gudaha Xuseen Caydiid, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku magac dheer Madoobe, wasiirka warfaafinta Maareeye iyo ninkii laga soo adkaadey ee Col: Cabdi Qeybdiid.

Madaxweyne Cabdulahi Yusuf waxaa uu ka yimi Baydhabo oo u ah xarun fariisineed Dowladiisa itaalka daran iyadoo maalmahan ay soo bexeen khilaaf aad u weyn oo Shariifka Baarlamaanka uu hadalo ka dhan ah ka sheegey Mudane Yusuf oo si kulul u weerarey Maxaakimta Islaamiga.

Tafaasiir badan ayaa laga bixiyey tegi taanka Madaxweyne Yuusuf Gobolada Puntland iyadoo la sheegayo inuu halkaa u tegey si taageero buuxda uga helo Maamul goboleedka Puntland .

Laakiinse dadku waxay is weydiinayaan Maamulka Puntland hada ka taagan wax mucaawino ah masiinkaaraan DFK sababtoo ah isaga ayaaba liita oo dhutinaya iyadoo maamulkii Bah wadaag uu noqdey mid Beeleed ama taladiisu ay luntay.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Imaanshaha Madaxweyne Yusuf oo ku yimi Puntland isagoo daadihinayaa ina Qaybdiid ay ku tusineyso in qorsheyn dagaal lagu talo jiro.

Madaxweyne Yusuf ayaa lagu wadaa inuu maalmahan ku sugnaado Gobolada Puntland ee Maamulkiisu liito.

Isha: Laasqoray

Safarka C/Laahi Yuusuf oo la xiriira sidii shirkadda Range Resources ay u heli lahayd Saxiixa Madaxweynaha DFKMG...AKHRI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD