SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


 Terry iyo Sh. Cabdallahii Qarnigii 19aad

F. Ali Maestro
javamaestro1@gmail.com

 Bismillah,

Salaan kaddib, waxaan aad ula yaabanahay dunida weli heerka la kala marayo, iyo weli sidayan dadyow ay somalidu ku jirto ayan wax haba yaraatee isbeddel la taaban karo u samayn labadii qarni ee la soo dhaafay marka laga eego dhinaca maamulka.

Madaxweynaha oo Safarkiisa uu_ku weheliyo Terry.. Guji

waxay ahayd awaakhirkii 1800-ladii markii nin ingiriis ah oo la baxay sheekh cabdalla uu seylac muddo saddex sano ah imaam ka ahaa isagoo sahan u ahaa ingiriiska, xilligaas waa loo garaabi karay dadkii joogay, oo helidda akhbaarta oo ku adkeyd, iyo nin quraan dareerinaya ayaa isugu darsamay, waxaanse marnaba garwshiiyo lahayn xilligan wax walba oo macluumaad ah ay sahlan yihiin helitaankoodu sida dadka loo indha saabi karo.

waxaan aad u raad raacay oo aan isku mashquuliyay inaan ogaado qisooyinka heshiisyada Puntland iyo sheekooyinka illaa sannadkii hore dhammadkiisiii socday ee XAFZA, iyo tan kaba sii daran ee concort.

helidda xogta HAFZA waxay igu qaadatay ilbiriqsiyo, inkastoo haatan akhbaarta shirkaddu ay ka duwan tahay taan ka helay sannad kaddib oo markaas waxay ahayd mid jarmalka ka sajilan, saldhiggeduna yahay matraykanka, hase yeeshee bal guji xiriirintan hoose,bogga soo baxanna meeshiisa maran ku qor hafza.com http://hafza.com, macluumaadkaad helayso iyo kii aan sannad ka hor hayay waa kala laba.

http://www.networksolutions.com/whois/index.jhtml sababtu waxay noqon kartaa: 1-markii horaba shirkaddu waxay ahayd garab rarato, aan iska bixin karin karin banka internetka oo aan sannad ijaarka ama kirada u bixisa (xaafuunna dabaqyo ayay ka dhisaysaa).

2-akhbaartii hore iyo tan haatanba waxay muujinayaan inayan bixin karin kiro sannad ka badan oo ay ku xajistaan banka internetka. 3-Haatan waa Australia, waxaana soo baxaya shakiga ah maxa ka dhexeeya Hasza iyo heshiiska shirkadda cusub ee concort.

Waxa ay xubinnimada aan ka mid ahay dadka bixiya khidmadda ku taxnaanta buuga ugu weyn dunida ee sajela shirkadaha ay ii shashay inaan bal dhex dabaasho shirkadaha gebi ahaanba ka jira dunida horumartay, nasiib wanaagse qof kasta oo raba inuu helo macluumaadka shirkaddan baaraysa macdanaha (waa siday yiraahdeene) uma baaha inuu ku taxan yahay buuggaas xitaa qaybtiisa online-ka ah si sahal ah ayuu u heli karaa, bal raac xirikan (link) hoose oo meesha sea ku qoran tahay geli concort, concord, concert, consort ama magac kastoo lagu sheegaba, gaar ahaana dooro Region-ka meesheeda Australia, http://www1.kompass.com/kinl/index.php  waa mustaxiil inaad hesho shirkad magacaas leh, xitaa dunidoo dhan, waad heli kartaa CONCERT mihnaddeedu tahay ruwaayadaha iyo xafladaha. waxaan dheereyey maqaalka oon ugu tala galay inuu fahmo qof kastoo soomali ah aqoontiisa komputarkuna wax uun ka adeegsan kara. waxaase kuu soo baxaysa in sheekh cabdalla labaad laba qarni kaddib soo baxay, ama in wax aynaan ogayn ay qarsoon yihiin.

F. Ali Maestro
javamaestro1@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11,2005


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD