SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Faysal Axmed Yuusuf oo Ka Hadlay Xaaladda Majayahan

Warsigii idaacda Australia halkan ka dhegeyso..

Faysal Axmed oo ka mid ah odayaasha gobolka Sanaag ayaa ka hadlay xaalada Majayahan halkaas oo DGPL ay keentay shirkad sheegatay in ay Australian tahay si ay uga baarto "macdan".  Faysal Axmed oo jooga magaalada Dubai oo Arbaca April 5, 3006 u waramayey Idaacada Australia (SBS) ka dhegeyso halkan...

###

Baaq Nabadeed oo ku wajahan Madaxda Sare ee Maamul Goboleedka Puntland... AKHRI... (PDF) | April 6, 2006.


 

Caasha Axmed Cabdala “Cadde Muuse ayaa heshiis la soo galay Shirkado Maafiyo ah.

SomaliTalk.com | April 5, 2006

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdla ayaa si aad ah uga hadashay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Majiyahan ee Gobalka Sanaag kaasoo u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada maamul Gobaleedka Puntland kaddib markii dadka deegaanku ay diideen in halkaas wax shidaal ah laga qodo ama macaadin lag abaaro, waxa ayna sheegtay  Caasha Axmed Cabdala in tii wixii ka dhacay deegaankasi uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Cadde Muuse, waxay kalloo sheegtay in Cadde Muuse uu heshiis la soo galay shirkad si aad ah looga yaqaano oo ay ku tilmaantay in ay tahay Maafiyo kuna shaqeysata Musuq maasuq iyo wax is daba marin.

“Shirkaddu ma ahan Australian ee waa mid ku gabaneysa magacaasi, ee waa shirkad laga leeyahy wadanka Lubnaan oo soo xaalufisay dhamaan qaaradda Afrika iyo Qaaradda Aasiya” ayay tiri  Caasha Axmed Cabdala oo u soo jeediysay shacabka reer Majayahan in ay iska difaacaan kooxahaas burcadda ah oo doonaya in ay dhacaan hantidooda ma guurtada ah. 

Caasha waxay kalloo sheegtay in Cadde Muuse  uu yahay ninka dhibaatada ku haya shacabka Puntland, waxayna u soo jeedisay Cadde Muuse in uu faraha kala baxo arrimahaasi oo ah arrimo ay lahayd Dowladda Soomaaliyeed. 

Sidoo kale Cawad Axmed Cashara ayaa isna waxa uu sheegay in wixii dhibaato ah oo ka dhacay deegaanka Majayahan  uu mas’uuliyadeeda leeyahay Cadde Muuse waxa uuna u soo jeediyay inuu deg deg shirkaddaasi uga saaro Gobalada Puntland. Cawad waxa uu sheegay in caalamka ay ku jiraan shirkado aan sharciyeysan oo heshiisyo qarsoodi ah la gala shaqsiyaad aan aqoon sharciga lagu heshiiyo shirkadaha, isoo sheegay in loo baahan yahay mar kasta in la feejignaado shirkadahaasi burcadda ah oo caalamka sida weyn looga yaqaano doonayana in ay ka faa’iideystaan dowlad la’aanta ka jirta  Soomaaliya. 

Xaaladda deeganka Majiyahan oo shalay Degeneyd...

SomaliTalk.com | April 5, 2006

Wararka ka imaanaya Gobalka Bari waxay sheegayaan in deegaanka Majiyahan oo doraad ay ka dhaceen dagaalo u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamo ka socday Maamul Gobaleedka Puntland uuna dagaalkaasi ka dhashay kaddib markii shirkad sheegata Australian halkaas ka bilwoday in ay ka baarto shidaal iyo macaadin, taasoo ay si aad ah uga caroodeen dadka deegaanka oo sheegay in aan waxba lagala socodsiin.

Deegaankaas ayaa shalay ku baxay Odoyaal ka kala yimid gobalada Bari iyo Sanaag ayaa waxay lagu guuleystay in marka hore la joojiyo baarista macdanta, isla markaana laga wada hadlo waxa dagaalka dhaliyay iyo dadkii ku geeryoodya.

Dadka deegaanka ayaa waxay codsadeen in marka hore halkaasi laga saaro dhamaan ciidamada Puntland dibna loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen, hase  yeeshee maamul gobaleedka Puntland waxa uu sheegay in halkaasi ciidamada loogu diray si ay u ilaaliyaan shaqaalaha shirkadda oo iyagu wada baaritaan dhinaca shidaalka ah ama macdanta, waxa uuna maamulku sheegay in baaritaanku marka uu dhamaado ay heshiis la gali doonaan dadka deegaanka si loo soo saaro macdanta (ama shidaalka). 

Deegaanka Majayahan oo uu ka Dhacay dagaal u Dhexeeyay Ciidamada Puntland iyo…

SomaliTalk.com | April 4, 2006

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Majayaan ee Gobalka Bari ee Maamul gobaleedka Puntland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka dhaceen iska hor imaad dhex maray ciidamo ka socday maamul Gobaleedka Puntland iyo dad ku sugnaa deegaankasi.

Iska hor imaadkaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan labo katirsan ciidamada maamulka Puntland, iyo ugu yaraan shan dhaawac ah, waxaana la sheegay in maamulka laga gubey hal gaari, waxa uuna iska hor imaadkaani ka dhashay markii maamul Gobaleedka Puntland uu halkaasi ka bilaabay macdan baaris oo uu u xilsaaray shirkad la sheegay in ay tahay Australian.

Xiisadda halkaasi ka taagan ayaa dhacday ayadoo maalmahan la wadey waanwaan, waxaase la sheegay in ay arrinta sii cakirtey markii halkaasi ay ku baxeen ciidamo ka socda Maamul Gobaleedka  Puntland si ay gacan u siiyaan ciidamada kale ee halkaasi horey ugu sugnaa.

Amiin Yuusuf | Muqdisho



Axmed Cawed Casharo

Jeneral Cadde muuse xirsi

Xildhibaan Casharo oo ka Hadlay Muranka "Shirkadaha Macdanta" ee ka Taagan Puntland...

Madaxweynaha Puntland haka soo Dego Faraska Cad ee uu ku joogo..."

March 23, 2006

Madaxweynaha DGPL oo u ambabaxay Dalka Yemen...

Boosaaso: Waxaa Arbacadii dalka Yemen u ambabaxay madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, waxana uu ka duulay garoonka diyaaradaha ee magalada Boosaaso.

Lama faahfaahin ujeedada Safarka Yemen ee xilligan iyadoo Puntland ay hadda ka jiraan xaalado muran oo la xiriira Shirkad asalkeeda ka diiwaan gashan Jasiirada Maldvis, laakiin sheegata in ay tahay Australian, taas oo rabta in ay Macdan ka qotado Puntland. Arrintaas oo aysan Dawlada Dhexe iyo DGPL isku waafaqsanayn, isla mar ahaantasna aan Baarlamaanka Puntland xeer ka soo saarin.

Idaacad ka hadasha Dalka Australia oo la yiraado SBS ayaa Arbacadii arrinta shirkadaas iyo xaalada Puntland waraysi kala yeelatay Xildhibaan Axmed Cawed Casharo oo Jooga Baydhabo.

Waraysigaas waxa uu Casharo kaga hadlay shirkada sheegata in ay tahay Australia, laakiin ka diiwaan Gashan Jasiirada Maldavis, taas oo uu ku tilmaamay shirkad cashuur ka carar ah.

Cawed Casharo waxa uu muujiyey sida uu walaaca uga qabo shirkadaas ay wataan maamulka DGPL. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu u garab dhiibiyey oo uu maqli waayey oo uu labaatan Tekniko ah geeyey halkaan. Waxana uu Casharo sheegay in sharcigu uu dhigayo in arrin dawlada dhexe ay sharci u leedahay in aan Dawlad Goboleedku geli karin. Waxana uu intaas ku daray in shariikadaas la siiyey Puntland oo dhan aysan ahayn shirkad jirta, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay shirkad u dhaqmeysa sidii burcadii. Waxana uu digniin cad siiyey shirkadaas si ay uga laabtan Puntland.

Xildhiban Casharo waxa uu baq u diray Dawlada Australia, Suuqa Ganacsiga Austria iyo Jaaliyada Soomaaliyeed sidii arrintaas wax looga qaban lahaa. Waxana uu sheegay in barlamaanka Dawlada Dhexe ay soo wadaan qorshe ama Mooshan looga hadli doono xaalada iyo arrimaha ka jira Puntland.

"Dibitaatiyasha (Xildhibaanada) ayaan la hadleynaa, Wasiirada ayaan la hadleynaa, Madaxwene ku xigeenka ayaan la hadleynaa si loogu caqli celiyo Maxaxweynaha Puntland (Cadde Muuse), faraska cad ee uu ku joogona ka soo dego, Gartona dantu in ay ku jirto nabad iyo xasiloonaan in meeshaas laga helo." ayuu yiri Xildhibaan Casharo.

Waraysigaas oo uu qaaday Ciise Maxamuud Dhoolawaa (Australia SBS) Halkan dhegeyso


Idaacad Australia oo Wasiiro ka Tirsan Puntland ka Waraysatay Muranka ka Taagan Macdanta Majayahan
Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade iyo wasiir Cali Buureed oo ka hadlay arimaha Majayahan... Halkan ka Dhegeyso...

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2006

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD